Dagaalka Shabaab oo bishii sideedaad galay iyo xasuusta xagaagii 2016 (Warbixin)

1
Monday February 06, 2023 - 12:40:09 in Wararka by
  • Visits: 700
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Shabaab oo bishii sideedaad galay iyo xasuusta xagaagii 2016 (Warbixin)

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dagaalka socda ayaa waxa uu galay bishii siddeedaad, waxayna dowladda federaalka isku diyaarineysa inay furimo cusub ka furto Koonfurta Soomaaliya, sida uu ku dhawaaqay wasiirka difaaca.

Ismaaciil ayaa waxa uu sheegay in dagaalkan siddeed billood jirsaday uu soo ifbixiyay daciifnimada kooxda Al-Shabaab oo sanado badan ka talineysay qeybo badan oo Soomaaliya.

"Tan iyo markii uu billowday duullaanka dowladdu ay ku taageerayso shacabka deegaanka, kuwaasi oo qaati ka taagan cadaadiska kooxda, waxay Al-Shabaab luminaysay deegaano iyo tuulooyin ay horay uga sugnaayeen gobolada dhexe,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, waxaa jira aragtiyo ay qabaan dadka qaar oo ah in Shabaab ay soo gaartay marxalad lamid ah tii 2006-dii lagu jabiyay maxkamadihii Islaamiga ee haystay Muqdisho iyo deegaano kale.

Maxkamadaha ayaa xilligaasi muddo bil ah lagu jabiyay, ayada oo ciidamadii ka tirsanaa dowladii KMG ahayd ay taageero ka helayeen ciidamada Itoobiya.

Haddii dib u gurashada kooxda Al-Shabaab ay sii socota, ma ahan markii ugu horeysay oo maqaamka kooxaha argagixisada Soomaaliya ay soo gaarto guul-darooyin dhowr ah, balse mida macnaha sameynaysa ayaa ah in dagaalka socda ay libtiisa u weyn leeyihiin Soomaalida.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan si shaacsan u sheegay in guusha laga gaaray dagaalka socda ay gaareen Soomaali oo kaliya.

 

"Waxa ugu muhiimsan ee guusha dhadhanka la sii-leedahay Soomaali kaligeed ayaa gaartay, dadka saaxiibada ah ee Afrika iyo Caalamka ka socda ee inoo yimid wax badan ayay soo dadaaleen laakiin howshaan anaga u xayd-xaydaney oo mushtamicii oo dhan ayaa u istaagay, inta dhiman Insha-Allah waxay ku imaan doonta intaas oo lasii xoojiyo oo la isku duubnaado,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in markii hore ee dagaalka Shabaab ay bilaabayeen aysan ku qanacsaneyn bulshada Soomaaliyeed qaarkood iyo beesha caalamka, oo iyagu markii dambe ku qancay in la iska dhicin karo kooxdan.

"Waa tabar yarnahay oo dowladd yab-yab ah oo tallaabo barad ah waaye laakiin tabar yaraantu ma ahan waxa maadiga ah ee waa qalbiga, haddaadan Caqiidada iyo Caqliga ka tabar-yareyn qof ka xoogan adduunka majiro. Laakiin marka qalbiga daciif ka noqoto markaas ayaa daciif tahay sikasta oo qalab waaweyn iyo xoola badan u leedahay daciif ayaa tahay.”

 

 

Xasan Sheekh Maxamuud oo tallada dalka dib ugu soo laabtay 15-kii May ee 2022 ayaa wuxuu ku dhiiraday ku dhawaaqista dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu dadaal badan ku bixiyay in kooxda lala galo dagaal fikri ah, ayada oo dhawaan ay culimada Soomaaliyeedsoo saareen go’aano ay ugu weyn tahay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu yahay "Jihaad”, islamarkaana qofkii ku dhintaa uu yahay "Shahiid”.

Warbixin: Maxaa laga bartay dagaalka Al-Shabaab? Shan Qodob oo muhiim ah | dayniiile.com
XIGASHO:-CAASIMADDA.NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip