Kooxdee ayuu funaanaddeeda soo xiran doonaa ninka la haray xulalkii ugu awoodda badnaa Koobka Adduunka?

0
Wednesday December 14, 2022 - 23:56:51 in Wararka by
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxdee ayuu funaanaddeeda soo xiran doonaa ninka la haray xulalkii ugu awoodda badnaa Koobka Adduunka?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

XIGASHADA SAWIRKA,MOHAMMED AL HAJRI/INSTAGRAM

MOHAMMED AL HAJRI

Taageerayaasha xulka qaranka Morocco ee dunida ayaa sugaya natiijada kasoo bixi doonta ciyaarta nus dhammaadka ah ee caawa dhex mari doonta Morocco iyo Faransiiska, maadaama ay taariikh cusub dhici doonto haddii ay u gudbaan kama dambeysta.

Guud ahaan dadka daawada tartanka Koobka Adduunka ee ka socda Qadar ayaa saadaal kala duwan ka bixinaya kulanka xiisaha badan ee la sugayo caawa.

Hase yeeshee dad badan ayaa aaminsan in arrintu aysan saadaal keliya ekeyn marka uu go’aan qaato ninka loo yaqaanno "Nasiib xume” oo caan ku noqday in kooxda uu funaanaddeeda soo xirto laga guuleysto.

Maxamed Al-Hajri, oo ku magac dheer Mjomba, balse hadda lagu naaneyso "Jinx” oo micnaheedu yahay qofka nasiibka xun wata, ayaa dhowr jeer kasoo muuqday garoomada isagoo xiran funaanadda mid ka mid ah kooxaha xilligaas ciyaaraya, mar walbana waxaa guul darreysta kooxda uu dharkeeda kusoo labisto.

Kulankii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka ayuu garoonka ku tagay funaanadda iyo calanka xulka qaranka ee Qadar, waxaana ay ciyaartaas guul darro kasoo gaartay Qadar oo la hardameysay xulka Qaranka Ecuador.

MOHAMMED AL HAJRI

XIGASHADA SAWIRKA,MOHAMMED AL HAJRI/INSTAGRAM

Hadal-heyntii ugu weyneyd ayaa ka dhalatay tallaabada uu qaaday Mjomba ka dib markii uu funaanadda xulka Argentina soo xirtay xilli ay wada ciyaarayeen Sacuudiga iyo Argentina, halkaasna looga adkaaday kooxda uu dharkeeda xirnaa.

Kooxaha kale ee uu Mjomba la haray waxaa ka mid ah Brazil oo tan iyo billowgii tartanka loo saadaalinayay in ay ugu dambeyn ku guuleysan doonaan Koobka.

Sidoo kale waxa uu dad badan ka yaabsaday markii uu soo xirtay funaanadaha xulalka Spain iyo Boortaqiiska, oo labadaba ay si lama filaan guul darro ugala kulmay xulka Morocco.

Waa kuma Maxamed Al-Hajri (Mjomba)?

MOHAMMED AL HAJRI

XIGASHADA SAWIRKA,MOHAMMED AL HAJRI/INSTAGRAM

Waa majaajiliiste u dhashay waddanka Cumaan, waxaana loo arkaa xilligan inuu ka mid yahay dadka ugu saameynta badan dhinaca baraha bulshada.

Taageerayaasha kubbadda cagta ayaa aad u jecel in ay la kulmaan si ay uga codsadaan in uu taageero kooxo ay jeclaan lahaayeen in laga reebo tartanka. Waxaase aad loo sugaa dharka uu soo xirto.

Mjomba ayaa bogaggiisa baraha bulshada, sida Instagram iyo Twitter kusoo bandhiga sawirrada kooxaha uu taageerayo ee mar walbana laga guuleysto.

Ciyaartii ugu dambeysay ee xalay dhex martay xulalka Argentina iyo Croatia ayuu ku yimid funaanadda xulka qaranka Croatia, taasoo natiijadeeda ay noqotay sidii ay ka baqayeen dadkii la kulmay isaga ama arkay sawirkiisa.

Kooxda Argentina ayaa guul darro 3-0 ah dhabarka u saarisay Croatia oo sidaas ku weysay rajadeedii ahayd in ay markii labaad oo isku xigta gaarto ciyaarta dama dambeysta ah ee Koobka Adduunka.

Ciyaarta caawa ee Morocco iyo Faransiiska

Taageerayaasha Morocco ayaa rajeynaya in Mjomba uu caawa kusoo labisto funaanadda qaranka Morocco, sidii uu sameeyay labadii jeer ee ay la kulmeen Spain iyo Boortaqiiska. Laakiin arrintaas cidna ma dammaanad qaadi karto dabcan.

Tan iyo xalay waxaa baraha bulshada lagu hadal hayay muuqaal laga arkayo nin taageere ah oo Mjobma ka codsanaya in uu soo xirto funaannada kooxda Faransiiska.

Ka bood Twitter boggan
Qoraalka Muuqaalka,Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka Twitter boggan

Achraf Ben Ayad oo ka mid ah dadka saameynta ku leh baraha bulshada ayaa laga arkayaa muuqaalkan isagoo uga codsanaya Mjomba ka codsanaya in uu caawa soo xirto funaanadda Faransiiska, taasoo uu sheegay in uu xitaa lacagteeda siiyay si uu usoo iibsado.

Waxa uu sidoo kale ka codsaday in uu Axaddana soo xirto funaanadda Argentina.

Si kastoo ay ahaataba, haddii Morocco ay caawa sameyso mucjiso kale, tartankana ka reebto Faransiiska weli waxaa hortaagan xulka Argentina.

Balse tallaabo kasta oo ay horay usii qaadaan waxay soo dhaweyneysaa rumeynta saadaashii uu horay halyeyga Kubbadda Cagta Brazil, Pele ku sheegay in koox ka socota Africa ay Koobka Adduunka ku guuleysan doonto ka hor inta aan la gaarin sanadka 2000, inkastoo ay sii raaceen dhowr 22 sano.

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip