Ashraf Xakiimi, sheekada laacibka ay hooyadii nolosha adag ku soo korisay ee malaayiinta qof dhexdooda ku dhunkaday

0
Monday November 28, 2022 - 17:11:09 in Wararka by
  • Visits: 452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ashraf Xakiimi, sheekada laacibka ay hooyadii nolosha adag ku soo korisay ee malaayiinta qof dhexdooda ku dhunkaday

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xitaa iyadoo Morocco ay 2-0 kaga badisay Belgium-ka, haddana daafacooda Achraf Hakimi, oo PSG ka garab ciyaarayay Leo Messi, ayaa geesta u cararay ka dib guushooda si uu ula kulmo hooyadiis oo xirneyd calanka Morocco.

Dhabanka ayay ka dhunkatay, isna wuxuu ka dhunkaday wejiga. Funaanadda ayuu iska siibay oo uu siiyay. Sawirkaas dareenka leh ayaa qabsaday guud ahaan baraha bulshada ee caalamka.

Labo gool oo ay kala dhaliyeen Abdelhamid Sabiri iyo Zakaria Aboukhlal qeybtii labaad ayaa u sahashay Atlas Lions inay gaaraan guusha.

Guushan ayaa dhalisay dabaal dagyo aan caadi ahayn oo ka dhacay tarabuunka garoonka Al Thumama oo ay isugu soo baxeen kumannaan taageereyaal ah oo reer Morocco ah.

Laakiin sababta waxaa ka dambeysa sheeko taabanaysa quluubta dad badan. Saida Mou, oo ah Ashraf hooyadii, ayaa waxay nadiifin jirtay guryaha Spain si ay isugu daydo inay nolol wanaagsan u hesho wiilkeeda.

Ninkeeda waxa uu ahaa nin waddada wax ku iibiya laakiin kubadda cagta ayaa waxay beddeli doontaa noloshooda.

Xakiimi iyo hooyadiis

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Hakimi waxa uu guursan doonaa jilaa Isbaanish ah oo hibo leh, Hiba Abouk, oo labaduba ka soo muuqday bogga Vogue dhawr bilood oo keliya. Laakiin waxaas oo dhami waxay ka billowdeen jidadka saboolka ah ee Madrid.

"Hooyaday waxay nadiifin jirtay guryaha, aabbahayna waxa uu ahaa nin wax ku iibiya waddooyinka. Waxaan ka soo jeednaa qoys xishood badan oo u soo halgamay sidii ay nolol u heli lahaayeen. Maanta iyaga ayaan maalin walba u dagaallamaa. Naftooda ayay ii hureen. Waxyaabo badan ayay ii hureen si aan u guuleysto,” Achraf Hakimi ayaa sidaasi u sheegay barta Bundesliga.com.

Hakimi, oo ku dhashay Madrid, una ciyaari karay Spain, ayaa doortay inuu u ciyaaro Morocco.

Ashraf Xakimi waxa uu ka soo baxay machadka kubadda cagta ee Real Madrid ka hor inta aan amaah loogu dirin naadiga Borussia Dortmund. Halkaas ayuu hibadiisa kubadda cagta ku soo bandhigay ka dib laba sannadood oo uu joogay.

Ka dib Real ayaa ka iibisay naadiga Talyaaniga ka dhisan ee Inter Milan oo iyadana markii dambe ka iibisay PSG.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip