
HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 28-KA NOVEMBAR 2022-KA
ANWAR IBRAHIM oo kasoo jawaabay fariintii Xasan Sheekh
Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Malaysia Anwar Ibr ahim ayaa kasoo jawaabay fariintii hambalyada ehe yd ee uu u diray madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Ra’iisul Wasaare Anwar ayaa si doo kale sheegay in Malaysia ay dooneyso inay xoojiso xiriirka ka la dhaxeeya Soomaaliya, si loo xaqiijiyo horumarinta arrimaha faa’iidooyinka u leh labada dal.
"Md. Madaxweyne Xasan Sheekh waa ku mahad san tahay rajeyntaada wanaagsan. Malaysia waxay sidoo kale aad u danaynaysaa inay wanaajiso xiriirka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo gaaritaanka horummada faa’iidooyinka u ah labada dal ee walaalaha ah,” ayuu yiri.
Mr.Anwar Ibrahim ayaa Khamiistii loo dhaariyey ra’iisul wasaaraha Malaysia, kadib shan maalmood oo is-mari waa siyaasadeed uu ka taagnaa dalkaas, kadib markii doorashooyinkii baarlamaan uu xisbina ka heli waayey kuraas aqlabiyad ah ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal uu isla maalintaas soo saaray ku yiri "Waxaan hambalyo kal iyo laab ah ugu dirayaa Anwar ibrahim inuu noqday Ra’iisul Wasaarihii 10-aad ee Malaysia. Intii uu xilka hayo Anwar Ibrahim, Soomaaliya waxay rajaynaysaa inay xoojiso horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah ee dha mmaan dhinacyada faa’iidada noo wada leh.”
Noqshada Anwar ee ra’iisul wasaaraha ayaa soo afjartay mid ka mid ah doorashooyinkii ugu xamaas adda badnaa ee taariikhda Malaysia, kadib markii xi sbi-na uusan helin aqlabaiyad uu dowlad kusoo dhi so, markii ugu horreysay tan iyo xoriyaddii 1957.
Isaga oo ku ololeeyey farriin ka dhan ah musuq-maasuqa, isbaheysiga uu hoggaamiyo Anwar ee Pak atan Harapan ayaa ku guuleystay kuraasta ugu bad an ee doorashadii dhacday dhammaadka toddoba adkan, wuxuuna helay 82 kursi.
Hase yeeshee, wuxuu aad uga hoos maraya tira da loo baahnaa ee aqlabiyadda oo ah 112.
Si looga gudbo is-mari waaga, boqorka ayaa u yee ray Anwar iyo ra’iisul wasaarihii hore Muhyiddin Yas sin oo xisbigiisa Perikatan Nasional uu kaalinta laba ad ku galay 73 kursi. Hase yeeshee heshiis waa ay gaari waayeen.
Boqorka ayaa kadib kulan gaar ah la yeeshay xu bnaha kale ee boqortooyada kahor inta aan lagu dho waaqin in Anwar uu yahay ra’iisul wasaaraha.
Xilka ra’iisul wasaaraha ayaa Anwar, oo 75 jir ah, u ah dhammaadka 25 sano oo safar dheer ah.
Xamza oo maanta ballan-qaad cusub ka helay URURKA Midowga Yurub
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah xafiiskiisa kula yeeshay Danj iraha Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaa liya, Tiina Intelmann.
Xamza ayaa kal hadlay Tiina Intelmann xoojinta taakuleynta ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada arrimaha bini’aadani mada & horumarinta adeegyada muhiimka ah.
Sidookale waxaa kulanka lagu soo qaaday how lgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda dalka, siiba xasillinta deegaanada la xorreeyay ee ay la wareegtay dowladda, waxaana ra’iisul was aaruhu sheegay in deegaanadaas ay u baahan yihiin gurmad degdega. Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kal uga mahad-celiyey Ururka Midowga Yurub doorka uu ka qaato dowlad dhiska Soomaaliya iyo mashaarii cda horumarineed ee dalka.
Danjire Tiina oo madasha ka hadashay ayaa dha nkeeda u ballan-qaaday xukuumadda Danqaran ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza inay sii wadi doonto taageerada uu Midowga Yurub siiyo Soomaa liya, gaar ahaan taakuleynta dhinacyada kala duwan leh.Midowga Yurub ayaa ka mid ah Ururada waa weyn ee caalamiga ah, islamarkaana gacan siiya do wladda federaalka ah oo haatan dagaal adag kula jirto kooxda Al-Shabaab.
Si kastaba, ballan-qaadka loo sameeyey ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aadaya, xilli haatan dowlad da Soomaaliya ay taageeri u raadineyso howlgallada ka socdo dalka iyo sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada laga xoreeyey Al-Shabaab.
Xil wareejin ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya
Munaasibad Xil-wareejin ah oo ka dhacday xarun ta Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa xilka kula ka la wareegay Agaasimaha cusub ee Golaha Dhaqaa laha Qaranka ahna La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha u qaabilsan Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Aadam Hoosow iyo Agaasimihii hore Dr. Cali Ciise Cabdi.
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh oo furay mun aasibadaan ayaa bog aadiy ay shaqadii wax ku oolka ahayd ee ay qabteen xubni hii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka, isa ga oo u hambalyeeyay xu bnaha cusub ee Madaxwe ynuhu u magacaabay La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qaranka iyo Agaasimaha Guud ee Golaha Dr. Xasan Aadam Hoosow.
Xubnihii hore ee La-taliyayaasha Dhaqaalaha Qa ranka ayaa dhankooda soo dhaweeyay isbedelka cu sub, iyaga oo si qotodheer u faah-faahiyay shaqadii ay Qaranka u hayeen sanadihii la soo dhaafay, cilmi-baaristii ay sameeyeen iyo la-talintii ay dowladda ka siin jireen arrimaha mudnaanta u leh dardar-gelinta soo kabashada iyo koboca dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale waxay xubnaha cusub u rajeeyeen in ay si wanaagsan u gutaan xilkooda, iyagoo ballan-qaaday inay la garab istaagi doonaan wixii talo iyo taageero ah ee ay uga baahdaan.
Dr. Xasan Aadam Hoosow, Agaasimaha Guud ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ahna La-taliyaha Sa re ee Dhaqaalaha u qaabbilsan Madaxweynaha JFS Md. Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadal kooban munaasabadda ka jeediyay ayaa u mahad-celiyay xubnihii hore ee Golaha.
Agaasimaha cusub ayaa sidoo kale faah-faahiyay barnaamijyada u qorshaysan inay fuliyaan iyaga oo ka duulaya aragtida Madaxweynaha ee "Soomaali Isku Filnaatay” taasi oo ku salaysan sidii dalka dhaqaalihiisa loo kobcin lahaa, loona dardar-gelin lahaa hirgelinta qorshayaal iyo siyaasado dhaqaale oo la jaanqaadaya isbedellada casriga ah ee dhanka teknaloojiyadda.
Ugu dambayntii waxaa munaasibada Xil-wareejinta Golaha Dhaqaalaha Qaranka si rasmi ah u soo xiray Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka Soo maaliya Mudane Cilmi Nuur, isaga oo hoosta ka xar iiqay muhiimadda Goluhu u leeyahay Wasaaradda Maaliyadda iyo guud ahaan Qaranka.
Waxa uu dhankiisa ballan-qaaday in Wasaaraddiisu ay si dhaw ula shaqayn doonto Golaha, iyaga oo tix-gelin doona talooyinka waxtarka leh ee ay la wada agaan.
Wasiir Cilmi Nuur ayaa geba-gebadii munaasib adda si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay gudoonkii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu mete layay Dr. Aweys Sheekh iyo Agaasimaha cusub ee Golaha Dr. Xasan Aadam Hoosow.
Kulan Su’aalo Lagu Weydiiyay Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Oo Ka Dhacay Villa Hargeysa
Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 27/11/2022 Xarunta Guddiyadda ee Villa Hargeysa kulan kula yeeshay Was aaradda Qorsheyn ta, Maa lgashiga iyo Horumarinta Dhaqaal aha XFS ee uu hogaaminaayay Wasiirka.
Kulanka waxaa shir-guddoominaayey Gudd oomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BJFS Maxamed Faarax Nuux.
Ajendaha Kulanka ayaa waxaa uu ahaa la kulanka Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Mashaariicda ay fuliy een Hay’adda mudadii 4-Sanno aheyd ee la soo dhaafay .
Wasiirka, Wasiir ku xigeenka, Wasiiru dowlahaiyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa waxaa su’ aalo la xariiro shaqada Wasaaradda weydiiyay Xub naha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qor sha ynta Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’a daha Dowladda.
Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaa btanka Hay’adaha Dowladda ayaa uga mahadceliyey sida wanaagsaneyd ay Guddiga Maaliyadda ula socodsiiyeen Warbixinadii iyo su’aalihii la weydiiyey.
Rasaas weli laga maqlayo Hoteelka Villa Rosa iyo howlgal culus oo socdo
Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya wee rar in ka badan xalay ilaa saakay walika dhex dha cay gudaha hoteel Villa Rossa oo ay ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shab aab ku qaadeen dhismaha Hoteelka Villa Rosa oo ku yaalla inta u dhaxeysa Tiyaatarka Qaranka iyo godka Jilicow ee xayn-daabka madaxtooyada.
Weerarka ayaa weli socdo, waxaana rasaas laga maqlayaa dhismaha Hoteelka la weeraray oo ku yaallo meel amnigeeda, si weyn loo ilaaliyo, kuna dhow xarunta Villa Soomaaliya.
Ciidamada ammaanka ee dowladda oo isku day aya inay soo afjaraan weerarka ayaa haatan howlgal culus ka wada Hoteelka Villa Rosa oo ay gudaha u galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, kadib laba qarax oo lagu dhuftay albaabka hore ee dhismahan oo ay daganaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, sida wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.
Dowladda Soomaaliya welo kama hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkan saacadaha qaatay ee ay she egatay kooxda Al-Shabaab oo maalmihii u dambe eyey kordhisay wee rarada ay ka fuliso gudaha caa simada.
Booliiska ayaase shaa ca ka qaaday in dad bad an oo iskuugu jira rayid iyo mas’uuliyiin laga soo bad baa diyey weerarka Villa Rosa.
Dhinaca kale warar ay tebisay warbaahinta gud aha qaarkeed ayaa sheegaya in wasiirka amiga So omaaliya Axmed Doodishe uu ka mid yahay dadka ku dhaawacmay weerarkaan, balse weli si rasmi ah looma xaqiijin karo.
Hadal-heyn ka dhalatay diyaarad gargaar sidda oo ay Kenya u dirtay Soomaaliya Xaaladda ayaa ha atan ah mid aad u cakiran, balse saraakiisha laa maha amniga ayaa sheegaya in saacadaha soo so cdo ay soo afjari doonaan howlgalka, kadibna ay sha acin doonaan khasaaraha oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Si kastaba, weerark an ayaa kusoo aadaya, xilli haatan dalka uu ka soc do kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeg
aanka oo deegaano badan kala wareegay kooxda
Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo kawada hadlay arrimo muhiim
Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federa alka Soomaaliya Abshir Jaamac Huruuse ayaa ma gaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Car abta kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Imaa raadka Cabdalla Bin Za yid .
Kulanka dhax maray lab ada wasiir ayaa intii uu socday waxa ay diirad da ku saareen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa , waxa ay sidoo kale ka wada hadleen arrimo badan oo labada dal quseeya.
Wasiirka Arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta Sheekh Cabdalla Bin Zayid ayaa sheegay in ay go’ antahay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo sii hagaajintiisa si u adeegeysa xaqiijinta danaha la bada dal, isla markaana taageereysa xasilloonida iyo nabadda Soomaaliya.
Dhankiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Ab shir Cumar Jaamac, ayaa xaqiijyay in Soomaaliya ku dadaaleyso xoojinta xiriirka iyo wax wadaqabsi ee ka la dhexeeyay Dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo ammaanay kaalinta Imaaraadka ew heer gobol iyo caalamaba.
Waxaa kulanka labada wasiir goobjoog ka ahaa Sheekh Shakhbuut Bin Nahyan Aala Nahyaan oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ima araadka Carabta iyo mas’uuliyiin kale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Ciidamada dowladda oo la wareegay de gaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dib u xureenta degaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey Degaano katirsan gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo bilihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.
Howlgalka oo uu hogg aaminayay korneel Ma xamu ud Nuur Masdile oo kamid ah Saraakii sha Ciidama da xoogga dalka ayaa Ciidamada ka sa meeyeen de gaannada kala ah,, jilable,waraxley, qu rax madoobe iyo degaanka usley oo dhammaantood ka tirsan Goolka Shabeellaha Dhexe.
Korneyl Masdile ayaa sheegay in ay howlgalka Ciidanka ku burburiyeen dhammaan fariisimaha Al-shabaab ku lahayeen degaanadaasi, isla markaana gacanta kusoo dhigeen Sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaadista lacagaha.
Sidoo kale Korneyl Masdile waxaa uu sheegay inay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa ay ka saarayaan degaannada iyo deg mooyinka ay kaga sugan yihiin G/Sh/ Dhexe.
Maxaa kajira in Ajaanib katirsan Al-Shabaab lagu qabtay Gobolka Mudug?
Laamaha Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa la sheegay in degaan hoostaga degmada Hob yo ee Gobolka Mudug ay ku qabteen Rag Ajaanb ah, kuwaas oo looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Ur urka Al-Shabaab.
Raggan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 20 ayaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan qabashadooda, wax aana Risaala faah faahin ka siiyay howlgalka lagu qabtay raggaas Maamulka degmada Hobyo.
Guddoomiyaha degmada Hobyo ee Gob olka Mu dug Cabdullaahi Axmed Cali ayaa sheegay in ragga oo kasoo kala jeeda Iira an iyo Pakistan aan wax hub ah wadin ay baaritaano ku hayaan, isla markaana ay kala cadeyn doonaan dhawaan waxa ay yihiin. Wu xuu sheegay in Wareysiyo lala yeeshay ay ku she egeen inay yihiin kalluumeysato u afduubnaa Al-Shabaab oo laga soodaayay balse, iyagu ay jawaab ka sugayaan dowladda Federaalka ah ee Sooma aliya.
Howlgalkan lagu qabtay ragga Ajaanibta ah ay aa kusoo aadaya xilli howlgallo ka dhan ah Al-Sha baab ay ka socdaan degaano katirsan gobolka Mud ug, isla markaana Ciidamada dowladda iyo kuwa deg aanka ay qorsheynayaan inay la wareegaan dega annada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.
Wasiirka Amniga DG Jubbaland Gen. Dhuumaal oo la hadlay Warbaahinta
Gen. Yuusuf Dhuumaal ayaa sheegay in Ciidama da Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas & kuwa
Federaalka ay u diyaarsan yihiin howlgallo ka dhan ah AS. Dhuumaal ayaa sheegay in Jubbaland ay ka go’an tahay sidii gac anta uga dhigi lahayd deegaan nada ka maqan, abaabulka socda uu ya hay mid ka dhan ah AS si looga qabsado maga alooyinka ay heysato. Gen. Yuusuf Dhuumaal ayaa tilma amay in Wasiir ka Gaashaandhigga XFS & Taliyaha Ciidanka Xoog ga Dalka oo la kulmay Madaxweynaha DG Jubbal and Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Saraakiisha Fed eraalka & mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Gobole edk aas ay kawada hadleen fulinta howlgallo. Wasii rka Gaashaan dhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda Dowlad-Goboleedyada kale uu muh iim u yahay Jubbaland si wadajir loogula dagaalamo.
"Guud ahaan dalka waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah Khawaariijta, waxa aan indha-indheenay xa aladda guud ee Jubbaland, deegaankaan waxa uu muhi im u yahay dagaalkaas, waxa aan ka tash anay sida loo xoreyn karo deegaannada Dowlad-Gob oleedka Jubbaland ee gacanta cadawga ku jira” Wa siirka Gaashaandhigga XFS. Madaxda DG Jubbal and ayaa dhowr jeer ku dhawaaqday howlga llo ka dhan ah AS si gacanta ay uga dhigaan deega anna da ka maqan Dowlad-Goboleedkaas bal se weli ku ma dhaqaaqin howlgalladaas. Jubbaland waxaa si buuxda gacantooda uga maqan Gobolka Jubada Dhexe,
Dowlad-Goboleedkaas ayaa sheegay in abaabu lka socda uu qorshihiisu yahay sidii ay u qabsan la haayeen Caasimadda Jubbaland.
Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe iyo wafdiga ay u dirtay DF?
Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoo be) ayaa xalay xaf iiskiisa ku qaabilsay wafdi ka socday dowladda fede raalka, kaas oo uu horkacayo Wasiirka Gaashaan dhig ga Ca bduqaadir Maxamed Nuur.
Wadigan oo shalay gelinkii dam be Kismaa yo ka dagay ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah tali yaha ciidamada Xoo gga dalka, Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil kale oo ciidan.
Ugu horreyn labada dhinac ayaa iska xog warey stay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Warar aan heleynyo ayaa sidoo kale sheegaya in Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliye Odowaa ay si gaar ah Axmed Madoobe ugula hadleen sidii Jubb aland looga bilaabi lahaa guluf ka dhan ah Al-Shab aab, sida gobollada kale, si culeys loo sii saaro koo xdaasi.
Labada dhinac ayaa isla gartay in la dhaqaajiyo howlgallada ka socda Jubbooyinka, sidoo kalena lag howgaliyo ciidamo badan oo lagu diyaariyey mag aallo xeebeedka Kismaayo. Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoog an tahay kooxda Al-Shabaab, waxayna si buuxda gacanta ugu heysaa gobolka Jubbada Dhexe oo ay ku leedahay sadhig weyn.Si kastaba, dowladda federaalka ah ayaa ho rboode yso kacdoonka ka billowday, kaas oo ay qayb ka yihiin dadka deegaanka oo haatan toos ula dagaal amaya kooxda Al-Shabaab.
Macawiisley $5,000 ku helay dilka horjo oge ka tirsanaa Al-Shabaab
Saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka oo uu horkacayay Gaashaanle dhexe Muqtar Xasan Tifoow Shaah-macabe ayaa maanta lacag dhan 5-kun oo dollar guddoonsiiyay xubno ka mid ah ciidamada Macawisleyda ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Lacagta abaal-marinta ah oo uu guddoo may Ma xamed Maalin Janaqow oo ka mid ah xubnaha afarta ah ayaa waxay ku muteysteen dilka mid kamid ah ho rjoogayaasha Shabaab, oo toddobaadkii hore ay ku dileen weerar ay ku qaadeen deg mada Ceelbaraf.
Horjoogaha la dilay ayaa sida la sheegay waxa uu xiligaasi ku howlana qaadista lacagaha baada ah ee Al-Shabaab, kuwaasi oo uu ka aruurinayay shacabka deegaankaasi.
"5-kun oo dollar waa haysataan, waad leedihiin afartiina Nin ee soo dilatay ayaa iska leh. Nin madax ah (oo ka tirsan Khawaarijta Shabaab) ninkii soo dila waxa uu leeyahay Shan kun oo dollar. Hore ayaa loo ballan-qaaday, haddana haddii aad u soo noqotaan waa diyaar,” ayuu yiri Gaashaanle dhexe Muqtar Xa san Tifoow.
Abaal-marinta lacageed ayaa qeyb ka ah dhiiri-gelinta ciidamada ku jira dagaalka ka dhanka Al-Sha baab, ayada oo hore sidan oo kale kumanaan dollar loo guddoonsiyay askar soo dishay xubno iyo horj oogayaal Shabaab ah.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo la rumeysan yahay in uu ahaa masuulkii bil aabay abaal-marinta noocan ah ayaa waxa uu hore fagaare ku taalla degmada Maxaas ku bixiyey lacag dhan 10-kun oo dollar. Madaxweynihii hore ee Galm udug oo dhaawa cmay Madaxweynihii hore ee Gal mudug oo dhaaw acmay
Cali Jayte ayaa lacagtaas ku wareejiyey askar ka tirsan guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka, ayada oo ragga lacagta la siiyey xilig aasi ay xubnaha Shabaabka ah ku dileen degaanka Moqokori oo howl-gal qorsheysan ay ka fuliyeen.
Ciidanka Somaliland Oo Qabtay Nin Ka soo Jee da Qoomiyada Oromada Oo Dil Geystay
Ciidanka ammaanka Booliska Maamulka Somali land ayaa habeenimadii xalay gacanta ku soo dhigay Eedaysane lagu magacaabo Ifsa Axmed Shariif oo ku Eedaysan in uu dilay Marxuum Aamiin Siciid Sid iiq, kaasi oo da’diidu aheyd 22 –sanno jir.
Eedaysanahan oo ka soo jeeda qoomiyada Oromada ayaa ku ee daysan inuu Marxuum ka dil kii sa u adeegsa day Feer oo uu jilib u gu dhuftay, waxaana fal kaas uu ka dha cay gudaha hotelka guuleed oo ku yaalla magaalada Hargeysa.
Ciidanka Booliska ayaa markii lagu soo war galiyey Dhacdada dilkaasi bilaabay howlgalo lagu raadina yay qofkii ka dambeeyay falka, iyagoona saacado Gudahood ku soo qabteen Eedaysanaha oo goobtii uu dilka ka gaystay ka baxsaday.
"Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku day amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo saaranaaya” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Taliska ciidmada Booliska Somaliland. Taliska Booliska Somaliland ayaa shac ab ka kun ool deegaanadooda ku boggaadiyay wada shaqeynta kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba la soo wadaagaan, habeeno kahor ayey aheyd markii Booliska Somaliland gacanta kusoo dhi
geen Nin dil ka geystay magaalada Hargeysa.
Midowga Afrika oo qiimeyn ku sameynaya saraa kiil Booliis ah oo la geyn doono Soomaaliya
Saraakiisha ururka Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Adis-ababa ee Ethiopia ayaa qiimeyn ku sameynaya saraakiil Booliis ah oo la geyn doono howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
In ka badan 400 oo Boolis ah oo ka socda Ciidanka Booliska Uganda ayaa la qorsheeyay in la geeyo gudaha Soomaaliya todobaadkan, iyagoo halkaas ku sugnaan doona illaa muddo sanad ah.
Si kastaba ha ahaatee, Golaha Nabadda iyo Amma anka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa arbacadii lasoo dhaafay sheegay in ay ka codsadeen dowladda So omaaliya in ay dib u dhigto waqtiga bixida howlgalka ATMIS.
Dowladda Soomaaliya ayaa haatan doo naysa in la dhimo tirada ciidamada ATMIS islamarkaana ugu yaraan sannadkan dib loo celiyo labo kun oo askari.
In ka badan 20,000 askari oo ka socda Midowga Afrika ayaa haatan ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo dalka u jooga howlaha nabad ilaalinta, balse waxaa lagu dhaliilaa inaysan waxba ka qaban dagaalka ay dowladda kula jiro ururka Alshabaab.
Abaaraha ka jira Soomaaliya oo keenay in kuman aan Soomaali ah ay qaxooti cusub ku noqdaan xerada Dhadhaab
Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya waxaa weli ku sii qulqulaya qaxooti cusub oo ka yim id Soomaaliya, taas oo ay ugu wacan tahay abaarha iyo colaadaha ka jira Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday hay’adda UNHCR.
24,693 qof ayaa la aqoonsaday todobaadkii hore inay yihiin dad cusub oo ka yimid Soomaa liya, kuwaas oo u baahan gar gaar bini’aadantinimo oo deg deg ah – badankoodu waxay ahaayeen haween iyo caruur.
UNHCR iyo hay’adda qaxootiga Denmark ee DRC, oo iskaashanaya ayaa diiwaan galiyay in ka ba dan 24,000 oo qaxooti cusub ah oo galay Dhadhaab usbuucii hore, kuwaas oo dhamaantood lagu qiyaa say inay Soomaaaliya uga soo hayaameen xaalad aha bini’aadanimo ee ka jira halkaas.
UNHCR waxa ay rajaynaysaa in tirada guud ee qaxootiga cusub ee Soomaaliya uu gaari doono 121,300 marka la gaaro Abriil 2023.
"DRC waxay aad uga walaacsan tahay baaxadda baahiyaha bani’aadamnimo. laakiin waa in aan u diyaargarownaa in aan gargaar siino in ka badan 100,000 qof oo cusub oo ku sugan Dhadhaab marka la gaaro Abriil 20233 mana haysanno hadda dhaqa ale aan ku taageerno culeyskan kordhay,” ayuu yiri Simon Nzioka, Madaxa DRC Kenya.
Caqabad Soo Wajahday Shacabka Soomaalida Ee U Kala Safra Soomaaliya Iyo Kenya
Ganacsatada iyo Shacabka Soomaalida ee u kala safra dalalka Soomaaliya iyo Kenya, ayaa bilihii u dambeeyay wajahayay caqabado dhanka safarka ah, kaddib markii uu hakad ku yimid dal-ku-galka Kenya.
Arrintan ayaa waxaa ay si gaar ah u saameysay dad ka ku sa fra baasaboorka Soom aaliya, ee u socdaa laya dal kan Kenya
Kuwani ayaa waxay isugu jiraan kuwa dalka Kenya u yimaada arrimo ganacsi, caaf imaad, waxbarasho, dalxiis iyo siyaabo kale. Soomaaliya iyo Kenya, ayaa ah labo dal oo deris ah oo xad aad u dheerna wadaaga, dano badanna ay ka dhaxeeyaan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda ayaan illaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin dhibaatada
dadka Soomaaliyeed ka heysata dal ku galka Kenya.
WAX KA OGOW DA’YARTA ISBEDD ELKA KA SAMEYSAY ADDUUNKA
Waxay ka mid yihiin dadka iyagoo carruur ah saa meynreebay
Mararka qaar, da’yarta waxaa loo maleeyaa inaysan wax badan ka fekeri karin iyo sidoo kale inay yihiin kuwo caajis badan. Balse dhalinyaradan hoos ku xu san ayaa beeniyay arrimahaas.
1: Nkosi Johnson
Nkosi Johnson waxay geeriyootay 2001
Nkosi Johnson waxay dhalatay sanadkii 1989 waxa yna geeriyootay 2001. Nkosi waxay ku dhalatay xanu unka HIV/AIDS – oo ay ka dhaxashay waaliddi inteeda. Sanadkii 1997, waxaa laga diiday inay ga sho iskuulka dowladda sababo la xiriira inay qabtay HIV.
Si kastaba, wa xay ahayd qofkii hormuudka ka ahaa ololaha ah in bukaannada HIV loola dhaq mo si caddaalad ah oo la mid ah sida dadka kale iyo in la xushmeeyo xilli uu jiray takoor ba’an oo lagula kici jiray dadka la nool xanuunkan.
Iyada iyo hooyada soo korsatay, ayaa xarun qax ooti u furay hooyooyinka iyo carruurtooda la nool HIV. Waxay Nkosi heshay Abaalmarinta Nabadda ee Carruurta. Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Ne lson Mandela ayaa gabadhan ku tilmaamay 'inay as taan u tahay halganka nolosha.'
2: Malala Yousafzai
Malala Yousafzai waxaa lagu bartilmaameedsaday iskuulkeeda iyadoo 15 jir ahayd
Malala Yousafzai waxay sanadkii 1997 ku dhalatay Pakistan. Iyadoo ahayd gabar iskuulley ah, ayay iska caabbisay cabsi gelintii Taliban ee ahayd inaysan gabdhaha iskuul dhigan Karin.
Waxay ka badbaadday dil kaddib markii madaxa laga toogtay waxayna noqotay qof u doodda xuquuqda aadanahay, tan haweenka iyo xuquuqda waxbarashada.
Waxay xoojineysay nabadda Islaamka iyo xushmadda uu u hayo waxbarashada.
Sidaas darteed, Malala waxay tusaale u noqotay halganka waxbarashada ay ugu jiraan gabdhaha ku nool dunida.
3: Samantha Smith
Samantha Smith
Samantha Smith waxay ahayd ardayad u dhalatay Mareykanka kana soo jeedday gobolka Maine. Waxay dhalatay sanadkii 1972 waxayna geeriyootay sanadkii 1985. Sanadkii 1982, waxay warqad u qortay hoggaamiyihii Midowga Soofiyeetka, Yuri Andropov, iyadoo weydiineysa sababta xiriirka u dhaxeeya Mareykanka iyo Mido wga Soofiyeetka uu u ahaa mid xun.
Warqaddeeda ayaa lagu daabacay bogga Pravda, mar dambe ay uuna Andropov u soo jawaabay. Smith ayaa sidoo kale lagu casuumay inay booqato Midowga Soofiyeetka wayna tagtay.
Booqashadeeda waxaa daba socday warbixinno badan oo laga sameeyay, waxaana Samantha laga soo xigtay inay sheegtay in dadka Ruushka u dhashay ay yihiin kuwo iyaga uun la mid ah. Sanadkii 1983, waxay booqatay Japan, iyadoo ah safiirkii ugu da’da yaraa ee Mareykanka. Waxay shil diyaaradeed ku geeriyootay iyadoo 13 jir ah. Emma González Emma González Bishii February 2018, nin hubeysan ayaa weeraray Dugsiga Sare ee Marjory Stoneman Douglas oo ku yaalla Parkland, Florida, isagoo dilay 17 qof.
Balse intii uu saameyn ku yeelan lahaa weerarkaas, da’yar badan oo ka badbaadday waxay billaabeen olole qaran oo lagu joojinayo rabshadaha hubka loo adeegsado.
Emma González, oo xilligaas ahayd 18 jir, ayaa ka mid ahayd hoggaamiyeyaasha dhaqdhaqaaqan cusub waxayna wax ka aasaastay koox ka hadasha baahida loo qabo xakameynta hubka oo lagu magacaabo Never Again MSD.
Bishii March 2018, waxay jeedisay khudbad muhiim ah oo loogu talo galay wax ka qabashada hubka ee Mareykanka.
Ka bood Twitter bog ganQoraalka Muuqaa lka,Digniin: BBC mac luumaadka ku qoran bog kale masuul ka ma ahan
Dhammaadka Twitter boggan
Jack Andraka
Jack Andraka
Isgaoo 15 jir ah, isla markaana dugsi sare ka dhigta Mareykanka ayuu Jack Andraka hindisay waxa u muuqday hab cusub oo lagu ogaan karo kansarka ku dhaca beer yaraha.
Wiilkan, oo ku guuleystay $75,000 (£58,000) Band higga Caalamiga ah ee Sayniska iyo Injineeriya dda sanadkii 2012, ayaa sheegay inuu fekerkna ka helay akhrinta wargeysyada sayniska ee baraha internet-ka.
Qalabkan uu hindisay, oo weli baaritaan weyn lagu hayo, ayaa ka sameysan warqad la mariyay dareere laga soo qaaday dhalooyin iyo borotiin jirka ka difa acaya caabuqa, waxaana loo baahan yahay lix dhib cood oo dhiig ah si qofka looga baaro kansarka beer yaraha XIGASHO:BBC
RAGGA GAAGAABAN OO KUMANNAAN DOOLLAR KU BIXINAYA INAY IS DHEEREEYAAN
Sam ayaa lagu sameeyay qaliin ka caawiyay inuu helo xoogaa dheerar ah
XIGASHADA SAWIRKA,DR S. ROBERT ROZBRUCH
Sam ayaa lagu sameeyay qaliin ka caawiyay in uu helo xoogaa dhirir ah. "Haweenka guud ahaan ma shukaansadaan ragga iyaga ka gaaban. Waxaa iigu adag mararka qaarkood waxaa weeya an inaan dareemo inaanan heli karin xaas."
Eryadaan waxaa yiri Sam, oo ah 30 jir u dhashay dalka Ingiriiska, kaas oo ka qayb galaya qalliin nada qurxinta ee ragga ee dalalka sida Marayk anka, Ingiriiska iyo xitaa Spain.
Qalliinkan waa mid dhererka lugaha kor loogu qaadayo.
Waa qalliin qalafsan oo lugta la jabinayo si loo helo dhowr senti mitir oo dhirir ah.
Sam waxa uu tilmaamay in qaliin lagu sameeyay awgeed uu kor u kacay 8 sentimitir, oo hadda uu gaaray 1.70 mitir dhawr bilood gudahood.
Qalliinkan ayaa qofka ku qaadanaya toddobaadyo marka ay timaaddo habka soo kabashada iyadoo bukaanku xitaa aanu socon karin bilo.
Xaaladaha qaarkood raggu waxay bixiyaan ku dhowaad 70,000 oo doollar si ay u helaan dhowr taako oo dherer ah.
"Waa qalliin xanuun badan, taas oo micneheedu yahay soo kabasho dheer sababtoo ah qayb ka mid ah lafta ayaa jilicsan, markaa waa inaad sugto inaad socotid ilaa laftu ay dib u qaadi karto miis aanka jirka," ayuu u sheegay BBC Mundo dha khtar Kevin Debiparshad, oo sameeya qaliinkan.
Debiparshad ayaa ilaa 50 qalliin oo noocaan ah bishiiba ku sameeyay xaruntiisa Las Vegas, oo lagu magacaabo Machadka LimbplastX, halkaas oo uu sheegay inuu ku arkay koror baahida bukaannada ragga ah.
Dhaqtar Debiparshad
"Waxaa isa soo taraya, in ragga la leeyahay is kuma sameyn karaan qalliinka isqurxinta waxaasi waa laga soo tagay,” ayuu yiri dhaqtar Debip arshad.
Laakiin had iyo jeer may ah ayn sidaas. Muddo sanado ah, gaar ahaan wadamada bariga, qaliinka dheereynta lugaha ayaa si aad ah looga baahnaa haweenka.
Tusaale ahaan, warbixinnada warbaahinta maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah waxay muujin ayaan in haween badan oo Shiinaha ah, oo aad uga badan kuwa dalalka kale, ay sameeyeen qalliin ka la mid ah si ay u dheeraadan.
Si kastaba ha ahaatee, dalalka reer galbeedka tir ooyinka ayaa muujinaya inay kordheyso tirada ra gga baahida u qaba qalliinkaan.
Baxnaaninta ma aha bilicda
Dhaqankaas waxaa ku xeeran muran badan. Ururka Maraykanka ee Dhakhaatiirta iyo Akade miyada Maraykanka ee Dhakhaatiirta Lafaha laba duba waxay ku tilmaameen dukumiintiyada loo soo diray BBC Mundo in qalliinka dheereynta lugtu uu yahay habka lafaha ee ujeeddooyinka qurxin ta.Hormuudka farsamadani waxaa hoggaam inayay dhakhtarka lafaha ee Soofiyeedka kaas oo u soo saaray daawaynta baxnaaninta askartii lagaha laga gooyay dagaalkii labaad ee addu unka.Magaciisu wuxuu ahaa Gavril Ilizarov, wux uuna ahaa dhakhtar la ixtiraamo, oo waqtigii uu joogay goobaha dagaalka joogay ogaaday, isla markaana tijaabooyin uu sameeyay muddadii uu ardaynimada uu ku jiray, ay u sahashay inuu lafaha, gaar ahaan lafaha isku xiro qaybo ka mid ah jir, ay u muuqdaan inay ballaariyaan oo "buuxiy aan" farqiga, qaybo ka mid ah lafaha.
Dabadeed Ilizarov waxa uu sameeyay fars amo ku saabsaneed jabinta lafta, balse isaga oo aan waxba ka dhimayn qaybta loo yaqaanno peri osteum (oo ah qaybta dibadda ee lafta), in yar ay uu kala saaray oo sugayay lafta lafteeda si uu uga taxadaro qabsashada booskaas.
"Farsamadani wax badan ayay kobcisay, laa kiin runtii fikradda bilawga ah waa isku mid: waxa aan samayno waa in lafta lafteedu ay buuxiso bo oskaas, halkaasna waxaa laga helaa sentimitirka dheeraadka ah ee bukaanku rabo," ayuu yiri Debiparshad.
Sida ay u sharraxeen BBC Mundo, dhakhaatiir badan oo ah kuwa qalliimada, daawaynta caadiga ah waa sida soo socota: marka hore, dalool ayaa la qodaa oo laga sameeyaa lafaha lugaha, ka di bna labo ayaa loo kala qaybiyaa.
Intaas ka dib, ul bir ah ayaa a la gelinayaa lafta waxaana lagu dhejiyaa isugeyn xiriir ah.
Usha ayaa markaa si tartiib ah loo dheereeyaa ilaa 1 millimitir maalin kasta, iyada oo la kala bixi nayo ilaa bukaanku ka gaaro dhererka la rabo.
Sam iyo bukaannada kale labadaba, nidaamku maaha mid ay ku xanuusanayaan, laakiin waqtiga soo kabashada wuxuu noqon karaa mid aad u dheer.
"La tashigii ugu horreeyay, dhakhtarku wuxuu si cad iigu sheegay sida ay u adag tahay qalliinka, waxaan ka walwalay waxa aan sameyn karo ka dib markaan helay sentimitiryadaas dheeraadka ah, weli ma awoodi doonaa inaan socdo? Weli ma awoodi doonaa orod?" ayuu yiri bukaanka Ingir iiska u dhashay ee Sam.
Sam waxa uu xusay inuu sameeyo daawayn jireed dhawr saacadood maalintii, saddex ilaa afar jeer toddobaadkii, muddo lix bilood ah.
"Waxay ahayd waayo-aragnimo aad u bahdilaad ah,”. ”Waxay la mid tahay inaad lugo cusub aad yeelatay oo aad barato inaad mar kale socoto. Wa xay u egtahay qalliin la isku qurxiyo, laakiin wax badan caafimaadka maskaxda ayuu wax yeelay," ayuu yiri.
Arrintaani waa mid ka mid ah dhinacyada sida weyn u soo jiidanaya bulshada caafimaadka mar ka la eegayo qalliimadaan, khataraha samaynta habka qallafsan ee ujeeddadiisu tahay qurxinta.
Dhakhaatiirta takhasuska u leh qaarkood waxay ka digayaan dhibaatooy in ka iman kara, laga bi laabo dhaawaca neerfa ha iyo hal bowlayaasha il aa suur tag alnimada in lafahu aysan mar kale isku milmin.
"Farsamooyinka iyo tignoolajiyada ayaa si aad ah u horumaray labaatankii sano ee la soo dha afay, taas oo ka dhigaysa nidaam ammaan ah; si kastaba ha ahaatee, marka lagu daro lafo badan oo sii kordhaya, muruqyo badan, dareemayaasha, xididdada dhiigga, iyo maqaarka waana in nida amkani yahay mid aad u adag." Hamish Simpson, oo ah dhakhtarka lafaha, ayaa sidaasi u sheegay weriyaha BBC Tom Brada.
Laakiin ma aha oo kaliya arrin jireed: takhasus ayaashu waxay ka digayaan khataraha nafsiga ah ee ay tahay in la tixgeliyo, sida xaqiiqda ah in qaar ka mid ah bukaannadaas laga yaabo inay qabaan dysmorphia jirka.Waxayna taasi u horseedaysa, sida ay khubarradu sheegeen, inay qalliinka ka hormariyaan caafimaadka, jirka iyo maskaxda.
XIGASHO:BBC
Kim Jong Un Oo Shaaciyay Inuu Yeelan ayo Quw ada Ugu Weyn Ee Nukliyeerka Caalamka
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in hadafkiisa ugu dambeeya uu ya hay inuu yeesho quwada ugu weyn ee Nukliyeerka caal amka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Hadalka Kim ayaa yimid xili uu ku guda jiray mun aasabad uu ku dalacsiinayay saraakiil ciidan ah oo ka qeyb qaatay tijaabinta gantaalkii ugu weynaa ee taariikhda dalkaasi soo mara.
Hadalladan ayaa sidoo kale imaanaya wax ka yar laba tod dobaad ka dib markii hoggaa miyaha Kuuriyada Waqooyi uu ka qayb galay tijaabada gan taalka ballistic-ga ee nooca Hwasong-17.
Waxaa uu sidoo kale xilligaasi ballan-qaaday in uu ka hortagi doono hanjabaadaha Nukliyeerka ee Maraykanka isga oo isticmaalaya hubka nukliyeerka.
Kim waxa uu sheegay intii ay socotay xafladda dala csiinta saraakiisha ciidamada in dhismaha awoodda Nukliyeerka looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo shar afta iyo madaxbannaanida dalka iyo dadka. Kuuriy ada Waqooyi ayaa tijaabisay tiradii ugu badneyd ee gantaallada dabayaaqadii October iyo horraantii Nov embar ee sanadkan.
Rag Iyo Dumar Isku Magaalo Ku Wada Nool Oo Luqado U Kala Gaara Ku Kala Hadla
Xawsadu ayaa waxay ku maah maahaan "Hal Il aah, iyo magaalooyinka kala duwan”, iyagoo taa u sababaynaya, quruumaha kala duwan ee adduunka, iyo sida ay ugu hadlaan hal luqad oo u dhexeeya ra gga iyo dumarka, taasoo maalin waliba lagu she ek eysto la iskuna dhexgalo, magaalada Ubang ee gob olka maamulka Obudu ee gobolka Kuros Riba, ee koonfurta Nigeria arrintaas sidaas waa ka duwan yahay.
Dadka reer Ubang, ayaa waxay adeegsadaan laba af, oo kala ah, afka rag ga oo gaar u ah, iyo afka du marka, oo iyaga u gaar ah, wayna kala duwan yihiin.
Beesha Ubang, sida bulsho oyinka kale, ayaa waxay leedahay caadooyin iyo qi yam u gaar ah, oo ka duwan bulshooyinka kale ee dalka Nigeria.
Balse arrinta ugu yaabka badan, ayaa ah labada luqadood ee ay sida gaarka ah u kala adeegsadaan dumarka iyo ragga.
Chief Osang Isaiah, oo deggan magaalada Ukweri sen ee gobolka Ubang, ayaa u sheegay weriyaha BBC-da eee Abdussalam Ibrahim Ahmed, oo safar ku tagay magaalada, in labada luqadood ee laga ist icmaalo magaaladooda ay yihiin Jiye-Ban-Chiye, oo ay tahay tan ay isticmaalaan. ragga, iyo Jiye-Ban Yiye, oo ah tan dumarka ay isticmaalaan.
Amiirku waxa uu sheegay in labada af ee ay kala ist icmaalayaan labadan qeybay tahay hibo Eebbe ugu deeqay, oo lagu kala saaro ragga iyo dumarka.
Chief Osang Isaiah ayaa yiri, "Taariikh ahaan, dadka Uban,g waxay leeyihiin farac tixan illaa iyo abuuristii aadanaha, faraca dadka Ubang waxay ka yimaadeen meel la yiraahdo Agbutan.
Amiirka ayaa yiri, haddii aad wiilal iyo gabdho dha sho marka ay yaryar yihiin, ayaa luqadda ay ku hadli doonaan loo kala soocayaa, marka qolo waliba kee da ayey raaceysaa, marka ay korayaan wiilasha iyo
gabdhaha
TRADEMARK CAUTIONARY NOTICE The Federal Republic of Somalia
Notice is hereby given that United Technologies Corporation of United Technologies Building , Hartford, Connecticut 06101, U.S.A is sole owner and only proprietor in the Federal Republic of Somalia of the trademark shown below.
Which is used and/or to be used in connection with the following goods in International class 11 for the goods: Internal combustion engines, including piston, turbine, and rocket engines and their parts.
The above named owner by virtue of registration and user of the trademark worldwide in respect of the above named goods has the exclusive right to use the said trademark and is entitled to all rights in respect thereof.
The above named owner claims all rights in respect of the above trademark in the Federal Republic of Somalia.
Notice is hereby given that in the event of any person or persons infringing the above named owner’s rights in the said trademark in any manner whatsoever or registering or attempting to register or using a mark similar to the above mark so as to mislead the public into believing that such spurious mark relates to goods manufactured by the above named owner legal proceedings will be instituted against any such person or persons for infringement of the said trademark and recovery of damages and other reliefs. Any enquiry relative thereto may be referred to:
Saba
& Co. Intellectual Property s.a.l (Offshore)
|
HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 28-KA NOVEMBAR 2022-KA
....