Daawo: DF oo ka hadashay hakadka ku yimid dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab

0
Wednesday November 23, 2022 - 20:17:36 in Wararka by
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: DF oo ka hadashay hakadka ku yimid dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay sababta ay u hakadeen dagaalladii ku furnaa kooxda Al-shabaab ee ka socday gobollada dhexe ee dalka.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in dagaalku uusan xabad kaliya aheyn, balse ay jiraan xeelado kale oo dowladdu ay isticmaaleyso.

Wasiirka oo wareysigaan siiyey BBC TV ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay la wareegto hoggaaminta dagaalka oo markii hore ay ku biritaareysay shacabka hubka qaatay ee kacdoonka sameeyey.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay jiraan xeelado kale oo dagaalka ay dowladdu u adeegsaneyso, kuwaas oo sheegidooda uu ka gaabsaday.

Deegaanadii laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab ayuu sheegay in dowladdu ay ku howlantahay sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga ayaa ka hadlay safarkii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku maray furimaha dagaalka ee gobollada dhexe, isagoo sheegay in madaxweynuhu uu yahay hoggaamiyaha dagaalka, isla markaana booqashadaas ay qeyb ka tahay qorshaha socda ee dagaalka.

Wasiirka ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay fursadaan ka faa’iidaysataan oo dagaalka ay ka qeyb qaataan, si durba looga guuleysto kooxda Al-shabaab.

Ugu dambeyntii wasiirka gaashaandhigga wuxuu balan qaaday in dhawaan ay dowladdu ku dhaqaaqi doonto qorshaheeda dagaalka, iyadoo si rasmi ah hoggaanka ugu qabaneysa xoogagga deegaanka iyo ciidanka qaranka ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Hoos ka daawo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip