
Madaxweyne Xasan Sheekh oo goor-dhow xarigga ka jaray SNTV Daljir{Daawo: Muxuu ka shaqeynayaa TV-ga cusub ee Xasan Sheekh uu maanta furay?}
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor-dhow xarigga ka jaray Telefishinka SNTV Daljir
Hadde Maxuu ugu gaar yahay TV-yada dalka ka jira :-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor-dhow xarigga ka jaray Telefishinka SNTV Daljir
Hadde Maxuu ugu gaar yahay TV-yada dalka ka jira :-
Telefishinkaan magaciisu uu noqonayo SNTV Daljir ayaa sidoo kale diiradda saari doona ka shaqeynta arrimaha khuseeya horumarka Soomaaliya iyo guulaha ciidanka qaranku ay ka gaarayaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha xagjirka ah.
Madaxweynaha ayaa maanta ku dhawaaqay in Telefishinkaan cusub uu qaada doono doorka tebintaas u gaarka ah dagaalka, horumarka dalka iyo caqiidada suuban, si meesha looga saaro afkaaraha xagjirka ah.
Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka Soomaaliyeed ku bogaadiyey inay u soo jeestaan hormarinta dalkooda, "Aduunyadii waa naga tagtay ee aan ka daba tagno, TV-gaan ayaad hadda kadib kala soca doontaan hormarka dalka iyo arrimaha dagaalka,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dunidu ay hormar badan sameysan sanadihii ay burbursaneed Soomaaliya, caqabadaha ay dadka Soomaaliyeed ka gudbi waayeen ayuu sheegay inay ugu horeeyaan Al-Shabaab.
"Weli dabar ayaa nagu xiran, Shabaabka ayaa naloo adeegsaday, waana iska diidnay waxa ay wadaan, waana ka guuleysaneynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jaray SNTV 2 Daljir.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo goor-dhow xarigga ka jaray SNTV Daljir{Daawo: Muxuu ka shaqeynayaa TV-ga cusub ee Xasan Sheekh uu maanta furay?}
..