Waa kee xulka ku guulaysan doona Koobka Adduunka?

0
Saturday November 19, 2022 - 21:17:53 in Wararka by
  • Visits: 436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kee xulka ku guulaysan doona Koobka Adduunka?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...


Khabiirrada saadaalinta bixiyey

XIGASHADA SAWIRKA,BBC SPORT

Koobka Adduunka ayaa ka bilaabanaya garoonka Al Khor's Al-Bayt Stadium maalinta Axadda wuxuuna ku dhamaan doonaa garoonka Lusail Iconic ee magaalada Doha 18ka December.

32 kooxood ayaa ku tartami doona tartanka, waxaana la ciyaari doonaa 64 kulan 28 maalmood gudahood, oo ay ku jiraan Qatar oo martigelineysa, France oo heysata koobka iyo xulka shanta jeer ku guuleystay Brazil.

Weriyayaasha waaweyn ee BBC qaybteeda ciyaaraha iyuo khabiirro kale ayaa saadaaliyey dalka ay u fili doonaan in uu afar toddobaad ka bacdo noqon ku guulaysta Koobka Adduunka.

Haddaba yaa loo saadaalinayaa?

Alan Shearer:Argentina. Waxa ay noqon doontaa waxa ay haysataa waddo fiican oo uu horkacayo Lionel Messi, ciyaaryahanka ugu fiican adduunka. Waxay u noqon lahayd xilli uu si gaar ah u xasuusto. Messi, oo malahayga ah ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee aan aragno, waxa had iyo jeer lagu kala duwaa isaga iyo Diego Maradona ayaa ah inuusan waligiis ku guuleysan Koobka Adduunka. Haddii uu midkan ku guulaysan lahaa, taasi waxay noqon lahayd dhammaadka dooddaas – Sheeko macaan oo kubadda cagta u hadhana way ku dabnbayn lahayd.

Micah Richards:Brazil. Waan fahamsanahay sababta ay u jirto guux ku saabsan Argentina, laakiin tani waa waqtigii Neymar uu muuqan lahaa. Waxa uu dhaliyay sideed gool isreebreebka,waxana uuna qaab ciyaareedkiisa u qaaday heer sare xilli ciyaareedkan. Waxaa garbaha ka saaran culeyska qarankiisa, waana inuu la tacaalaa waxa ay Brazil ka rajeyneyso, laakiin wuxuu noqon doonaa xiddiga bandhigga.

Chris Sutton:France ayaa ah kooxda difaacanaysa waxaana lagu doodi karaa inay heleen weerarka ugu fiican ee Karim Benzema oo markan wata Ballon d’Or, Kylian Mbappe iyo Ousmane Dembele, xitaa Antoine Griezmann. Haa, waxa ay dhaawacyo ka soo gaadheen khadka dhexe, laakiin waxa ay heleen laba xiddig oo da’yar oo kala ah Aurelien Tchouameni ah iyo Eduardo Camavinga oo Real Madrid uga ciyaarayey si fiican. Marka aad eegto France oo ciyaaraysa koobabka aduunka, waxaa laga laba mid uun in ay jab dhigaan ama in ay iyagu jabaan! Waxaan leeyahay markan iyagaa wax jabin doona. Haddii ay sameeyaan, sidii ay ku sameeyeen Ruushka, maxaa diidaya?.

Karen Bardsley:Taariikh ahaan, waxay u egtahay in kooxda shabaqooda difaacata ee laga dhaliyay goolasha ugu yar ay fure u tahay ku guuleysiga Koobka Adduunka. Hadaba waa kuwee kooxda haysata difaaca ugu adag, isla markaana leh goolhaye wanaagsan? Kadibna sidoo kale awooddooda ay ku maareeyaan waqtiyada tartanka iyo sida ay u soo uruurin doonaan dardargelinta wareega ugu horreeya ayaa Iyana qiimayn u baahan. Labadayda ugu sareysa waa Brazil iyo Argentina - waxaana dhihi lahaa Brazil ayaa guuleysan doonta sababtoo ah waxay si buuxda u haystaan boos kasta ciyaartoy fiican, dhanka kalena waxa ay haystaan difaac wanaagsan, na kuwa ugu xoogan ee aan arko.

Rio Ferdinand:Brazil waxa ay haysataa koox isu dhammaystiran oo khibrad leh, sida ka muuqatana waa koox wa ku guulaysan kara.

Rob Green:Waxa ay haystaan da’yar leh hibo xirfad heer sarraysa, sida ka muuqatana ah kuwo guulaysan kara.

Danny Gabbidon:Waxaan jeclahay Faransiiska. Guud ahaan, waa koox aad isugu dheelli tiran oo dhanka hore ku haysata ciyaartoy tayo leh, dhibka ugu weyn ee tababare Didier Deschamps ayaa ah inuu helo nidaamka ugu fiican oo uu ku go’aansan karo ciyaartooyda xulkiisa ku bilaaban doonta.

Jurgen Klinsmann:Argentina, xoogga weyn ee wadaa waa Messi. Dhammaan taageerayaasha kubbadda cagta way ogyihiin xaaladdiisa iyo sida ay tani u noqon doonto waqtigiisii haddii uu doonayo inuu ku guuleysto koobkiisii ugu horreeyay ee adduunka isagoo 35 jir ah. Isaguna wuu ogyahay taas, iyo sidoo kale kooxdiisuba - sidaas darteed waxay sameyn doonaan wax kasta oo suurtagal ah si ay u helaan koobkaas. Brazil, si kastaba ha ahaatee, waxay heshay tayo aad u badan oo boos kasta. Waa koox aan in badan daawaday labadii sano ee la soo dhaafay, aad ayaanan ula dhacay – waxay u imaanayaan Qatar si ay ugu guuleystaan Koobka Adduunka, waxaana aaminsanahay inay ku guuleysan doonaan.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip