,
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh C/qaadir iyo guud ahaan bahda Wasaarada Waxbarashadda, waxaa ay uga tacsiyeynayaan murugada iyo uur ku taaladana la qeybsanayaan qoysaska, qaraabada, Saaxiibada iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed ee ay arxan- lawaayasha argagaxisada kusoo qaadeen maanta weerarada xaqdarada ah.
Waxaan ALLAH ugu baryaynaa shuhadadii ku geeriyootay weerarada xaqdarada ah in uu Janadiisa Fardowsa ah geeyo samir iyo iimaanna kasiiyo ehelada, qaraabada, iyo qoysaska ay ka wada geeriyoodeen dhamaantood. Inta Dhaawaca ahna waxaan Alle uga baryeynaa in uu Caafimaad Deg deg ah siiyo.
Wasiirka Waxbarashada oo u tacsiyadeeyay dadkii ku shahiiday qaraxyadii Argagixisada
,