HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPSPER EE MAANTA OO AH AXAD 9-KA OKTOOBAR 2022-KA

0
Sunday October 09, 2022 - 08:33:08 in Wararka by
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPSPER EE MAANTA OO AH AXAD 9-KA OKTOOBAR 2022-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xasan Sheekh oo ka degay Uganda – Muxuu yahay qorshaha safarkaan?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ga aray dalka Uganda, halkaas oo booqasho ay uga bilaabatay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn lo ogu soo dhaweeyey magaalada Kampala, halk aas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu wada-had allo uu kula yeela doono mad axda Uganda.

Madaxtooyada oo war ka soo saartay safarkaan ayaa sheeg tay in madaxweynuhu uu wadahadallo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab uu la yeelan ayo Madaxda dalkaas, si taageero heer gobol ah loogu helo howlgallada socda, lana xoojiyo iskaa shiga ku aaddan amniga.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kala qeyb ge li doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-gu urada Uganda ee ka soo wareegtay xornimadoo da, iyadoo Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka Uganda.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey shac abka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degayaan maalmahan, isagoo tilm aamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doworka ay ka qaada nayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloon ida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Oo La Kulmay Qaar Ka mid Ah Culimada, Amarna Siiyay Mukhtaar Rooboow.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Mad axtooyada Qaranka kulan wadatshi ah kula qaa tay culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo ar gagixisada Alshabaab oo gumaad joogta ah ku ha ya dadka Soomaaliyeed, caqabadna ku ah horu marka dalka.

Madaxweyne Xasan Sh.Ma xamuud ayaa faray Wasaara dda Diinta iyo Awqaafta in la qabto shirweyne Culumada Soomaaliyeed la is agu keenayo si looga arinsado dhismaha Hay’ad da Culumada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dagaalka socda ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab ay laf-dhabar u yihiin culimada Soom aaliyeed oo ah dhaxal-dhowreyaasha diinteenna suubban, waxa uuna la wadaagay sida ay muhiim ka u tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku ga rab istaagaan halganka wadajirka ah ee ay wad aan Ciidamada Qalabka Sida iyo dadka degaan nada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu.

Madaxweynaha ayaa culimada Soomaaliyeed ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaat aan wacyi gelinta, gaar ahaan dagaalka ka dhan ka ah fikirka gurracan ee argagixisada iyo muujin ta sida ay khawaarijta Alshabaab uga been abuur anayaan diinteenna suubban ee Islaamka, isagoo xusay gacanta ay ka geysanayaan gurmadka aba araha iyo taakulaynta dadka danyarta ah. Dhank ooda, culimada ayaa la wadaagay Mad axwe ynaha talooyin ku aaddan dowlad dhiska, ho rum arinta dalka iyo la dagaallanka fikirka xagjirni ma da ah, iyaga oo bogaadiyay howlgallada iyo ka cdoonka shacabka ee ka dhanka ah argagixisada Alshabaab.Waxa yna soo bandhigeen sida ay u garab taagan yahiin howlgallada socda.

madaxweyne xasan oo la kulmay qaar kamid ah culimada,amarna siiyay mukhtaar rooboow. Mada xweyne xasan oo la kulmay qaar kamid ah culima da, amarna siiyay mukhtaar rooboow

Wasiirka Amniga Oo Odowaa Iyo Xijaar Kala Hadlay Dar Dar Gelinta Dagaalka Shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha xukuu madda Soomaaliya Dr. Maxamad Axmad Shiikh Cali "Doodishe” ayaa Shalay xafiiskiisa kula kulm ay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliy eed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha ciidanka booliska Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar

Wasiir Dr. Maxamad Doodishe ayaa Warbixin guud ka dhegaystay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yusuf Raage kuna saabs aneday hawlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaannada kala duwan ee dalka.

Kulanka waxaa kaqeeb-galay taliyaha Ciidan ka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Cabdi xasan maxamad Xijaar wux uu Soo Bandhigay qorshaha xasilinta iyo la wareegidda amniga dee gaannada la xu reeyay.

Jeneraal Odowaa oo dhawaan ka soo laabtay furimaha hore ee dagaalka lagula jiro Shabaab ee ka socda maamulada Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa Muqdisho dib ugu soo laa btay si uu warbixin u siiyo masaxxa sare ee dalka.

Xog: Maxaa ka soo kordhay kiiska saraa kiishii loo haystay qaraxyada Beledweyne?

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa Shalay tal iyaha qeybta booliska gobolka Hiiraan u fasaxay shaqadiisa, kadib maalmo uu su’aalo weydiin u joogay magaalada Muqdisho.

Taliyaha booliska gobolka Hiiraan Isxaaq Cali Cabdulle oo maalmihii lasoo dhaafay la faafiyey warar sheegayey in Muqdisho looga yeeray ka dibna la xiray ayaa sheegay in su’aalo laga weyd iiyey qaraxyadii ka dhacay Beledweyne.

Sidoo kale Taliyaha oo ka gaabsaday inuu wa reysi bixiyo ayaa cadeeyey in hadda loo fasaxay shaqadiisa oo Beledweyne uu dib ugu laabanayo.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan ayaa taliya haan iyo kan NISA ee gobolka as ku eedeeyey inay amniga magaalada Beledweyne dayaceen, taas oo keen tay in qaraxyo waaweyn ay Al-Shab aab magaala da soo geliyaan.

Labada Taliye ee NISA iyo Booliska ayaa maalin kadib qaraxyadii Beledweyne waxaa looga yeeray magaalada Muqdisho, iyadoo su’aalo laga weydiiyey sababta ay uga hor tegi waayeen qar axyada.

Sida ay sheegtay in ay ogaatay Caasimada Online, hadda waxaa shaqadiisa loo fasaxay Tali yaha booliska gobolkaas Isxaaq Cali Cabdulle, balse xog lagama hayo waxa laga yeelay Taliya ha NISA ee gobolka Hiiraan oo isla kiiskaan eede ymihiisa wajahaya.

Guddoomiya Cali Jeyte ayaa markii ay qarax yadaasi dhaceen wuxuu dowladda dhexe ka cods aday in la baaro waxa sababay in labada taliye qeyb ay masuuliyad iska saari waayaan ammaan ka magaalada, isagoo sheegay in hal buundo ay ka soo gudbeen 3-da gaari ee qaraxday.

Askar katirsan ciidanka Puntland oo ku geeri yooday qaraxyo lagula eegtay gobolka Bari

Ku dhawaad shan askari oo katirsan ciidanka mariiniska Puntland ayaa ku geeriyooday, halka ti ro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen labo qarax oo lagula eegay buuralayda gobolka Bari.

Labo gaari oo nuuca dagaalka ah oo ay la socd een ciidamadan ayaa qaraxyo lagula eegtay deegaanka Sugure oo ku dhow tuulada Galgala oo 40km dhinaca koonfur galbeed uga beegan magaalada Boosaaso.

Weerarkan oo dhacay Shalay ayaa ciidamada lala eegtay xilli ay socdaal ku jireen. Waxaana dhi mashada iyo dhaawaca loo qaaday magaalada Bosaso, halkaas oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.

Ururka Alshabaab oo saldhiyo qarsoodi ah ku leh buuraha Galgala ayaa loo maleynayaa inay ka dam beeyaan weerarkan, iyagoo weeraro nuucaan ah horey uga geysteen buuralayda gobolka Bari.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay, xilli taliyaha ciid anka Daraawiishta Puntland uu maalmihii ugu da mbeeyay kormeer ku marayay ciidamada ku sug an saldhigyada kuyaalla buuralayda gobolka Bari.

Turkey oo safiir cusub usoo magacow day Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa safiir cusub usoo ma gacowday Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ay faafisay wakaaladda wararka rasmiga ah Ana dolu Agency.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Ca vusoglu ayaa u magacaabay İbrahim Mete Yağlı, oo ah diblomaasi rug caddaa ah inuu noqdo safi irka Turkey u fadhin doono Muqdisho, isaga oo beddelaya Mehmet Yilmaz.

Mehmet Yilmaz ayaa ahaa safii rka Turkey ee Soomaaliya tan iyo bi shii December ee 2018.

İbrahim Mete Yağlı, oo ah 60 jir, ayaa horey usoo qabtay xilal diblomaasiyadeed oo kala duwan, waxaana ugu dambeeyey inuu soo noqday safiirka Turkey ee dalka Botswana intii u dhaxeys ay 2014 illaa 2019. Kahor, wuxuu 2010 illaa 2013 ahaa qunsulka guud ee Turkey ee magaalada Vi enna ee dalka Austria.

Safaaradad Turkey ee Muqdisho ayaa ah tan u gu weyn ee Turkey ay ku leedahay caalamka, wa xaana Ankara ay taageero xooggan oo maaliy adeed iyo mid ciidan siisaa dowladda federaalka Soomaaliya.,

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib dib u doorashadiisa wuxuu Ankara booqday 6-dii July, isaga oo wada-hadallo la yeeshay dhiggiisa Turkey Recep Tayyip Erdo gan. Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Turkiga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir qarn iyo soo jireen ah, oo ku saleysan ixtiraam iyo iska ashi, ka asi oo horseeday booqashadii taariikhiga aheyd ee sanadkii 2011 bishii Agosto uu Muq disho ku yi mid Recep Tayyib Erdogan.

Waxaa xusid mudan in xiligaas uu Erdogan booqashada ku yimid Muqdisho ay ka jirtay xaa lad adag oo bani’aadanimo ah, ayada oo caasi mada dalku aheyd meel ka caagan booqashada Madaxda, islamarkaana ah "khad cas ah oo aan cidna tegin”. "Caalamka oo dhan ayaa la yaabay markii ay arkeen Madaxweyne Erdogan iyo qoyskiisa, gol ahiisa wasiirrada iyo xildhibaanno socod ku mar aya waddooyinka Muqdisho ka dibna booqasho iyo hoy ku jooga xeryaha barakacayaasha,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

FAROOLE iyo GAAS oo ka horyimid qor she uu wado madaxweyne SACIID DENI

Madaxweynayaashii hore ee Puntland, Cabdir axmmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ka qayb-galayey dooda BBC ayaa ka hadlay xiisadda siyaa sadeed ee Puntland, gaar ahaan doorashooyinka.

Labada nin ayaa si weyn uga horymid qorsha ha madaxweynaha hadda talada haya ee Punt land, Saciid Deni ee ku aadan inuu doorasho qof iyo cod ah ka qabto maamulkaasi.

Faroole oo dooda ku horreeyey ayaa shaaca ka qaaday in Saciid Deni uu wado boob iyo mas uq-maasuq, isla-markaana ay ka fogtahay dim uquraadiyadda la sheegayo.

"Doorasho iyo Dimuqaraadiyad ma’ahan waa boob iyo musuq maasuq dowladdu u soo harag badalatay oo ay rabto in ay wax ku boobto,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in muddada u hartay madaxweynaha in aan lagu qaban karin do orasho qof iyo cod ah, balse ujeedkiisa uu yahay inuu sameysto muddo kororsi horleh.

Dhankiisa Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in horta Puntland ay u baahan doorasho qof iyo cod ah, balse qaabka haatan wax loo wado aysan ka tarjumeyn doorasho xor iyo xalaal ah.

"Anigu waxaan qabaa waa loo baahan yahay dim uqraadiyada one person one qof, laakiin midda ha dda qaabka loo dhigayo, waxay u muuqataa inay tahay kalmad xaq ah oo laakiin baadil loola jee do,” ayuu isna yiri Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo la hadlayey BBC-da.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in maa mulka Garoowe, gaar ahaan madaxweyne Saciid Cabdullah Deni laga sugayo in doorashada uu qa bto waqtigeeda oo ah January 2024.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haa tan guux siyaasadeed uu ka jiro Puntland, kaas oo ku aadan inuu muddo kororsi damacsan yahay Saciid Deni oo dhowaan qaaday tallaabo culus, ka dib markii uu xilalkii ka qaaday wasiiro aad ugu dhowaa, kuwa kalena uu magacaabay, taas oo la sheegay inay salka ku heyso doorashada iyo diyaar garowgeeda.

DF oo xirtay dhammaan warbaahintii Al-Shabaab ee online-ka (Aqriso liiska)

Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay dhamm aan barihii Internet-ka ee lagu baahi jiray wararka kooxda Al-Shabaab, sida lagu cadeeyey war-sax aafadeed ka soo baxay wasaarad da boostada iyo isgaarsiinta Soom aaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdira xmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa xaqiijiyey in la xir ay oo hawada laga saaray barihii internet-ka ee Al-Shabaab, iyadoo la soo bandhigay liiska.

"Ilaah mahaddiis, barihii ugu waawaynaa ee Khaw aarijta ee Warbaahinta waa xiranyihiin, waana soc daa howlgalku, waana dhamaystiraysaa Dawlad du inta dhiman.Waa ku mahadsanyihiin Shacabka Soomaaliyeed dhiiranaantooda,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Sidoo kale wasiirka oo shaaciyey Email uu do wladda ku soo ogeysii karo qofkii arka Page lagu baahiyo been abuurka argagixisada ayaa yiri, "Wa xaan si xushmadleh uwaydiisanaynaa Qofkii arka Bar Warbaahineed oo Khawaarijtu ku dhuumanay so in uu nala wadaago, waxaadna nagula wadaa gikartaa Info@moi.gov.so. Mahadsanidiin.”

Shirkadaha bixiya internet-ka Soomaaliya aya a toos loogu wargeliyey inay xayiri karaan oo masuuliyadi ka saaran tahay baraha Al-Shabaab ay ku baahiyaan filimadooda argagaxa leh.

Websityo mudo dheer baahi jiray wararka Al-Shabaab ayaa hadda hawada laga saaray, kuw aas oo ay ku jiraan Somalimemo, Calamada iyo Alfurqaan.

Sida ku cad amarka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya, shirkadaha ayaa laga dalbaday in websityadaas ay xiraan ugu dambeyn Jimcihii Dorraad, waana hir galay amarkaas.

Hoos ka eeg liiska Website-yada ay dowladu xirtay

Booliiska Somaliland oo soo qabtay nin gabadh yar dilay

Booliiska Somaliland ayaa sheegay in ay ga canta kusoo dhigeen nin gabadh yar oo uu abti u ahaa ku gawracay xaafada Sheekh Nuur ee mag aalada Hargaysa.

Qoraal booliisku baahiyay ayaa lagu yidhi "Ciidanka booliska So maliland ay gacanta ku soo dhig een Eedeysane Siciid Ismaciil Xasan oo ku eedeysan inuu dilay gabadh yar oo lagu magacaabi jiray Nashaad Sakariye Xasan oo 2 jir ah".

Faah faahin buuxda lagama helin sababta ke entay in uu gabadha yar oo la sheegay in ay aad u da'ayarayd dilo, wararka ayaa intaa ku daraya in hooyada Nashaad dhashay ay wax caruuraba iya da ka haysatay.

Ninkan ayaa baxsaday kadib markii uu dilka gaystay, isla markaana ciidamada booliiska ayaa ku guulaystay in ay gacanta kusoo dhigaan.

Xog: DF oo xayiraad cusub kusoo rog tay Xasan Daahir

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa shee geysa in dowladda Soomaaliya ay xa yiraad cusub kusoo rogtay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ho rey xabsi guri ugu jiray muddo dhowr sano ah. Sheekh Xasan Daahir, oo aan ka tanaasulin afkaa rtiisa uu ku taageero kooxda Al-Shabaab, ayaa muddooyinkii dambe fikirkiisa ku soo gudbinayey baraha bulshada balse waxaa ha dda laga qa aday tallaabo, waxayna wararku shee gayaan in laga joojiyey adeegsigii baraha bulsh ada.

Go’aan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ay aa lagu amray in lasoo koobo awoodda hoggaa miyahan oo horey uga mid ahaa madaxda ugu sa reyso maxaakiimtii Islaamiga, waxaana xoriyad aan horey u siisay dowladdii hore ee madaxwey ne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxma an Al-Cadaala, oo la weydiiyey farriimaha Sheekh Xasan Daahir mariyo baraha bulshada, ayaa sheegay inuusan jirin qof loo ogol yahay inuu argagixiso taageero, ayna tallaabooyin ka qaad een, arrintaasina laga bogsan doono oo aanay dib u soo noqon doonin.

Arrintan ayaa timid, kadib amarro ay soo saar tay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Federa alka oo ku saabsan inaan la baahin karin farriima ha Al-Shabaab, lana xiray xarumo ay baraha bul shada ku leeyihiin.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa baraha bu lshada kusoo gudbin jiray farriimo ay ka dhashe en doodo badan, waxaana ugu dambeysay middii uu kaga hadlay geeria Jeneral Farxaan Qaroole iyo dilkii loo geystay wiil uu dhalay.

Wadaadkaan da’da ah muddo badana ku taagan fikirkiisa ayaa lagu hayaa xabsi guri ay ilaaliyaan ciidamo ka tirsan dowladda, waxaana gurigiisa kula nool xaaskiisa iyo qaar ka tirsan ilmihisa.

Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab iyo 13 xubno od oo ilaaladiisa aheyd oo lagu dilay Sh/ hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya we erar Habeen hore ka dhacay magaalada Janaale ee gobolka Sh/hoose, kaasoo dowladda So omaaliya ay sheegtay in lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirs anaa Al-shabaab iyo 13 xub nood oo ka mid aheyd ila aladiisa.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga Twitt er-ka ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay sarkaalka lagu dilay weerarka Habeen hore ka dhacay Janaale in lagu magaca abo Maxamed Nuur Shire oo Al-shabaab u qaa bilsana gobolka Shabeelalaha Hoose.

"Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa deegaanka Janaale ku dilay Horjooge Maxamed Nuur Shire oo argagixisada u qaabilsanaa Gobol ka Shabellaha Hoose iyo 13 dhagarqabe oo kale, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka hortagay dhagar ay argagixisada u soo maleygayeen shacabka ku dhaqan deegaanka Janaale” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Twitter-ka Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Weerarkan lagu dilay Sarkaalka sare ee Sha baab ka tirsana iyo 13-ka xubnood ee ilaaladiisa ka midka aheyd ayaa kusoo beegmaya xili Dorr aad dagaalo saacado badan qaatay oo geystay khasaare kala duwan, islamarkaana guulo ka kala sheegteen dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ay ka dhaceen inta u dhaxeysa Basra iyo degma da Balcad ee gobolka Sh/dhexe.


Awoodda Militeriga Soomaaliya oo ka sare martay waddan Yurub ka tirsan

Bogga Golobal firepower oo sanad walba soo saara liiska awoodda militeriga ee dalalka caalam ka ayaa cusboonaysiin ku sameeyay xogtii sanad kan oo meelaha qaar isbaddallo laga arki karo.

Markii xogtan la shaacinayay horaantii sanadkan Soomaaliya ayaa ka mid ahayd saddexda waddan ee ugu hooseeya liiska awoodda militeriga caalamka, waxaana ka hooseeyay oo keliya waddamada Ko sovo iyo Bhutan.

Laakiin cusbaanaysiinta dhawaan la sameey ay ayaa muujinaysa in waddan saddexaad oo ka sii hoos maray Soomaaliya, kaasoo meesha ugu dambaysa ka galay liiska.

Dalkaasi waa Iceland oo ku yaalla qaaradda Yurub. Iceland ayaa ka mid ah dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ee uu Mareykanku hog gaamiyo.

Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad uga jir taa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee wa ddamada adduunka, oo ka kooban 140 dal.

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay warg eyska Global FirePower, tirada shacabka Sooma aliya qiyaas ahaan waa 12,094,640.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa la gu qiyaasay 2,781,767 ruux, oo u dhigma 23.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

1,669,060 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaa dho heer ay ciidanka ku biiraan waa 120,946qof.

Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global Fire Power. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soom aaliya.

Wiilkii godku ku dumay oo maydkiisa la soo saaray

Waxaa hadda deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag lagu soo gabagabeeyay dedaallo lagu ba adigoobayay nin dhalinyaro ah oo lagu mag acaabo Maxamed Siciid.

Ninkaan ayaa sadqii dhexe ee Khamiista uu ku dumay god laga qoto dahabka, kadib markii hadda la soo saaray meydkiisa.

Dadka deegaanka oo adeegsanaya qalabka ay heli karaan ayaa saacado badan ku qaatay qodida godkaas dumay, waxaana ay sheegayaan in aanay jirin cid maamul ah oo gacan u fidisay.

Wararku waxay sheegayaan in 30 saacadood kadib Shalay godka laga soo saaray maydka wiilka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Siciid Cali.

Madaxweyne Biden oo qaatay siyaasad cusub oo si weyn u saameyneysa Soomaaliya

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dajiyey qorshe cusub oo wax looga beddelay siyaasadda

duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka Mareykanka ay ka fuliyaan Soomaaliya iyo dalal kale oo caalamka ah.

Biden ayaa amar ku siiyay saraakiisha ciidamada in aysan qaadi karin weerar xagga cirka ah oo aan lasoo ogeysiin Aqalka Cad marka laga reebo arrimo qaar sida marka ay halis galaan ciidamada Mareykanka ah ciidamada xulafada la ah ee la shaqeeya sida, uu faafiyay wargeyska New York Times.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa taliyeyaasha ciidamada militariga awood u siiyey inay ayaga go’aan ka gaaraan ci dda lala beegsanayo duqeymaha iyo goorta la fulinayo.

Hase yeeshee, Biden ayaa hadda qaatay go’a an ah inaan la fulin karin weerar aan ansixin looga haysan Aqalka Cad, taasi oo macnaheedu yahay in qof kasta oo duqeyn lala beegsanayo lala soo socodsiiyo Aqalka Cad.

Qorshahaan cusub oo uu dajiyey madaxwe ynaha Mareykanka Joe Biden ayaa yimid kadib eedeymo badan oo ka yimid duqeymaha diyaara daha aan duuliyaha laheyn oo ay dowladda Mar eykanka ka fuliso waddamada Soomaaliya, Yem en, Ciraaq, Afghanistan, Suuriya iyo Yemen .

Sida lagu shaaciyey warbixino ay qoreen CNN iyo New York Times, Madaxweyne Joe Biden wa xa uu soo gabagabeeyay qorshahaan Jimcihii 7-dii October 2022, wuxuuna sheegay sarkaal dii day in magaciisa la isticmaalo in qorshahaan uu sare u qaadi karo howlgallada ay dowladda Mar eykanka ka fuliso waddamada kale iyadoo laga fogaanayo waxyeellada shacabka.

Go’aanka Biden ayaa yareyn kara khasaaraha shacabka, balse dadka dhaliila ayaa sheegaya in sidoo kale uu yareyn karo beegsiga argagixisada, maadaama waqti badan ay qaadaneyso ansixinta weerarada, taasina ay keeni karto inay baxsada an saraakiil fursad lagu helay.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International iyo Human Right Watch ayaa horay uga dalbaday Mareykanka in uu bixiyo magta dadka rayidka ah ee ku dhintay duqeym aha ay fuliyeen Diyaaradaha duulliye la’aanta (Drones-ka).

Dowladda Mareykanka ayaa qiratay eedeyma ha loosoo jeediyey ee ku aadan inay waxyeelo ka soo gaarto duqeymaha ay ka fuliso wadamada ay ku sugan yihiin kooxaha loogu yeero "argagixis ada” ee Al-Qaacidda iyo Daacish, waxayna sheeg tay inay magdhaw ka bixin doonto dadkii shacab ka ahaa ee dhibaatada kasoo gaartay duqeym aha.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada ay Mar eykanka ka fuliso duqeymaha dhanka cirka ah, waxaana dhowr jeer soo baxay warar sheegaya in ay ku dhinteen dad shacab ah inkastoo aysan jirin illaa hadda magdhaw ay ka bixisay falkaas.

Tan iyo billaawgii sanadii 2021-kii markii uu Biden talada qabtay ayay diyaaradaha Mareykanka duq eymo dad shacab ah lagu laayay ka geysteen Ko onfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaana uda mbeeyay duqeymo bishii September ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Sh/hoose.

Kenya oo ku guul darreysatay in ay shid aalka kasoo saarto xuduud badeed ka ay la wada agto Soomaaliya

Baadhitaanno seismic ah oo ay Kenya ka sameysay ceelka Mlima-1, oo loo yaqaan Block L11B ee Lamu Basin, ayaa daaha ka qaaday in ay qalalan yihiin, taas oo soo afjartay 10 sano oo shidaal laga raadinayey.

Maamulka Tamarta iyo Batroolka (Epra) ayaa she egay in shirkadda ENI Busi ness Venture ay laashay mashruuca ka hor bartamihii sanadkan, ka dib markii ay ku guuldareysatay inay raadiso kaydka saliidda iyo gaaska ee aaggaas.

Shirkadda Eni ayaa la siiyay ogolaanshaha sahaminta 2012 iyada oo ay ka soo horjeeday dawladda Soomaaliya oo Kenya ku eedeysay in ay si sharci darro ah ku bixinayso baloogyadaas.

Kenya ayaa bishii December ee sanadkii hore sar e u qaaday howlo shidaal baaris ah oo ay ka wa day Basin Lamu, todobaadyo ka dib markii ay diiday go’aan ka soo baxay maxkamadda Qaram ada Midoobay oo inta badan go’aamisay in Soom aaliya ay ka heshay dacwadda badda.

ENI ayaa tan iyo bishii April ee sanadkii hore ku hawlanayd khariidaynta kaydka saliida iyo ga aska ee Lamu Basin in kasta oo ay Soomaaliya muran soohdin ah ay kala dhexeeyo dhinaca xee bta oo dhan 100,000 kiiloo mitir oo laba jibbaaran.

Dooxani waxa ay ku fidsan tahay xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ilaa xadka Tanzaaniya ay la wadaagto, waxaana dowladda Kenya ay ku hawlanayd ballaadhinteeda ilaalinta ceelasha salii dda ee muranku ka taagan yahay.

Djibouti: 7 askari ayaa ku dhintay weer ar lagu qaaday saldhig ciidan

Jabuuti ayaa sheegtay in toddobo ka mid ah askarteeda lagu dilay weerar ay koox fallaago ah aroortii Jimcihii ku qaadday xero ciidan, iyadoo billowday in ay baadi-goobto lix askari oo wali la la’ yahay.

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga ee Jabuuti ayaa lagu eedeeyay weerarka lagu qaaday saldhiga Garabtiisan ee waqooyiga dalka yar ee ku yaalla Geeska Afrika in ay ka danbeeysay kooxda hubeysan ee FRUD (Front for the Restoration of Unity and Democracy), oo ay wasaaraddu ku tilShalayy "koox argagixiso ah”.

"Inkastoo ay askarteennu si geesinimo leh isaga difaaceen weerarkaasi, waxaa ku dhintay toddobo ka mid ah askarteenna, afarna waa ku dhaawacm een, halka lixna la la’yahay,” ayaa lagu yiri bay aanka.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle aya a qoraal uu soo saaray ku canbaareeyey weer arka ay fallaagadu ku qaadday saldhigga ciidan, wax aana uu sheegay in dowladdu ay sharci ga horkeeni doonto kooxda weerarka qaaday.

"Kooxdan burcadda ah ayaa caan ku ah falalka foosha xun ee argagaxisanimo iyo dhaca ay ka ge ysato deegaannada fog fog ee dalka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda oo intaa ku daray in ay dadaallo badan ku bixinayaan in la helo kooxda dilka gaysatay iyo askarta maqanba.

Kooxda FRUD oo u badan qowmiyadda Canfa rta ee Jabuuti ayaa sanadkii 1991-kii dagaal la ga shay dowladda Jabuuti. Hase ahaatee mar danbe ay ay kala jabtay iyadoo xisbiga FRUD uu qeyb ka yah ay isbahaysiga UMP ee haya talada dalka Jabuuti ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, halka garabka hubeysan ee FRUD uu wali ku jiro dagaallo hubeysan.

Jabuuti oo ku taalla mid ka mid ah marinnada maraakiibta ee ugu mashquulka badan dunida ee ay badda cas ku kulmaan gacanka Cadan, ayaa martig elisa saldhigga kaliya ee Maraykanku ku leeyahay Afrika iyo saldhigga ugu weyn ee ciidamada Faransi iska uu ku leeyahay caalamka.

Qeybo ka mid ah warkan waxaan ka soo qaadan nay AFP iyo warbaahinta qaranka Djibouti.

Dowladda Iiraan oo beenisay warar laga faafiyay

Dowladda Iran ayaa beenisay wararka sheeg aya in ciidamada ammaanku ay dileen gabar 16 jir ah intii ay socdeen bannaa nbaxyo ka dhacay dalkaasi.

Baaritaankii ugu horeeyay ayaa lagu ogaaday in Sarina Esma eilzadeh ay is dishay kadib markii ay ka soo dha cday saqafka guri, sida ay sheegtay warbaahintu Jimcihii. Mudaaharaadyo ayaa ruxay Iran tan iyo 16-kii Sebtembar.

Hay’adda Amnesty International ayaa sheeg tay Sebtembar 30-keedii in Esmailzadeh, oo 16 jir ah, "uu dhimatay ka dib markii si xun madaxa looga garaacay budad” toddobaad ka hor.
Wasiirada Geeska Afrika oo ku baaqay in iska ashi ballaaran laga sameeyo wax ka qabashada cunto-yaraanta

Urur goboleedka IGAD, hay’adaha samafal ka iyo saaxiibada kale ee ka taageera mashaariicda horumarinta ayaa ku baaqay in iskaashi ballaadhan laga sameeyo sidii loola tacaali lahaa gaajada iyo cunto yaraanta ka jirta gobolka.

Qiyaastii illaa 51 milyan oo qof oo ku nool wadamada bari ga Afrika ayaa si aad ah ugu baa han cunto, biyo iyo daawo.

Wasiiro ka kala socda illaa sideed dal oo xubno ka ah urur goboleedka IGAD ayaa toddobaa dkan ku kulmay magaalada Nairobi, si ay uga wada hadlaan in xal loo helo dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ka taagan gobolka.

Agaasimaha gobolka u qaabilsan hay’adda cun tada adduunka ee Bariga Afrika, Michael Dunford, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tall aabo degdeg ah.

"Sida la tilmaamay, waxaan ku jirnaa xaalad ad ag, maaha oo keliya xaalad cunto la’aaneed, ee wa xay dhibaato ka jirtaa dhinaca biyaha, dhinaca wax barashada, dhanka nolosha iyo weliba dhinaca naf aqaynta,” ayuu yidhi, isagoo hadalkiisa ku sii daray "waxaa maalmihii la soo dhaafay jiray, hadalo badan oo la jeediyey, laakiin haatan waxaa la joogaa in had aladaas loo rogo ficil, si aan uga jawaabno baahi yaha dadweynaha ku nool gobolka Geeska Afrika.”

WFP ayaa sheegtay in baahida sanadlaha ah ee gobolku ay kor ugu kacday $4.3 bilyan illaa $6 bily an, inkasta oo ay heshay xoogaa deeqo ah, had dana wali ma aanay daboolin baahida jirta.

Maxamed Malick, oo ah agaasimaha hay’adda UNICEF u qaabilsan Bariga iyo Koonfurta Afrika, ay aa sheegay in gobolku uu waayayo jiilkii soo kac ayey, ka dib markii ay soo foodsaartay cunto yari iyo biyo la’aan baahsan.

Shirka guddiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo oo Jigjiga ka socda xilli amniga ma gaalada Jigjiga aad loo adkeeyay

Waxaa magaalada Jigjiga ka furmay Shirka gud diga fulinta ee Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee Barwaaqo, iyadoo shirkan ay kasoo qayb galeen Ra 'iisal Wasaaraha Itoobiya ahna Madaxa Xisbiga Bar waaqo Abiyi Axmed, Wasiiro heer federal ah iyo Madaxda dowlad degaannada dal ka Itoobiya.

Shirkan ayaa waxyaabaha lagaga hadli doono waxaa kamid ah xa aladda guud ee dalka Itoobiya, iyo sidii loo wajihi lahaa wada hadallada u dhaxeyn doona dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF.

Haddaba Shirkan guddiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo oo sida la qorsheeyay socon doona ilaa laba maalmood, ayaa la filayaa inay kasoo bixi doo naan qorshayaal iyo go'aano muhiim u ah dadka iyo dalka Itoobiya.

Shirkan ayaa kusoo hagaagay xilli la filayo in do wladda Itoobiya iyo TPLF oo muddo badan dagaal lamayay uu wada hadal uga furmi doono dalka Koo nfur Afrika, iyadoo sidoo kale uu Shirkani kusoo bee gmay xilli colaaddo kala duwan ay ka jiraan meelo kala duwan oo kamid ah dalka Itoobiya. Geesta kale inta uu Shirkani socdo ayaa waxaa aad loo adkeeyay amniga magaalada Jigjiga, iyadoo waddooyinka waawayn ee magaalada dhex mara la ga mamnuucay gaadiidka noocyadiisa kala duwan marka laga reebo gaadiidka hay'adaha amniga, iya doo dadkuna ay luguhooda maalayaan walaw Baja ajtu iyo gaadiidka daweynuhu ay marayaan waddoo yinka xaafadaha dhexdooda ah, kuwaas oo intooda badan aan ahayn kuwo dayactiran oo socodka ku haboon.

Dadka reer Jigjiga ayaa cidhiidhi badan dare ema xilliyada sidan oo kale magaalada ay u yimaad daan martida ka timaadda heer federal ama maga alada lagu qabanayo munaasabado heer federal ah, iyadoo maalmaha sidan oo kale ah ay adag tahay inaad hesho gaadiid aad ku timaaddo goobtaada shaqo ama aad ku tagtid gurigaaga.

Wada-Hadalladii Nabadeed Ee Dowladda Itoobiya Iyo Tigray Oo Dib Loo Dhigay

Wakaalladda Wararka ee Reuters ayaa ku warantay in dib loo dhigay

wada-hadallo nabadeed oo u dhexeeyay dowladda Itoobiya iyo ciidamada ka socda gobolka ay colaa duhu ka taagan tahay ee Tigray.

Wadahadallada ayaa lagu waday inay qabsoomaan dhammaadka toddobaadkan, welina lama sheegin xiliga la qaban doono wadahadaladan.

Horaantii Jimcihii, Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, oo lagu waday inuu ka mid noqdo dhexdhexaadiyeya asha, ayaa la sheegay inuu isaga baxay sababo uu ku tilmaamay "isku dhac” jadw alkiisa.

Wada hadallada ayaa la qorsheeyay in dhamaad ka toddobaadkan ay ka dhacaan dalka Koonfur Afrika, wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiga naysa ilo diblomaasiyadeed ayaa sidaasi qortay.

Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Koonfur Afrika Oo Xabsiga Laga Sii Daayey

Madaxwaynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa xabsiga laga soo daayay kadib markii uu dhammeystay xukunkii xabsiga ahaa ee lagu xu kumay, sida ay sheegtay dowladda dalkaas.

Zuma ayaa sanadkii hore lagu xukumay 15 bilood ka dib markii uu iska dhaga tiray awaamiir maxakamad eed oo amreysay inuu yim aado dhageysiga eed la xiriirtay musuqmaasuq intii uu ahaa madaxweynaha dalkaas, laakiin ay maxkamaddu sheegtay inuu ixtira am darro ku sameeyay amarkaas.

Zuma ayaa is dhiibay Toddobadii Julay ee san nadkii hore, si uu u bilaabo xukunkiisa muddada uu xabsiga ku jirayo, taasoo kicisay rabshadihii ugu xumaa ee Koonfur Afrika soo marta muddo sannado ah, iyadoo taageerayaashiisa xanaaqsan ay isugu soo baxeen waddooyinka.

Bayaan uu soo saaray ayuu Zuma ku sheegay inuu dareemay nafis markii uu noqday nin xor ah, wu xuuna u mahadceliyay taageerayaashiisa.

Zuma ayaa lagu sii daayay cafis caafimaad bishii Sebtembar 2021. Balse bishii December, maxkama da sare ayaa dhinac isaga saartay go’aanka sii-dayn sharafeedka, waxayna ku amartay inuu xabsiga ku laabto.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO oo sheegtay in qaaradda Afrika ay tahay meesha ugu badan ee dadka ay u dhintaan is-dilka.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in qaaradda Afrika ay tahay meesha ugu badan ee dadka ay u dhintaan is-dilka.

Warbixin ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in Afrika ay hoy u tahay lix ka mid ah 10-ka waddan ee ugu badan ee ay ka dhacaan is-dilka ugu badan caalam ka.Qaaradda ayaa la sheegay in 500, 000 oo qofba ay leedahay hal dhakht ar dhim irka – 100 jeer in ka yar tala da WHO.

Qiyaastii 11 qof ee 100,000 kiiba ay aa isdila Afrika, taas oo ka sarraysa celceliska caa lamiga ah ee sagaalkii qof ee 100,000 qofba, ayay tiri WHO.

Dhimasho iyo dhawaac ka dhashay qarax ka dhacay kaalin shidaal gobalka Donegal ee dalka Ireland

Gordhow ayaa la xaqiijiyay in 10 qof ay ku dhinteen qarax ka dhacay kaalin shidaal oo ku taalla gobalka Donegal ee dalka Ireland.dadka dhintay ayaa isugu jira dad waa weyn iyo carruur sida ay sheege en booliska dalkaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay xaafad da Creeslough Dorraad galinkii dambe.Sideed qof oo kale ayaana loo qaaday Cusbitaalka kuwaas oo la sheegay inay ku dhawaacmeen shilkan.Burbur xo oggan ayaa sidoo kale soo gaaray dhismaha goobta uu qaraxu ka dhacay.Mas’uuliyiinta magaalada ayaa sheegay in ay dalka ka jirto baroor-diiq loo sameyn ayo dadka geeriyooday.

Magaalada NewYork ee dalka Mareykan ka oo xalad degdeg ah la geliyay kadib qulqulka muhaajiriinta In ka badan 17,000

Duqa magaalada New York Eric Adams ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah si wax looga qabto "xaalad qalalaase” oo ka dhalatay qulqulka muhaaj iriinta.

In ka badan 17,000 ayaa magaalada ka soo gal ay xadka koonfureed tan iyo bishii Abriil. Gobollada Jamhuuriga sida Tex as, Arizona iyo Flor ida waxay soogalooti ga u diri jireen aaga gg a Dimuqraadiga bilihii la soo dhaafay.

Mr Adams ayaa shir jaraa’id ku sheegay Jimcihii in ilaa Sebtembar, celcelis ahaan shan ilaa lix bas ayaa imanayay magaalada maalin kasta.

Wuxuu sheegay in mid ka mid ah shantii qof ee ku nool nidaamka hoyga magaalada uu hadda yahay magangalyo doon.

Qaar badan oo ka mid ah kuwa yimid waa qoy sas wata carruur da’dii dugsiga gaadhay waxayna aad ugu baahan yihiin daryeel caafimaad, ayuu yidhi.

Wararkii Ugu Danbeeyay Qarax Ka Dhac ay Buun dada Isku Xirta Ruushka Iyo Crimea

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa loo sheegay "xaalad deg deg ah” ee buundada Crim ea. Afhayeenka Kr emlin-ka Dmitry Peskov ayaa she egay in Putin amar ku bixiyay in la sameeyo guddi dowladeed oo baara dhacdadan.

Peskov ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Interfax: "Madaxweynuhu waxa uu faray ra’iisul was aaraha inuu soo dhiso guddi dowladeed oo soo cad deeya sababaha keenay dhacdadan”.

Waxa uu intaa ku daray in wasiirka gaadiidka Vitaly Savelyev iyo wasiirka xaaladaha degdegga ah Aleksandr Kurenkov ay u socdaalayaan goobta uu shilku ka dhacay. Bundadan ayaa ah isku xirka kaliy a ee ka dhexe eya Ruushka iyo jasiiradda Crim ea, oo ay Moscow si sharci darro ah ula wareegtay

2014-kii.


Heerka shaqo la'aanta ee Maraykanka oo gaadh ay halkii ugu hoosaysay muddo 50 sano ah.

Warbixin ay soo saartay maalintii Jimcihii was aaradda shaqada ee dawladda Maraykanka ayaa faahfaahin lagaga bixiyey heerka shaqaalaynta ee bishii ugu dambaysay ee September, taas oo sawir ka bixinaysa, heerka shaqada iyo shaqaalaynta ee Maraykanka.

Warbixintan cusub ayaa sheeg tay in bishii September in la abuuray illaa 263,000 oo fursado shaqo ah, inkasta oo heerka shaqaalayntu uu ka hoo seeyo intii la shaqaaleeyey bishii August ee sann adkan, taas oo ahayd 315,000 oo shaqo.

Heerka shaqo la’aanta ee Maraykanka ayaa mar aysa illaa 3.5%, waxaana dadka bilaa shaqada ah lagu qiyaasayaa inay yihiin illaa 5.8 million oo qof, waxaana ay maraysaa meelihii ugu hooseeyey ee ay shaqo-la'aanta Maraykanku gaadho muddo ku siman 50 sannadood.

Warbixinta ka soo baxday wasaaradda shaqada ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in meel aha ugu badan ee shaqaalaynta abuuray inay ku jiraan, shirkadaha madadaalada iyo adeegbixinta, sida hoteelada hurdada, makhaayadaha iyo baar arka, kuwaas oo suuqa shaqada ku soo daray illaa 83,000 oo shaqo oo cusub marka la barb ardhigo bishii ka horraysay.

Sidoo kale goobaha bixiya daryeelka caafim aadka iyo kaalmada bulshada ayaa iyaguna qaa tay illaa 75,000 oo shaqo oo cusub, halka wer sheduhuna ay soo kordhiyeen illaa 22,000 oo shaqo.

Warbixinta ayaa sheegtay inay hoos u dhaceen shaqaalaynta dawladdu. Sidoo kale me elaha ay hoos u dhacday shaqaalayntoodu waxaa ka mida ganacsiyada tafaariiqlayda ah, gaadiidka kala duwan iyo weliba shirkadaha iska leh bakhaa rada waaweyn.

Qiimaha maceeshadda ee sarreeya iyo sicir bararka ayaa ka mid ah, arrimaha walaaca badan ku haya shacabka Maraykanka. Bangiga dhexe ee Maraykanka dedaal xooggan ugu jira, sidii uu ula dagaalami lahaa sicir-bararka ka jira dalka Ma raykanka, isaga oo sare u qaaday heerka dulsa arka, illaa shan jeer isla sannadkan gudihiisa.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Associated Press

Abaalmarinta Nobel Peace Prize Oo Ay Ku Gu uleysteen Ururo Iyo Shaqsi U Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyada

Nin u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyada wadan ka Belarus oo xiran iyo laba kooxood oo ka kala socda Ukraine iyo Ruushka ayaa la guddo onsiiyay abaalmarinta nabadda ee Nobel kadib markii loo aq oonsaday inay si weyn ugu olol eeyeen xuquuqda aadanaha iyo dimuqraadiyadda.

Bialiatsky ayaa abaalmarintan ku guuleystey isagoo xabsiga la dhigay iyadoo ay socdaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo Alexander Lukashenko ee Belarus.

Ururka CCL ee Ukraine waxay si weyn ugaga soo horjeesatay cadaadis siyaasadeed iyo da mbiyada ka dhanka ah bini’aadantinimada ee me elaha dalka ka mid ah ee uu Ruushku qabsaday.

Sidoo kale waxaa ka mid ah ururada la gudd oonsiiyay abaalmarintan Memorial oo ka dhisan dalka Ruushk.

Madaxa guddiga Nobel-ka Norway Berit Rei ss-Andersen ayaa u sheegtay warfidiyeenka in saddexdooduba ay sameeyeen "dadaal aad u wanaagsan oo lagu diiwaan gelinayo dambiyada dagaalka, xad-gudubyada xuquuqda aadanaha iyo ku-takri-falka awoodda”.

Ales Bialiatsky, oo 60 jir ah, ayaa aasaasay kooxda u dooda xuquuqda Belarus ee Viasna, oo macnaheedu yahay guga, sannadkii 1996-kii, laba sano ka dib markii Mr Lukashenko uu xukunka qabtay. Waxa markii ugu horreysay xabsiga la dhigay sannadkii 2011-kii, kaddib sannadkii hore, ayaa haddana la xiray isagoo aan wax dambi ah lagu soo oogin. Waxa uu ka mid yahay 1,348 qof oo ay Viasna sheegtay in hadda lagu hayo maxa abiis siyaasadeed gudaha Belarus.

Memorial waa mid ka mid ah kooxaha xuquuq da aadanaha ugu da’da weyn ee Russia. Waxaa hore u hogaaminayay nin kale oo ku guulaystay abaalmarinta Nabadda, Andrei Sakharov, dabaya aqadii 1980-aadkii, shaqadeeda ayaa daaha ka qaaday baaxadda dhabta ah ee cadaadiskii Jose ph Stalin ee qaabkii xerooyinka Gulag ee shaqa da qasabka ah, halkaas oo tobanaan milyan oo qof loo malaynayo in ay ku dhinteen.

Kooxda xuquuqul insaanka ee Ruushka Memorial ayaa diiwaangelisay xadgudubyo dhanka xuquu qda ah laga soo bilaabo waagii Stalin ilaa Sha laydan la joogo Ruushka

Xarunta Xorriyadda Madaniga ah ee Ukraine ayaa bilihii lasoo dhaafay u weecday tacadiyada ay geystaan ​​ciidamada Ruushka, kadib markii ay sanadadii lasoo dhaafay ku qaadatay diiwaan gelinta tacadiyo siyaasadeed oo ka dhacay gob olka Crimea ee Ruushka uu la wareegay iyo dambiyo ka dhacay deegaano ka tirsan bariga Ukraine oo ay maamulaan kooxaha gooni u goo sadka ah ee uu Ruushka taageero.

Madaxa xarunta, Oleksandra Matviychuk, ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay abaalmar inta la wadaagayaan "saaxiibadayada iyo la-hawl galayaashayada Memorial iyo Viasna”.

Si boqolaalka kun ee dhibanayaasha damb iyada dagaalka loogu helo caddaalad, waa in la abuuro maxkamad caalami ah si ” cadaalada loo horgeeyo Putin, Lukashenko iyo dambiilayaasha kale ee dagaalka”.ayay tiri Matviychuk.

Duqayn ay dad badani ku waxyeeloobeen oo ka dhacday duleedka Mekelle

Ciidanka Cirka Itoobiya ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii weerar dhinaca cirka ah ka gaystay deegaan hoostagga Magaalada Mekelle, taasoo galaafatay nolosha dad rayid ah.Inta la xaqiijiyay 5qofayaa ku dhintay duqayntan, halka 37 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dr. Kibrom Gebreselassie, Agaasimaha Isbita alka Guud ee Mekelle ayaa sheegay in isbitaal kooda la soo gaarsiiyay 42 qof oo dhaawac ah, ku waa oo 5 ka mida ay geeriyoodeen.

"Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa duqayn ka gaysatay deegaanka Dengolat oo 30 km u jira Magaalada Mekelle, duqaynta ayaana sababtay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.” Ayuu yiri Kibrom Gebreselassie.

Waxa kaloo uu yiri "Illaa iyo hadda ma cadda tirada guud ee dhimashada, isbitaalkeena waxaa la soo gaarsiiyay 42 qof oo dhaawac ah, 5 ka mid ah ayaa dhintay.”

Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli wada hadaladii Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Tigrayga ku lahaayeen dalka Koonfur Afrika uu dib u dhac ku yimid.


PUTIN OO SANAD-GUURADA DHALASHA DIISA LOO SIIYAY CAGAF IYO HADIYADO KALE CAGAFTA PUTIN LA SIIYAY

Gaari cagaf ah ayaa kamid ahaa hadiyadaha la siiyay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, oo 70 jirsaday.

Waxaa hadiyadaas xuska dhala shadiisa ugu hibeeyay Mad axweynaha Belarus, Alexander Lukashenko, oo ay saaxiibo dhaw yihiin Putin.

Cagafta ayaa astaan u ah dalkaas deriska la ah Ruushka, isla markaana ku taageeray duullaanka Ukraine.

Lukashenko ayaa cagafta hadiyadda ah geeyay munaas abadda oo ka dhacday magaalada uu ka soo jeedo Putin ee St Petersburg.

Madaxweynaha Ruushka ayaa goobtaas kulan kula qaatay hogaamiyaya asha dalalkii ka tirsanaa Midowgii Soofiyeet, xilli uu meel adag marayo dagaalka Ukraine. Saaxibadiisa ayaa bogaadiyay Putin oo muddo ka badan labaatan sano hogaaminayay dalweynaha Ruushka.

Lukashenko oo lagu tilmaamo "keligii taliyaha” ugu dambeeyay Yurub, isla markaana dalkiisa xukumayay tan iyo 1994, ayaa sidoo kale Putin gudoonsiiyay shahaado muujinaysa in gaariga cagafta ah lagu sameeyay Belarus.

Madaxweynaha Tajikistan, Emomali Rahmon ayaa isna Putin hadiyad ahaan u siiyay buuro laga sameeyay qare ama xab-xab.

Ka bood Twitter boggan Qoraalka Muuqaal ka,Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahanDhammaadka Twitter bog gan Madaxweynaha Ruushka ayaa marar badan lagu arkay isagoo saaran gaari cagaf ah.Cagafta Putin

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Baadariga kaniisadda ugu weyn Ruushka, Patriarch Kirill, oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku amaanay Putin inuu "bedalay sawirkii Ruushka, isla markaana uu xoojiyay madax bannaanida dalkiisa, awoodda difaac iyo danaha qaranka.”

Hogaamiyaha Chechnya, Ramzan Kadyrov, oo munaasabadda ka hadlay ayaa isna Putin ku tilmaamay "wadaniga koobaad ee caalamka”.

Dadka kale ee u soo hambalyeeyay Putin waxaa kamid ah hogaamiyaha Kuuriyada Koonfureed, Kim Jong-un oo tilmaamay in Madaxweynaha Ruushka uu "jebiyay caqabadaha iyo hanjabaadda Maraykanka”.

Cadowga Putin ayaa fursadda uga faa’iideystay inay ku tilmaamaan dembiile dagaal, isla marka ana doonaya inuu burburiyo dalka uu weeraray iyo weliba dalkiisa.

Wasiirka gaashaandhigga ee Ukraine, Oleksii Reznikov, ayaa ugu baaqay ciidamada Ruushka inay iska diidaan amarrada Putin, ayna joojiyaan dagaalka. "Putin waxa uu ku dhuumanayaa qalcad, halkii uu la safan lahaa ciidama diisa,” ayuu yiri wasiirka.

Caasimadda Prague ee dalka Czech, dad ku mudaha raaday hogaamiyaha Ruushka ayaa soo bandhigay muuqaal loo ekeysiiyay Putin oo ah boqor qaawan, kuna fadhiya suuli dahab ah.

Dibedbax ka dhan ah Putin

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip