Video: Gantaalkii gumeystihii Talyaaniga kusoo tuuray Warsheekh iyo taariikhda faca fog ee degmada

0
Saturday August 27, 2022 - 13:43:04 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Video: Gantaalkii gumeystihii Talyaaniga kusoo tuuray Warsheekh iyo taariikhda faca fog ee degmada

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Waxaan booqasho dalxiis iyo siyaarba ugu tegay Degmada Warsheekh oo uu ku aasan yahay Aabaheen Sheekh Cabdi Celi, waxaana booqashadaasi fursad ugu helay inaan soo gudbiyo warbixintaani taariikhi ah oo kusoo qaadan doono mid ka mid ah raadadkii gumeystihii Talyaaniga oo welidegmada qadiimiga ah xusuus ahaan u yaal, halisna ugu jira in uu raadkaasi taariikhiga ah baaba’o maadaama aysan jirin maamul iyo cid xil iska saarto keydinta taariikhdaasi balse intaan u guda gelin waxaan marka hore iftiiminayaa taariikhda faca fog ee Warsheekh.

Warsheekh,waa degmo qadiimi ah oo leh xormo gaar ah, waxay katirsan tahay Gobolka Shabeellaha Dhexe, fogaan dhan 65 km ayeymagaalada Muqdisho dhinaca xeebta Waqooyi Bari kaga beegan tahay, waamagaalo leh madxaf diineedka ugu weyn Soomalia.

Magaalada Warsheekh waxaa aasaaskeeda lahaaSheekhDaa’ uud Cali Idiris qarnigii 17-aad, waxaana uukabilaabay dhismaheeda Masjidkasameysnaa dhagax iyo Dugsi lagu baran jiray Qur’ aan Kariimka. Allaha u naxariisteeSheekhDaa’ uud wuxuu ahaa wadaad aad u necbaa gumeysiga, sida ay dadka Warsheekh u neceb yihiin dulmiga, wuxuuna dadaalkii uu Warsheekhkabilaabay ay aheyd fidinta Diinta Islaamka iyo iska difaaca gumeysigii Talyaaniga ee sahminta u yimid Somalia.

Warsheekh waxay xiriir Beec Mushtar la lahaan jirtay aduunka intiisakale, gaar ahaan Bariga Dhexe iyo Afrika, waxay laheyd Dekad Wanaagsan oo Doonyaha beec mushtarka ku yimaada ay ku soo xeran jireen, Waxeyna keeni jireen Badeeco u badan Bunka, Dharka, Timirta iyo Milixda Ama Cusbada, waxeyna qaadi jireen Xoolaha Nool, Harkaha, Subaga, Nuuryada cad, Luubaanta ama Fooxa iyo alaabokale.

Warsheekh waxay ka mid noqotay xeebihii ugu horeeyay ee gumeystihii Talyaaniga dagaalka kusoo galay. Sida ku xusen taariikhda qoran 14-04-1890 kii oo ku beegan xiligii Talyaaniga sahminta ku yimid Somalia waxaa xiligaasi kooxkatirsan ciidamadii Talyaaniga ku soo xerteen marsada degmada Warsheekh, waxaana hoggaaminayey ciidadmaasi sarkaal la oran jiray Dhame Amania, isagoo xeebta u soo diray Sahankakooban Toddoba badmaax iyo Turjumaan ku hadlayey afka Carabiga.

 

Reer Warsheekh iyo Culumadoodii waxaykadhiidhiyeen soo gelida ciidamadaasi, halkaasna waxaakaqarxay dagaal xoogan oo lagu dilay Gumeystihii ugu horeeyay ee geyiga Somalia nafta looga qaado, sarkaalkaasi oo hoggaaminayay ciidamadii loo soo diray sahminta xeebta degmada Warshiikh.

Caro ay gumeystihii ka qaadeen dilka Sarkaalkooda waxay dib ugu laabteen badweynta, halkaasinaiaykabilaabeen duqeyn xoogan oo degmada Warsheekh laga soo duqeeyay badweynta dhexdeeda, iyadoo ilaa iyo iminka degmada xusuus ahaan u yaalaan gumucyadii Gantaalihii lagu soo riday, waxayse degmada laheyd ciidamo la oran jiray AFARTAN LOWGA oo ilaalokahayay xeebaha degmada ay leedahay. hase ahaatee markii si rasmi ah ula wareegeen gumeysigii Talyaaniga guud ahaan dalka waxay si nabad leh u soo galeen degmada Warsheekh oo ay xadgudubyo aan halkan lagu soo koobikarin u geysteen waxgaradkii iyo ciidamadii dagaalkakala hortegay.

Gumaca gantaalka lagu soo tuuray degmada Warsheekh xiligaasi oo nasiib wanaag aanu qarxin, dhirir ahaan waxaan ku qiyaasay 75 -80cm, Hadda wuxuu u muuqdaa mid burburi raba maadaama in ka badan qarni jamalada korkooda ku aasnaa oo aysan jirin cid mas’uuliyad iska saartay in ay daryeelo taariikhdaasi faca weyn xitaa haddii ay ahaan laheyd dowladdii Kacaanka oo laga yaab inaysan ka war qabin ama aan jecleysan in taariikhdaasi ahaado mid qoranto, si walbo haku dhacdee.

Maamulka degmada iyo gaar ahaan culumada xushmada leh ee Warsheekh waxaan isku dayay inaan fahamsiiyo muhiimada ay degmada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uu u leeyahay in raadkaasi taariikhiga ah la keydiyo lana daryeelo gumahaasi si uu xsuus ugu noqdo jiilasha aan waxba ka aqoon degmada iyo cid kasta oo booqasho ku tagto si loo tuso.

Dal walba oo ku yaal adduunka wuxuu keydiyaa taariikhdiisa hadeey ahaan lahaayeen madaafiicda lagu soo weeraray iyo raad walba oo gumeystaha uu tegay dalkooda, inkastoo dowladdii dhexe ee dalka soo marayba ay qariyeen taariikhda degmooyin gaar ah.Gababadii, Warsheekh waxay caan ku tahay fidinta Diinta Islaamka iyo Mashaa’ iqda la xormeeyo, waa magaalo culumo, laguna tixgeliyo Madarasadaha ay aas aaseen culumo Soomaaliyeed oo aankatilaamikaroSheekhDaa’ uud Cali Idiris,SheekhAbiikar Miixdaar,SheekhCabdiOwCumar (SH. Cabdi Celi iyoSheekhMuxumad,

Dadka Warsheekh iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, waxay dugsadaan Kutubtii iyo wixii kheyr ah ee uu ugu tegay Sheekh Cabdi Celi Ow-Cumar oo sanad walba bishaan oo kale u barakaca iyo siyaar doonta halka uu ku aasan yahay ee degmada Warsheekh, waxaana faaladeydaku soo gabagabeynayaa tix yar oo AabaSheekhCabdiCumar xertiisa iyo dadka toosan ay ku salaami jireen oo ah.

Imaanki Udgoonaa Aabaheena Sheekh,Cabdiow Cumarow 

Ijaabaan Rabnaa  

Qaliifaad Aheedow Qalqigaan Dhamaan,

Adee kuu qashuuceen Qaatumaan Rabnaa

 Bisinki Ilaahey ba’ahi Qur’aan,

Bagaade ka buuxaan baraka  Rabnaa Eebow.

W/Qoray: Ali Muhiyaddiin


Caasimada Online



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip