Faraa ii taagan. Farmajana xasaanad ma leh!!!.

0
Saturday August 20, 2022 - 22:44:15 in Wararka by
  • Visits: 1943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faraa ii taagan. Farmajana xasaanad ma leh!!!.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Somalidu waxa ey ku maahmaahdaa (Nin Aniga yiri, Dad iska sooc). Waxaa aan Maqlay in Farmajo loo dhaarinayo Xildhibaan sharafeed. Waxaa ka mid ah Sifooyinka lagu noqdo Xildhibaan Sharafeed in Madaxweynuhu uu Xilka ku wareejiyo Si nabad ah.

Haddaba, Farmajo waxa uu Dalka si shrci daro ah ku sii maamulayay 2 Sano ka badan. Mudadaa waxaa ka dhacay Gobalda Dagaalo iyo in qaarkood la cuna qabateeyo. Waxaa kale oo RW Ethiopia Aby Axmed uu Baarlamaankiisa u sheegay in Somaliya laga siiyay 4 Dekadood, taa oo sharci daro ah, Baarlamaankana aan la hor keenin oo laga qariyay. Mudadii uu xilka hayay waxa uu naga hor istaagay Xuquuqdii aan u leheeyn in aan Banaanbax nabadeed ku muujino aragtideena.

Mudadaa, Waxa uu Xaafadeeheena ku soo qaaday Dagaal Dad ayaa ku dhintay, ku dhaawacmay, ku bara kacay, Hantina ku burburtay. Xilka si nabad ah kuma wareejin ee waxaa ku khasbay Dagaalkii Badbaado qaran iyo Culeeysyo Gudaha ah.

Haddaba Farmajo oo aan xilka si nabad ah ku wareejin Haddii Xildhibaan laga dhigo. Mustaqbalka Qof kastaa kama xishoonayo in uu Dambi galo, si uu Xildhibaan Sharafeed u noqdo.

Haddaba, Anigu Shakhsiyan waxaan u cadeeynayaa, Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Guud ahaan Ummadda Somaliyeed in aanan Shakhsiyan marna Aqoonsan doonin Xildhibaannimo iyo Xasaanad la siiyo Farmajo. Waan ugahay Awood aan ku hor istaago kaligeey malihi, Laakin Damiirkeeyga Xur ayaan u ahay Kaligeey. ( Nin Aniga yiri: Dad iska Sooc)

FG: Dadka qaar, Aragti Doqomeed leh, ayaa u macneey doono arrin qabiil. Ogoow, Dad ey qaraabo aad u dhaw yihiin Farmajo ayaa ah saaxiibadeyda qaaliga ah.


Laakin Aragtideeyda in aan cadeeyo Xaq ayaan u leeyahay. Sida aad Adiguba taada xaq ugu leedahay. Hana iga sugin in aan Farmajo Xildhibaanimo iyo Xasaanad u aqoonsado. Waa Aragti iyo Aaminaad Qofeed.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip