Sidee Somaliland u fashilisay qorshe uu damacsanaa safiirka SHIINAHA kaddib gubashadii suuqa Waaheen?

0
Thursday August 18, 2022 - 21:59:52 in Wararka by
  • Visits: 1696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Somaliland u fashilisay qorshe uu damacsanaa safiirka SHIINAHA kaddib gubashadii suuqa Waaheen?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

In yar kaddib markii uu gubtay suuqa ugu weyn Jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, diblumaasi sare oo Shiinees ah ayaa weydiistay idan ah inuu booqasho ku yimaado si uu ula qeybsado dareenkiisa.

Fei Shengchao, oo ah safiirka Beijing u fadhiya Soomaaliya, ayaa u sheegay maamulka Hargeysa inuu doonayo sidii uu uga hadli lahaa suuragalnimada kaalinta Shiinuhu ka qaadan karo yareynta iyo dhimidda saameynta ballaaran ee dabku ka geystay suuqa, kaas oo ilo badan oo dhaqaale ah duugay.

Gubashada ayaa kusoo beegantay xilli abaare ba’an lagu jiray iyo cuuryaamada dhaqaale ee xanuunka Covid-19. Markii ay booqashiisu soo dhawaatay, Fei ayaa doonay inuu la kulmo sharci-dejiyayaal kamid ah Guurtida Somaliland, hoggaamiyaasha mucaaradka iyo ardayda jaamacadaha.

Waxayna taasi abuurtay shaki ah in qorshaha Beijing uu ka guda ballaaran yahay gurmad iyo kaalmo. Waxaa loo arkay inay jamhuuriyadda ka dhex abuuranayso xulufo la-siyaasad noqda si loo wiiqo xiriirka diblumaasi ee u dhaxeeya Taiwan iyo Somaliland.

"Waxay ahayd gebi ahaanba mid siyaasadaysan,” ayuu yiri Ciise Keyd, oo ah wasiiradda arrimaha dibadda Somaliland. Wasiirka ayaa u sheegay safiir Fei inuusan imaan karin.

"Waxaan u qaadannay inay ahayd mid aan habbooneyn; mana ahan inaan wax ka cabsanay – waa inaan ogaanay ajende ka duwan midka ay noo sheegeen inay wateen,” ayuu yiri.

 

Way adag tahay in dalal badan oo Afrikaan ah inay ku gacan sayraan codsiga iyo doonista Shiinaha maadaama uu adduun adag ugu maalgeliyo garoomo diyaaradeed, waddooyin iyo dekado.

Laakiin Somaliland waxay u ahayd tallaab ku dhac ah inay qaadato go’aankaas.

Wasiir Keyd wuxuu sheegay in Somaliland ay u furan tahay xiriir walba oo laba-geesood ah inay la sameysato dal kasta – waa haddii aysan shuruud ku xirneyn.

"Ma aqbalayno inay cidi noo sheegto cidda aan xiriirka la yeelaynayo iyo cidda aan iska diidayno,” ayuu yiri.

Muranka iyo xasaradaha ka dhex aloosan Shiinaha iyo Taiwan wuxuu ku sigtay inuu dagaal kale oo qabow ka dhex abuuro Beijing iyo Washington, wuxuuna hadda u muuqda mid sidoo kale karkarinaya xaaladda Geeska Afrika.

Somaliland oo hadafkeedu yahay inay madax-bannaani buuxda iyo aqoonsi caalami ah ka hesho Soomaaliya inteeda kale waxay xiriir la sameysatay Taiwan oo iyadana doonaysa inay ka go’do dhulweynaha Shiinaha.

Mr. Fei wuxuuWall Street Journalu sheegay in Somaliland aysan kaliya dooneyn in la aqoonsado balse ay sidoo kale dab ku shidayso xasiloonidda iyo midnimada waddamada kale – tallaab uu ku micneeyey mid aysan waxba ku faa’iidi doonin oo ay gabagabadiisa isku wax-yeeli doonto oo kaliya.

Wuxuuse ka gaabsaday inuu ka warbixiyo safarkiisii fashilmay oo uu ku tagi lahaa Hargeysa kadib gubashada Suuqii Waaheen kaas oo lagu waayay adduun dhan 1.5 bilyan oo Doollar.

Washington, ayaa isla mar ahaantaana, dhinaceeda isku dayaysa inay sii xejiso danaheeda Geeska Afrika. Pentagon-ka ayaa hadda saldhig weyn ku leh Jabuuti oo Soomaliya jaar la ah; waxaana fogaan aan ka durugsaneyn saldhig kale oo militari ku leh Shiinaha

Maraykanka ayaa taniyo muddo badan wuxuu dagaal aan dhammaadkiisa loo jeedin kula jiray kooxda al-Shabaab oo xiriir la leh Ururweynaha al-Qaacida.

Madaxweyne Biden wuxuu dhawaan amray in boqollaal ciidamada howlgallada gaarka ah qaabilsan oo ka socda Maraykamka loo dhiso xero ay ku tababbaraan ciidamo Soomaaliyeed oo la dagaallama al-Shabaab.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Donald Trump ayaa amray in laga soo saaro 700 oo ciidamadooda ah Soomaaliya maalmihii ugu dambeeyey xukunkiisa.

Jeer iyo haddana, waxaa maamulka Biden walaac ku heysa inuu luminayo Somaliland oo xasilooni iyo dimuqraadiyad ku naaloonaysa. Waxaana jirta taageero iyo soo jeedinno gudaha Congress-ka ah oo ku baaqaya in xiriir toos ah oo sal-adag lala yeesho Somaliland oo madax bannaanideeda ku dhawaaqday sannadkii 1991-kii.

Hadda maamulka Hargeysa ayaa fursad dahabi ah u arka loolanka quwadaha waaweyn ee Shiinaha iyo Maraykanka. Somaliland ayaa Pentagon-ka ugu deeqday inuu adeegsan karo dekadda Berbera oo dhacda Gacanka Cadan oo marin muhiim ah sheedda ku haya.

Waxaase kusii adkaanaysa inay iska sii caabiso saameynta ballaaran ee Shiinuhu ku yeelanayo gobalka.

Bishii May, General Stephen Townsend iyo safiirka Maraykanka u fadhiya Somaaliya ayaa booqasho ku tagay Berbera si ay usoo indha-indheeyaan. Militariga Maraykanka wuxuu hadda heshiis adeegsiga dekadaha ah kula jiraa Mombasa – Kenya iyo Libreville – Gabon.

"Haddii Maraykanku aanu waxba u qaban Somaliland, waxaa la arki doonaa iyada oo aan maya ku dhihi Karin saameynta Shiinaha ama aan iska caabin Karin,”ayuu yiri sarkaal sare oo Maraykanka.

Xafiiska Taiwan ee Hargeysa waa guri labo dabaq ah oo ay gidaar adag lagu gedaamay, waxaana ka dul babanaya calanka lagu yaqaan Taipei.

Shiinaha ayaa u diray Hargeysa egro dhowr ah si ay u kala disho is-bahaysiga, marka loo eego Cabdinaasir Xirsi, oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda.

Waxaa sidoo kale Beijing ay balanqaaday dhismaha jidad iyo garoomo casri ah haddii Hargeysa ay cawda u jarto Taiwan.

QORE :-Zaki Hiraale – 

kala xiriiri:- hiraal86@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip