Saddex cashir oo laga bartay dib usoo celinta darajadii ciidanimo ee Saadaq Joon

0
Wednesday August 17, 2022 - 11:50:45 in Wararka by
  • Visits: 1792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex cashir oo laga bartay dib usoo celinta darajadii ciidanimo ee Saadaq Joon

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib darajadiisa ciidanimada iyo dhammaan xuquuqdiisii sarkaalnimo ugu soo celiyey General Saadaq Cumar Xasan oo loo garan ogyahay Saadaq Joon.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa sarkaalkaan oo hadda xildhibaan ah wuxuu dib ugu helay garaadihiisii iyo wixii uu dowladnimada kaga heli lahaa darajadaas.

Saadaq oo ahaan jiray taliyaha booliska gobolka Banaadir ayaa bishii April ee sanadkii 2021 wuxuu noqday sarkaalkii koowaad ee u baareeray inuu hor istaago muddo kororsigii sharci darada ahaa ee Farmaajo, balse madaxweynaha xafiiska baneeyey oo arrintaasi ka carooday ayaa Saadaq Joon isugu daray xil ka-qaadis, ka xayuubin darajadii ciidanimada iyo joojinta dhammaan wixii uu xaqqa u lahaa sarkaalkaan.

Hal sano iyo 3 bilood kadib, Saadaq Joon hadda waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya, wuxuu qeyb ka noqday isbadalkii lagu bixiyey Farmaajo, wuxuuna dib u helay darajadiisii ciidanimada iyo xuquuqdiisii.

 

Haddaba maxaa laga baran karaa dhacdadaan?

1- Macnaha go’aanada xilliga adag

 

Inaad waqti adag u bareerto diidmada tallaabo sharci darro ah oo ay madaxdaadu ku dhaqaaqday ma ahan mid sahlan, waxaad quureysaa naftaada, xilkaaga iyo aqbalidda wax walba oo falcelin ah oo ka dhasha arrintaasi.

Laakiin sida diiwaanka ku xusan, dad badan oo iska diiday inay madaxda u qasbaan shacabka waxay ka dhaxleen sharaf iyo maamuus dambe.

Saadaq Joon wuxuu ku biiray kuwa haysta diiwaankaas wanaagsan, wuxuuna tusaale u noqon doonaa saraakiil badan oo laga yaabo inay ku timaado xaaladaan oo kale.

2- Inusuan mas’uul dambe u bareerin darajo ka xayuubin daneysi ah

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu darajada ka xayuubiyey dhowr sarkaal oo ka biyo diiday inay rabitaan shaqsi ah meel mariyaan, waxay u aheyd mid ka mid ah ciqaabadaha ugu waaweyn oo ay kula kacaan saraakiisha.

Inay maanta billaabatay darajo usoo celinta saraakiishaas, waxay farriin u tahay mas’uul walba oo isku daya inuu askarta qab jabiyo.

Hoggaamiye kasta oo taga Villa Somalia oo isku daya inuu dabaqo dhaqanka darajo ka xayuubinta siyaasadeysan, waxaa maanta usii sawiran inuu sarkaalku berri dib u heli doono darajadiisa, waxaana la aaminsan yahay in madaxdu aysan waqti dambe isaga lumin doonin arrintaan.

3- Difaaca sharciga

Tallaabadii uu madaxweyne Xasan Sheekh dib garaadishiisa ugu soo celiyey General Saadaq Joon waxay ka dhigan tahay in la difaacay sharciga dalka oo xaaraantinimeynayo in madaxda dantooda shaqsiga ah u isticmaalaan awoodda dowladeed ee lagu aaminay.

Sidoo kale, waxay dhiiragelin u tahay askarta kale ee berri la kulmi kara xaaladaan oo kale. Talaabada uu madaxweynaha qaaday oo si weyn loo bogaadiyey waxaa dhinaca kale barbar socota waydiin la xiriirta xaaladda General Cabdalla Cabdalla oo ah qofkii ugu horeeyey oo uu Farmaajo ka xayuubiyo darajadiisa kadib markii uu maxkamadda ciidamada u gudbiyey dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah inuu xiriir la leeyahay kooxda Al-Shabaab.

Dad badan ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu sidoo kale General Cabdalla Cabdalla usoo celiyo darajadiisa.

Xigasho:-caasimadda.net


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip