Madaxa Hormuud Salaam Foundation: Hadalki Museveni waa xaqiiq bar madow reebtay

0
Tuesday August 09, 2022 - 22:54:42 in Wararka by
  • Visits: 1284
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxa Hormuud Salaam Foundation: Hadalki Museveni waa xaqiiq bar madow reebtay

    ,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,

Guddoomiyaha hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa xaqiiq bar madow reebtay ku tilmaamay hadalkii madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu ku ceebeystay dowladda Soomaaliya.

Museveni, oo xalay ay shir jaraa’id wada qabteen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Kampala,ayaa sheegay in isagu uu diyaar u yahay inuu Soomaaliya ka caawiyo dhinaca hubka iyo direyska ciidanka, balse ay "dowlado kale ka raadsanayaan mushaarka.”

"Waxaan Soomaaliya ka caawin karnaa inay ka guulaysato kuwa kasoo horjeeda. Haddii su’aashu ay tahay dhanka hubka waa soo iibin karnaa kaddibna waan siin karnaa, direyska waan siin karnaa, xitaa raashinka waan qaybsan karnaa. Balse waxa aannaan xal u heli karin waa mushaar,” ayuu yiri Museveni

"Mushaar bil walba ah oo tiro badan la siinayo, xal uma heli karno. Sidaas darteed mar haddaad ka hadasho mushaar markaas waxaad haysataa Imaaraadka Carabta waxay bixinayaan hal bil, kaddibna ma garanayo..Qatar, kaddib, Turkey, side ayeyse dadka ku heli karaan amni?.”

Hadalka Museveni ayaa waxaa dhibsaday Soomaali badan oo u arkay gef, halka kuwa kalena ay sheegeen inuu ahaa xaqiiq aan la iska indho tirin, waxaana dadka ka falceliyey ka mid ahCabdullaahi Nuur Cusmaan oo ah Agaasimaha Hormuud Salaam Foundation.

"Hadalka aadka u baahay ee uu madaxweynaha Uganda uga hadlay in dowladdeenu awoodin bixinta mushaaraadka, waliba madxweynaheena iyo wafdigiisa hortooda, waa xaqiiqo xanuun badan oo bar madow uga tageysa qalbiyadeena, hoos-na u dhigaya sharafteena,” ayuu yiri Cabdullaahi.

  Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, oo hoos tagtay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa ah hay’ad aan looga baran inay ka hadasho arrimo siyaasadeed, mana cadda waxa hadda iska beddelay arrintaas.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip