HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA O AH SABTI 6-DA AGOOSTO 2022-KA

0
Saturday August 06, 2022 - 08:48:24 in Wararka by
  • Visits: 468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA O AH SABTI 6-DA AGOOSTO 2022-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay qaar kamid ah wasiirada magacaaban

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Adan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan kula qaatay hooygiisa qaar kamid ah golaha wasiirada.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii gud doonka golaha shacabka ay qayb uga qaadan lahaayeen ansixinta xukuumadda cusub ee ra’iisulwasaare Xamsa.

Guddoomiye Madoobe ayaa wasiirada alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday, waxaana kulanka goobjoog ahaa wa siirka gaashaandhigga, wasiirka arrimaha diinta iyo Aw-qaafta iyo xubna kale oo ka tirsan gola ha xukuumadda.

"Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Md. Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa xalay hoygiisa ku qaabiley Wasiirada magacaa ban ee dowladda Federaalka ku matala dowlad goboleedka Koonfur galbeed iyo qaar ka mid ah Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo ba xay xafiiska golaha shacabka.

Ra’iisal Wasaare Barre oo ka tacsiyeey ay geerida Wariye Cali Muuse

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa uga tacsiyeeyay ehelada, bahda Sa xaafadda iyo guud

ahaan shac abka Soomaaliyeed, geerida ku tim id Wariye Cali Muuse Cabdi oo ku geeriyooday dalka Talyaaniga.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku tilmaamay mar xuumka in uu ahaa tiir ka baxay Saxaafadda iyo guud ahaan bulsh ada Soomaaliyeed, wux uuna Allah u waydiiyay naxariistiisa janno in uu ka waraabiyo, inagana samir iyo iimaan naga siiyo.

Marxuum Cali Muuse ayaa ahaa Saxafi rug caddaa ah, oo muddo dheer ka shaqeynay ay Warbaahinta gudaha iyo dibadaba.

Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho Iyo Bo oliska Oo War Kasoo Saaray

Qaraxyo is Xig-xigay ayaa Dorraad ka dhac ay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Sooa maliya, kuwaasi oo dhawaqooda si weyn looga Maqlay degmo oyin iyo Xaafado ka tirsan

 

Magaa lada Muqdisho ee Caasimadda Soo maaliya, waxaana laga helayaa faah faahinno dheeraad ah.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegs aday Moota Bajaaj, waxaana uu ka dhacay Xaafad da Taleex ee degmada Hodan, gaar ahaan meel u dhaw Maqaaya dda Fadxi-Taleex.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Qaraxu uu ka dhex-dhacay Gudaha mootada, oo sida la sheegay qaraxyadu saarnaayeen, waxaana ay qarxeen dhowr jeer oo kala duwan sida ay inoo xaqiijiyeen dad ka ag-dhawaa halka ay wax ka dhaceen.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa ah meel aad u mashquul badan oo inta badan ay dad weyne kala duwan isugu yimaadaan, balse Qar axa Dorraad ayaa kusoo aaday Xili ay dadku salaadda Casar ku maqnaayeen, taasina waxaa ay keentay in khasaaruhu uu yaraado.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray Ciidan ka Ammaanka, kuwaasi oo isku socodka jooji yay waddadana xiray, waxaana faah faahin ka bixiyay Taliska Booliska oo goobta gaaray.

Taliye Xigeen Booliska Gobolka Banaadir Oo faah faahin ka bixinayay Qaraxa ayaa she egay in Qaraxa ay ku dhinteen shaqsiyaadkii mootada ku waday, waxaana uu intaa ku daray in ay gacanta ku dhigeenwadihii Mootada,sidoo kale waxaa Boolisku ay gacanta ku dhigeen waxyaabo kale oo qaraxyo ah, kuwaasi oo sha qsiyaadka Mootada ay wateen, waa sida ay hadalka u dhigeen Booliskuye.

Booliska ayaa xaqiijiyay in khasaare uusan jiran, aan ka ahayn shaqsiyaadkuu Qaraxyada watay, waxaana uu sheegay in wali Baaritaan no dheeraad ah ay wadaan, dibna ay kasoo sheegi doonaan waxyaabaha kusoo kordha Qaraxaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan wax aa ka dhaca Qaraxyada noocaan ah, iyadoo khasaaraha ugu badani uu kasoo gaaro dad shacab ah oo ka ag-dhaw goobaha la beegs ado

Galaha Shabka oo La Filayo Inuu Sabti Ans ixiyo Xukuumadda Cusub

Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuu riyadda federalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu filayaa in barri kulan uu ku yeesho magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ajandihiisu yahay in gol uhu ay codka kalsoonida ay siiyaan xukuumad da cusub ee dhowaan uu soo dhisay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa uu soo magacaabay xukuumad ka kooban 25 wasiirro, waxaana maalinta barri lagu wadaa in golaha shacabka ay siiyaan codka kalsooni, si ay u bilowdo shaqadeeda. Goobjoog News

Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Lafta gareen oo tagay Itoobiya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdic asiis Laftagareen ayaa gaaray magaalada Ad dis Ababa, halkaas oo la sheegayo inay ku cas uumtay dowladda Ethiopia.

Safarka madaxweyne Laft gareen ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii ay magaa lada Baydhabo tageen saraakiil Ethiopian ah oo uu hoggaaminayay madaxa qaybta daabu lida ciidamada difaaca Itoobiya. Gen Tesfaye Ayelow.

Lama oga sababta Itoobiya u casuumtay mad axweyne Lafta gareen, hase ahaatee wax aa aad isha lagu hayaa inaanu wanaagsan ayn xir iirka Koonfur Galbeed iyo Villa Sooma aliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la ogs oonyahay inuusan ku faraxsanayn in Mukhtaar Roobow oo muddo afar sano xabsi guri ugu jiray dowladdii hore lagusoo daro golaha was iir adda ee Soomaaliya.

Warar ayaa sheegaya in qorshaha loogusoo daray xukuumada uu yahay mid meesha looga saarayo madaxweyne Lafta gareen oo ahaa saaxiibada dhow ee madaxweynihii hore Soom aaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xiriirka Ethiopia iyo Soomaaliya haatan lafti isu ma wanaagsana, kadib markii dhowaanma da xweynaha Soomaaliya uu tagay dalka Mas ar, halkaasna uu ka caddeeyay inay Masar kula mowqif yihiin arrinta webiga Niilka.

Puntland oo ku eedeysay Somaliland inay duullaan ciidan kusoo qaadday magaalada Boocame

Puntland ayaa ku eedeysay Somaliland inay duullaan ciidan ku sooo qaadday magaalada Boocame ee gobolka Sool, iyagoo watay 45 tig niko ah, oo galbinayay guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland iyo saraakiil ciidan oo ka yimid magaalada Laascaanood.

Wasiirka duulista hawada Puntl and, Ilyaas Cusmaan Lugatoor oo haatan ku sugan magaalada Boocame ayaa sheegay, in dad ka deegaanku ay ka horyimaad een sida uu sheegay, soo gelitaanka gaadiidka dagaalka Soma liland. Wuxuu sheegay inay saacad kaliya wefdiga Som aliland ku sugnaaye en Boocame. kadibna ay ku laabteen Laasca anood.

"Waxaa nasiib darro ah in maamulka Som aliland xilligan adag ee ab aar aha iyo sixir bar arku dadku la daala dhac ayaan ay duullaan soo qaadaan,”ayuu yiri was iir Lugatoor.

Wasiirka duuliska Puntland wuxuu sheegay imaatinka Somaliland ee magaalada Boocame inuu salka ku hayo, in la carqaladeeyo dadaal ada nabadaynta beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanka Saax-maygaag.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Muuse Biixi uu doonayo in arrimaha doorashada uu ka jee diyo reer Somalilad, kuna mashquuliyo abuuri dda colaad dhexmarta labada maamul ee deris ka ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, war laga sii daayay warbaahin ta ku hadasha afka Somaliland ayaa lagu shee gay inay ciidamada Somaliland gaareen xuduu da ugu dambaysa Somaliland oo ay ku tilmaam een inay tahay Koonfur-Bari Sool.

Somaliland ayaa horey sannadkii 2018 xoog ugu qabsatay degmada Tukaraq ee gobolka So ol, taasoo wax ka yar 100km u jirta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ee Somaliland ay ka billowday gobolka Sool, ayaa kusoo aaday, xilli Puntland muddooyinkii ugu dambeeyay ay ciida mo badan oo lasoo tababaray gaysay magaal ada Buuhoodle, halkaas oo maamulku uu saa meyn xooggan ku yeeshay.

Xukuumadda cusub: Xasan iyo R/W Xamza oo isku dayey inay laba arrin isku helaan

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Talaadadii August 2, 2022 ku dhowaaqay gole ka kooban 26 wasiiro, 24 wasiir dowlo, iyo 25 wasiir ku xigeen. Golaha Wasiiradda ee 75ta xubnood ah oo loogu magacdaray "Dan Qar an,” ayaa laga filayaa inuu isbeddel wax ku ool ah la yimaad muddo xilhaynta labaad ee Mada xweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Soomaaliya waxay yeela tay markii ugu horreysay Wasiirka Bay’adda iyo Isb ddelka Cimiladda, iyadoo Wasaaradda Dastuur ka lagu daray tan Caddaaladda, tii Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinkana la baabi’iyay.

Guud ahaan xulashada golaha waxuu ku sal aysan yahay habka awood qaybsiga 4.5, waxa ase xubnaha ka mid ah siyaasiyiin ka tirsanaa xilhayntii hore ee madaxweynaha iyo kuwo ka soo shaqeeyay xukuumadihii dalka soo maray.

Taasi waxay ka dhigan tahay in laga dhega ada ygay dalabaadkii dadweynaha ee ahaa "xu bno ka duwan kuwii xilhayntiisii hore.”

Goluhu waxuu ka tira badan yahay kii Xasan Cali Khayre oo ahaa 67 xubnood, kamana muu qdaan xubno "technocrat” ah oo wax ku ool ah, marka laga reebo dhowr wasaaradood. Wixii ka dambayay dib u doorashadiisii, Xasan Sheekh waxuu inta badan ka maqnaa masraxa siyaas adda gudaha isagoo ku mashquulay diblomaas iyad "Xiinta ah”.

Dhanka kale, u magacaabida Muqtar Roobow Cali (Abuu Mansuur) Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa muujinaysaa in Xasan Sheekh uu madaxa ku hayo inuu horta ku wiiqo Al shabaab dagaalka – qoriga iyo caqiidada, inta uusan la fariisan.

Abuu Mansuur oo u qaabilsanaa xoogagga Al Shabaab gobollada Bay iyo Bakool ayaa isu dhiibay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliy eed August 8, 2017, kaddib markii uu ka soo ba xsaday 2013kii hoggaanka qallafsan ee ururka. Magaciisa wuxuu addunweynahaba ku faafay markii 2012kii uu Maraykanka ku biiriyay liiska argaggaxisada lana dul dhigay 5 milyan doolar.

Roobow, oo si wanaagsan u yaqaan caqiidada xagjirka ah, ayaa la filayaa inuu fududayn karo in kuwa xil ka haya ay kasoo baxaan, taasoo horseedi karta in dhallinyarada aysan ku biirin. Muddo shan sanadood ah ayuu keligii waabina yay dhagarqabayaasha inta aan la xirin Dece mber 2018.

Si kastaba ha ahaatee, fallanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa rumaysan in xubnaha laga soo xushay maamul-goboleedyada, gaar ahaan Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay u badan yi hiin kuwo mucaaradsan maamullada deeggaa nadaas. Taas waxay ka dhigan tahay in xuku umadda aysan ka badbaadi doonin dagaal siya asadeed.

Inkastoo, dhismo xukuumad cusub uu yahay had iyo jeer layli adag, haddana waxaa muuq ata in Xasan iyo Xamsa diiradda saareen sidii layskugu heli lahaa wasiiro karti iyo khibrad baarlamaan isku leh si ay u hirgeliyaan ballanqaadyadii dib u doorashada.

Haseyeeshee, hirgelinta ajande siyaasad eed oo hammi leh kuma filna qancinta saaxii bada, balse waxuu u baahan yahay in xukuum adu u qalabaysan tahay tanaasulo siyaasadeed oo fududeya in dalka si habsami leh loo ma amulo

Uganda oo martigelinaysa shir ku saab san xoojinta xiriirka Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa martigelin doonta shir ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya, iy adoo ay kulmidoonaan guddiyo heer wasaara ddeed oo labada dal ka kala socda, sida ay she egtay wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas.

Shirkan oo Kampala ka dhic idoona 6-da–7da August 2022, ayaa wasaaradda arrim aha dibadda Uga nda waxay sheegtay in ujeeddada ugu weyn ay tahay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dalka dhax eeya.

Gen Jeje Abubakhar Odongo, wasiirka Arri maha Dibadda Uganda ayaa hoggaamin doona wafdiga Uganda, halka Abshir Cumar Huruuse, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu hoggaamin doona wafdiga dowladda Sooma aliya.

Arrimaha labada guddi kawada hadlidoona an waxaa kamid ah, sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada diblomaasiyadda, siyaasadda, ganacsiga iyo maalgashiga, iskaashiga difaaca, beeraha, socdaalka, waxbarashada iyo gaadiidka.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni iyo dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Max amuud ay shirkaan kula hadli doona ganacsa tada gaarka ah iyo ganacsatada labada dal, iya goo ku baraarujindoona ganacsatada inay ka faa'idaystaan fursadaha ganacsi ee labada dal.

Rag dhac gaystay oo la soo bandhigay

Taliska ciidamada Booliiska gobalka Banaa dir ayaa gacanta ku soo dhigay rag burcad ah oo dhac u gaystay qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Raggan gacanta lagu soo dhigay oo laga soo qabtay degmada Kaaraan ee gobalka banaadir ayaa la sheegay in ay gaari nooca raaxada ah oo uu watay mu waadin Soomaaliyeed ay ka dhaceen degmada Howlwadaag.

Taliyaha Booliiska degmada Howlwadaag Najiib Carab, ayaa sheegay in raggaan oo gaa raya illa iyo afar qof ay dhac u gaysanayeen shacabka iyaga oo iska dhigaya in ay ka tirsan yihiin laammaha ammaanka ee dowladda.

"Waxaan ku guuleysanay inaan helno xog ah in gaari laga dhacay Howlwadaag uu yaallo Kaaraan, waana ku guulaysanay burcada me elna ugama hari doono, waxaan leeyahay qof walbo oo burcad ah oo raba inuu Xamar ku dhu umaaleysto waan ka daba tageynaa,” ayuu yiri taliyaha saldhigga degmada Howlwadaag.

Dhinaca kale milkiilaha gaariga la dhacay oo la hadlay warbaahinta howlgalka kadib ayaa sheegay in gaariga uu watay walaalkiis xilliga dhaca loo gaysanayay, sidoo kale raggaan ay isku eekeysiiyeen in ay ka tirsan yihiin laam maha ammaanka.

"Gaariga waxaa la dhacay 22-kii bishii hore, habeen Jimco aheyd, waxaana laga qaatay wiil yar oo ila dhashay waxay u fariisteen meel lagu yaqaano askarta nabad sugidda waxay ku shid een toosh, sidaas darteed wuu ka istaagay wa xayna ku amreen inuu gaariga ka dago, kadib na toorey ayey ku qabteen wayna isla wateen ku dhowaad 4 saacadood ayey wareejinaayeen markii dambena waxay ku tuureen meel wado ah,” ayuu yiri Shariif Xidig oo ah muwaaddinka dhibanaha u ahaa ragga la qabtay.

Goobjoog News

Xildhibaanada Mareexaan ee BF oo soo saaray mowqfi ku aadan golaha wasiirada

Xildhibaanada labada gole ee ku metala be esha Mareexaan-Sade ayaa markii u horeysay shaaciyay inay gebi ahaanba qaadaceen Gol aha Wasiirada cusub ee dhawaan uu ku dhaw aaqay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Qoraal ay si wada-jir ah u soo saareen Xildhiba anada SADE ayaa waxaa lagu sheegay in lagu xad-gudbay awood qaybsiga beesha Daarood habkii soo jireenka ahaa ee awood qaybsiga dhexdooda taasi oo xad-gudubkeedu u muu qdo quursi iyo gaf aan la qaadan karin.

"Xildhibaanada labada gole ee Beesha Mareexaan-Sade, waxay si buuxda u garwaaq sadeen in hanaanka lagu dhisay xukuumadda federaalka Soomaaliya uu yahay mid abaal marsan dastuurka dalka iyo hanaanka awood qeybsiga habka beelaha 4.5 ay Soomaalidu ku heshiisay,” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka "Xildh ibaanada labada gole waxay dareen mideysan kusoo jeedinayaan in masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ay dib u saxid ku same eyaan hanaanka awood qaybsiga beelaha dhexdooda si shacabka Soomaaliyeed u hela an xukuumad dheelitiran oo ay ku wada qanac san yihiin.”Xildhibaanada ayaa waxay ugu baa qeen masuuliyiinta dowladda federaalka iyo xu bnaha labada gole in laga fogaa meelna looga soo wada-jeesto waxkasta oo cadaalad darro ah oo halis ku keeni kara geedi socodka dowl adnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina waxaa war-saxaafade edka Xildhibaanada SADE lagu taageeray shir ka wad-tashiga ah ee ay Dorraad ku dhawaaq een madaxweyne ku-xigeenada Jubbaland iyo Galmudug.


Maamulka Hirshabeelle iyo dowlad deegaan ka Soomaalida oo kawada hadl ay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab

Masuuliyiin katirsan dowlad deegaanka Soo maaliya iyo Hirshabeelle, ayaa kulan ku saa bsan xoojinta dagaalka ka dhanka ah Als habaab, ku yeeshay deegaanka Labo baar oo katirsan degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxeey.

Labada dhinac ayaa ka wada hadle en dagaaladii ugu da mbeeyay ee lala gal ay ururka Alsh aba ab, waxayna isku afgarteen labada ma aul xoojinta iskaashiga dhanka cir ibtirka Alshabaab.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte oo malatayay Hirshabelle ayaa sheegay in ma amulkiisa uu dagaal joogto ah kula jiro Alshab aab, islamarkaana aysan raali ka ahayn in Sha baabku usoo gudbo dhinaca deriskooda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada gobolka Hiiraan ay cagta mariyeen dagaalamay aal katirsan Alshabaab oo fadhiisin ku lahaa de gaanka Bukure oo hoostago Degmada Maxaas ee bariga Gobolka Hiiraan

Baabuur xamuul ah oo lagu qarxiyey saldh ig ay ciidanka GORGOR ku sugnaayeen

Qarax loo adeegsaday gaari xamuul ayaa waxyar ka dib salaaddii Jimcaha Dorraad lagu weeraray saldhig ay si ku meel gaar ah u degan yahiin ciidama da Gargor oo ku yaalla degm ada Jawiil ee waqooyiga magaal ada Baledweyne.

Gudoomiyaha degmada Ja wiil Cabdulqaadir Cabdi Cab dullaahi, ayaa sheegay in gaariga uu ku qarxay iridda hore ee xerada, wuxuuna int aas ku daray tiro koobka iyo faahfaahinta wax yeellada qaraxa ay dib kasoo sheegi doonaan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ku sugnaa saldhigga ay rasaas xooggan ku fureen gaariga xamuulka ah kahor inta uusan qarxin.

Ciidamadan Dorraad qaraxa lagu weeraray ay aa ujeedada loo geeyay degaankaas waxay tah ay in ay qeyb ka qaataan gulufka lagu doonayo in Al-Shabaab lagaga saaro degaano xuduud da u dhow oo bilahii ugu dambeyay in dhaq dhaqaaqyo ka wadeen.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa, waxayna sheegtay inay ku beegsatay "maleeshiyo loo abaabulayey in ay la dagaalamaan” Al-Shabaab.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa xa qiijisay dhimashada ugu yaraan hal sarkaal oo ku dhintay weerarka.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay inay "khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac” ay gaarsiisay ciidanka xerada ku sugan, balse ma aysan faah-faahinta inta uu le’ eg yahay.Goobta Dorraad uu qaraxa ka dhacay ayaa ilaa 20 KM u jirta xadka Soomaaliya iyo Ethiopia

Maraykanka oo gaadiidka gaashaaman ugu deeqay ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS

Mareykanka ayaa 24 ka mid ah gawaarida gaashaaman ugu deeqday howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, saddex bilood ka dib weerarkii ugu dhimashada badnaa ee muddo sanado ah lagu qaado how lgalka nabad ilaalinta ee uu Mareykanka taageero.

Wareejintan oo ay goob joog ka ahaayeen safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry And rè iyo saraakiil sare oo ka tirsan Midowga Afr ika ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

24-ka gawaarida gaashaaman oo ay ku dee qday dawladda Maraykanka ayaa loogu talo ga lay inuu ciidamada midowga Afika ee ATMIS ka caawiyo inay la dagaalamaan kooxdaAl-Shab aab.

Gaadiidkan waxaa isticmaali doona ciida mada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka mido wga Africa, kuwaas oo ka hawlgalo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Danjiraha Maraykanka ayaa sheegay in gaa diidkan uu ka ilaalin doonaan ciidamada bambo oyinka lagula aaso wadada dhinaceeda.

"Sida aan ku muujinayno taageeradayada, waxaa ka mid ah, ku deeqidda gaadiidkan si aan uga caawinno ilaalinta ciidamada Midowga Afrika – gaar ahaan ciidamada Jabuuti – marka ay marayaan waddooyinka Soomaaliya oo inta badan loogu xiro walxaha qarxa ee halista ah. si loo dhibaateeyo kuwa doonaya inay caawiy aan Soomaaliya oo kaliya,” ayuu yiri Andre.

Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika, oo lagu magacaabo Fiona Lortan, ayaa sheegay in qala bkan milateri uu soo gaaray waqti ku habboon, iyadoo howlgalka uu dib u habeyn ku sam eynayo ciidamadooda iyo qalabkooda.

Bishii May, kooxda Alshabaab ayaa weerartay saldhigga ciidamada ATMIS ee gobolka Shab eellaha Dhexe, iyadoo loo adeegsaday oaraxyo ismiidaamin ah oo lagu qarxiyay saddex baab uur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Kooxda Al-Shabab oo weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidanka Kenya daganaa yeen

Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday degaan ka tirsan Gobolka Jub bada Hoose oo ay saldhig ku leeyihiin ciidam ada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Dagaalka ayaa ka dhacay saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow oo hoostaga degm ada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana dagaa lka la isku adeegsa day hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka Kulbiyow ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah. Ciidamada Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen qeybo kamid ah saldhigga, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaaro xoog leh oo soo gaaray ciidamadii Kenya ee halkaas ku sugnaa.

Sida ay dadka deegaanka u sheegeen Ca asimadda Online, xaaladda ayaa hadda ah mid dagan waxaana saldhigga la weeraray ku sugan ciidamadii Kenya ee horey u joogay hal kaas.

Saraakiisha ciidamada Kenya ayaan weli ka hadlin weerarka lagu qaaday Saldhigooda, hay eeshee dhowr jeer ayaa sidaan oo kale ay Al-Shabaab weerareen Saldhigyada Ciidamada Kenya ku leeyihiin degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkaan kor u qaaday weerarada ay ka geysteen guda ha Soomaaliya iyo xuduuda dalka Itoobiya.

Puntland oo ku eedeysay Somaliland inay duullaan ciidan kusoo qaadday magaalada Boocame

Puntland ayaa ku eedeysay Somaliland in ay duullaan ciidan ku sooo qaadday magaalada Boocame ee gobolka Sool, iyagoo watay 45 ti gniko ah, oo galbinayay guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland iyo saraakiil ciidan oo ka yimid magaa lada Laasca anood.

Wasiirka duulista hawada Puntl a0nd, Ilyaas Cusmaan Lugatoor oo haatan ku sugan magaalada Boocame ayaa sheegay, in dad ka deegaanku ay ka horyimaade en sida uu sheegay, soo gelitaanka gaadiidka dagaalka Somaliland. Wuxuu sheegay inay saacad kaliya wefdiga Somaliland ku sugnaa yeen Boocame. kadibna ay ku laabteen Laas caanood.

"Waxaa nasiib darro ah in maamulka Som aliland xilligan adag ee abaaraha iyo sixir bararku dadku la daaladhacayaan ay duullaan soo qaadaan,”ayuu yiri wasiir Lugatoor.

Wasiirka duuliska Puntland wuxuu sheegay imaatinka Somaliland ee magaalada Boocame inuu salka ku hayo, in la carqaladeeyo dadaala da nabadaynta beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanka Saax-maygaag.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Muuse Biixi uu doonayo in arrimaha doorashada uu ka jee diyo reer Somalilad, kuna mashquuliyo abuurid da colaad dhexmarta labada maamul ee deris ka ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, war laga sii daayay warbaahin ta ku hadasha afka Somaliland ayaa lagu shee gay inay ciidamada Somaliland gaareen xudu uda ugu dambaysa Somaliland oo ay ku tilmaa meen inay tahay Koonfur-Bari Sool.

Somaliland ayaa horey sannadkii 2018 xoog ugu qabsatay degmada Tukaraq ee gobolka So ol, taasoo wax ka yar 100km u jirta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ee Somaliland ay ka billowday gobolka Sool, ayaa kusoo aaday, xilli Puntland muddooyinkii ugu dambeeyay ay ciid amo badan oo lasoo tababaray gaysay magaa lada Buuhoodle, halkaas oo maamulku uu saa meyn xooggan ku yeeshay.


Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo hanja baad u diray xukuumada

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Wadda ni iyo UCID, ayaa ku hanjabay in ay iska celin do onaan xukuumada, iyaga madaxweynaha ku eedeeyay in uu ergo walba diiday.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraa be iyo Musharaxa Madax weynaha Xisbiga Wadda ni Cabdiraxmaan Maxa med Cabdillaahi Cirro, oo ka hadlay xaflad me her, ayaa sheegay in anay ogolaanayn wax aa nu madaxweyne Biixi-ba ogolaan jirin.

"Ogolaan mayno waxaanu isba ogolaanin, Kul miye ma jiree, ina Biixi ayaa jiree, ina Biixina wa anu iska celinaynaa, dalkii wuu sheegtay" Guddo omiye Faysal ayaa sidaa yidhi.

Cirro ayaa dhankiisa sheegay in madaxwe yne Biixi uu ergo walba, diiday balse ka mucaar ad ah aan, ay tanaasul badan sameeyeen, sid aas dart eedna anay jirin sabab iyaga looga cod sado tudhaale,

"Reer Somaliland-now waxa aad anaga na gu riixaysaan oo aad leedihiin tudha bal noo she ega". Mucaaradka Somaliland ayaa qorshaynaya mudaharaado ay kaga soo horjeedaan in doora shada madaxtooyadu dib u dhacdo, iyadoo xuk uumaduna sheegtay in anay dhacayn mudaha raado anay ogolaan.

Warshad Aad U Weyn Laguna Sameeyo Nuk liyeerka Oo Xakamaynteeda Faraha Ka Bax day

Warshad aad u wayn oo lagu sameeyo ta marta nukliyeerka oo ay qab sadeen ciidamada Ruushka ee duullaanka ku galay Ukraine ay aa "gebi ahanaba faraha ka bax day”, sida uu shegay madaxa hay’adda arrim aha nukliyeerka u qaabil san Qaramada Midoobay. Rafael Grossi oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Associated Press ayaa sheegay in warshadda Zaporizhzhia ay u baahan tahay dib u eegis iyo dayactir.

"Waxyaabo badan ayaa socda, oo aan loo baahnayn in ay ka socdaan meel u dhow war shad nukliyeer lagu sameeyo,” ayuu yiri.

warshaddan oo ah tan ugu wayn qaaradda Yurub ee awoodda nukliyeerka ayaa si halis ah u gu dhow dagaalka so socda Ukraine.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa horaantii Isbuucan Ruush ka ku eedeeyay in warshaddaas, oo ay la ware egeen bishii March, ay u adeegsanayaan sal dhig militeri oo ay ka weeraraan ciidamada Ukr aine.

Saraakiisha dowladda Ukraine ayaa sheegay in Ruushka ay ciidamo geeyeen warshadda ay na qalab militeri ku kaydsadeen gudaha dhisma ha warshaddan oo ku taalla meel u dhow web iga Dnipro ee mara waqooyiga Ukraine.

Dowlad Shaqaalaheedii Kuleyl Dartii U Fasaxday

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in shaqaalaha dawladda ee qaybo badan oo ka mid ah Ciraaq ayaa la siiyay maalin fasax ah oo ay shaqada ka nastaan ka dib markiiheer kulku ga adhay kacay 50C meelo badan. Dhawr ka mid ah magaalooyinka dalka ay aa Khamiistii kaa linta koowaad ka galay liiska meelaha ugu kulul adduunka.

Kuleylka awgii ugu yaraan 10 gobol ayaa hakiyay shaqada inta badan sha qaalaha, sida uu ku waramay Telefishanka Kurdistan24.

Kulaylka ayaa isa soo tar ayey dalka oo dhan tan iyo ba dhtamihii bishii July waxaana la saadaalinayaa in ay sii socon doonto arintani.

Dad ku dhintay duqeyn ay Diyaaraha Yahu uda ka geysteen Qaza

Ugu yaraan 15 qof oo ay ku jirto gabar shan sano jir ah ayaa lagu dilay duqeynta ay Israa’iil ka geysatay Qaza, waxaana ku dhaawacmay 44 qof oo kale, sida ay sheegtay wasaaradda caafim aadka Falastiin. Dab xooggan ayaa ka kacay dhismo ku yaalla magaalada Qaza ka dib weerar cirka ah, iyada oo dhaawacyadii Falastiiniyiinta ay daad gureeyeen Gaadiidka Gurmadka deg deg ah.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in duqaym ahani ay qayb ka ahaayeen howlgallada "ka dhan ka ah bartilmaameedyada Islaamic Jihad ee Fala stiin”.

Balse bayaan ka soo baxay, ururka Islamic Jihad ayaa lagu sheegay in Israa’iil "ay bilow day dagaal ka dhan ah dadkeena”.

Taliye cusub oo loo magacaabay Howlgalka AFRICOM oo ka howlgala Soomaaliya.

Taliska milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo soo gaabiyo magacooda AFRICOM ayaa yeela naya taliye cusub laga bilaabo Talaadada soo socota.

Taliyaha cusub ayaa lagu magacaabaa Je neraal Michael Langley ayaa noqday sarkaal kii ugu horreeyey ee ka tirsan ciidmaada badda Ma raykanka ee madow ah ee gaara darajada Jen eraalka 4-ta xiddigood leh.

qalka Sanate-ka Maraykanka ayaa Dorraad an sixiyey dallacsiinta Jeneraal Langley.

Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyey in Jener aal Langley uu xilka kala wareegi doono Jene raal Stephen Townsend toddobaadka dambe, 9-ka August, magaalada Stuttgart ee Jarmalka.

Taliska AFRICOM ayaa dowladda Soomaal iya ka caawiya la-dagaalanka kooxda Al-Sha baab, ayaga oo fuliya duqeymo ka dhan ah koo xdaas, sidoo kalena tababar siiya qaar ka mid ah ciida mada Soomaaliya.


AL-QAACIDA OO WAJAHEYSA KHILAAF LA XIRIIRA HOGGAANKA KADIB DILKII AL-ZAWAHIRI


Dilka hoggaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawa hiri ee duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ma saameyn doonto howlgallada kooxaha argagixsada ee xiriirka la leh ee dunida, bal se waxay fureysaa dariiqa loo maro hannaan kala horreynta dhanka hoggaanka oo ah mid dhib badan.

Jihaad-doonkii u dhashay Masar oo Maraykanku sheegay in lagu dilay goob dhuumaalaysi oo ku ta alla caasimadda Afghanistan ee Kabul, waligiisna iskuma deyin in uu ku celceliyo soo jiidashada iyo saamaynta uu ku leeyahay hoggaamiyihii ka horre eyey ee Usama Bin Laden, oo ahaa maskaxdii ka da mbaysay weerarradii Mareykanka lagu qaaday 11-kii September, 2001-dii. .

Laakiin kadib markii ciidamada gaarka ah ee Ma raykanku ay ku dileen Pakistan bin Laden 2011, wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray dhiirigelinta maa mul daadejinta kooxda, taas oo keentay in Al-Qaac ida ay ka soo baxaan dunida oo dhan.

Waxaa ka mid ah Al-Shabaab oo weli gacanta ku haysa qaybo badan oo miyiga Soomaaliya ah, JNIM oo ka hawlgasha Galbeedka Afrika – gaar ahaan Mali, iyo laanta Al-Qaacidada ee AQIS oo ah miti diin ujeedkoodu yahay inay la dagaalla maan dowl ada Pakistan, Afghani stan, India, Myanmar iyo Ban galadesh.

"Wuxuu (al-Zawahiri) aqbalay xubno cusub oo muhiim ah oo ka tirsan shabakadda al-Qaacida,” ay uu yiri Hans-Jakob Schindler, oo ah agaasimaha ma shruuca aan dowliga aheyn ee ka hortagga xagjirni mada, horena u soo noqday la taliye ka tirsan Qara mada Midoobay, isaga oo sii raaciyay, "Marka waa dharbaaxo ku dhacday al-Qaacida, Laakiin tani ma joojinayso wax ay qorsheeyeen xulafada al-Qaacida.” -‘Qeyb ka mid ah loolanka’-

Xubnaha ay u badan tahay in ay beddel aan al-Zawahiri waxaa ku jira laba kale oo Masaari ah, sida ay AFP kasoo xigatay falanqeeyeyaasha, waxaana dadka tartamaya ka mid ah Saif al-Adel, oo hore u ahaan Gaashaanle Sare oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Masar, isla markaana ka mid ahaa ilaa ladii hore ee al-Qaacida, kaas oo la sheegay inuu ku sugan yahay dalka Iran.

Mas’uuliyiinta Shiicada ah ee ka taliya Jamhuur iyadda Islaamiga ah ee Iran ayaa si rasmi ah uga soo horjeeda Sunniga Al-Qaacida, balse mucaarad ku waxay marar badan ku eedeeyeen Iran inay gac an saar la leedahay shabakaddan oo ay gabaad nab doon siiso hoggaamiyeyaasheeda.

Sidoo kale waxaa tartanka ku jira Abuu C/kariim Al-Masri oo ka tirsan hoggaanka Jabhadda Jihaad iga ah ee Xurras Al-diin oo la rumeysan yahay in uu ku sugan yahay dalka Suuriya.

"al-Zawahiri kuma lug lahayn go’aan gaarista maalinlaha ah ee kooxaha xiriirka la leh Al-qaacida, laakin waxaad u baahan tahay qof madax ah, lehna muhiimad gaar ah, sababtoo ah dhammaan mada xda kooxaha xiriirka la leh Al-qaacida waa inay u dhaartaan daacadnimada shakhsi ahaaneed, sidaa darteen bedelkiisa waxay noqon doonta nooc caqab ad ah,” ayuu yiri Schindler.

Rita Katz, oo ah agaasimaha iyo aasaasaha koo xda sirdoonka ee SITE, ayaa sheegtay in dhaxalka hoggaanka al-Qaacida ay tahay "su’aasha ugu weyn ee taagan” kadib dilkii al-Zawahiri.

Adel waxa uu ku biiray kooxda Jihaadka ee Mas ar sannadihii 1980-aadkii. Waa la xiray, laakiin mar kii dambe waa lasii daayay, wuxuuna u safray Afghanistan si uu ugu biiro Al-Qaacidada hoos tim aada Zawahiri. Raadinta ku saabsan xiriirka Tehran ee lagu eedeeyay Al-Qaacida ayaa sii xoogeystay bi shii Ogosto 2020 kadib dilkii Abdullah Ahmad Abd ullah, oo ahaa hogga amiyaha labaad ee kooxda Al-Zawahiri oo magaciisa afgarashada ah uu ahaa Abd ullah Ahmad Cabdullaahi Al-Masar oo lagu dilay magaalada Tehran, kaas oo dilkiisa lala xiriiray mukh aabara adka Isreal.

Dilkan ayaa keenay in xoghayihii arrimaha dibad da ee Mareykanka Mike Pompeo uu ku andacoodo toddobaad uun ka hor inta uusan madaxweynahiisa Donald Trump ka tagin xafiiska — in Iran ay tahay "Afghanistanta cusub” ee xagjiriinta Al-Qaacida, had alkaas oo falanqeeyeyaashu shaki ka muujiyeen.

Xarunta Soufan, oo ah hay’ad cilmi-baaris amni oo fadhigeedu yahay Mareykanka, ayaa sheegtay in dilka tiro ka mid saraakiisha sar sare ee Al-Qaacida sanadihii la soo dhaafay ay ka dhigtay in shabakad "kursgeeda keydka ee bedelka hoggaamiyeyaasha uu sii yaraanayo”.

Waxay xaruntani tiri "joogitaanka dheer ee Adel ee Iran-ta Shiicada ayay u badan tahay in laga yaa bo inay waxyeelleyso musharaxnimadiisa goobo gaar ah.”

Horjoogeyaasha da’da yar ee Al-Qaacida ayaa laga yaabaa inay door bidaan shaqsi la mid ah Masri oo Suuriya jooga. "wuxuu si bareer ah uga shaqee yay inuu xiriir la yeesho dadka la shaqaaleysiin karo oo diiradda saaraya bartilmaameedyada maxalliga ah iyo dhiirigelinta kuwa aragtidoodu gaaban tahay ee jooga gobollada ay hareeyeen dagaallada soke eye iyo kacdoonka”.

"Doorashada hoggaamiyaha xiga ee Al-Qaacida waxay wax badan ka sheegi doontaa qorshaha mustaqbalka ee ururka,” ayaa tiri xarunta cilmi-baarista amniga ee Soufan. Xigasho: VOA & AFP



 

WARIYE CALI MUUSE CABDI OO KU GEERIYOODAY DALKA TALYAANIGA

Allaha u naxariistee waxaa dalka Talyaaniga ku geeriyooday wariyi hii caanka ahaa Cali Muuse Cabdi oo sanadahaan ku noolaa dalkaas.

Marxuumka ayaa waxaa ku soo booday xanuun deg-deg ah oo sabab u noqday geeridiisa, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Wariye Cabdiweli Ibraahim Garyare oo ay saaxibo ahaayeen marxu um Cali Muuse ayaa ka warbixiyey geerida ku timid, wuxuuna tacsi u dir ay ehellada iyo bahda saxaafadda.

Garyare ayaa sheegay inuu la xiriira xaaska uu ka tegay marxuumka, ay na u sheegtay geerid iisa, wuxuuna tilmaamay inuu Habeen hore nabad ku se exday, balse Dorraad lagu soo waabar iistay geeri diisa.

"Allaha u naxariisto Cali Muuse Cabdi geeri diisa waxa ay igu soo gaartay taleefoonkiisaan wacay mar weliba si caadi ah ayaanu u wada xiriiri jirnay markiina waxaa taleefankiisa iga qabatay xaaskiisa iina shee gtay in Habeen hore uu si nabad ah ku seexday, Dorraadna isaga oo geeriyooday oo nafta ka baxday lagu waabariistay,” ayuu yiri wariye Cabdiweli Gar yare.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray "Nin yahow wax xanuun ah ma he ynin waa caafimaad qabyey waxay iska aheyd geeridiisa lama filaan hal-mar ayuu wadnaha iska istaagay,”.

Dhinaca kale xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war ka soo saartay geerida marxuuumka, waxayna tacsi u dirtay ehellada Marxuum Cali Muuse iyo bahda suxufiyiinta.

Wasiir ku xigeenka magacaaban ee wasaaradda warfaafinta Cabdiraxm aan Al-Cadaala oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu marxuumka ah aa xirfadle sare oo geesi ah.

"Ilaaheey ha unaxariisto Rugcadaagii Saxaafadeed Marxuum Cali Mu use Cabdi, waxaa uu ahaa xirfadle sare oo geesi ah. Waxaan xanuunka laqaybsanaynaa Qooyska, Qaraabada iyo saaxiibada uu ka baxay gada ashiis ilaahoow hana fidnayn innagana,” ayuu yiri Cadaala.

AUN Wariye Cali Muuse Cabdi ayaa ahaa suxufi caan ka ah gayiga Soomaaliya, wuxuuna ka soo shaqeeyey warbaahinno caalami ah sida, BBC-da iyo Wakaaladda Wararka ee AFP.

KUMUU AHAA WERIYE CALI MUUSE CABDI?

Wuxuu ahaa weriye ka soo shaqeeyay warbaahinno badan Waxaa Dorraad dalka Talyaaniga ku geeriyooday Allaha u naxriistee Cali Muuse Cabdi oo ahaa saxafi ka soo shaqeeyay wakaalado badan iyo dhowr wa rbaahin oo kale oo ay BBC-du ka mid tahay.

Cali Muuse waxaa uu in muddo ah ku xanuunsanaa dalkaasi Talyaa niga oo uu degganaa.

Taariikhdiisa

Cali Muuse ayaa la soo shaqeeyay warb aahinno badan oo ay ka mid tahay BBC-da. Waxaa kale oo uu muddo badan la shaqey nayay wakaal adda wararka ee AFP, wakaa ladda wararka dalka Talyaaniga ee ANSA.

Xasan Bariise, weriyihii hore ee BBC-da oo ay in badan soo wada shaq eeyeen Cali ayaa sheegay in uu ahaa qof muuqda oo kaalin mug leh ku lahaa warbaahinta Soomaalida.

"Cali Muuse nin howlo badan buu ahaa, nin la yaab leh buu ahaa, nin howlkar ah oo aan daalin ayuu ahaa, oo aan xitaa wax balwad ah lah ayn. Wuxuu ahaa dadka shaqada keliya u soo bannaan baxay oo aad ay uu u shaqo badnaa," ayuu yiri Xasan Bariise.

Xasan Bariise ayaa sheegay in Cali Muuse uu ahaa qof aad dadka u xiriiriya isla markaana dad yaqaan ah.

"Weligey nin la mid ah ma arag, wuxuu ahaa qof yaqaanna dadka Soomaalida ah, haddii uusan qofka aqoon wuxuu yaqaannay awowgiis ama aabbihiisa. Qof walba oo aad joogto, hadduu doono tuulo ha joogee wuu kuu sheegayay," ayuu intaas ku daray.

Muddooyinkii ugu dambeeyay marxuumka wuxuu degganaa dalka Talyaaniga, isagoo howlgab ka noqday warbaahinta.

Xasan Bariise ayaa sheegay in xanuun dhanka kelyaha ah oo marxu umka la soo dersay muddo kahor uu sababsaday.

Wuxuu sheegay in Cali uu ahaa qof sheeko badan oo jeclaa inuu dadka ka qosliyo.

"Wuxuu ahaa nin deeqsi ah oo jecel in dadka uu wax la qabto, wuxuu ahaa nin naxariis badan oo waxtar leh." Ayuu yiri Xasan Bariise. MAAMUMULKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES "WARIIYE CALI MUUSE GACANTA UU SIIYEY HOWLAHA SAXAAFADDA DALKA MA AHA MID DAHSOON

Maamulka Wargeyska Mogadishu Times oo sheegay inuu ahaa war iiye Cali Muuse Nin Deeqsi ah oo saacida dadka gaara ahaan saxaafiyii na xag walba wixii uu ugu ro on yahay ,wargeyskan Mogtimes ayaa ka mid ahaa kuwa uu taageeray xag qalab iyo xag Talo iyo tusa aleba leh, uu siiyey isagoo walibana si hagar la,aan ah noola shaqeyn jiray xoogi isa iyo maskaxdiisana noo huray taasi waa marag ma doonto,eyey Tiri Marwo Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto} oo ah Milkiilaha Wargeyskan sidoo kale waxaa intaa raacisay ma aha "mid dahsoon wax u qabshada saxaafiyiinta iyo howlaha saxaafadda soomaaliyeed kaalinta weyn uu ku lahaa wariiye cali muuse cabdi " wariiye cali muuse wargeyskan wuxuu gaarsiiyey in wakaaladaha wararka caalamka ay ka xigtaan xilligii adkaa ee burbur 1996-dii ilaa haatana uu yahay mid si weyn loo xiiseeyo warar kiis, marka haddanu nahay masuulyiinta wargeyskan, qiimaha qof walba qeybta uu ku lahaa ayaan ku qiimeynaa inaan xusno magacooda,maada amaa naan abaalkooda lagudi karin Sanadkasta marka wargeyska la xu sayo aad ku aragtaan inaan laga waaynin magaca taageerayaasha war geyska iyo intii ka soo shaqeysay inuu looga mahad celinayo kaalintiisa isaga iyo dad kale qeybta ku lahaa.

Haddab maamulka wargeyska ayaa cadeynaya in wariiye Cali Muuse uu ahaa ladhabarka Saxaafadda Soomaaliyeed isagoo qeybo badan oo uu ka mid yahay Wargeyskan uu waxweyn u soo qabtay waxaana leen ahay alle hakuu jaseeyo abaalkaaga ma gudi karnee kaalinta aad ka qa adatay wargeyskan oo 8 maalmo jiro ka dib gacataada na siisay waa kaa ga mahadcelineynaa marwalaban qalbigeyna kama bixi doontid insha all aah in ta aan nool nahay haddanu nahay maamulka iyo howladenada wargeyskan waxaan leenahay wariiye Cali Muuse Alle ha u naxariisto Ajar iyo Xasnaadna Alle haka siiyo kaalimihii uu u galay saxafada soo maaliyeed oo aan qeyb ka nahay ma iloobi doonno,insha Allaah

Waxaana u Tacsiyadeyneyaa Xaaskiisa iyo Carruurtiisa iyo Ehelka iyo Qarabada uu ka baxay Marxuumka Alle Janadii fardowzo alle haka Waraabiyo annagana gadaashiisa alle nama fidneeyo Aamiin Aamiin

TACSI TIIRAANYO LEH OO LOO DIRAYO QOYSKA WARIIYE CALI MUUSE CABDI OO KU GEERIYOOTAY DALKA TALYAANIGA

Guud ahaan Howladeennada iyo Maamulka Wargeyska Mogadishu Tim es Daily NewsPaper Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed Qeybaheeda Ka la Duwan oo ku kala Nool Dalka Gudihiisa iyo saaxiibbada saxaafadda qaar ka mid ah oo kala ah :- Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto},Yuusuf Cis maanciil Axmed {Carrabeey},Dr.Cismaan Axmed Jimc aale {Dr.Jimmy} Prof.Yexye Sheekh Caamir, Maxamed Ibaraahi Nuur {Macallimuu} Muu se Maxamed Cismaan {M/Kiimiko}, Faarax Cumar Nu ur,C/laahi Xasan Axmed {Sheekhaaloow},Xasan Cali Geeseey,C/laahi Maxamed Cumar {Mcjis},Madiino Axmed Jimcaale, Cismaan Xuseen Ax med {Waryeel}, Maxamed Maxamuud Nuureey {Jimcaale, Nuurto Cali Cumar {Nuurey so}, Raxmo Maxamed Maxa muud {Lajecl},Naasir Cali Cumar {AlImra} Maxamed Xasan Xuseen {Annaa leh},Naniib Cali Cu mar {Chuvachan ko}, Aadan Macallin C/hi {Aadaamo}, C/hi.M.Salaad {Da lle},Aweys Foo deey Nuur, C/fitaax Maxamed Salaad {Diyeeshe}, Nuur Maxamed Cali {N.Qamadi}, Macaallin Xasan.,Cabdi Aadan Guuleed, Ma xamed Ibraah in Bakistaan,Yaaquub C/hi Guure, C/dir C/lle Nuur {Qa lbi Dahab}, Xuse en Cabdi Calasow, Qaasin C/lle Neero,Cali Muxuddiin Cali,C/dir M.Cala soow {Calas}, Maxamed Cali Maxamuud {Madka}, Abu ukar Muxuddin Isow {Xasharo}, Shaafici Muxddiin Islow,Cismaanciil.C.Mado obe, Fala stiin Axmed Xaaji, Farxiyo Cali Qaajo, Malyun Sh. Xey dar, Aamino La dan Axmed, Leyla Cadceed Cismaan,Khadiijo Cabdi Ma xmed,Yuusuf Cali Cabdi,Maxamuud Xasan Cumar {Adduunyo} ,Amiin Yu usuf Qasa aro, Axmed Maxamuud Dhicisoow, C/hi Maxamed Xasan Bla ck,Cali Ma xamed Cismaan {A/Ameriko} Barre Sh.C/hi {Bangaala-de esh}, C/qaadir Cadulle Abikar, {Baaanga},Xaashi C/lle Abirka {Ayatullaa hi}, C/raxmaan Muxuuddiin Cali,Mukhtaar Nuur {Lovy} C/rashiid Cabdu ule Abiikar {Dayl, C/risaaq Axmed Absuge, Burhaan Diini Faarax ,Kiin Cu mar Makaaraan, Abuukar SKY, Maxmed Cali Suldaan, Shariif Macallin Maxamuud, C/qa adir Maxamuud Walaayo, Xasan Baydhabo, Xasan Ma xamuud Axmed Xasan {Fanax}, Safiyo Cali Sheekh, Shukri Axmed Leyte {Shiimaa}, Cum ar Diini Geeddi, Cali Diini Geeddi, Bile Gurxan,Cilmi Nu urre Wehliye, Maryan Cali Dhiblaawe,Nuuraddiin Macaliin Mukhtaar {Diim ow},C/hi Cal as Jimcale,Maxamed Shiil Xasan {Shiil} ,Qadro C/Laahi Cali, Farciyo C/ casiis Cali, DhammaanSaxaafiyiinta iyo saaxiibada Waxay Tac si Tiiraan yo leh u dirayaan:-Qoyska iyo Qaraadabadi uu ka Geeriyoday WARIIYE CALI MUUSE CABDI oo Dorraad Khamiis 3-da Agoosto 2022-ay uu Ku Geeriyootay Dalka Talyaniga Waxayna Alle ugu baryayaan in uu Jannada Fardowzo ugu Bishaareeyo MarxuumkaEhelka iyo Qaraa bada uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadaq ah ka siiyo Aamiin

{INNAALILLAAHI WA INNAA ILAAHI RAAJUCUUN}




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip