Dagaalka Liyu Booliska iyo Khilaafka Somaliland Labadaba waxaa ka dambeeyo…=Nasashada Jimcaha.Q- 316=

0
Friday August 05, 2022 - 22:14:06 in Wararka by
  • Visits: 988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka Liyu Booliska iyo Khilaafka Somaliland Labadaba waxaa ka dambeeyo…=Nasashada Jimcaha.Q- 316=

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wiil ayaa Gabar Reer Miyi ah oo uu shukansanayay weydiistay si uu ugu tago si sharci darro ah. Waxa ey ku tiri: waxaan ka baqaa in aan Uur qaado.

  1. Dhoowr jeer markii uu ku celceliyay oo ey ka diiday ayuu markii dambe ku yiri: Horta Cawada sow Talaado ma ahan? Waxay ku tiri: Haa. Waxa uu ku yiri: Haddii aan ogaa lahaa inay Talaado tahay intaan oo wakhti ah iigama dhumeen tuugmadaada. Sababta oo ah Annga Reer hebel ah waxaa jirto caado aan leenahay. Raggeena iyo Dumarkeena iska dhaafe xatta Xoolaheenu wax ma rimiyaan lamana rimiyo Talaadada.

    Gabadhii ayaa tiri: haddii ey sidaa tahay maxaad mar hore iigu sheegi weeyday. Howshoodii ayeey dhameyseen. Markii ey dhameeysteen ayeey ku tiri: Warkii aad ii sheegeysay Runtaa miyaa? Waxa uu ku yiri: ma hubo, waadse fufudaatay.

( Axmed Lugeey oo Reer Shabeelada dhexe ahaa ayaa Saaxiibkii ku yiri: Nin aan ku kalsoonahay oo aan Aaminsanahay ayaa igu yiri: Dagaalka Liyu Booliska iyo Khilaafka Somali land Labadaba, Xassan sheikh ayaa ka dambeeyo. Saaxiibkii ayaa ku yiri: Aniguba waxaan maqlay Dayax gacmeedkii ayaan hore Mareeykanka uga qarxay Hawada sare, Xassan sheikh ayaa ka dambeeyay. Axmed Lugeey ayaa yiri: Nin weyn ayaa tahay warkaagana waan kaa Aaminay ee sax ma yahay. Saaxiibkii ayaa ku yiri: Ma ogi, laakin in aad iga Aamintu waad ku fududaatay) ( F.S: 1aad)

  1. Nin Reer Warshiikh ah ayaa maqlay Somalida Dhaqankeeda waxaa ka mid ah, Haddii Lugtu ku cuncunto Safar ayaad aadee. Haddii Gacantu ku cuncuntana Lacag ayaad helee.markaa ayuu yiri: Yaa, yaa, Anniga Gacantu Bil dhan ayeey i Cuncuneeysay ee Makiinadda Lacagta Sameeyso oo Xeebta Warshiikh ku soo caarisay miyaan heli Rabaa.( F.S: 2 & 3aad )

( Haddii Beelo hesho wasiir A ah, Nabadoonka Beesha intee cuncunto?)

  1. Wiil Reer Jalalaqsi ah oo Gabar Shukaansanayay ayaa markii uu Gacanta xageeda u taagaba waxa
  2. ey ku tiraa maxaad ii taabaneydaa?. Mar dambe ayuu Raadiyo agtiisa yiil ka maqlay Heestii Aweys khamiis ee Taag taagsashaa lagu tanaadaa, wuuna ka daba qaaday. Waxay ku tiri: Bacaawga Cuurka leh muxuu sheegaa? Waxa uu ku yiri: waxa uu leeyahay Taa taabashaa lagu tanaadaa. Waxa ey tiri: Haddiba Taa taabasho lagu Tanaadaa maxaan ku diidaa.

( Ummaduhu waxay ku tanaadaan, Tacab iyo Taag taagsasho. Amaa Annaga Dowladahu noo sheegaan in lagu tanaado. Taa taabashada Jeebkeena oo aan Canshuur ka bixino iyo Tuugsi)

  1. Wiil Reer Aadan yabaal ah oo Gabar Qurbaha ka timid shukaan sanayay ayaa amaanay, kuna yiri: waxaad la mid tahay: xareed Dhulka taal, Roob qaboow, iyo Ceeryaamo subaxdii dhirta qarisay. Waxa ey ku tiri: No, you are talking about bad winter. Why not summer time and sunshine.

( Somali Luqadda heshiis ku ah, shukaansigana heshiis ku ah)

5.Single mother, Reer Jowhar aheyd oo London joogtay, ayaa waxaa ka dhintay Oday saxiib beenaad la ahaa oo ey iska biila jirtay "Suger Daddy” kana dhiibi jiray kirada Guriga. Bishii waa dhamaatay, Ninkii Guriga lahaana waa yimid. Markii ey Tacsida ka qeyb galeeysay waxa ey ka Ooyin badneyd tii Asaayda loo saaray.

( La taliye Mushaar ahaan u qaadan jiray 8000 Dollar, isaga oo aan shaqeyn, ayaa Wasiirkii Xilka laga qaaday. Maalintii Xil wareejinta, La Taliyahii ayaa ka murugo badnaa Wasiirkii)

  1. Wiil yar oo Sanbaloolshe la yiraa oo Reer Baladweyne ahaa oo dhib badnaa ayaa Aabihii waxa uu ku yiri: Ciddan Deriskeena ah ayaan soo salaameynaa, xalay ayaa waxaa Isbitaalka ugu dhashay Wiil yar, oo dhashay isaga oo ey ka maqan yihiin Maqaarka Sare ee Labada Dhagood. Inta aan Cidda la joogno haddii aad Wiilkaa dhagahiisa wax ka sheegto ogow, marka aan Guriga ku soo noqono ayaan ku garaacaa.

Markii ey tageen Gurigii Reerka, ayuu Sanbaloolshe yare, taabtay Gacmihii iyo Lugihii Wiilkii yaraa. Waxa uuna ku yiri: Hooyadii wiilka dhashay, Wiilkaan Gacmahiisa iyo Lugahiisu aad ayeey u qurxan yihiin. Hooyadii ayaa ku tiri: Maashaa Allaah. Sanbaloolshe ayaa Hooyadii ku yiri: Dhakhtarku ma yiri: Aragga indhihiisu waa fiican yihiin?. Hooyadii ayaa ku tiri: Haa, ee maxaad ku keentay Su’aashaa?. Sanbaloolshe ayaa yiri: waxaa aan hubinayay in uuna mustaqbalka Ookiyaalo u baahandoono iyo inkale.
Markii Guriga la yimid. Sanbaloolshe yare, waxaa garaacay Aabihii. Dhago ma sheegine maxaa loo garaacay? jawaabtu waa xagaaga. ( F. S: 4aad)

( Sanbaloolshe weeyne, Mucaarad ayuu ahaaye, maxaa Golaha wasiiradda looga reebay)

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip