NEWS Dalladda Bulshada Bariga Africa: Codsiga Xubinnimo Ee Soomaaliya

0
Friday August 05, 2022 - 16:34:37 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NEWS Dalladda Bulshada Bariga Africa: Codsiga Xubinnimo Ee Soomaaliya

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Dalladda Bulshada Bariga Africa (East African Community -EAC), waxaa la asaasey 1967, waxaana markii ugu horreeysey ku heshiiyey dalalka Kenya, Uganda iyo Tanzania. Ujeedada asaaska dalladddaan ayaa aheyd iskaashiga dhex mara sedaxda dalka, dhinacyada Siyaasadda amniga, ganacsiga, arimaha bulshada iyo dhaqanka.

Sida la sheego, aragtida sameynta dalladdaan waxaa qeyb weyn ka lahaa, madaxweynihii hore ee Kenya, Jomma Kenyatta, wuxuuna ka dhex raadinayey isbaheysi uu kaga hortagi karo culeyska dalkiisa kaga imaanayey dhinaca Soomaaliya, taas oo la xaiirtey doonista Soomaaliya ee gobolka NFD.

Soomaaliya oo siyaasadda Africa, gaar ahaan midda Bariga Africa, saameyn weyn ku laheyd, ayaa welwel ku abuureysey dalalka Kenya iyo Ethiopia, waxayna taasi Keentey in labadaan dal dadaal badan geliyaan sameynta Ururka Midowa Africa, iyaga oo weliba ku guuleystey in qodobada heshiiska asaaska ururka lagu daro in sidooda loo daayo xuduudaha isticmaarku ka tagey, taas oo caqabad weyn ku horgoysey doonistii Soomaaliya ee dhulalka NFD iyo Soomaali galbeed (Qodobka 3aad ee heshiiska asaaska OAU, 1963).

Dalladda Bulshada Bariga Africa, hadda, waxaa ku jira oo xubno ka ah ilaa todobo dal oo kala ah; Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, Congo DRC, iyo South Sudan, waxayna dalladdu weli u furan tahey dalalka kale ee dhaca Bariga Africa. Dalladdaan waxay xaruunteedu ku taala Magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Dalladda Bulshada Bariga Africa ayaa lagu kala tagey, isla markaana burburtey sanadkii 1977, waxaana sabab u ahaa is faham waa iyo khilaaf ka dhashey; Kenya oo dalbatey kuraas ka badan labada waddan ee kale, madaxweynihii hore Uganda Iddi Amin oo ka hor yimid in dalalka xubnaha ka ah dalladda ay faragelin milatari isku sameyn karaan, Nidaamka hanti-wadaaga oo Tanzania ka jirey iyo Hanti-goosadka oo Kenya ka jirey oo isla jaan qaadi waayey, sidoo kalana la jaanqaadi waayey ujeedooyinka dalladda.

Dalladda Bulshada Bariga Africa, waxaa dib loo asaasey sanadkii 2000, waxaana wixii intaas ka danbeeyey socotey dardar cusub iyo is ballaarin, iyada oo ay xubin ka noqdeen dalal cusub.

Sida uu dhigayo Qodobka 5aad, farqadiisa 1aad ee heshiiska lagu sameeyey Dalladda Bulshada Bariga Africa, waxay ujeedada koobaad tahey in uu sameeyo siyaasado iyo barnaamijyo tiigsaneysa ballaarinta iyo xoojinta wadashaqeynta xubnaha ururka ee dhinacyada; Siyaasadda, Dhaqaalaha, Arimaha bulshada, dhaqanka, cilmi baarista iyo tijnoolajiyadda, difaaca, amniga, iyo arimaha sharciga iyo garsoorka si u wada dan ah ama u faa’iido ah.

Mabaadi’da ururka waxaa ka mid ah "In khilaafka lagu dhammeeysto si nabad ah.”

Sida ku cad Qodobka 5aad farqaddiisa 2aad, dowladaha xubnaha ka ah dalladda, waxaa laga doonayaa in ay sameeystaan canshuur mideysan, suuq wadaag ah iyo lacag mideysan. Badeecooyinka isaga gudbaya dalalka xubnaha ka ah dalladda, lama canshuurayo, sidoo kale badeecooyinka dibadda uga imaanaya waa in si isku mid ah loo canshuuraa.

Dalalka xubnaha ka ah dalladda Bulshada Bariga Africa, hadda, waxaa isu furan socdaalka xuduudahooda, waxayna leeyihiin baasaboorka leh naqshad mideysan.

Sida uu daabacey Warsidaha The East African ee soo baxay September 6th, 2021, Madaxweynaha Kenya ayaa soo jeediyey in dalladda lagu ballaariyo dalalka dhaca bartamaha, koofurta, iyo Galbeedka Africa, waxaase shardi ah in dalku xad la leeyahey dal hadda ka tirsan ururka. Dalka Ethiopia ayaa ka mid ah dalalka laga codsadey in ay ka mid noqdaan dalladda bulshada Bariga Africa, waxaana weli laga sugayaa jawaab.

Dalal ka dhaca Bariga iyo Bartamaha Africa, ayaa hore u codsadey xubin ka noqoshada dalladdaan, waxaana ka mid ah dalalka codsadey; Soomaaliya, Suudaan, iyo Zambia, waxayna ka dhur sugayaan go’aanka dalladda.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysey codsatey xubinimada dalladda Bulshada Bariga Africa sanadkii 2012, waxaana dhowr shir madaxeed oo dalladdu qabsatey lagu soo qaadey arjiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada ururka.

Warsidaha Monitor oo ka soo baxa dalka Uganda, ayaa 22-ka bishaan July daabacey in intii u dhaxeeysey 2012 iyo 2017, codsiga Soomaaliya la diidey, iyada oo lagu sababeeyey colaadaha, hab-maamulka dowladeed ee jilicsan iyo kala qeybsanaanta dalka dhaca geeska Africa. Dalka Kenya ayaa la sheegaa in uu ka soo horjeestey xiligaas in Soomaaliya ka mid noqoto dalladda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo marti ku ahaa Shir madaxeedka 22aad ee dalladda Bulshada Bariga Africa oo qabsoomey July 22, 2022, ayaa mar kale ku celiyey codsiga Soomaaliya, isaga oo shirka ka hor sheegey in uu ka rajeynayo in la aqbali doono codsiga.

Sida uu dhigayo qodobka 3aad, farqadiisa 3aad ee heshiiska asaaska dalladda, dalka dananeyna in uu xubin ka noqdo dalladda Bulshada Bariga Africa, waxaa laga doonayaa in uu buuxiyo shuruudahaan:

(a) Aqbalaadda dalladda, sida ku cad heshiiskan;


(b) U hoggaansanaanta mabaadi’da la aqbali karo ee caalamiga ah ee maamul-wanaagga, dimuqraadiyadda, ku dhaqanka sharciga, dhawrista xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda bulshada;
(c) Wax ku biirin micno leh oo xoojineysa is-dhexgalka gobolka Bariga Afrika;
(d) Dhowaanshaha juqraafiyeed iyo isku-tiirsanaanta u dhaxaysa dalka iyo dalalka xubnaha ka ah dalladda;
(e) Dhisidda iyo sii heynta dhaqaale uu hoggaamiyo suuqu; iyo
(f) Dejinta siyaasado bulsho iyo dhaqaale oo la jaan qaadaya kuwa dalladda.

Haddii Soomaliya ku guuleysato xuninimada dalladdaan, waxay ku kordhin doontaa xeeb dheerarkeedu gaarayo 3,333km, dhul bedkiisu dhan yahey 657,637km oo isku wareeg ah, 16m oo dad ah, kheyraad dabiici ah oo aad u ballaaran, dhaqan, xoolo, iyo kalluun.

Soomaaliya waxay hadda xubin ka tahey; Ururka Midowga Africa, Urur Goboleerka IGAD, Ururka Jaamacadda Carabta, ururka Islaamka, suuqa ganacsiga ee COMESA, iyo Qaramada Midoobey. Sidoo kale, Soomaaliya, ayaa sanadkii 2018, iskaashi sedax geesood ah (dhinacyada Nabad-galyada iyo dhaqaalaha) la gashey dalalka Ethiopia iyo Eretria. Soomaaliya ayaa saxiixdey oo xubin ka ah ururo badan caalamiga, sida; Ganacsiga, Bankiga Adduunka, IMF, Maxkamadda Caalamiga ah, UNESCO, Bisha Cas, Laanqeyrta Cas iyo qaar kale.

Inta badan dalalka kujira dallaaddaan, waxay sidoo kale xubin ka yihiin suuqa ganacsiga ee COMESA oo ay ku jiraan dalal badan oo dhaca bariga iyo Koofurta Africa. Afar dal oo xubin ka ah dalladda Bulshada Bariga Africa, ayaa ku jira Suuqa COMESA, waxayna kala yihiin; Kenya, Uganda, Rwanda iyo Burundi. Dalalka Kenya, Tanzania, Rwanda, iyo Uganda ayaa sidoo kale xubin ka ah dalalka ku mideysan Ururka Barwaaqa Sooranka (The Commonwealth Countries).

Dalladda Bulshada Bariga Africa, waxay heshiisyo ganacsi iyo maalgashi kula jirtaa midowga Yurub, USA, iyo China, waxaana dal kasta oo xubin ka noqda dalladda ku qasbanaan doonaa in uu fuliyo heshiisyadaas.

Wargeyska New Times ee ka soo baxa dalka Rwanda oo soo xiganayey Xogheynta iyo shaqaalaha dalladda, ayaa April 2019 daabacey shan caqabadood oo heysta dalladda, wuxuuna ku soo koobey;
1) Qodobada heshiisyada iyo hab-raacyada la saxiixey oo aan la wada fulin,
2) Wacyi la’aanta bulshooyinka dalalka xubnaha ka ah dalladda,
3) Habka go’aan qaadashada oo ah mid daah badan oo caajis ah,
4) Tabarucaadka dalalka laga doonayey oo aan 55% la bixin,
5) iyo kulamada lagu go’aan qaadan lahaa oo dad la rabey aysan soo xaadirin.

Dalalka hadda kujira dalladda Bulshada Bariga Africa (EAC) qaarkood, waxaa ka jira ama ka dhacay colaado sokeeya. Dalka Rwanda, sanadkii 1994, waxaa ka dhacay colaado sokeeyo oo u dhaxeeysey labada qabiil ee ugu wayn dalkaas, waxaana ku naf waayey ku dhowaad hal milyan oo dad ah. Reer Rwanda waxay ku guuleysteen xakameynta colaadaha, waxayna maanta ka mid yihiin dalalka ugu hormarsan qaaradda Africa. Dalka Congo DR, waxaa weli ka jira colaado sokeeye iyo kala qeybsanaan bulsho, waxaana sii hurinaya faragelino shisheeye. Dalka South Sudan, waxaa ka dhacay colaado sokeeyo oo u dhaxeeyey bulshooyinka dalkaas, waxaa sidoo kale ilaa hadda ka jira kala qeybsanaan siyaasadeed oo curyaamisey hore u socodka dowladnimada dalkaas oo ah kan ugu da’da yar dunida.

Dalalka xubnaha ka ah dalladda Bulshada Bariga Africa (EAC), qaarkood, waxaa ka dhaxeeyey muranno la xariira xuduudaha iyo arimo kale. Dalka Kenya iyo Tanzania waxaa ka dhaxeeya muran la xariira xuduud badeedka u dhaxeeya labada dal, dalalka Rwanda iyo Brundi waxaa dhex marey oo mar la xaliyey muran la xariirey xuduudka u dhaxeeya, Uganda iyo Tanzania sidoo kale waxaa soo dhex marey muran xuduudeed, waxaana mar heshiiseeyey Soomaaliya, dalalka Rwanda, Burundi, iyo Uganda waxaa lagu eedeeyaa in ay faragelin ku hayaan dalka Congo DR. Rwanda iyo Tanzania ayuu dhex marey muran la xariirey qaxooti reer Rwanda oo laga tarxiiley Tanzania.

Dalalka xubnaha dalladda Bulshada Bariga Africa (EAC), waxaa intooda badan ka jira amni iyo kala danbeyn, colaadaha ka dhaceyna uma saameyn sida ay Somaaliya u saaameeyeen. Waxaa inta badan sugan amnigooda, waxaa dhisan hay’adahooda, waxaa u diyaarsan shuruucdooda gaarka, kuwaas oo ka difaacaya xadgudbyada soo dhex mari kara heshiisyada la xariiira Dalladda.

Dadka dalalka hadda ku jira dalladda Bulshada Bariga Africa (EAC), 88.1% waa kirishtaan iyo qaar aaminsan diimo kale oo aan islam aheyn, halka Soomaaliya, 100% dadkeedu yahey muslim. Xaaladaha amni, hab dowladeedka jilicsan, kala qeybsanaan siyaasadeed iyo mabaadii’da ay ku dhisan tahey Jamhuuriyaddu, ayaa laga yabaan in ay caqabad ku noqoto Soomaaliya, taas oo daahin karta ama hor istaagi karta in Soomaaliya ay xubin ka noqoto dalladda Bulshada Bariga Africa (EAC).

Dadka falanqeeya arimaha Bariga Africa, ayaa u arka in haddii Soomaaliya hesho xubnimada dalladda Bulshada Bariga Africa (EAC), ay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Bariga Africa u furi doonto fursado ganacsi iyo suuqyo cusub. Soomaalida ayaa dhaqdhaqaaqyo ganacsi oo muuqda ku leh dalalka Kenya, Tanzania, Uganda, Ethiopia iyo South Sudan.

Haddii dalalka Soomaliya, Djibouti, Ethiopia, Sudan, iyo Eretria ay ka mid noqdaan dalladdaan, waxay u badan tahey in uu meesha ka bixi doono ururka Goboleedka IGAD.

Si kasta oo ay taheyba, haddii Soomaaliya ay ku guuleysato xubinimada, dalladda Bulshada Bariga Africa (EAC) wuxuu noqonayaa suuq ballaaran oo u furmaya, kuna furmaya, wuxuuna yeelan doonaa faa’iido iyo khasaare labadaba.

Dalladda Bulshada Bariga Africa: Codsiga Xubinnimo ee Soomaaliya. - Jowhar somali news leader

W/Q   Dr. Maxamed Aadan Koofi

XIGASHO:JOWHAR.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip