Abuu Muscab oo soo hadlay xilli Itoobiya ay sheegtay in la dilay iyo AL-SHABAAB oo guul ka sheegatay dagaalka

0
Saturday July 30, 2022 - 06:46:32 in Wararka by
  • Visits: 350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abuu Muscab oo soo hadlay xilli Itoobiya ay sheegtay in la dilay iyo AL-SHABAAB oo guul ka sheegatay dagaalka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanto Aato ee gobolka Bakool ee dhexmaray dagaalyahanada kooxdaas iyo ciidamada Liyuu Booliska ee gobolka Soomaalida Itoobiya.

Abu Muscab ayaa sheegay inay dagaalka xuduudda ku dileen 150 askari oo ka mid ah Liyuu Boolis.

"Khasaaraha dhimashada wuxuu gaaray 150 askari oo ka tirsan Liyuu Boolis. Meydadka 103 ka mid ahayaa isbarkan deegaanka Aato,” ayuu yiri Abu Muscab.

Abu Muscab ayaa sidoo kale sheegtay inay dagaalka ku qabteen maxaabiis, ayna gacanta ku dhigeen saanado hub ah.

Dhinaca kale, warbaahinta kooxda Al-Shabaab ay soo bandhigay sawirrada meydad ay sheegeen inay yihiin Liyuu Boolis, inkasta oo aan la xaqiijin karin sax ahaanshaha sawirrada iyo cidda ay yihiin meydadka lasoo bandhigay.

Maamulka Gobolka Soomaalida ayaan weli ka hadlin dagaalka. Balse Jeneraal u hadlay ciidamada federaalka ItoobiyaTesfayeAyalewayaa sheegtay inay fashiliyeen weerarka Al-Shabaab, islamarkaana ay dileen 150 ka mid ah dagaalyahanada kooxda.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay burburiyeen sahay hub iyo cunto ah oo ay wateen.

 

TesfayeAyalewayaa sheegtay in dadka ay dileen ay ku jiraansaraakiil sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ay ka mid yihiin Abu Muscab, Fu’aad Shongole iyo Cubeyda Nuur Ciise.

Si kastaba, hadalka Abu Muscab ayaa warbaahinta Al-Shabaab lasoo dhigay saacado kadib sheegashada Itoobiya ee dilkiisa, balse si dhab ah looma oga xilliga la duubay codka.

Sidee Al-Shabaab mar kale uga talaabtey xadka Itoobiya?




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip