Xog: Magacyada xubnaha R/W XAMZA kula dhegan dhismaha xukuumaddiisa

0
Friday July 29, 2022 - 21:37:22 in Wararka by
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Magacyada xubnaha R/W XAMZA kula dhegan dhismaha xukuumaddiisa

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xilli walba oo lagu jiro dhismaha xukuumadda Soomaaliya, waxaa jira gacma badan oo isku daya inay saameyn ku yeeshaan shaqada socota iyagoo soo jeedinaya magacyo ay xilal u rabaan.

Ra’isul wasaaraha iyo madaxweynaha waxaa cadaadiya siyaasiyiin, xubno madax ka ah labada aqal, qabiilo iyo ganacsato, balse dhammaan dhinacyadaasi madaxda lama qaadaan fashil iyo dib u dhac wixii ay keenaan xubnihii ay u dagaalameen in wasiiro laga dhigo.

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la shaaciyo xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza. Wararka qaar waxay sheegayaan in Sabti ama Axad midkood la shaacin doono liiska. Toddobaadkii hore ayuu qorshuhu ahaa in liiska lasii daayo balse codsi ka yimid ra’iisul wasaaraha ayaa 10 beri dib loogu dhigay.

Hase ahaatee weli waxaa jira caqabado uu ra’iisul wasaare Xamza uu kala kulmayo xubnaha qaar gaar ahaan kuwa ay isaga isku qoondada yihiin.

Tusaale, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdullaahi Timacadde ayaa cadaadis saaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo doonaya in laga talo geliyo qofka kusoo baxaya xubinta wasiirnimo ee gobolka Sool.

Xogaha waxay sheegayaan in madaxweyne Xasan Sheekh iska bari yeelay arrintaas oo uu guddoomiyaha u caddeeyey inuusan rabin inuu aad u fara geliyo xubnaha ku xisaabta ah ra’iisul wasaare Xamza ayna muhiim tahay in arrintaasi lagala hadlo ra’iisul wasaaraha.

Weli ma cadda mowqifka uu ra’iisul wasaaraha ka qaadan doono isku dayga guddoomiye Timacadde, iyadoo ay jirto in ra’iisul wasaarayaasha mar walba lagu qadarin jiray go’aan ka gaarista xubnaha ay isku qoondada yihiin.

Xog aan helnay ayaa sheegaya in Timacadde ay gadaal ka riixayaan shaqsiyaad diidan qofka uu ra’iisul wasaare Xamza u arko midka ugu manaasabsan ee la siin karo kursigaas.

Dhinaca kale, xubnaha baarlamanka ku matala Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ayaa iyagu qaatay go’aan kasoo horjeeda kan guddoomiye Timcadde oo ay ku arkaan inuu shaqsiyaad gaar ah wax la raadinayo halkii uu dhex dhexaad u noqon lahaa darafyada loolanka ugu jira kursiga wasiirnimada.

Iyadoo dad badan muhiim u arkaan wada-tashiyada uu ra’iisul wasaaraha wado xilligaan ayaa haddana dhanka kale culeyska ka imaanaya guddoonka Aqalka sare wuxuu sii adkeenayaa xaaladda.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa isna maalmihii tagay laga soo tabiyey inuu diidanaa sida uu ra’iisul wasaaraha u rabo inuu u xusho xubnaha reer woqooyiga ku matali doona golaha wasirada ee soo socda.

Aqalka sare aad muhiim uguma ahan xukuumadda maadaama uusan ansixin iyo ridid midna saameyn karin. Xamza Cabdi Barre waxaa loo yaqaanaa qofka inta badan doorbida madax-banaani.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqdaa nin garanaya Xamza maadaama dadkii u tagay kula taliyey inay ra’iisul wasaaraha kala hadlaan rabitaankooda.

Cabdi Xaashi iyo Timacadde oo dhanka madaxweyne Xasan Sheekh culeys ka raadiyey ayaan la ogeyn sida ay hadda ra’iisul wasaarhaa uga iibin karaan rabitaankooda iyo dadka ay doonayaan in wasiiro looga dhigo.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa hortaalla inuu soo dhiso xukuumad ku filan inay dalkaan ka gudbiso xilliga adag, inuu la yimaado xubno ay is fahmi karaan, shaqada yaqaana, isku heyn kara isaga iyo golaha shacabka oo ah xubno aan lagu qasbin balse uu isagu dooqday.

XOG: Magacyada xubnaha R/W XAMZA kula dhegan dhismaha xukuumaddiisa - Caasimada Online

By:-Abdullahi Osman Farah




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip