HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER SABTI 2-7-2022

1
Saturday July 02, 2022 - 06:43:02 in Wararka by
  • Visits: 576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER SABTI 2-7-2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

M/weyne Xasan Shiikh oo maanta ubax dhigay Taalada Daljirka ee Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shii kh Maxamuud oo xusaya sannad-guurada 62-aad ee xornimada iyo midnimada dalka, ayaa ubax dhigey taalada Daljirka Dahso on ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ay wehliyeen Mad axda goleyaasha dowladda, ayaa ubax-dhi gga kaddib waxa uu ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed maalinta midnima da iyo xornimada, isagoo ugu baaqay in ay ilaashadaan qarannimadooda, xoojiyaanna midnmadooda bulsho.

"Waxaan mar kale hambalyo ku aad dan munaasabadda 1-da Luulyo u diraya dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan. Waxaa xaqiiq ah, in si aan horey ugu dhaqaaqno ay muhiim ta hay in aan gacmaha is qabsano oo qabano shaqo qaran oo adag, taas oo horseedi doonta in aan dalkeenna horumarinno, dun idana wax la qeybsanno”.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud a yaa ku ammaanay Jaaliyadaha Soomaali yeed ee daafaha caalamka sida ay u xu seen maalmaha xoriyadda iyo midnimada dalkeenna, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan dowlad dhiska dalka iyo gurmadka dadkeenna la tacaalaya xaaladaha binu-aadantinimo ee ka dhashay abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyay in fadliga maalmahan barakaysan awgeed uu Alle kaga dulqaado wax kasta oo dhib ku ah, sannadkan kiisa kalena ay ku gaaraan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

M/ Soomaaliya oo shaacisay iney dhinteen qaar ka mid ah dhalinyaradii tababarka loogu qaaday dalka Eratariya

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaali ya Cabdikariin Cali Kaar ayaa markii ugu horeysay shaaciyay iney dhinteen qaar ka mid ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee taba barka loogu qaaday wadanka Eratariya.

Afhayeenka oo la hadlaayay Talefashin ka Somali Cable ayaa sheegay ineysan jirin cid uga baahi badan dowladda Sooma aliya 50 00 kun oo ciidan tababaran ah, isla markaana dhawaan dalka dib loogu soo ce lin doono.

Waxuu intaa sii raaciyay Afhayeenka in dhalinyaradaasi qaarkood ay dhinteen, islamarkaana ay ka warqabaan waalidiinta kuwa dhintay iyo waliba kuwa nool, isagoo na sheegay in dhalinta qaarkood ay si ca adi ah u dhinteen kuwa qaarna ay tababar ka dhexdiisa ku geeriyoodeen.

"Dowladda waqtigan cid uga baahi ba dan ma jirto dhalinyaradaasi tababaran, maadana ahmiyada dowladda madaxwey ne Xasan Sheekh ay tahay mid culeys ga ar ah saareysa dhanka amaanka, dhalinya rada Eratariya tababarka ugu maqan waan la keenaya dalka, kuwii nool qaarna waxay dhinteen mudadii ay tababarka ku jireen qa arna si caadi ah ayay u dhinteen waalid wa lbana waa ogyahay canugiisa inuu dhintay iyo inuu nool yahay waalidkii kama warqa bo dhaho aniga ha ila soo xariiro" ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada.

Hadalka Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa imaanaya xili waalidiinta dhashay dhalinyarada 5000 ah ee ku ma qan tababarka loogu qaaday dalkaasi Era tariya ay marar badan sameeyeen banana baxyo xoogan oo ay dowladda kaga dalba nayaan in caruurtooda dib loogu soo ce liyo.

Sh. Aadan Madoobe "Waxaan aaminsanahay in isku tanaasul iyo is qancin aan ku xalin karno walaalaha reer Waqooyi tabashadooda.”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dadka Soomaaliyeed la wadaagay hambalyadda munaasabadda 1da Luulyo oo ay u dabaal dagayaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay muhiim ta hay in loo istaago ka shaq eynta mindimada iyo wada jirka dadka Soomaaliyeed.

"Waxaan hambalyo u dirayaa guud aha an Shacabka Soomaaliyeed munaasabad da 62 sano guuradii ka soo wareegatay 1-da Luulyo1960kii oo ku asteysan xornima dii gobollada Koonfurta iyo midowgii Wa qooyi iyo Koonfur.

Sidoo kale, Guddoomiye Shiikh Aa dan Madoobe ayaa tilmaamay in 1-da luul yo ay tahay maalin ku weyn guud ahaan quluubta Dadka Soomaaliyeed, sidoo ka lena ay tahay maalin ku astaysan gobonni mo iyo guul, taasoo usoo hooyatay gayiga Soomaaliyeed.

"Waxaan aaminsanahay haddii aan u is taagno dhammaanteen, gacmaha is qabsa nno, waqtina aan ku bixinno tanaasul iyo is qancin inaan Ka Mira dhalin Karno yool keenna ah in walaalaha Soomaaliyeed ee waqooyinka tabashadooda la xallin karo.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur ayaa carab ka ku dhuftay inuu waqti iyo maskaxba Ku bixin doono in dhamaan dadka Soomaali yeed dib u heshiisiin dhab ah loo furo, si ja ceyl iyo niyad Sami iskula noolaadaan, taa sina ay horseedo in dowladnimada Sooma aliya ay cagaheeda isku taagto haduu Rabi idmo.

DFS oo ku baaqday in loo midoobo la dagaalanka Al-Shabaab

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhig ga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in xilligaan dalka Soomaaliya ay kajiraan dhib aatoyin dhowr ah oo qaarkood ay saba been Ururka Al-Shabaab.

Wasiirka oo Maanta hadal ka jeedi nayay munaasabad uu Madaxweyne Xa san Sheekh ku ubax dhigay Taalada Daljir ka Daahsoon ayuu sheegay in dhibaatooyi nka Soomaaliya kajira ay kamid yihiin, Fa qri iyo Amni la’aan ay sabab u yihiin Ururka Al-Shabaab.

Wuxuu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ha meel uga soo wada jest aan oo ay u midoobaan lana dagaalamaan Al-Shabaab, isaga oo ku eedeeyay inay qe yb ka yihiin dhibaatooyinka xilligaan kajira dal ka.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa daba socda xilli Madaxda dowladda Soomaaliya ay dhowr jeer ku cel celiyeen inay la dagaalamaan Al-Shabaab balse weli uusan muuqan dagaal rasmi ah oo ay la galeen.

Soomaaliya oo Jaamacadda Carabta ka codsaday wax-kaqabashada Abaaraha ka jira Gudaha dalka.

Cabdiraxman Cabdishakur Warsame oo ah Ergeyga gaarka ah ee Arimaha bini’aadanni mada iyo Gurmadka Abaaraha ayaa habeen hore fiid kii dhambaal qoraal ah oo uu ka siday Madaxw eynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxa muud u gudbiyay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abul Gh eit, Sida uu sheegay Ilyaas Sheekh Cumar Ab uu Bakar Danjiraha JFS ee Masar ahna Wakii lka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaa macadda Carabta.

Ilyaas Danjiraha Soomaaliya ee Masar ayaa xusay in farriinta Madaxweynaha Soo maaliya ay tahay mid bini’aadannimo oo ku aa ddan in si deg deg ah loogu istaago gargaarka shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu halakee yeen.

Waxaa uu sheegay in shirka wasiirrada arrimaha debedda Carabta oo maanta looga ha dli doono arrimaha abaaraha Soomaaliya uu Er geyga Madaxweynuhu usoo bandhigi doono xa aladda abaarta Soomaaliya, isaga oo codsaday in aan Soomaaliya lagu eegan xaaladda abaa raha ee adag.

Ergada Soomaaliya ee Jaamacadda Carab ta ayaa ku micneeyay farriinta Madaxweynaha Soomaaliya in Soomaaliya ay ka codsaneyso Jaamacadda Carabta iyo dalalka Carabeed in ay caawiyaan dalkiisa oo ay abaaro aan horay loo arag muddo 40 sano ah ka jiraan, iyadoo ku dhawaad 7 milyan oo muwaadiniin ah ay waja hayaan xaalad macluul ah.

Ergada Soomaaliya ee Jaamacadda Cara bta ayaa intaas ku dartay in, in ka badan 7.1 mi lyan oo qof ay dhibaatadu soo gaartay, kuwaasi oo ay ku jiraan ilaa 700,000 oo qof oo ku qas banaaday in ay ka barakacaan guryahooda si ay u raadsadaan cunto, biyo iyo baad. Tirada dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya ayaa hadda lagu qiyaasay 3 milyan oo qof, xaaladda ayaa sidoo kale ka sii daraysa iyada oo meelo kala duwan oo dalka ah ay ka dillaaceen kolo riin iyo jadeeco.

Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta ifafaalaha abaaraha ee dalkiisa uu la ildaran yahay iyo sa ameynta xun ee ay ku yeelan karto shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay dalalka Ca rabta inay taageeraan Soomaaliya si ay ula ta caasho dhibaatada baaxadda leh ee halista ku ah malaayiinta qof eeaan aan waxba galabsan.

Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wadajirka dalalka Cara bta si ay u caawiyaan dalkiisa, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo qorshe degdeg ah oo dalalka Carabta iyo gobolkaba si loo yareeyo khatarta musiibooyinka.

Farmaajo & Shariif oo hambalyo la xiriirta 1-da la wadaagay Umadda Soomaaliyeed

Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo siyaasiyiin xilal kala duwan soo qabtay ayaa umadda Soomaaliyeed la wadaagay Hambalyo la xiriirta munaasabadda 1-da oo ay kasoo wareegatay 62-sano.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu la qeybsanaayo farxadda dabbaal-degga munaasabadda 62 guurada ka soo wareegtay maalintii Gobollada Ko onfureed ee dalkeennu ay xorriyadda ka qaateen Talyaaniga, isla markaana ay Wo qooyi iyo Koonfur midoobeen.

"Xuska iyo weynaynta munaasabada ha xorriyaddu waxay dib inoo xusuusina yaan waddaniyaddii, Soomaali jacaylkii iyo sooyaalka halgameyaashii iyo dhaqdhaqaa qyadii gobannimo doonka, kuwaas oo dha mmaantood halgan adag u soo galay soo dhicinta gobannimadeenna, waana in aynu sooyaalkooda ka qaadannaa cashar aynu ku dabbaqno nolosheenna maanta, innaga oo xoojinayna dal jacaylka, walaaltinimada iyo midnimada dhexdeenna ah.” Ayuu yiri ugu dambeyn Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, Shariif Shiikh Axmed Mada xweynihihii hore ee Soomaaliya ayaa isna dhankiisa umadda Soomaaliyeed la wadaa gay hambalyadda xuska 1-da Luulyo, taas oo kasoo wareegatay 62 sano, waana mar kii ay xoroobeen gobolada Koofureed, isla markaana ay midoobeen Waqooyi iyo Koofur.

"Habeen hore oo kale waxa ay aheyd dhac do taariikhi ah oo ku asteysan xorriyad iyo midnimo, munaasabaddan awgeed waxaan dadka Soomaaliyeed iyo Hoggaa nka dalka u jeedinaya in la xoojiyo walaal nimada iyo isku soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Shariif Shiikh Axmed.

Madaxweyne hore Shariif Sh. Axmed ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in Da dka Soomaaliyeed ay iskaashato is garab qabato keeda abaartu hayso si buu yiri aan u gaarno asaageen, isagoo xusay in sharafkeena aan kor ugu qaadi karno wa dajir iyo Soomaalinimo.

Sidoo kale, dhankiisa Ergeyga gaar ka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada Xil. Cabdirax maan Cabdishakuur Warsame ayaa isna umadda Soomaaliyeed u dhambaal hamba lyo ah u diray kaas oo la xiriira xuska san nad guurada 62-aad, taas oo ay kasoo wa reegatay 62-sano, waana dharaartii ay hee ryaddii gumaysiga iska rogeen Goballada Koonfureed ee dalkeenna kuna midoobeen labadii gobal ee Waqooyi iyo Koofur.

"Qiimaha ay noo leeyihiin maalmalaha xorriyadda awgeed, aan awooddeenna isu gu geyno, sidii aan gaajada, harraadka, ho y la’aanta iyo cudurrada abaaraha ka dha shay aan ugu dul qaadi lahayn dadkeenna tabaaleysan ee is-baddelka cimiladu sida taban u saameeyay.” Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame Ergeyga gaarka ah ee arrimaha Bini’aadanimada.

Ugu dambeyn, Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame ayaa Madaxweynaha Ja mhuuriyadda Soomaaliya ugu mahadceli yay inuu faray in hanti badan oo dabaal degga maalmaha xorriyadda ku bixi laheyd loo leexiyo gurmadka abaaraha iyo gargaa rka dadkeenna, kuwaas oo u baahan garab istaag.

SACIID DENI oo yabooh u sameeyey M/w Xasan iyo Rw Xamza

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa yaboohay in uu si buuxda ula shaqeyn doono dowladda madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wa saare Xamza Cabdi Barre.

Deni ayaa hadalk an habeen hore ka sheegay xarunta madaxtooyada Pu ntland oo uu kaga qeyb ga lay munaasabadda 1-da Luul yo ee lagu xusayo sannad guura dii 62-aad ee kasoo wareegatay markii ay xor riyada qaateen gobollada Koonfureed ee dal keena, midowgii Waqooyi iyo Koonfur iyo curashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya 1-dii Luulyo 1960-kii.

Deni ayaa khudbad uu halkaas ka jeedi yey kusoo hadal-qaadey isbadalka ka dha cay dalka ee heer federaal, oo uu kamid a haa musharaxiintii isu soo taagtey xilka ma daxweynaha Soomaaliya, balse looga guu leystay.

Deni, oo isku dayaya inuu meesha ka saaro hadal-hayn jirtay maalmahan oo aheyd inuu ka careysan yahay in isaga iyo Puntland-ba la dhaafiyey jagada ra’iisul wa saaraha, ayaa si cad u ballan-qaadey in uu la shaqeyn doono ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, kaasi oo la filayo in dhowaan uu soo dhiso gole wasiiro.

"Waxaan u hambalyeynayaa dowladd a ka dhalatay magaalada Muqdisho, wa xaan raali ka ahay madaxweynaha iyo ra’I iul wasaaraha, waxaan u rajeenayaa inuu Alle xilkooda u fududeeyo oo ay noqdaan kuwa u adeega bulshadooda” ayuu yiri Sa ciid Deni

"Waxaan caddayanaya haddii aan na hay maamulka Puntland iyo shacabka ina an diyaar u nahay la shaqeynta dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah, waxaan la shaqeynayaa ra’iisul wasaa raha cusub.”

Dhanka kale, Saciid Deni oo ka had lay abaaraha ka jiro dalka ayaa ugu baa qay ummadda Soomaaliyeed inay garab sii yaan shacabka dhibaateysan.

"Dalka wuxuu kasoo gudbay xaalad ad ag, wuxuuna galay mid abaar ah, waxaana dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joo gaan ugu baaqayaan inay gargaar deg deg soo gaarsiiyaan walaalahooda dhibaate ysan, bulshadeena 70% waa reer Baadiye waxay ku tiirsan yihiin xoolaha waxay had da halis ugu jiraan inay hanta beelaan.”

Wuxuu hadalkiisa kusii daray "Wax aan ku baaqayaa in lasoo dhaweeyo dad ka kusoo barakacay Puntland, sidoo kala na waxaan codsanayaa xoolo dhaqatay Puntland kasoo jeedo ee iyagana deegaa nada kale u barakacay in lasoo dhawee yo.”

Deni, oo ka mid ahaa musharaxiintii taageeray Xasan Sheekh wareeggii ugu da mbeeyey doorashada madaxweynaha, ayaa la rumeysan yahay inuu kula balla may in la siiyo xilka ra’iisul wasaaraha ama ugu yaraan la tashi laga geliyo qofka noqo naya, lagana keeno Puntland.

Hase yeeshee, kooxda ololaha Xasan Sheekh ayaa kahor inta aan la magacaa bin ra’iisul wasaaraha waxay sheegeen inaanu jirin ballan-qaad qayaxan oo noo caas ah oo madaxweynaha uu sameeyey.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa door tay inuu xilka ra’iisul wasaaraha siiyo bee sha Ogaadeen oo weligeed aan soo qab an, wuxuuna magacaabay Xamza Cabdi Barre oo ku dhowaad 20 sano ay is yaqaa naan, kana tirsana xisbigiisa UPD.

Xamza ayaa dhankiisana ballan-qaa dey inuu soo magacaabi doono gole wasii ro oo ay ku badan yihiin mudaneyaal ka tir san golaha shacabka, taasi oo loo arko is ku-day uu kusoo jiidanayo codka xildhibaa nada oo ay qasab tahay inay ansixiyaan go laha wasiirada.

Baarlamanka oo ansixiyay miisaaniyada sanadka 2022

Mudanayasha labada Aqal ee Baar lamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soo maaliya oo maanta kulan wada-jir ah yee shay ayaa ansixiyay miisaaniyadda Qaran ka ee 2022-ka.

Xildhibaanada ayaa waxay 3-dii maal mood ee lasoo dhaafay dood adag ka yee sheen arrimaha la xiriira miisaaniyadda do wladda ee sanadkaan 2022-ka, taasi oo ay maanta Haa ugu codeeyen 204 Xildhibaan.

Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maalmihii lasoo dhaa fay hor tegay fadhiyo wada-jir ah oo labada aqal ee baarlamaanka oo ay su’aalo ku we ydiiyeen.

Wasiir Beyle ayaa wajahay su’aalo a dag oo ku saabsan hanaanka maaliyadeed ee dalka, kuwaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga imaanayey xubnaha lab ada Aqal ee baarlamaanka.

Arrinta ugu weyn ee lagu heysto wa siirka maaliyadda waa xisaab xir la’aan jir tay tan iyo sanadkii 2018-kii iyo in wasiirku uu kala cadey la’yahay in deeqaha uu caa lamku siiyo Soomaaliya ay deyn yihiin iyo in kale.

Miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022 ayaa gaaraysa adduun lacageed oo dhan 918.7 milyan oo dollar.

C/Weli GAAS oo shaaciyey arrin ay tahay inay sameeyaan Xasan Sheekh iyo Xamza

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, marna soo noqday madaxweynihii Puntla nd, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, kadib isbeddelkii dhacay 15-kii bishii hore May ee san adkan 2022.

Gaas oo u warramay BBC ayaa ma rka hore shaa ca ka qaaday in adduunka ay wax caadi ah ka tahay in madaxweyne uu ra’iisul wasaare u xusho qof ka tirsan xisbi giisa, wuxuuna tilmaamay inay arrin wanaa gsan tahay, maadaama m/weyne Xasan uu ra’iisul wasaare u magacaabay Xamza Cabdi Bare oo qayb ka ah xisbiga UPD, ka as oo la siiyey kalsoonida.

"Laba qof oo isku xisbi ka yimid inay m/weyne iyo ra’iisul wasaare isku noqdaan waa wax caadi ah oo aduunka ka jira, waa na wax wanaagsan,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale xusay in kaliya looga baahan ya hay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay shaqeeyaan, una adeegaan dalka iyo dadka.

"Annaga intaa kaliya naguma filna wa xaa la rabaa isku xisbi ha noqdaan, saaxib ha ahaadaan, laakiin in haddane shaqo la qabto ayaa muhiim ah,” ayuu sii raaciyey.

Horey ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa uga hadlay arrintaan, gaar ah aan sida loo maareyn doono hadii ay is khil aafaan isaga iyo m/weyne Xasan Sheekh.

Ra’iisul wasaaraha ayaa qiray inay is khilaafi karaan isaga iyo Madaxweynaha, balse kalsooni badan uu ku qabo in khilaaf kaas uusan gaari doonin heer dowladnima da Soomaaliya ay wax uga halaabaan, si da uu hadalka u dhigay.

"Bini’aadan ayaan nahay waan is khi laafi karnaa, laakiin waxaan rajeynayaa in meel xun aysan gaarin oo ay caqabad ku noqoto dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Xamza.

Soomaaliya ayaa haatan waxaa u cur tay isbedel cusub, kadib markii uu meesha ka baxay madaxweynihii hore ee dalka, Ma xamed Farmaajo, waxaana dowladda cu sub laga war dhowrayaa sida ay u wajahdo xaaladaha taagan, kadib marka la dhame ystiro xukuumadda.

Qaramada Midoobay oo farriin u dirtay Shacabka Soomaaliyeed

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu hambalyey Munaasabadda 1 Luuliyo oo ku began san nad-guurada 62-aad ee Madax bannaani da Gobolada Koofureed iyo Midowga laba da gobol.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Er geyga ayaa waxa uu ku yiri :

"Qaramada Midoobay waxaa ka go’an ta hay sii wadista taageerada ay u fidiso Dowl adda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Gob oleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Fede raalka, iyo shacabka Soomaaliyeed dada alka ay ugu jiraan sidii ay u dhisi lahaaye en ​​mustaqbalka dalkooda oo sidan ka na bad iyo barwaaqo badan”

Madaxweyne laftagareen "Dalka waxa uu ku jira gumeysi qarsoon oo meelo kale laga soo maleegay"

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo habeen hore ka qeyb galay munaasabad loogu dabaaldag aayay xuska sanad guuradii 62-aad ee ka soo wareegtay israacii midnimada gobolad a Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee dalka.

Munaasabada xus ka oo ka dhacday ma gaalada Baydhabo ee xarunta gob olka Baay oo uu m/weyna ha Koonfur Galbeed ka jee diyay khudbad dhinacya badan taabaneysay, isagoo si gaar ah u tilmaama y in dowladnimada Soomaaliya ay g ashay marxalad adag, islamarkaana uu dalka ku jiro gumeysi qarsoon oo meelo kale laga soo abaabulay, hayeeshee muusan shee gin meelaha laga soo maleegay gumeysi gaas.

Wuxuu intaasi ku daray madaxweyne Laftagareen in dhalinyarada Soomaaliyeed maskaxda laga qabsaday, islamarkaana la nacsiiyay dalkooda, dowladooda iyo Calan kooda ayna ka shaqeynayaan dhibaatooyi n kala duwan.

"Halganka aan xoriyada ku helnay wa xaa keenay 13 dhalinyaro ah kaliya, Maan ta dhalinyarada Soomaaliyeed tiro ahaan waa boqolkiiba 70-tan, aqoonta dadka way korortay marka dhalinta maanta joogta waa kuwa lagu diray Hooyooyinkooda, Aabayaa shooda, waana kuwa ka shaqeeya dhibaat ooyin meelo kale laga soo maleegay" ayuu yiri madaxweynaha Koonfur Galbeed Cab dicasiis Laftagareen.

Hadalka madaxweynaha Koonfur Gal beed Soomaaliya ayaa imaanaya xili Habeen hore inta badan magaalooyinka dalka lagu qa btay munaasabado lagu xusaayay 1-da Luulyo, taasoo ay ka qeyb galeen madax da dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

M/weynaha Galmudug "Wali waxaa jiro fikir kasoo horjeeda Xorriyada dadka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdikaariye Qoor-qoor ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarun ta maamulkaas ugu qeyb galay munaasa bad lagu maamusayay 62-sano guuradii ka soo wareegatay midnimada Soomaaliya iyo madaxbanaanida gobolada Koofureed ee xuskka 1-da Luulyo.

M/weynaha oo mu naasabadda ka jeedi yay khudbad ayaa ha mbalyo iyo bogg aadin ugu diray dha mmaan shacabka Soomaaliye ed meel kasta ay joogaan dal iyo di bad, gaar ahaan shacabka ku dhaqan dee gaanada Galmudug.

"Waxaan ugu hambalyeenayaa dham maan shacabka Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan dal iyo dibad habeenkaan weyn oo habeen hore aan u dabaal dageeno ee 1-da Luulyo, waxaan rabaa sidoo kale inaa hal kaan duco iyo boggaadin hambalyo ugu diro geesiyaashii dhiiggooda usoo waraabi yay munaasabadaan qaaliga ah ee aan habeen hore u dabaal dageeno taas ee isbuucii xorriyada.” Ayuu yiri M/weyne Qoor qoor.

Qoor qoor oo sii hadlayay ayaa shee gay in munaasabadda maanta ee 1-da Luu lyo ee loo dabaal dagayo ay horseed u ahaayeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo ge esiyaal ah kuwaas oo u istaagay soomaali ya ka xarowdo gumeystihii, balse kuwa maanta jooga ayuu xusay inay ka yaraa yeen, waxay heysteena ay yareyd, hadane sidaas oo ay tahay wuxuu tilmaamay in ay go,aan sadeen inay ka gudbiyaan Umadda Soomaaliyeed dhammaan wixii xeyndaab ahaa ee uu gumeystuhu u dhigay, kaas oo ay ku diidanaayeen xorriyada ay heystaan.

Madaxweyne Qoor qoor oo sii hadla yay ayaa sheegay in xeyndaabka uu gume ystuhu isticmaalayay uu ugu weynaa dhan ka qabyaalada.

"Xeyndaabkaas waxaa ugu weynaa oo uu gumeystuhu isticmaalayay waxaa kow ka ahaa qabyaalada, waxaa laba ka ahaa inuu dano iyo masaalix yar yar oo gaar ga ar ah u sheego qofkasta oo isku taaga ama ku howlan ama kuwa uu sameeyo qofkii u dhaq dhaqaaqa xorriyada caqabad ku no qda, waa ka gudbeyn caqabadahaas.” Ay uu yiri Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoor qoor.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay in wali uu jiro fikir ka soo horjeedo xorriyada dadka Soomaaliy eed, kaas oo u adeegaya danaha cadow ga, isagoo tilmaamay in xorriyada oo kaliya aysan diidaneen, balse aysan rabin hor marka dadka Soomaaliyeed ay ku tallaabs anayaan.

"Fakar kasoo horjeeda oo diidanaa xorriyada oo dad Soomaaliyeed u adeega yyeena waa jiray, maantana waa jiraa, ma ahan inay doodi karaan xorriyada, waxay noo diidayaan hormarka, waxayna u adeeg ayaan cadowga, Cadowgana mar walboo joogaa asagoo qorey wata iyo isagoo aan qoray wadanba, waxaan leeyahay umadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan gacmaha isqabsada cadowgana iska xorr eeya.” Ayuu yiri ugu dambeyn M/wynaha G/mudug Axmed Cabdikaariye Qoor-qoor.

Mareykanka oo sheegay in uu xoojinayo Xiriirka Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykan ka, Antony Blinken ayaa shacabka iyo Dow ladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay Mun aasabada 1 Luuliyo.

"Anigoo ku hadlaya magaca dowladda Ma reykanka, waxaan sha cabka iyo dowlad da Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa mu naasabadda 62-aad ee Qarannimadaada.

Maraykanku wuxuu taageerayaa dadaal kaaga ku aaddan dib u dhiska, kobcinta dhaqaalaha, iyo Xoojinta Nabada Soomaa liya iyo dalalka kale ee deriska la ah.

Marey kanka waxaa rajeynaya inuu sii xoojiyo iskaashiga xooggan ee uu la lee yahay Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Arri maha dibadda Mareykanka, Antony Blin ken.

Hadalka ayaa ku soo aadaya xilli dal ka ay ka socdaan munaasabado loogu da baal dagayo maalinta xurriyada iyo midow ga koofurta iyo waqooyiga dalka.

Sacuudiga oo shaaciyey maalmaha Carafo iyo Ciidul Adxaa ee sanadka 2022

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sha ac ka qaaday in la arkay bisha Dul-Xijjah (Carafo), taasi oo ka dhiggan in la ogyahay maalinta ay ku beetgan tahay munaasa badda Ciidul Adxaa ee sanadka 2022.

Sacuudiga waxay sheegeen in bisha Ca rafo habeen hore laga arkay goobta loo yaqaan Ta mirka ee dalka Sacuudiga, sidaasina ay maalinta Carafo ay ku beegan 8-da July oo Jimco ah, halka maalinta koowaad ee Ciid ul Adxaa ay tahay Sabtida 9-ka July 2022.

Dhinaca kale dalalka islaamka ayaa bil aabay inay ku dhawaaqaan in la arkay bi sha Dul-Xijjah iyo in kale iyo maalinta ay u bilaabaneyso Ciidul-Adxa.

Dalalka Malaysiya, Indonesia iyo Buru nai ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inaan la arkin bisha Dul-Xijjah ee Carafa, iyadoo dalalkaasi ay Ciidul Adxaa u bilaabnaeyso Axada 10-ka July 2022.

Dalalka islaamka ee Carabta ah ayaa inta badan Sacuudiga ku raaca dhalasha da Bilaha Dulxajj iyo Ramadaan, halka da lal kale ay si gaara u maamushaan aragti da billahaasi.

Bisha Carafo ayaa waxay kaga duwan tahay bilaha Ramadaan iyo Shawaal inaan la isku khilaafin, waxaana bilshada Carafo badanaa lagu raacaa dowladda Sacuudiga oo ka mas’uul ah goobaha barakeysan ee Xajka.

Boqorka Malaysia: Waxaan ka baqayaa anniga oo aan tegin Somalia inaan dhinto

Soomaaliya iyo Malaysia oo dhacda koonfur bari ee Aasiya ayaa waxaa ka dha xeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xoogan, iyada oo labada dal ay lee yihiin iskaashi dhinacyo kala duwan leh oo ay ugu mu hiimsan tahay waxbarashada.

Danjiraha Soo maaliya u fadhiya Kuala Lumpur, Abuu kar Cabdi Cismaan (Mardaadi) oo habeen hore ma gaalada Muqdi sho uga qay b-galay munaasabad lagu soo dhawey nayey ra’iisul wasaaraha cusub ee Soo maaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ka had lay xiriirka labada wadan, wuxuuna shee gay shacabka iyo dowladda Malaysia ay aad u jecel yihiin Soomaaliya.

"Dowladda Malaysia aad ayey ula soco taa arrimaha Soomaaliya, weliba waxa ay u hayaan kalgaceel gaar ah wanaag, xush mad iyo qadarin gooni ah,” ayuu yiri danjire Mardaadi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay jeceyl yihiin in mar uun ay yimaadaan Soomaaliya "Waxaa marwalba niyadooda ay ku hayaan goormaan Somalia tageynaa ?” ayuu raaciyey.

Safiirka Soomaaliya ee wadanka Malay sia ayaa sidoo kale ka sheekeeyey sheeko dhex-martay isaga iyo boqorka dalkaasi mar uu kala qayb-galay xaflad Afur ah.

"Habeen xaflad afur ah annaga oo wada joogno boqorka wuxuu ii sheegay aniga waayeel ayaan ahay cumri ayaan joogaa wuxuu yiri waxaan rabaa inta aan anniga xi lka ka tegin, mise aan dhimanin inaan Soo maaliya mar tego, intaas ayey ka taagan yi hiin madaxda Malaysia,” ayuu markale khu dbaddiisa ku yiri Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi).

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xarii qay danjiruhu in dowladda Malaysia ay aad Soomaaliya uga caawisay dhanka horumar inta waxbarashada, wuxuuna shaaca ka qaaday in arday lagu qiyaasay 8000 illaa 9000 inay kasoo qalinjabiyeen jaamacada ha ku yaalla wadankaasi.

Murashax u tartamaya madaxweynaha Kenya oo sheegay inuu caasimadda u wareejinayo magaalo Soomaaliyeed

Murashaxiinta u taagan xilka madaxwe ynaha ee doorashada Kenya, oo lagu wa do in ay dhacdo 9-ka bisha August ee san adkan 2022-ka ayaa u muuqda in ay aad u danaynayaan soo jiidashada Soomaalida ku nool waddanka.

Waxa ay Soomaali du ka mid yihiin qow miyadaha Kenya dhul ka ballaaran ku leh, wa xayna tiradooda saa mayn ku leedahay natii jada doorashada.

Waxaa la qiyaasaa in ilaa 850,000 oo Soomaali ah ay codadkooda ka dhiiban ka raan doorashada guud ee Kenya oo qof iyo cod lagu soo doorto madaxda dowladda dhexe, baarlamaanka iyo madaxda maa mul goboleedyada.

Qaar ka mid ah murashaxiinta u han qal taagaya xilka madaxweynaha ayaa had allo jeediyay maalmihii lasoo dhaafay, iya goo ku guda jira ololaha oo sii xoogaysana ya.

George Wajackoyah siyaasiyiintaas ay aa dorraad hadal haynta warbaahinta maxal liga ah qabsaday kaddib markii uu soo ban dhigay qorsheyaasha u diyaarsan haddii lo o doorto xilka ugu sarreeya dowladda.

Qodobbo dhowr ah oo uu sheegay wa xaa ka mid ahayd in uu caasimadda Ken ya, oo ah Nairobi, ka baddali doono, una weecin doono magaalo kale oo ka mid ah kuwa ku yaalla dhulka ay Soomaalidu u ba dan tahay.

Barfasoor Wajackoyah ayaa sheegay in Soomaalida ay Kenya ku wajahaan caqa bado aysan la kulmin qowmiyadaha kale.

"Labo jeer ayaa la ciqaabaa Soomaali da, midda koowaas waa in ay Soomaali yi hiin darteed, tan labaadna waa in mar wal ba oo ay sharciga aqoonsiga raadsana yaan ay ku khasban yihiin inay afar wax ka badan afar jibaar dadka kale ee reer Kenya caddeeyaan inay u dhasheen Kenya. "Arrintaas way dhammaan doontaa," ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wada ayuu intaas sii raaciyay in uu abaal marin raalligelin ah siin doono Soomaalida, haddii xilka loo doo rto.

"Waxaana u xaqiijin karaa bulshada Soo maalida inaysan meelna u soconin oo ay waddankan kusii noolaan doonaan, waxaa na idinku abaalmarin doonnaa inaan caasi madda waddankeenna ka baddalno halkan kana dhigno magaalada Isiolo," ayuu yiri George Wajackoyah .

Tan iyo markii uu ololaha doorashada billowday siyaasiyiinta ayaa isku dayaya in ay soo jiitaan bulshooyinka ay codadkooda danaynayaan, oo ay ka mid yihiin Soomaal ida.

Gobolka Waqooyi bari oo ay magaalooy inkiisa ka mid yihiin Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera ayaa gabi ahaanba laga daree maa ololaha, waxaana booqda murashaxiinta qaarkood.

Marka laga soo tago Barfasoor Wajac koyah, murashaxiinta kale ee dhawaana han jeedinayay hadallada ay ku hananay aan codka Soomaalida waxaa ka mid ah la bada nin ee ugu cad cad loollanka xilka ma daxweynaha Kenya, oo kala ah Raila Odin ga iyo William Ruto.

Mr Odinga oo horay usoo noqday Ra'I isul Wasaare ayaa dhawaan sheegay in hadii kursiga madaxtooyada loo doorto uu amar ku bixin doono in la furo xadka u dha xeeya Kenya iyo Soomaaliya, kaasoo mud do dheer xirnaa.

Tallaabadaas ayaa horseedi karta in uu sare u kaco dhaqdhaqaaqa ganacsi ee bulshada labada dhinac ee dalalka deriska ah, kuwaasoo u badan Soomaali.

William Ruto ayaa isagana dhawaan sheegay in uu wax ka baddali doono culay syada ay dadka Soomaalida ah kala kulma an helitaanka sharciga aqoonsiga dalka.

Haddii ay taasi dhacdana, Soomaali da Kenya ayay u suurtageli doontaa inay waqti gaaban ku helaan shuruucda, caqab ado badan oo ka hor imaan jirayna lama kulmi doonaan.


Haweeney madow ah oo taariikh cusub ka sameysay dalka Mareykanka

Kitangi Brown-Jackson ayaa loo dhaari yay inay noqdo garsoore ka tirsan maxkam adda sare ee Mareykanka, taas oo taariikh da ka dhigaysa haweenaydii ugu horreysay ee madow ah ee ka mid noqota hay’adaha garsoorka ee ugu sarreeya Mareykanka, iy ada oo ku biirtay wakhti garsooreyaasha midigtu ay aqlabiyadda maxkamadda ku muquuniyaan xukunnada muhiimka ah.

Jackson, oo 51 jir ah, ayaa ku biirtay kooxda bidixda ah ee maxkamadda oo aql biyad ahaan leh 6-3. Dhaarinteeda ayaa im aaneysa iyada oo madaxweyne Joe Biden uu ku beddelay garsooraha hawlgabka ah ee Stephen Breyer, waxayna ka mid noqo shadeedu imaaneysaa lix maalmood kadib markii ay maxkamaddu laashay sharcigii Roe v. Wade ee dumarka Mareykanka u oggolaanayay ilmo iska soo rididdka.

Breyer, ayaa ahaa xubinta ugu da’da weyn maxkamadda, waana 83 jir, wuxuuna si rasmi ah uga fariistay shaqada Khamiis ta maanta ah.

"Si qalbi buuxa ah, waxaan ku aqba lay mas’uuliyadda adag ee ah taageeridda iyo difaaca dastuurka Mareykanka iyo ku dhaqanka caddaaladda iyadoon cabsi iyo eex lahayn,” ayay hadal ay soo saartay ku tiri Jackson.

Ra’yi ururin ay samaysay Reuters/I psos toddobaadkan ayaa lagu ogaaday in inta badan dadka Maraykanka ah – 57% – aysayn ku kalsooneyn maxkamadda kadib go’aankii ilmo iska soo rididka.

Jackson waa garsoorihii 116-aad, ha weeney lixaad iyo qofkii saddexaad oo Ma dow ah oo ka shaqeeya Maxkamadda Sa re tan iyo markii la aasaasay 1789.

Fanaan BK: Madaxweynuhu wuxuu igu yiri Xiddigihii Geeska ku noqo

Fannaankii hore ee Xiddigaha Gees ka ee magaalada Hargeysa, Maxamed Sa ciid BK ayaa wareysi cusub oo uu bixiyey wuxuu kaga hadlay waayihiisa cusub iyo is beddelka noloshiisa, kadib markii uu isaga baxay gebi ahaan Fanka.

Maxamed BK oo u warramay MM So mali TV ayaa ka sheekeeyey dhac dooyin xiiso leh oo soo maray intii uu ku jiray Fan ka iyo hadda sida ay ta hay xaaladdiisa nol oleed.

Ugu horreyn wuxuu soo hadal qaaday kulan dhex-maray isaga Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay wada kulmeen, kadib markii uu shaaciyey inuu ka baxay Fanka.

BK ayaa shaaca ka qaaday in markii ay wada kulmeen Madaxweynaha inuu ka dalbaday in uu dib ugu soo noqdo Xiddiga ha Geeska ee ka dhisan magaalada Harge ysa.

"Markii u dambeysay waxaan ku kula nay Hargeysa waxa ay aheyd markii aan ka imid London waxaa ii yeeray Cali Waran Cadde, dabadeedna madaxweynuhu wux uu igu yiri waxaad ku noqotaa Xiddigihii Geeska, halkaas ayuu ugu buush gareyna yey, teedna anniga waxaan ku iri maya, ku ma noqonayo,” ayuu yiri Fannaankii hore ee Maxamed Saciid BK.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in isagu na uu ka dalbaday inuu taageero isbeddel ka cusub ee ku yimid nololshiisa, gaar ah aan kooxda uu dhisay ee la dagaalanka qa byaaladda.

"Team-kaan kale ee la dagaalanka qab yaaladda ayaan wataa dee kaa aniga igu taageer baan ku iri, maalintaas ayaa igu dambeysay,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale mar wax laga weydiiyey in tii uu Fanka ku jiray wiixii ugu dhibka bad naa ee uu la kulmay ayuu sheegay in mar isagoo qayilaya shaax loogu daray Sunta Waraabaha, si loo dilo, balse wuxuu tilmaa may in la dhigay isbtaalka ugu dambeyna u u Ilaahey bad-baadiyey.

"Sunta Waraabaha ayaan cabay, laa kiin Ilaaheybaa iga bad-baadiyey markaa saa igu darneyd. Shaaxbaan aad u jeclaa ayaa la’iigu daray” ayuu markale yiri Maxa med BK.

Safiir uu magacaabay wasiir shaqada laga joojiyey oo mataleysa SOOMAALIYA

Safiirad Ebyan Salah Mohamed oo So omaaliya ugu howl gasha Geneva, ayaa dorraad geeysey magaalada Vienna, Austria Warqada Safiirnimo in ay tahey Ergeyada Joogtada ee Soomaaliya ee Vienna, Austria.

Warqadda safiira dda laga gudoomay waxaa ku saxiixan Wasiirka Arrimaha Di bedda Cabbdisaciid Muuse Cali, oo uu sha qa da ka joojiyey ra’I isul wasaarihii hore ee So omaaliya Maxamed Xuseen Rooble 24-kii May 2022 kadib eedeymo musuq-maasuq.

Sida uu qabo dastuurka Soomaaliya, warqadda safiirka waxaa saxiixa Madaxwe ynaha Jamuurayada Federaalka marka ay soo jeediyaan Golaha Wasiirada, ama ha dii uu isaga go’aansado in uu magacaabo safiir.

Arrinta kale ee xusidda mudan ayaa ah in warqadda magacaabista Ebyan ay ku taariikheysan tahay 29-ka March 2022, bal se ra’iisul wasaare Rooble markii shaqada ka joojiyey Cabdisaciid uu sheegay inay san waxba ka jirin dhammaan magacaabis tii uu sameeyey wixii ka dambeeyey 1-da Janaayo 2022.

Sidaas darteed, magacaabista Ebyan ayaa isku darsatay in markii horeba aan loo marin nidaam sax ah, haddana xitaa ha ddii loo mari lahaa lagu nasakhay warqad ra’iisul wasaare oo waxba kama jiraan loo ga soo qaaday.

Wasiir Cabdisaciid iyo Safiirad Ebyan ayaa ka dhuuntay hanaankaas iyagoo qaa day waddo aan sharci aheyn.

Hadaba: Maxaa la gudboon Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud?

Waxyaabaha waa weyn ee dowladda M/weyne Xasan Sheekh tiirarka u ah wa xaa kamid ah isla xisaabtan iyo waliba ilaa linta dastuurka sida dhowr jeer uu ku cel celiyay madaxweynaha iyo waliba Ra’isul Wasaaraha cusub.

Soomaaliya ayey sharaf dhac u tahay in qof ku xad dubay shuruucda dalka iyo dastuurka inuu dalka matalo taa oo dhaa wac ku ah sharafta Soomaaliya.

Waxaa la gudboon dowladda in 24 saac dalka ugu soo celiso Safiirad Ebyan Salah, si wax loogu weydiiyo sharci iska dhagotirka ay ku dhaqaaqdey iyo in dowla da ay furto baaris ku aadan, sida ay ku dha cdey arrintaan.

Midda kale, Safiirad Ebyan Salah ayaa ah safiirad ilaa 17 sano ku dhow. Waxaa Safiirad Ebyan Salah soo magacaabey All ah u naxaristee Madaxweynihii hore ee So omaaliya, Cabbdullaahi Yusuf, weli ma dhi cin waxeyna dalka safiir u tahay 17 sano.

Sida caadiga ah 10 sano marku safiir ka gaaro waxey dalalka caalamka ku soo xareeyaan dalkiisa si uu wax u baro da’da soo koreysa ee raba in ay noqdaan diblom aasiin mustaqbalka.

IGAD oo baaq kasoo saartay xiisada u dhaxeysa Itoobiya & Suudaan

War-saxaafadeed kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa looga hadlay xiisa da diblomaasiyadeed ee kasoo dhex cus bonaatay Dowladaha Suudaan iyo Itoobiya

Urur Goboleedka IGAD ayaa ugu baaq ay labada waddan inay is xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficillada sii kordhin kara xiisadda iyo inay si firfircoon u raadiyaan habab diblumaasiyadeed si xal waara loo ga gaaro arrinta ay isku hayaan.

War-saxaafadeedkaan waxaa uu si ga ar ah ugu soo baxay Xoghayaha fulinta ee Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay labada dal ee Itoobiya iyo Suudaan ay aas aaseen urur goboleedka IGAD, urur-gana csiyeedka iyo ammaanka Bariga Afrika oo ka kooban siddeed waddan oo la aasaasay 1986kii.

Sidoo kale waxaa lagu yiri "8-da wadan ee IGAD ayaa kala ah Ethiopia, Eritrea, Dji bouti, Kenya, Somalia, Sudan, South Su dan iyo Uganda.”

Horaantii Arbacadii, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AU) Moussa Faki Mahamat ayaa sidoo kale ugu baaqay Itoo biya iyo Suudaan inay is xakameeyaan oo ay bilaabaan wadahadal ku saabsan mura nka soohdinta.

Dowladaha Itoobiya iyo Suudaan a yaa hadda midba midka kale ku eedeyna ya "daandaansi” ka dhashay dhacdo dad la gu dilay xuduudda oo dhacday usbuucii ho re.

Suudaan waxay go’aansatay inay dacwad rasmi ah u gudbiso Golaha Amma anka ee Qaramada Midoobay oo ka dhan ah Itoobiya, halka wasaaradda arrimaha di badda ee Suudaan ay go’aansatay inay si degdeg ah ugu yeerto safiirkeeda u fadhi ya Itoobiya si ay wadatashi ula yeelato iyo inay u yeerto safiirka Itoobiya ee Khartoum si ay ugu wargeliso cambaareynta Suudan.

Talaadadii, ciidamada Itoobiya ayaa diiday eedeymaha loo soo jeediyay ee ah inay dileen toddobo askari oo Suudaani ah oo maxaabiis ahaa, taa beddelkeedana Su udaan waxay ku eedeeyeen in ay daanda ansi millatari ka waddo Itoobiya.

Sidoo kale, Itoobiya iyo Suudaan ayaa muddo dheer ku muransanaa xuduudka Al-Fashaxa, oo ah dhul barwaaqo ah oo ay la degaan beeraley Itoobiyaan ah oo Suuda an ay ku andacooneyso in uu ku jiro xuduu dkeeda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip