Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo isku gacan qaaday

0
Monday May 23, 2022 - 12:16:05 in Wararka by
  • Visits: 431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland oo isku gacan qaaday

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
 Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa gacanta iskula tagay kadib khilaaf ka dhashay ansixinta xubnaha guddida diwaangalinta iyo ansixinta urrurada siyaasada.
Xildhibaannada gacanta iskula tagay oo ka kala tirsan saddexda xisbi ee Somaliland, ayaa si wayn ugu kala aragti duwan furista urrurada siyaasada, waxaana jira xildhibaano taageersan iyo kuwo kasoo horjeeda, taasi oo sababtay in uu dagaal ka dhasho guddida diwaangalinta urrurada oo madaxweynuhu u gudbiyay golaha.


Khilaafka ka sakow golaha ayaa cod u qaaday xubnaha guddidan oo ka kooban 7 xubnoo, waxaana la ansixiyay 5 xubnood oo kamid ah, halka 2 kamid ahi anay helin codka kalsoonida mudanayaasha, xubinta hesha kalsoonida 42 xildhibaan ayaa ansaxaysay.

"7 xubnood ayay guddidu ka koobnayd sharciyan waxaa ansaxay 5 xubnood, labana way waayeen codkii kalsoonida mudanayaasha" sida waxaa yidhi Mustafe Khayre oo ah mudane ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, oo waraysi siiyay HCTV.

Xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland ayaa aad iskugu khilaafsan furista urrurada siyaasada ee wakhtigan, khilaafkaasi oo sameeyay xubnaha golaha wakiilada ee Somaliland.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip