Antonio Rudiger Oo Shaaciyey Shuruudda Kaliya Ee Uu Ugu Wareegi Karayo Barcelona

1
Sunday April 03, 2022 - 19:47:04 in Sports News by
  • Visits: 2501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antonio Rudiger Oo Shaaciyey Shuruudda Kaliya Ee Uu Ugu Wareegi Karayo Barcelona

    Difaaca kooxda kubadda cagta Chelsea ee Antonio Rudiger oo qandaraaskiisa Stamford Bridge uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa isku diyaarinaya inuu ka baxo Blues marka la gaadho bisha June, waxaana saxeexiisa ku dagaallamaya kooxo badan o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Difaaca kooxda kubadda cagta Chelsea ee Antonio Rudiger oo qandaraaskiisa Stamford Bridge uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa isku diyaarinaya inuu ka baxo Blues marka la gaadho bisha June, waxaana saxeexiisa ku dagaallamaya kooxo badan oo Yurub ah. Antonio Rudiger oo ka mid ahaa difaacyahannada ugu wanaagsanaa qaaradda Yurub 15kii bilood ee ugu dambeeyey ayaa fure u ahaa guulihii ay Chelsea gaadhay intii uu joogay Thomas Tuchel, waxaana uu qayb laxaad leh kasoo qaatay hanashadii Champions League ee xilli ciyaareedkii hore iyo koobkii kale ee FIFA Club World Cup. Chelsea ayaa hore iskugu dayday inay sii xajisan karto Rudiger, hase yeeshee dhawr jeer ayay ku kala kaxeen wada-hadallo ay isku soo hor fadhiisteen, ka hor intii aan Chelsea lagu soo rogin xayiraado u diiday inay wax heshiis ah ka saxeexi karto ciyaartoydeeda. Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa la sheegay in 28 jirkan ay xidhiidh toos ah la samaysay, maalmo ka horna waxay magaalada Barcelona ku kulmeen wakiilkiisa, hase yeeshee Antonio Rudiger ayaa warka u caddeeyey Xavi Hernandez, waxaanu kaliya ku xidhay mushahar €7 milyan oo Euro oo naqad ah oo aanay cashuurtu la socon oo sannadkii la siiyo iyo lacago kale oo dheeraad ah oo gunnooyin ah. Wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay in Barcelona ay haddaba ogtahay mushaharka ay tahay inay u diyaariso Antonio Rudiger, hase yeeshee waxa iyaguna ku jira liiska ciyaartoyda ay sida dhow ula socoto labada difaac ee kale ee Chelsea ee Andreas Christensen iyo Cesar Azpilicueta.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip