XOG-Sababta Amni darada oo la ogaaday, Sarkaal NISA ah oo Dalka ka cararay kadib dil uu ka badbaaday, Soo laabasho iyo Kiisas uu…

1
Thursday March 24, 2022 - 23:35:00 in Wararka by
  • Visits: 1211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG-Sababta Amni darada oo la ogaaday, Sarkaal NISA ah oo Dalka ka cararay kadib dil uu ka badbaaday, Soo laabasho iyo Kiisas uu…

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Dalka ayaa galay xaalad amni oo aad u halis ah, waxay u muuqataa in ay socdaan shirqoollo waa weyn, qaraxyo iyo dilal joogto ah ayay laamaha sirdoonka qeybtood la socdaan, waxa dhacay waxaa ka cabsi badan waxa laga baqayo.

Kadib weeraradii shalay iyo xalay lagu ekeeyay Muqdisho iyo Baladweyne ee bartilmaameedyo ahaa waxaa durba saqdii dhexe ee xalay bilowday su’aalo waa weyn oo la iska weydiiyo sida ay waxaan u dhacayaan iyo qaabka loo ogaan waayay.

Ilo xagga amniga ah ayaana tilmaamay in sarkaal NISA ka tirsan awood badanna ku lahaa hey’adda iyo qataraha amni uu dalka ka maqan yahay, kadib markii uu isaguba dil ka badbaaday.

Saraakiil ka tirsan xafiisyada Rooble iyo kan NISA ayaa warfidiyeenka qaarkii xalay u soo gudbiyay in muddo bilooyin ah uu dalka ka maqan yahay taliyihii dabagalka NISA Korneel Cabdullahi Daahir oo Cabdullahi Dheere ku magac dheer kadib markii 27-kii Dec 2021 gudaha Hoteelka Airportka ee Decale uu kaga badbaaday iskuday la rabay in lagu qaarijiyo.

Cabdullahi Dheere ayaa ah sarkaal gacanta mar ku hayay baarista Kiiska Ikraan, waa nin halis badan sida dadka yaqaana tilmaameen, waana xubin NISA ugu fir fircoon dabagalka iyo xog ka helista qataraha amni, inuu maqan yahay ayay saaxiibadii u sababeeyeen dayacaadda xagga amniga ah ee jirta.

Waxay xogta intaas ku dareysaa in Korneel Cabdullahi Dheere oo Maraykanka ku sugan uu soo laabanayo kol dhaw, uuna durba bilaabayo dib boorka uga jafidda kiiski Ikraan Tahliil iyo baarista sida loo dilay Xildhibaanadii Ikraan u doodeysay ee Aamino Maxamed Cabdi.

R/W Rooble ayaa xalay si aan ka gambasho lahayn wuxuu u sheegay in uu aaminsan yahay in Xildhibaan Aamino loo dilay cadaaladii ay Ikraan Tahliil u raadineysay, waxaana muuqata in xaaladdu ay markale noqoneyso mid halis ah oo saameyn karta arimaha doorashada.

Mudada bilaha ah ee Sarkaalkan uu ka maqan yahay dalka waxaa la tilmaamay in ay NISA ku adkaatay helitaanka xogaha amni ee Shabaab iyo Daacish, waxaana sii dheer in isaguba uu cararay markii uu dilka ka badbaaday looguna hanjabay inuu ka haro dabagalka Kiiska Ikraan Tahliil.

Weerarkii shalay lagu qaaday agga garoonka iyo xerada Xalane waxay qobaro amni ku micneeyeen meeshii ugu sareysay ee digniin la’aanta heysata ciidamada amniga, waxaana tuhun badan uu ka jiraa qaabka uu dhacay weerarkaasi.

Sidoo kale dilkii xalay Baladweyne loogu geystay afhayeenadii Kiiska Ikraan , Xildhibaan Aamino waxaa uu waji kale aadiyay xaaladda amni ee Soomaaliya, madaxdii hore ee dalka iyo dhamaan siyaasiyiinta ayaa dalbaday in baaris sax ah la marsiiyo.

Saraakiisha daacadda u ah Rooble waxay qabaan in baaristan loo baahan yahay in la adkeeyo si kiisaska looga gungaaro, waxaana Korneel Cabdullahi Daahir haduu yimaado laga baqayaa in ay banaanka usoo baxaan cadeymo anfariir ku noqda shacabka iyo inta siyaasadda daneysa ee Soomaaliya.

XIGASHO:-RADIORISAALA.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip