Hadda Somaliya yaa ah Tuugada Aabahood, ama Aabe Tuug ?=Nasashada Jimcaha.Q- 2961=.

1
Friday March 18, 2022 - 17:13:30 in Wararka by
  • Visits: 1212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadda Somaliya yaa ah Tuugada Aabahood, ama Aabe Tuug ?=Nasashada Jimcaha.Q- 2961=.

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Haweeneey Xanuunsan oo aad u calyilan ayaa Dhakhtar u tagtay. waxa uu ku yiri: "Colesterol” ayaa ku hayo aadna waad u cayishay ee Cashada iska jooji.

  1. Haweeneydii markii Quraacdii iyo Qadaba ey cuntay ayeey Habeenkii Gabadheeda ku tiri: Gabadheey, Cashada Dhakhtarkiibaa iga joojiyay ee Qadadii Maanta wixii ka haray ii soo kuleeyli. ( F.S: 1aad)

    ( Extension-ka) Muddo kororsiga la sheegaa amuu yahay 4tii sano waa iga dhamaatay ee Qadada ii soo kuleeyli, sidaasna Cudurku ku daawoobi maayo)
  2. Nin ayaa FaceBook-giisa ku soo qoray. Qof aad isku Sir qarsataan, "Mention” ku dheh oo Magaciisa soo qor. isla markii 6 Gabdhood ayaa soo qoray magacyadii. waana la ogaaday Dadka ey Sir wadaaga yihiin. Ninkii ayaa u qoray:(Tani Sir ma ahan ee waa Shir). ( F.S: 2aad)
    ( Waxaanu Doorasho ma ahan ee waa maxaay?)
  3. Wiil Xamar ka tagay ayaa markuu Gaalkacyo tagay ,waxa uu fadhiistay meel lagu qayilayo, Gabar meesha soo martay ayaa la amaanayay. waxa uu yiri: Gabadhaan mar dhaw ayaan Xamar Baabuur iskala soo raacnay, maxaa Gabadhaan Nin jeclaa, Tuuladii la istaagaba waxa ey Rabtaa Rukub,Rukub.
    waxaa lagu yiri:war maxaad Gabadha sidaa u leedahay, walaalakeed ayaaba nala fadhiyee. waxa uu yiri: waa Run Tuuladii la istaagaba Salaadda ayeey Laba Ragco Rukuuc, Rukuuc ka siisaa, waa qof Cibaado Badan, Dambigeeda Alla ha cafiyo.
    ( Koo CCB ah oo Margaansan ayaa yiri: Walaahi NN intii ey isku haleeyheeysay ayaa Ballantii uga baxday, qorshaheedii difaacana dhulkaa lala siimay. waxaa lagu yiri: Maxaad NN wax uga sheegee, Ninkaan dhinacaaga Fadhiyo waa NISA. Waxa uu yiri: waa Run BBC ayaan ka dhageeystay, Magaalada NN ee ku tiil waqooyiga Ukraine difaaceedii Dhulkaa lala simay ) ( F.S: 3aad)
  4. Nin Qaxooti u xareeysnaa ayaa loo yeeray, waxa uu yiri: Turjubaan uma baahni, Anigaaba Af Ingriiska aqaan, isaga oo aaminsan in Aqoonta ingriisku ey fududeeynee in "sponsor-ka” laga aqbalo. waxaa la socday Xaaskiisa weyn oo aad u jecel, Caruurteeda oo waaweeyn iyo Xaas cusub oo dhoof doon ah oo Minyardiisa aheyd oo aad u Bar yar oo aan weli Curan.
    waxa uu yiri: (This is my wife with Big Utures and her Children and this is my wife with small Utures ) . waxaa lagu yiri: Haddii minkeedu yar yahay, wax ma dhali karto ee iska fur, waana laga furay. (F.S: 4aad)
    ( Nin yaro, Dhaqan ahaan iyo Dhoof ahaanba waa lagu dhibtoodaa)
    5.Wiil ayaa Saaxiibtii Maqaayad geeyay, waxa ey tiri: Babe, Maanta Hilib ayaa xiiso ii heeysaa, waxa eyna dalbatay, Saxan Dheylo ah, Busteeki, Hal Kaluun ah, iyo 6 Lugood oo digaag ah, kadibna saxan macmacaan ah. Markii ey cuntay ayeey tiri: Waxaan rabaa, Coca Cola. waxa uu ku yiri: Maxaad ku falee? waxa ey tiri: Dharagta ayaan isaga dajinayaa. waxa uu yiri: intaan Lacagtooda waan dhiibayaa, Laakin Coca Cola dhiibi maayo, Sababta oo ah Hilibkaan waxaan ugu tala galay in uu 5 Cisho Calooshaada ku jiro, Adna waxaad leedahay Coca Cola ayaan ku dajinaa. ( F.S: 5aad)
    ( Horta oowday Qoondadii Miisaaniyada Qaranka ku jirtay ee loogu tala galay xaaladaha deg dega ah sida Abaaraha, ma Ragbaa Coca Cola ka dhigtay oo dharag isaga dejiyay?
  5. Tuulo Afrikada Galbeed ku till ayaa waxaa Nabadoon ka ahaa, Oday aan weligii Dadka xoolahooda wax ka xadin, taana waa lagu amaana jiray. Laakin wiilashiisa ayaa Deriska Xoolahooda xadi jiray, Dadkana dhibi jiray.in kasta oo Aabahood uu ahaa Nin wanaagsan.
    Odaygaa in kasta oo isagu uu wanaagsanaa Qof ahaan, Dadka Tuuladu waxa ey ugu yeeri jireen "Tuugada Aabahood”.
    ( Annaga waxaa na soo maray Dowladii Kacaanka Madax la leeyahay, Magaalada Hal Guri kuma leh, laakin Wiilashooda, Xaasaskooda, ilma adeeradood iyo qaraabadooda ayaa Tuugo ahaay, iyaguna waxey ahaayeen Tuugada Aabahood. Hadda Somaliya yaa ah Tuugada Aabahood, ama Aabe Tuug ?)

 
Hadda Somaliya yaa ah Tuugada Aabahood, ama Aabe Tuug ?=Nasashada Jimcaha.Q- 2961=. | Somaliweyn
Qore:- Yahya Amir

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip