Dab saaka ka kacay Suuqa Degmada Xamarweyne

0
Thursday October 15, 2015 - 10:42:03 in Wararka by
  • Visits: 1092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab saaka ka kacay Suuqa Degmada Xamarweyne

    Wararka aan ka helayno Suuqa Degmada Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in saaka suuqaasi uu ka kacay Dab Khasaaro hantiyadeed geystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan ka helayno Suuqa Degmada Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in saaka suuqaasi uu ka kacay Dab Khasaaro hantiyadeed geystay. Dabka ayaa wuxuu ka kacay qaybta Khudaarta Suuqa, waxaana uu ka dhashay Burjiko raashin lagu karinaayay, iyadoo dabka uu ku faafay maqaayada, kadibna u sii gudbay Dukaamo kale.

Dhowr goobood oo ganacsi oo lagu kala iibiyo Khudaarta iyo Bagaashka ayuu saameeyay dabkaan, waxaana dadaal dheer kadib lagu guuleystay in la baqtiiyo dabka.

Khasaaraha hantiyadeed ee dabkaan ka dhashay, inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn, hadana qaar ka mid ah ganacsatada waxa ay sheegayaan dukaamo badan inuu dabka baabi’iyay.

Maamulka Degmada Xamar weyne weli kama aysan hadlin dabkaan saaka ka kacay Suuqa Khudaarta ee Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Labo Isbuuc ka hor ayeey ahey markii dabka Khasaaro hantiyeed geystay uu ka kacay Suuq ku yaallo Xaafada Banaadir ee Degmada Hodan.

Inta badan dabka sidan oo kale u kaca ayaa waxaa sababa Burjikada dabka lagu shito oo meel banaan ah la dhigo, kadibna dadka ay ka mashquulaan, sidaasina dabka ay dabeysha ku qaado oo uu keeno dhibaato


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip