Ma jiraan Madax sameeysay Horuumar la taaban karo…= Nasashada Jimcaha. Q- 293=

1
Friday February 25, 2022 - 14:37:30 in Wararka by
  • Visits: 1523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma jiraan Madax sameeysay Horuumar la taaban karo…= Nasashada Jimcaha. Q- 293=

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Nin ayaa Xaaskiisii ku yiri: Soo bax waxaan aadeynaa Gurigii Reerkiina si aan kuu furo. iyada oo deg deg san ayey soo raacady. Markii la soo gaaray ilinka Gurigooda ayuu ku yiri: Xabiibatii, kuma furi rabin ee waxaa Geeriyooday Aabahaa.

Waxay ku tiri: Iga tag, saas miyaa, waadba iga nixisay in aad i furi rabto ayaan u maleynayay. ( F.S: 1aad)

( Nin Xildhinaan ah ayaa Markii la soo doortay 10 Cisho kadib ayaa Xaaskiisu ku tiri: Soo toos, waxaa kuu yimid 10 Oday oo Qaraabada ah. Markii uu u tagay Odayaashii ayeey ku dheheen: Abaar xun ayaa ka dhacday Deegaan doorashadaadii, waxaana ku geeriyooday 100 Qof, 500 Qooysna waa ku soo bara keceen. waxa uu yiri: iga taga waadba iga nixiseene, waxaan u maleeynayay in Kusrigeeygii dacwo ka timid oo laga Noqday)

Wiil dhalin yaraa oo degenaa Baadiyaha Deg. Cadale ayaa lagu yiri: imaad Magaaladda Xamar si laguugu guuriyo Gabar Reer Magaal ah oo Adeerkaa dhalay. Deg. Kaaraan ayuu ku Aqal galay, Habeenkii ayuu Gabadhii isku dayay in uu toos u shaqo bilaabo. Gabadhii ayaa tiri: war sug, Dhunkashaa ka horeeyso, Labada Daan iga dhunku. Markii uu dhunkaday ayey ku tiri: Sug markeeygaa dhiman. Bushimihii ayeey Xoog uga dhuuqday.


waa iska fujiyay kadibna waxa uu ku yiri: Yaa, yaa Maleeys Dhunkaayay mise waa leeys dhunxaayay?. ( F.S: 2aad)
(Horay waxaa u jirtay Doorasho Dhunkasho la isku khiyaanayo. Hadda waxaa timid Doorasho la is dhunxaayo )
3.Wiil dhalin yaraa ayaa maqlay, sheikh leh: Haddii aad Fiiriso Gabar jidka maree jirkeeda waa dambi. Laakin marka hore haddii ishaadu ku dhacdo Dambi ma ahan hal mar ee ishaada ka jeedi. Wiilkii ayaa yiri: Shiikhoow, Halka mar ee la ii ogolyahay oo kaliya, haddii aanan Isha ka deeyn ka waran, ilaa ey ka mariqdo. ( F.S: 3aad)
(Siyaasi ayaa yiri: Haddii Doorashada hal mar kaliya la ogolyahay oo 4 sanno ah, ka waran haddii Halka mar, aan iska sii joogo ilaa ey ka miriqdo ama Dani ii deeyriso )

Aaba Safrayay ayaa 3diisii Gabdhood ku yiri: waan Safrayaa, waxaana maqnaanayaa Hal Sanno, Waxaan u baahanayay Haddii aan soo noqdo in aan idiin imaad Adinka oo sameeyay "Isbedel Muuqdo”.
Sannad ka dib ayuu soo moqday. Gabadii 1aad ayaa tiri: Aabe, Isbedel muuqdo ayaan sameeyay, wax barashada Jaamacdda ayaan ka galay kaalinta 1aad. Tii 2aad ayaa tiri: Aabe, Anna intii aad maqneed, Abooto, "Hooyadaa” ayaan xanaaneeynayay, waana ii duceeysay. tii 3aad ayaa tiri: Labaduba wax barasho iyo Duco ayeey ka hadlayaan, sidii aad nagula ballantayna kama muuqdo Horuumar la taaba karo. Anigu waxaan muujiyay Horuumar la taaban karo. Markii aad tageysay Anigu waan Madoobaa, haddana waa is cadeeyay. ( F.S: 4aad)
(Ma jiraan Madax sameeysay Horuumar la taaban karo oo is cadeeyay ama Cayilay ama Tima beertay)

Mid Doqon ahaa ayaa Aabihii waxa uu lahaa Calool Buuran, Hooyadiina waxa ey aheyd Xaamilo. Macallinkii ayaa weydiiyay war ka waran Aabe iyo Hooyo xaaladooda. Doqonkii ayaa yiri: Hooyo Xalay ayeey Will dhashay, Laakin Aabe weli ma dhalin. ( F.S: 5aad)
(Dadka qaar ayaa waxaa isaga Darsan waxa Mucaaradka iyo Muxaafadka Uurkooda ku jiro)

Taxiile, London Joogo ayaa laba gabdhood oo Arday ahi Soo raaceen. waxa uu ku yiri: Xageen idin geeyaa? waxa ey ku yirihiin: Gurigeena na geey. waxa uu yiri: Maxaa i baray Gurigiina, Ma kuwa Dowladda hoose Guryaha u tira koobo ayaan ahay?.
Waxay ku yiraahdeen: Maya ma hilmaantay, Hooyadeen ayaad Shukaansataa. ( F.S: 6aad)
(Reer Londonow, Garooba Gaadku inta uu Hooyada Gaadayo ayaa isagana ilmuhu gaadayaan, Waalid fiican noqo)

Ma jiraan Madax sameeysay Horuumar la taaban karo…= Nasashada Jimcaha. Q- 293= | Somaliweyn



Qore: Yahya Amir


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip