
Maxkamad ku taal Magaalada Kampala oo 18 sano ku xukuntay Sarkaal Amisom ka tirsan oo Shidaal xaday
Col. Eugene Ssebugwawo, ayaa iibsaday Shidaal gaaraya 8000 ilaa 7000 oo ka mid ahaa kuwii ciidamada ay isticmaalayeen, waxaana taasi ay keentay howlgalka Amisom inay dabagal ku sameeyan Sarkaalkaan oo ugu dambeyn maxkamada Magaalada Kampala la soo taago.
Guddoomiyaha Maxkamadda Maj. Gen Levy Karuhanga, ayaa sheegay Eugene, inuu qirtay eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana maxkamada ay ku xukuntay 18-sano oo xabsi, ah balse xukunkaasi wuxuu ka qaadan karaa racfaan muddo 14-maalmood gudahooda ah.
Howlgalka Amisom ee Somaliya oo ciidamo kala duwan ay ka shaqeeyaan, ayaa inta ugu badan ee musuq maasuqa waxaa ku kaca ciidamada ka socda Dowladda Uganda oo iibsada Shidaalka iyo hubka ciidamada ay isticmaalaan.
Horay Saraakiil kala duwan oo ciidamada Amisom ka tirsan ayaa xukuno kala duwan lagu riday, kadib markii ay sameeyeen Xatooyo ku aadan agabka ciidanka ay isticmaalaan.
Ciidamada Amisom waxa ay ka kala socdaan, wadamada Kenya, Uganda, Burundi, Jabuuti iyo dalka Ethiopia, waxaana ugu badan ciidanka jooga Somaliya ciidamada dalka Uganda.


0 



Maxkamad ku taal Magaalada Kampala oo 18 sano ku xukuntay Sarkaal Amisom ka tirsan oo Shidaal xaday
Maxkamad ku taallo Magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayaa 18-xabsi ku riday Sarkaal ka tirsanaa howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya, kaasi oo lagu eedeeyay inuu xaday oo uu iibsaday Shidaal ay lahaayeen ciidamada Amisom.