HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 16-KA FEBARAAYO 2022-KA

0
Wednesday February 16, 2022 - 08:33:34 in Wararka by
  • Visits: 522
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 16-KA FEBARAAYO 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

RW Rooble Oo Wakiillada Beesha Caalamka Kala Hadlay Dhammeystirka Dorashoyinka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federa alka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ay aa kulan la yeeshay Wakiillada Beesha Ca alamka ee C6+ oo ay ka wada hadleen qod obbo dhowr ah oo khu seeya dhammeystirka, daahfu rnaanta iyo amn iga doorashada dalka.

Ra’iisul Wasaare Ma xamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in doora sha du ku soo idlaato xilligii loo qorsheeyay iyo inaan cidna lagu xad gudbin.

Mar uu ka hadlayay qoontada haweenka ee Golaha Shaacabka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la xa qiijiyo qoontada haweenka ee 30%, taas oo hadda gaarsiisan 21%.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku celiy ay in aan la aqbali doonin in ciidammada amni gu ku milmaan arrimaha doorashada ama loo adeegsado in dad gaar ah kuraas loogu boobo, waxa uuna ku boorriyay ciidammadu in ay eka adaan kaalintooda sugidda amniga

Soomaaliya iyo Azerbaijan ka wada hadlay iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Shalay oo Talaa do ah khadka tel efoon ka wada hadal kula yee shay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Azerbaijan Md.Je yhun Bayramov, iyaga oo ka wada hadlay hour mar inta xiriirka labo geesodka ah ee 2dal.

2da Wasir ayaa wada-hadalkooda ku lafo-gu ray sidii ay Labada Do wladood u yeelan laha ay een iskaashi dheef-wadaag ah oo taa bana ya dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasa dda, ganacsiga iyo waxbarashada.

Waxay hoosta ka xariiqeen muhiim adda ay 2da Dal u leedahay horuma rinta cilaaqaad ku qotoma danaha qaran ee Labada Shacab iyo Labada Dowlad ood ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo dalbaday in dib loo dhigo kursiga uu doonayo inuu u tartamo Fahad Yaasiin

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Raysal wasaaraha XFS Md. Maxamed Xuseen Rooble uu ka dalbaday guddiga doorashooyinka heer Fedaraal in dib loo dhigo kursiga uu doonayo in uu u tartamo La taliyaha Amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaasoo tirsigiisu yahay HOP 086, oo uu ku fadhiyo Faarax Sh/C/dir oo la she egay inuu howlo Caafimaad ugu maqannyahay dalka dibadiisa. BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa baahisay in xubno ka tirsan guddiga hirge linta doorashooyinka heer Fedaraal oo ka gab sad ay in magacyadooda la adeegsado inay sheegeen in R/wasaare Rooble uu dalbaday in dib loo dhigo kursiga HOP 086, islamarkaana uusan la wadaagin guddiga sababta ka dambe ysa in dib loo dhigo doorashada kursigan. Mad axtooyada Somaliya ayaa u diyaarsan sidii Fa had Yaasiin sduu u heli lahaa kursiga HOP 086 , isla markaana u sii qorsheyneysa inuu usii tar tamo xilka guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacab ka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaa liya.

Xiriirka R/wasaare Rooble iyo Fahad Yaas iin ayaa xumaaday wixii ka dambeeyay 6-dii bi shii September ee sanadkii dhamaday ee 2021 oo shaqadii hay'adda NISA looga joojiyay Fah ad Yaasiin sababo la xiriiray kiiska Ikraan Tahl iil, inkastoo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo uu u magacaabay Fahad 7-dii September 2021 La taliyaha Amni ga qaranka.

Kursiga HOP 086, ayaa ka mid ah 13 kursi oo doorashadooda lagu qabanayo magaalada Baledweyne oo ay dhawaan shaaciyeen gud diga doorashada maamulka Hirshabeelle.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Wasiir ka tirsan maamulka GALMUDUG oo is-casilay

Wasiirka Qorsheynta Dowlad Goboleedka Gal mudug Cabdinaasir Geelle ayaa ku dhawa aqay inuu iska casilay xilkiisa. Wasiirka Qorshe ynta ayaa sheegay inuu is casila adiisa u gudbi yey madaxweyna ha Galmudug Axmed Cabdi Kaar iye Qoor Qoor isla markaasna uu dib faa hfaa hin uga bixin doono sababta uu isku casilay.

CabdinaasirGeelle ayaa noq ona ya Was iirkii labaad ee iska casila Galmudug, waxaa horay sanadkii hore is casilay Wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka is casil aada oo uu soo dhigay bartiisa Facebook

Bismilaah,

Waxaan Shalay u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug warqadii aan iskaga casilay xilkii Wa siirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarin ta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caala miga ee Galmudug.

Waxaan gadaal kasoo faahfaahin doona sa babta keentay iscasilaadeyda oo aan ku faahf aahin doono shir jaraaid.

Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa dham aan heyadaha Dowladda Galmudug iyo shac abkeeda. Sidoo kale waxaan si gaar ah ugu ma had celinayaa howl wadeenada Wasaa radda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iska ashiga Caalmiga sida hagar la’aanta eey iila shaqeeyeen

RW Rooble Oo Magacaabay Guddi Ka Shaq eynaya Gargaarka Abaarta

R/Wasaaraha XFS Md..Maxamed Xuseen Rooble oo ka duulaya baahida loo qabo dardar galinta howlaha gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameynta ba’an ku yeel atay abaarta dalka ka jirta, ayaa magac aabay guddi isku dhaf ah oo ka loo ban Golaha Xukumadda & qeybaha Bulshada.Guddigan oo uu hormuud u yahay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa waxa ay kala yihiin: 

1-Md.Mahdi Maxamed Guuleed: R/Wasaare Ku-xigeenka XFS, 

2-Marwo Khadiijo Maxamed Dii riye : Wasiirka W/Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka 

3-Md.Cabdiraxmaan Ducaale Beyle: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda,

4-Md:Jamaal Maxamed Xasan: Wasiirka W/ Qorsheynta ,

5-Md.C/hi Maxamed Nuur: Wasiirka W/Amniga Gudaha ,

6-Cismaan Abokor Dubbe: Wasiirka W/Warfaafinta, Dh& Dalxiiska, 

7-Md.Cumar Cali Rooble: Wasiirka W/Awqaafta &Arrimaha Diinta, 

8-Md.Cabdixakiin Xasan Ashkir: Wasiiru-dowlaha Xafiiska R/Wasaaraha

10-Marwo Shukri Maxamuud Afrax: Wasiirudowlaha Tamarta iyo Biyaha

11-Md.Xaamud Cali Xasan: Wasiir Ku-xigeenka Beeraha iyo Waraabka,

12- Md. Jamaal Xasan Ismaaciil: Wasiir Ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha

13-Md.C/hi Maxamed Shirwac,

14- Sheekh Bashiir Axmed Salaad, 

15-Md.Sheekh Cabdulqaadir Soomow

16-Md.Sheekh Yuusuf Cali Ceynte 

17-Marwo Caa sho Geelle Diiriye, 

18-Marwo Aamino Xaaji Cilmi, 

19-Marwo Caasho Shaacuur Ugaas, 

20-Marwo Batuulo Axmed Gaballe 

21-Md. Cabdi Axmed Baafo

Md.Cabdi Aadan Hoosow, 

22-Md.Dr.Maxamed Xaaji,

23- Md.Aadan Ibraahim Aw Xirsi 

24-Md. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan 

25-Md.Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, 

26-Md. Khadar Ismaaciil Jimcaale, 

27-Md. Cabdulfataax Maxamed Cabdinuur. 

28-Liibaan Cabdi Cali, 

29-Amina Axmed Samatar, 

30-Cali Maxamed Maxamuud, 

31-Yaasmiin Cabdi Maxamed

32-Cabdi Ciise Diirshe,

33- Kamaal Daahir Guutaale

34.Shucayb Cabdullaahi Xasan

GUDDIGA HIRGALINTA DOORASHOOYINKA OO XOGHAYE CUSUB LOO MAGACAABAY

Gudoomiyaha Guddiga Hirgalinta Doorasho oyi nka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf ayaa xilka Xoghayaha Guud ee Guddiga u ma gacaabay C/raxiim C/casiis Aadam, kaasi oo noqon doona Xoghayaha Cusub ee Gud diga.

Xilka loo magacaabay mas’uulka Cusub aya a waxaa horay u hayay C/shakuur Daa’uud Ma xamed, kaasi oo hadda loo magacaabay xubin ka mid ah Guddi-Hoosaadka hawlgalka Door ashooyinka.

tixraac SEIT/02/2022 14-2-2022

Ku:Cabdirixiinc/casiis aadan

Ku:-c/shakuur Daa’uud Maxamed Og:-Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer D/Goboleed

Og:-Guddiga Khilaafaadka Doora shooyinka Guddoomiye ku xigeen ka Doorashooyinka

Og:-MadashaWadatashiga Qaran

Ujeeddo :-Magacaabis

Markanuu Arkay:Shaqada ba axadda leh ee hortaalla Gud diga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer federal {GHDHF}

Marakaan arkayIn xoghayihii hore C/shak uur Daa’uud Maxamed uu soo saaray Go’aa mmo iyo warqado ah la ogeyn iyo la tashi la’a antiisa.

Maran sameeyey:la tashaday guddoomiye xigeenka GHDHF.

Waxaan u magacaabay xilka Xoghayaha guud GHDHF C/raxiim C/casiis Aadam sidoo kalewaxaan u magacaabay C/shakuur Daa’u ud Maxamed xubin ka mid ah Guddiga doora shooyinka GHDHF. Haddaba waxaan ka cods aneyaa in cidkasta ay quseyso warqaddaani in ay la shaqeeyaan xoghayaha cusub Wa

billaahi towfiiq

Muuse Gelle Yusuf Guddoomiyaha GHDH
Xog: Maxay ku heshiiyeen Cabdiraxman Ca bdishakuur, Kulane iyo Saadaq Joon?

Hadal heynta ugu weyn ee Shalay waxay aheyd kulan Habeen hore magaalada Dhuusa mareeb ku dhex-maray Cabdirax maan Cabdi shak uur War same, Cabdullaahi Aadan Kulane iyo Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Seddexda Nin hadda wax ay ka wada tirsan yihiin Golaha Shacabka ee Baarlamaanka soo socda, laakiin waxaa u dha xeysay tabasho weyn oo la xiriirtay dhacdooyin kii dhacay shantii sano ee lasoo dhaafay.

Habeen hore hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cab di Kaariye Qoor Qoor wuxuu dalbaday inuu ar ko Xildhibaanada iyo Senatarada laga soo doo rtay Galmudug, intooda hadda ku sugan Dhuu samareeb, markii uu xoogaa socday kulankii ca adiga ahaa Qoor Qoor ayaa la sheegay inuu co dsaday inuu gooni u arko Cabdiraxmaan Ca bdishakuur, waxaana la sheegay inay markaas xafiiskiisa gaarka ah horay usii fadhiyeen Saa daq Joon iyo Kulane Jiis.

Kulanka dhinaca Qoor Qoor, Kulane iyo Jo on wuxuu ka ahaa mid qorsheysan, balse Cabd iraxmaan waxaa looga dhigay kedis, haddaba markaas kadib maxaa dhacay?

Xogta aan kula wadaageyno waxaan ka qaa dnay mid kamid ah Afarta siyaasi ee kulmay Habeen hore. Qoor Qoor ayaa hadalka qaatay wuxuu na ku dheeraaday ahmiyadda cafiska, inay mu hiim tahay in loo midoobo danaha Galmudug, inuu seddexdoodaba isagu madax u yahay iyo inuu rabo inuu Cabdiraxmaan cafiyo labada Nin ee kale.

Labada Nin ee Kulane iyo Saadaq Joon isku kiis maaheyn. Cabdiraxmaan iyo Kulane waxay isku hayeen siyaasad, balse markii ay Nabad sugiddu weerartay guriga Cabdiraxmaan Cabdi shakuur, Kulane kama tirsaneyn hey’adda Nab adsugidda, kumana jiro dadka ku eedeysan weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxamaan Cabdishakuur ee lagu laayey ilaaladiisii.

Kala aragti duwanaanta u dhaxeysa kooxda Farmaajo iyo Cabdiraxmaan, ayaana sal u ah khilaafka Cabdiraxmaan iyo Kulane, labadaas Nin kiiskooda waa fududaa, wuxuuna Qoor Qo or ka codsaday inay madmadowga meesha ka saaraan oo ay si calool fiyowbi leh u macaami laan.

Kiiska Saadaq Joon isagu wuxuu la xiriiray weerarkii lagu qaaday guriga C/raxmaan C/sh akuur bartamihii bishii December 2017-kii.

Saadaq Joon wuxuu ku jiraa Lix qof oo uu dacwad ka gudbiyey xisbiga Wadajir. Habeen hore ma aheyn markii koowaad oo ay is arkeen Cabdi raxmaan Cabdishakuur iyo Saadaq Joon oo marar badan ayey is arkeen oo ay wada shaqe eyeen, intii lagu jiray dagaalkii loo bixiyey (Bad baado Qaran), balse Habeen hore toos ayaa loo dul istaagay kiiskaan. Axmed Cabdi Kaariye Qo or Qoor oo ay xigto hoose yihiin Saadaq Joon ay aa cudurdaar beeleed iyo mid hogaamineed ba ka bixiyey eedda uu CC Shakuur Warsame u heysto Saadaq Joon, wuxuuna codsaday in uu Cabdiraxmaan cafiyo oo hadda kadib la wad a shaqeeyo. Saadaq Joon wuxuu goobta ra ali gelin ku siiyey Cab diraxmaan Cabdishaku ur, Kulane isna wuxuu ka cudur daartay haddii ay jiraan wax tabasho ah oo dhankiisa kasoo gaaray. Kadiba waxaa hadalka qaatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay inuu aqbalay cafiska iyo garowshi yaha ay labadaasi Nin ka bixiyeen dhacdooyin kii lasoo dhaafay, waxaana la isla qaatay inay si dhow u wada shaqeeyaan dhammaan xubn aha laga soo doo rtay Galmudug.

Macallimuu: Mucjiso ayay ahayd sidii aan uga bad-baaday qaraxa (Wareysi)

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Max amed Ibraahim Macallimuu, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay faahfaahinta qaraxii lala beegsaday 16-kii January ee ka dhacay maga alada Muqdisho

Macallimuu oo waraysigii ugu horreeyay tan iyo markii uu dhaawacmay siiyay BBC Sooma ali, ayaa sheegay in marka la eego xajmiga qar axa uu fuliyay qofka dili rabay iyo masaafada kooban ee uu u jiray, ay tahay wax mucjiso ah sida uu uga badbaaday.

Xaaladdiisa caafimaad ayaa hadda soo hag aagaysa, waxaana muddo ku dhaw lagu dawe ynayay cisbitaal ku yaalla Istanbul, Turkiga.

"Waxaan ka jabay bowdada mi dig iyo gacan ta, firirna jirka ayuu iga galay. Had da waxaan isku da yaa in aan so cdo, maalinba maalin ta ka dambey sa xaaladeydu way soo fiicnaaney saa,” ayuu yiri Macallimuu.

Waxa uu si faahfaahsan uga warra may qaraxii lala beegsaday iyo xaalka sida uu ahaa sub axaas.

"Markii aan gurigeyga ka soo baxayay waxa an ahaa qof faraxsan oo shaqadiisa u socda, la akiin sekeno gudahood ayay xaaladdu is beda shay. Wiil aan adeer u ahay oo gaariga dara wal ka ahaa ayaa igu yiri soo deg waan baxay naa,” ayuu sheegay Macallimuu.

Waxa uu tilmaamay in ninka isku qarxiyay uu aad ugu dhawaa, awoodda Alle oo keliya na ay badbaadisay.

"Markaan gaariga saartay laptop-kii aan wa tay ayaa waxaan arkay xariga kabta oo iga fu ran. Anigoo xiranaya ayaa waxaan arkay qof isa soo maqiiqay oo meel aan fogeyn soo cara raya. Waxaan xusuustaa in albaabka gaariga qeybtiisa dambe aan ku riixay oo aan jug ku siiyay. Laakiin xoog iyo xeelad qofkaa looga ba xsan karay ma jirin ee awoodda Alle ayaa i bad baadisay,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxa uu sheegay in markii uu qaraxa dhac ay kadib ay niyadiisa u sheegtay in ugu yaraan qeyb kamid ah jirkiisa uu ka go’ay.

"Markii uu qaraxa dhacay dhulkaan ku dha cay. Qiiq madow iyo uuro ayaa afka iga buuxi yay. Markii hore waxaan is lahaa ugu yaraan qeyb kamid ah jirkaaga ayaa maqan, laakiin markii aan dhulka ku dhacay ayaan gacanta is ku hubiyay. Alxamdullilah, waxaan arkay inuu jirkeyga taam yahay,” ayuu ku jawaabay Macallimuu.

Weriyahan hore uga tirsanaa BBC-da ayaa sheegay in inkastoo uu qaraxyo iyo weerarro badan kula kulmay Muqdisho, haddana uu rabo in uu ku laabto caasimadda Soomaaliya. "Dhul kale ma qabo oo aan Soomaaliya ahayn. Ani goo intaan ka dhalinyar ayaan soo maray caas imadaha 15 dal oo Yurub ah, qaarkoodna aan ka soo shaqeeyay, weligeyna kuma fekerin in aan is dhiibo,” ayuu sheegay afhayeenka xuku umadda Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in xaalad ka adag tan Shalay Muqdisho ka jirta uu ku soo shaqee yay, sidaa awgeedna uu ku qanacsan yahay dalkiisa, uuna rajeynayo in xaaladda amni ay wanaagsanaan doonto.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa sheeg ay in uu weli u taagan yahay kursi kamid ah Gol aha Shacabka ee baarlamaanka Soo maaliya oo deegaan doorashadiisu tahay Hirshabelle.

Dhammaadkii bishii February 2019, Macal limuu ayaa ka badbaaday weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen huteelka Maka Al-Mukar ama iyo goobo u dhaw, waxaana ka soo gaa ray dhaawac fudud , gaar ahaan gacanta.

"Waxaan ku cararay duleel uu derbiga hute elka ku sameeyay gaarigii qarxay,” ayuu shee gay Macallimuu.

Sanadkii 2016, Macallimuu ayaa si xun ugu dhaawacmay weerar ay Al-Shabaab ka fuliy een huteel ku yaalla xeebta Liido.

"Balli dhiig ah ayaan ku jiray muddo ka bad an laba saacadood. Waxa uu dhaawac xun iga soo gaaray wejiga. Bilooyin badan ayaa la igu daweynayay cisbitaallo ku yaalla Nairobi iyo London,” ayuu Macallimuu u sheegay BBC.

anadkii 2013, Macallimuu ayaa la kulmay weerar ay A-Shabaab ku beegsatay xaruntii UNDP ee Muqdisho, iyadoo ay waxyeello ka soo gaartay gaarigii uu watay.

Macallimuu ayaa sheegay in marar badan ay qoyskiisa kala taliyeen tegidda goobaha ay bulshada isugu yimaadaan, gaar ahaan maqa ayadaha.Waxa uu tilmaamay in weerarkii hute el Elite uu saameyn ba’an ku yeeshay, isla mar kaana uu aad uga naxay in saaxiibkii ay wada fad hiyeen uu daqiiqado gudahood ku waayo.

Jabuuti oo Xabsi Guri ka dhigtay taliyeyaal looga shakiyay Afgembi

Dowladda Jabuuti ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay Xabsi guri ka dhigtay Tal iyayaasha Ciidamada Booliska iyo Milateriga dalkaas, kuwa as oo looga shakiy bay inay qor sheeynayeen inay si awood ah Madaxw eyne Ismaaciil Cumar Geelle uga warewjiya an xukunka dalka.

Sida ay cadeynaya an warar madax bana an oo lahelayo Taliyaha Ciidamada Milateriga Jab uuti Jen, Zakariye Sheekh Ibraahim & Tali yaha Booliska Korneyl, Cabdilaahi Faarax ay aa ciidamada Nabadsugida iyo Ilaalada Madax tooyada la dul-dhigay, kuwaas oo ka bixi karin Gurigooda.

Taliyaha Ciidamada Milateriga Jabuuti Jen, Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa ciidankaas ho gaaminayay ilaa markii xoriyada qaadatay Jab uuti, iyada oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ka welwelsan yahay in xukunka Jab uuti la dhaafiyo. 22 sanno wax ka badan ay uu Ismaaciil Cumar Geelle hayaa hoggaanka dalka Jabuuti, deyn badan ayaana lagu leeyah ay,wuxuuna yahay dal u qaabeysan sida Shirk ad gaar ah oo ay kuwada nool yihiin Qowmiya

daha Cafar iyo Soomaali.

Safaaradda Somalia ee dalka Kenya oo yeel atay dhisme weyn oo cusub

Waxaa isbeddel weyn laga dareemaya sa faaradda Soomaaliya ay ku leedahay mag aalada Nairobi ee waddanka Kenya, marka loo eego marxaladihii kala duwana ee ay safa aradu ku soo shaqeysay 16-kii sanno ee u dambeeyay.

Isbeddeladan oo ah kuwa ishu ay qabane yso ayaa waxaa ka mid ah: dhismaha saf aaradda oo la balaariyay, masjid weyn oo laga dhisay gudaha safaaradda, dadka howlaha sha qo u yimaada safaaradda oo loo diyaariyay qe ybo gaar ah iyo nidaamkii shaqo ee safaaradda oo ay hufnaani ka muuqato.

Safaaradda oo aan Shalay booqasho ku tegay ayaa waxaa kula kulmay dad howlo sha qo u yimid, waxaanna dadkaasi ay u muuqde en kuwa ku faraxsan howlaha safaaradda.

"Madaxdu waa 2 nuuc, mid marka uu xilka hayo xitaa isaga oo wax qabanaya ayuu mud naanta siinaya dantiisa shaqsiga ah, midna wu xuu aamisan-yahay ummadda xilka kuu dhiiba tay taariikh kaga tag: Safiir Tarzan waa dadka ay ka go’an tahay marka xil loo dhiibo inuu um madda si daacadnimo ah ugu shaqeeyo, kana soo dhalaalo kaalintiisa,” waxaa sidaas yiri Gan acsade Muxudiin Cali oo kamid ahaa dadkii aan kula kulmay gudaha safaaradda

"Dib u fiiri taariikhdiisa weli dadku way xasu ustaan wixii uu ku qabtay Gobolka Banaadir, nalalka jidadku ku dhegan maamulkiisa ayaa qabtay” ayuu sii raaciyay hadalkiisa, isaga oo sheegay in uu kamid yahay dadka ku faraxsan isbeddelka dhanka horumarka ah ee ay safaaradu ku tillaabsatay.

"Waxaan ka shaqeeyaa "Agency” howshee nu waxay tahay soo saarista viisooyinka, waxa an tegay safaarado badan oo Afrikaan iyo Asi an ah, waa ka maseeri jiray safaaradahaasi ma rka aan howl u tago, Shalay marka aan arko si da safaaradeenu u shaqeyneyso waa ku farax sanahay in safaaradeenu u ekeeto ama la tartami karo safaaradaha caalamka” ayuu yiri Cabdinaasir Xassan, isaga oo intaasi raaciyay in dhulka safaarada weliba ay ku fadhido uu ya hay dhul dalkaagii oo kale ah.

Safaarada Somaliya ee Kenya ayaa xiligaan waxay tahay safaarada ugu weyn dhisme ah aan marka loo eego dalalka Afrika safaaradaho oga ku yaala dalka Kenya, gaar ahaan magaa lada Nairobi, safaarada ayaa xiligaan ka duwan safaaradii hore ee ay ku shaqayn jireen safiir adii soo maray 16-kii sano ee la soo dhaafay ee Danjire cali amerika iyo Danjire Jamaal.

Safaaradii hore oo ahayd mid kiro ah oo ay deganeyd safaarada ayaa ahayd dhisme aad u yar oo aysan ku habooneyn safaarad, balse saf aaradan ayaa ah mid aad u wayn balac ahaan iyo dhisme ahaan, waxayna ka kooban tahay qeybo kala duwan, sida qeyb dadka ay fadhiist aan, qeyb bakin ah, qeyb adeega safaarada ay ku shaqayso, qeyb gaar ah oo ah qeybta qada shada Baasaboorka iyo xareenta iyo qeyb kale oo ah qeybta dadka balanta leh ay fadhiistaan, bulshada Soomaaliyeed ayaa xiligaan helay safaarad dhameestiran. Sidoo kale Safiirka soo maaliya ee Kenya Danjire Tarsan ayaa waxa uu howlo muhiim ah xiligaas ka waday safaara da, intii aan ku guda jiray Howlahayga shaqo oo aan ugu kuur galayo safaarada, waxaa in dhahayga qabanayeen Danjire Tarsan oo la ha dlayo shacabka ku sugnaa qaybta Sugista Pa sa porka, asaga oo waydiinaya xaaladooda iyo in shaqada si fiican loogu wado.

Tarsan ayaa sidoo kale waxa uu dadka ku war-galinayay inay xirtaan Maaska, maadaama xanuunka Covid-19 uu ka jiro dalalka caalamka gaar ahaan dalka Kenya, waxa uuna kula dar daarmaayay in ay kala fogaadaan si ay u yaraato qatarka Xanuunka Covid-19.

W/Q: Wariye Abdihakim Elmi Hassan

Email: Cabdixakiin441@hotmail.com

Faah Faahin:-Nin Ciraaqi Ah Oo Jaceyl Dartiis U Dilay Gabar Soomaali Ah

Faah-faahin dheeeri ah ayaa ka soo baxa ysa dil Axaddii dalka Malaysiya loogu gaystay Allaha u naxariistee gabar Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar,

Waxaana soo baxaya warar kala duwan oo qaarkood sheegaya in nin u dhshay dalka Cira aq oo qaxooti ku ah dalka Malaysiya oo ay gab adha meel ka wada shaqeynayeen uu dilka gay stay. Balse mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaa liya ee dalka Malaysiya ayaa iyaguna sheeg aya in booliska dalkaas oo kiiskaan gacanta ku haya aysan bixin xog badan marka laga reebo inay u sheegeen in la qabtay ninka dilka gay stay oo uu xiran yahay isla markaana ay wad aan baaritaanno lagu oggaanayo sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen.

Amal Maxamed Siciid oo ah qunsulka Safa aradda dowladda Soomaaliya ay ku leedahay dalkaasi ayaa BBC-da u sheegtay in warar kale oo ay helleen ay sheegayaan in ninka gabadha dilka u gaystay uu ka dalbaday xiriir guur hase-yeeshee ay arrintaa ka diiday taa oo loo mal aynayo inuu sababay falka dilka ah.

"Xogaha kale ee aan helayno waxay she egayeen yarkii gabadha dilay inuu xiriir ka dal baday isla markaana uu guursanayo balse ay ka diiday markaana uu dilay oo mindi ku dhuf tay, "ayay tiri Amal Maxamed Siciid.

Maydka Dahabo Cumar ayaa hadda yaalla Cusbitaal ay dowladdu leedahay waxaana madaxda safaaraddu ay xaqiijiyeen in aan la aasi doonin ilaa iyo inta laga soo gabagabeynayo baaritaannada ay wadaan boolisku. "Xog ku filan marka ay naga siiyaan ayaa aaska marxuumadda laga howlgalayaa,” ayay tiri qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysiya.

Ehelada Marxuumadda oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa Dowladda Soomaaliya u diray baaq, ay ku codsanayaan in caddaalad loo helo gabadhooda, waxaana sidoo kale ay sheegen in safaaradda Soomaaliya iyo jaaliyadda Somalida ee dalkaasi Malaysia looga baahan yahay in ay Dowladda ku cadaadiyaan sidii baaritaanno loogu sameyn lahaa kiiska.

Maxkamadda Ciidamada Oo Dil Ku Xukun tay Askari Dilay Wiil Bajaajle Ahaa

Maxkamadda Ciidamada manta waxaa ay ay aa Xukun Dil ah ku ridday As ari ka tirs anaa Ciidanka Xoogga dalka, oo horay qof shacab ah dil u gaystay, ka dib na baxsad lagu soo qabtay.

Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo August 17-Keedii 2019 dilay Marxuum Maxa med Cawil Jaamac oo ahaa Bajaajle ayay maxk ama ddu manta Xukun ku ridday, waxaana lagu xukumay dil toogasho ah.

Dilka Marxuumka kadib ayuu isaga Baxsa day goobaha Dowladda, waxaana September 2019Maxkamadda Ciidamada ay u jartay Waa ran soo qabasha ah, iyadoo lagu guulaystay in gacanta lagu soo dhigo, kadibna la hor keeno caddaaladda.

December Sanadkii tegay ayuu u Gacan Galay Hay’adaha amniga Dowladda Soomaali ya, oo markii horeba ku raad joogay, maadda ama waaran loo jaray Askariga dilka gaystay.

Wixii intaas ka dambeeyay waxa uu soo ma ray dhammaan Hab Raacyadii lagag gaaray Go’aanka, Xasan oo ka tirsanaa Ciidamada Xo ogga ayay Maxkamadda Xukun ku ridday ma anta sheegtay in uu wali haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan

Guddoomiyaha Baarlamaanka KGS oo isku soo sharraxay HOP#187

Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad go boleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Md. Cali Saciid Fiqi ayaa Shalay si rasmi ah u sha aciyey musharraxnimidiisa kur siga HOP#187 ee Golaha Shacabka, Baarlamaanka Fe deralka Soomaaliya.

 

Fiqi ayaa isla Shalay qaatay shahaadada mu sharaxnimada, isaga oo ka guddoomay gudd iga SEIT ee dowlad Koonfur Galbeed Soomaal iya.

"Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) ayaa Sha haadada Musharaxnimada Xildhibaan Gudoo nsiiyey Dr Cali Saciid Fiqi oo U-Tartamaya Ku rsiga Tirsigiisa uu yahay Hop-187,” ayaa lagu yiri war qoraal ah ka soo baxay guddiga.

Kursiga uu haatan isku soo sharraxay Fiqi oo si gaar ah loogu xiray ayaa waxaa horey u gu fadhiyey Shariif Sheekuna Maye oo ka tirsanaa Baarlamaankaii 10-aad ee dalka.

Dr Cali Saciid Fiqi ayaa horey isaga oo ahaa safiirka Soomaaliya ee Ururka Midowga Yurub loo doortay guddoomiyaha Baarlamaan ka Koonfur Galbeed, haddase wuxuu u xuubsi inayaa Golaha Shacabka, isaga oo taageero weyn ka helaya Madaxweyne Cabdiciis Lafta Gareen.

Sidoo kale ninkan waxa ay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha muddo xileedkiisu dham maaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, ayada oo wararka ay intaas ku darayaan inuu doonayo inuu u tartamo guddoonka sare ee Golaha Shacabka.

Xubnaha kale ee Shalay qaatay shahaada da musharaxnimada waxaa ka mid ah wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya Xamza Saciid Xamza oo u tartamaya HOP#194.

Koonfur Galbeed oo maamullada ugu horreysa doorashada ayaa soo saartay xildhib aano u badan dhalinyaro, kuwaas oo bedalay rugcadaayaashii muddada kusoo jiray Baarla maanka.


Md.Mustafe cagjar " Dhanka saxa afada wax dhibaato ah kama jirto xagayaga"

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa sheegay in xoriyadda saxaafa dda ee degaanka Soom aalida aysan wax dhibaato ah ka jirin, isla mar kaana aysan jirin wax cabudhin ah oo saxaafadda lagu hayo.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ma daxweyn uhu in xoriyadda ay saxa afaddu haysato, ay ka markhaati kacayso Warb aahi nta kala duwan ee ka howlagasha dowlad degaanka Soomaalida, isla markaana ay siday doonaan uga soo warami karaan.

Balse waxa uu xusay Madaxweynuhu inay jir aan dad saxaafaddii u adeegsanaya siyaa sad, wux uuna yiri " Qof wariye ah oo markuu sii baxayo odha naya dadkii dhintay baan soo sawirayaa, inay dhint een iyo inkale war uma hayo, balse waa inaan soo helaa dadkii dhintay ee ay dowladdu ka seexatay oon soo sawiraa. Kaas inuu siyaasi yahay iyo in kale waala kala saari karaa".

Iyadoo ay sidaa tahay waxa uu Madaxweyn uhu sheegay inay ku dadaalayaan un in warkii been ah la khashifo oo la muujiyo inuu been yahay, haddii uu buun buunin yahay la muujiyo inuu buun buunin yah ay, haddii uu sharci darro yahayna sharcigii un la waafajiyo, waa siduu hadalka u dhigay Madaxway nuhu.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu sheegay in qo fka wariyaha ahi masuuliyad ka saaran tahay warka uu gudbinayo inuu run yahay iyo inuu been yahay, iyadoo saxaafadd walba ay leedahay qawaaniin la raaco oo u dejisan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ka dhawaaj iyay warbaahinada qaar xidhan, oo uu sheegay inay ku xad gudbeen sharcigii u yaalay, isagoo xusay in sharcigu uusan ahayn ra'yi, ee uu yahay wax qoran.

Guud ahaan Madaxweyne Mustafe cagjar wuxuu xusay in dhanka saxaafadda degaanka aysan wax dhib ah ka jirin, qof kastana uu fikirkiisa cabbiri karo, balse qofkii sharciga baal mara uu sharcigu qabana yo, horey Madaxwaynuhu wuxuu u sheegay in xorr iyadda hadalku ay leedahay meel ay ka billaabanto iyo meel ay ku dhammaato.

QM oo ka walaacsan xiisada Ukaine ee sii kordheysa

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa si gooni gooni ah ula hadlay wasiiradda arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba, iyadoo ay sii kordheyso cabsida laga qabo colaadda Ukraine.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Qaramada Midoob ay, madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xiisadda sii korortay iyo cabsida laga qabo isku dhac ka dhaca bariga Yurub.

Diblomaasiyadu waa habka kaliya ee masuulka ka ah, waxaan ku kalsoonahay in Qaramada Midoobay ay awood u leedahay oo ay tahay inay si firfircoon uga qayb qaadato dadaallada diblomaasiyadeed ee Ukraine iyo la-hawlgalayaasheeda si loo yareeyo xiisadaha, "ayuu yiri dublamaasiga ugu sarreeya Ukraine mar uu ka hadlayey xiisadan taagan.

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Canada Oo Adee gsaday Awood Aan Horay Looga Baran

Ra’iisal wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa adeegsaday awood aan horay looga baran si uu u afjaro dibedbaxyada ka dhanka ah xayiraadaha uu keenay cudurka Civid-19.

Trudeau ayaa sheegay inuu ka fursan waayay tallaabada uu qaaday.

Awoodaha uu isticmaalay ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa kamid ah kuwo u oggolaanaya booliska inay xiraan oo ay ganaaxaan shakhsiyaadka ay tuhmaan.

Waxa ku bilowday isu soo bax looga soo horj eedo sharci cusub oo ah in dhammaan gaadiidleyda ay tahay in la tallaalo si ay uga gudbaan xadka Mareykanka iyo Canada, ama karantiil marka ay soo laabtaan, waxay ku noqotay caqabad ballaaran dhammaan xannibaadaha caafimaadka ee Covid.

"Tani waxay ku saabsan tahay in dadka reer Can ada la badbaadiyo, lana ilaaliyo shaqooyinka dad ka,” ayuu Mr Trudeau ku sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii.

Waxa uu sheegay in booliiska la siin doono "qal ab badan” si ay u xiraan ama u ganaaxaan dibadba xayaasha iyo ilaalinta kaabayaasha muhiimka ah.

Mr Trudeau ayaa u sheegay saxafiyiinta in sharc iga la xirriira xanibaadaha Covid-19 loogu dhaqmi doono si gaar ah

Itoobiya Waxay Qaaday Xaaladi Degdeg Aheyd Saddex Bilood Ka Hor

Baarlamaanka Itoobiya ayaa Talaadadii qaaday xaaladdii degdegga ahayd ee lagu soo rogay bishii November ee la soo dhaafay markii fallaagada Tig reegu ay ku hanjabeen inay u soo wajahan yihiin caasimadda, taasoo fududeysay xannibaadaha ka hor intii la filayay, wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegtay.

Wasaaraddu waxay bartee da Twitter-ka ku soo qortay: "Ku xigeennada Golaha Shacabka ee Itoobiya ayaa Shalay isku raacay in la qaado lix bilood oo xaalad degdeg ah.”

Codeynta xildhibaanada ayaa daba socotay soo jeedin ay soo jeedisay xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmed bishii hore si loo khafiifiyo xaaladda degdegga ah, taasoo markii hore la rabay inay socoto illaa May.

63 ka mid ah 312 mudane oo soo xaadiray fadhi ga ayaa ka soo horjeestay codbixintii Talaadadii lagu qaaday wareegtada, halka 21 kale ay ka aamuseen.

Xaalad degdeg ah ayaa lagu dhawaaqay 2dii Nof embar ka dib markii dagaalyahanno ka tirsan Jabh adda Xoreynta Shacabka Tigray ay qabsadeen laba magaalo oo muhiim ah oo 400 kiiloomitir (250 mayl) u jira Addis Ababa.

Falkan ayaa horseeday in dad badan la xidh-xi dho qowmiyadda Tigray ee Addis Ababa iyo meelo kale, taasoo dhaleeceyn uga timid hay’adaha xuqu uqda oo ay ku jirto Amnesty International.

Ilaa hadda ma cadda in dadka lagu xiray amarka degdegga ah la sii deyn doono iyo in kale.

Xaaladda degdegga ah ayaa ku soo beegantay olole ballaaran oo abaabulan – oo ay wehliyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn – iyadoo Jabhad da Xoreynta Tigray-gu ay dib ugu riixday Tigray-ga, iyadoo fallaagada ay isaga baxeen bishii December, taasoo sare u qaadday rajo ah in la soo afjaro dag aalka 15-ka bilood ah.

Addis Ababa ayaa ku dhawaaqday in aysan ka daba tagi doonin fallaagada Tigreega ah, balse todd obaadyadii la soo dhaafay, dadka deegaanka iyo shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in duqeymo isdaba joog ah oo cirka ah – oo ay ku jiraan kuwa aan duuliyaha lahayn – lala beegsaday deegaanka.

Waxayna Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray-gu ku dhawaaqday, bishii hore, hawlgal millatari oo ka socda gobolka dariska ah ee Canfarta, iyagoo sheegay in tallaabadan ay jawaab u tahay weerarrada ay qaadeen xoogagga taabacsan dowladda, taasoo hoos u dhigtay rajadii laga qabay xabbad-joojin.

Xayiraadda gargaarka ayaa keentay in kuma naan qof ay ku dhintaan, qaar kalena ay ku qasbeen inay ka cararaan guryahoodii, waxayna boqolaal kun ku riixday qarka u saaran inay macaluul u dhintaan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Tigray-ga laftiisa ayaa muddo bilo ah ku jiray waxa ay Qaramada Midoobay ku sheegtay go’doo min dhab ah. Dowladda Mareykanka ayaa ku eedey say dowladda Itoobiya in ay joojisay gargaarkii ay siin jirtay, iyadoo ku eedeysay mucaaradka inay ka dambeeyaan carqaladeynta.

Ergooyin shisheeye ayaa aad ugu cadaadinaya xabad joojinta iyo in la balaadhiyo gargaarka la gaarsiinayo goobaha ay colaaduhu saameeyeen, halka Addis Ababa ay ku eedaysay soo gelitaanka fallaagada inay sabab u tahay saadka yari.

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika David Satterfield ayaa la filayey inuu todobaadkan horaantiisii ​​booqasho ku yimaado dalka Itoobiya si uu ula kulmo madaxda dawladda iyo wakiilada hay’adaha samafalka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay bishii hore in ku dhawaad ​​40 boqolkiiba dadweynaha Tigray, oo ah gobol ka kooban lix milyan oo qof, ay soo waj ahday "cunto yari daran”.

Qiimayntan naxdinta leh ee ay daabacday hay’ adda cunnada adduunka ee WFP ayaa ku soo bee gantay xilli hay’adaha samafalka ay aad u yareyn ayaan hawlahooda shaqo, ka dib markii ay waayeen shidaal iyo sahay la’aan.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa Talaadadii ku baaqay "si aan xaddidnayn” oo loo gaaro Tigray-da ay dagaalladu aafeeyeen, iyagoo sheegay in gaa rsiintii ugu horreysay ee sahayda nafaha lagu bad baadinayo tan iyo bishii Luulyo ee sannadkii hore la joojiyay sababo la xiriira shidaal yari.

Dagaal ayaa ka qarxay Tigray Noofambar 2020 ka dib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu u di ray ciidamo si ay meesha uga saaraan Jabhadda Xoreynta Tigrayga, xisbiga hore ee gobolka, isagoo sheegay in tallaabadan ay jawaab u tahay weerar rada fallaagada ee xeryaha ciidamada.

HIRSHABEELLE OO SHAACISAY XILLIGA LA QABA NAAYO DOORASHADA LIX KURSI

Guddiga Maamulka doorashada Hirshabelle SEIT ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 6 kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay ma gaalada Baladweyn.

Kuraasta lasoo dhajiyay waxaa kamid ah kursiga uu doonay Fahad Yaasiin kaas uu horay ugu fadhi yay Faarax Sheekh C/qaadir.

Doorashada ayaa dhici doonta 20-ka bishaan.


Qaramada Midoobay oo baaritaan ku samey say shirkad laga leeyahay Turkiga oo qalab milateri soo gaarsiisay Soomaaliya

Shirkad dhinaca badda ah oo fadhigeedu yah ay dalka Turkiga ayaa bishii April 2021 soo gaa rsiisay Soomaaliya gaadiid dagaal, iyadoo aan la ogeysiin Qaramada Midoobay waaxde eda u hoggaansanaanta shuruudaha cunaqaba teynta.

Arrintan ayaa keentay in baarayaasha Qaramada Midoobay ay bilaabaan baaritaanka shixnadaha gaadiidka dagaalka.

Sida laga soo xigtay xog ay heleen khubarada Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya u hoggaansanaanta cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, shirkadda Istanbul Lojistik ve Denizcilik Limited Şirketi, ayaa 44 baabuur oo nooca "Kamaz” ah ka dejisay dekedda Muqdisho 30-kii Abriil, 2021.

Guddiga khubarada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u oggolaaday inay kormeeraan u hoggaansanaanta cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sheegay in aanay wax war ah ka soo gaadhin shirkadda iyo dawladda Turkiga toona.

Guddidu waxay warqad rasmi ah u direen Istanbul June 8, 2021 iyagoo weydiisanaya macluumaadka ku saabsan gaadiidka milatarisi ay u go'aamiyaan inay u hoggaansamaan shuruudaha cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay.

Iyada oo qayb ka ah waajibaadka ku xusan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaram ada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2551, ee la ansixiyay 2020, khubarada Qaramada Midoob ay ayaa dib u eegis ku sameeya hubka la geeyo Soomaaliya, waxayna warbixinno joogto ah u gudbiyaan golaha.

Cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa qayb kaliya laga qaaday sanadkii 2013-kii, waxaana khubar ada Qaramada Midoobay ay la socdaan dhammaan hubka la geeyo Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa dowladda Federaalka iyo sidoo kale kuwa sida qarsoodiga ah ay ku helaan Al-Shabaab.

Nin Lagu Eedeeyay Inuu Gubay Bogag Ka Mid Ah Qur'aanka Kariimka Oo La Dilay

Kooxo hubeysan ayaa bartamaha Pakistan ku dilay nin lagu eedeeyay inuu gubay bogag ka mid ah Quraanka Kariimka, sida ay booliisku sheegeen, waa kiiskii ugu dambeeyay ee rabshado aflagaado ah oo ka dhacay dalkaasi.

Booliska ayaa sheegay in in ka badan 80 qof loo xiray dilka Sabtidii ka dhacay degmada Khanewal ee gobolka Punjab.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu ku jiray gacanta booliska ka hor inta aysan dad badan ka kala bixin gacantooda. Meydkiisa ayaa lagu wareejiyay qoyskiisa, waxaana aas loo sameeyay Axadii.Raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa sheegay in kiiskan "loo cuskan doono sharciga” wuxuuna codsaday in warbixin laga siiyo saraakiisha booliiska ee lagu eedeeyay inay ku guul-darreysteen waajibaadkoodii ahaa badbaadinta ninkaas. Waxa uu sheegay in dowladdiisu, aysan "wax dulqaad ah u lahayn qof kasta oo sharciga gacmihiisa ku qaata”.

Munawar Husseen oo ka mid ah saraakiisha booliiska ayaa sheegay in ciidamada ay u yimaadeen sidii ay u heli lahaayeen ninkan oo la sheegay in da’diisa lagu sheegay 40-sano jir, isagoo miyir daboolan oo geed ku xiran.

Khanewal waxay ku taal meel 275 kilomitir u jirta Lahore. "Dadka tuulada oo ku hubaysnaa budad, faashash iyo biro ayaa dilay, maydkiisana waxay ka soo laalaadiyeen geed,” ayuu Xuseen oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters.

Hindiya: Ninka muslimka ah ee sida la yaabka leh u badbaadiyay gabadh

Maxamed Maxbuub oo 37 jir ah, ku nool Bhopal, caasimadda Madhya Pradesh ee dalka Hindiya isla markaana ah fuundi haatana ka shaqeeya dukaan ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay si weyn looga hadal hayay dalkaas, noloshiisa ayaa is baddashay, hadda si weyn ayaa looga xushmeeya dalkaas, dadweyne fara badan ayaa gurigiisa kusii qulqalaya kuwaas oo u hambalyeynayo kadib markii uu qaaday tallaabo si weyn loo amaanay.

Maxamed wuxuu badbaadiyay nolosha gabadh ku rakatay jidka tareenka, waxay ka gudbeysay waddada xilli uu sii dhaqaaqayay tareen xamuul ahaa.

Inantii ayaa ku qeylisay in la caawiyo , Maxbuub oo meesha ka ag dhawaa ayaa isla markiiba tareenkii hoos galay oo gacanta ku dhigay gabadhii, kadibna la leexiyay lugihii tareenka, kuna aaddiyay qeybta candhada tareenka ee aanan dhulka taaban, halkaas oo ay labadoodaba ku jireen intii uu tareenka dhaafayay..

Maxamed wuxuu yiri, "Ilaahay baa fududeeyay howshan, markii ay gabadha caawimaad i waydiisatay, waxa aan u jiray ilaa 30 tallaabo, wakhtigaas waxaa gabadha daawanayay ilaa 30-40 qof, laakiin waxaan dareemay in gabadha u baahantahay in loo gurmado, waxaan ku khasbanadaay in aan sameeyo, waana caawiyay"

Waxay arrintani dhacday 5-tii bishii Febraayo balse wuxuu u sheegay dad aad u tiro yar, mana dooneyn in uu dad la wadaago.

Waxaa laga yaabaa in dadku aysan xitaa ogaan lahayn geesinnimadiisa waa haddii uusan baahin muuqaalka muujinaya isaga oo badbaaniyay gabadha.

Muuqaalka baahay qof ka mid ah dadkii goobta isugu yimid ayaa muuqaal ka duubay Maxamed oo badbaadinayo gabadha, muuq aalka ayaa si weyn u baahay 11-kii bishan Febraayo.

Wixii markaas ka dambeeyay Maxbuub waxa uu noqday mawduuc ay ka hadlaan dadka ku nool magaalada Bhopal.

Inkastoo Maxbuub uusan wax badan ka ogeyn gabadhaas. Markii uu badbaadiyay kadib, inantii iyada oo ooyaysa ayay meesha ka tagtay.

Maxbuub oo ah aabbe dhalay gabadh 3 jir ah ayaa muuqaalka la wadaagay xaaskiisa iyo waalidkiisa waxay ogaadeen in shaqo weyn uu qabtay. Xaaska Maxbuub Ruxi Ansari waxay tiri "Diintayada ayaa ina fareysaa in dadka aan u gargaarno."

Maxbuub oo dib u xasuusanaya dhacdadii maalintaas ayaa yiri, "markii aan gabadha badbaadinayay , waxaan qabtay gabadha madaxeeda, sababtuna waxay ahayd in ay isku dayday in ay madaxa kor u qaaddo iyada oo argagaxsan"

Maxbuub ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu u gurmaday gabar dhibaateysan.

Waxay arrintani dhacday mar uu Maxbuub ka soo laabtay masjidka kadib markii uu soo tukaday salaadii cishaha xilli soo gaaray meel u dhow albaabka Barkhedi ee magaalada.

Sidee ayay wax u dhaceen

Maxbuuub wuxuu ka fikirayay sidii uu gabadha madaxeeda uusan ugu dhicin tareenka, waxaana gabadhan lagu magacaaba Sneha Gaur, waxay dhanka suuqgeynta u qaabilsaneyd macad gaar loo leeyahay oo ku yaalla Bhopal.

Gabadhan oo aan weli la kulmin Maxbuub , waxay sheegtay in uu badbaadiyay nolosheeda.

Maxbuub, xilliggaas ma uusan laheyn teleefoonka gacanta, hay'adaha maxalliga ee ka howlgala magaalada ayaa bogaadiyay tallaabada uu qaaday Maxbuub, Shuceyb Hashmi oo ka shaqeeya hay'ad lagu magacaabo BBM ayaa Maxbuub abaal marin u siiyay teleefoonka gacanta.

Shucey Hashmi waxa uu yiri, "Maxamed Maxbuub waxa ay ahayd in la abaal mariyo, waxa uu badbaadiyay nafta qof kale isaga oo noloshiisa halis geliyay, inkasta oo isaga laftiisu aanu doonayn in uu cidna u sheego dhacdadaas oo markii la ogaaday kadib muuqaalka baahay"

Waxaa sidoo kale tallaabada geesinimada leh ee Maxbuub bogaadiyay saraakiisha booliska ee degmada.

TALISKA BOOLISKA OO KA HADLAY WEERARO XOOGAN OO XALAY KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO

Taliska Booliska dowladda Federaalka Soom aaliya ayaa ka hadlay Weeraro ku bilowday Qaraxyo Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Saldhiga degmada Kaxda iyo deegaanka Daaru-salaan ee Gobolkaan Ban aadir.

Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo wareysi siiyay BBC-da ayaa u sheegay in wee raro qaraxyo ku bilowday lagu qaaday Saldhigyada Booliska Kaxda iyo deegaanka Daaru-salaan, isla markaana Ciidanka Booliska ay iska difaaceen wee raradii lagu soo qaaday labada Saldhig.

Wuxuu sheegay Afhayeen Cabdifitaax Aadan in weerarada ay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhi masho iyo dhaawac, ayna wadaan tirada koob ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarka, oo jugt ooda siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka.

Afhayeenka Booliska ayaa waxaa uu tilmaamay in gaadiid haleysan oo yaallay gudaha Saldhiga degmada Kaxda ay qaateen raggii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday, isagoona Carabka ku dhuftay inay faah faahino dheeraad ah ka bixin doonaan wixii xalay dhacay.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dha shay weeraradii xooganaa ee xalay ka dhacay Mag aalada Muqdisho, maadaama ay dhaceen weerara da saqdii dhexe ee xalay oo badi dadka kunool Caasimadda Muqdisho ay hurdayeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip