Mareykanka oo xayiraado kusoo rogay qaar ka mid ah madaxda Soomaalida

0
Wednesday February 09, 2022 - 08:08:01 in Wararka by
  • Visits: 1428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo xayiraado kusoo rogay qaar ka mid ah madaxda Soomaalida

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa ku dhowaaqay soo saarista xayiraado Visa oo ka dhan ah shakhsiyaad hadda xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, oo lagu eedeeyey inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.

Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri "Maanta, ayada oo ay ku beegan tahay sanad-guuradii koowaad ee marka uu muddo xileedka ka dhammaaday madaxweynaha Soomaaliya, waxaan ku dhowaaqayaa fulinta xeerka Socdaalka Qaranka qeybtiisa 212(a)(3)(C), kaasi oo diidaya in Visa la siiyo shakhsiyaad xilal ka haya iyo kuwa horey uga soo qabtay Soomaaliya, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay mas’uul ka yihiin waxyeeleynta hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya.”

Blinken ayaa sheegaya in shakhsiyaadkaas ay rabshado u adeegsanayaan dibad-baxayaasha, ay xirayaan ama cabsi gelinayaan suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, ayna boobayaan hanaanka doorashada dalka.



Waxa uu intaas ku daray in xubnaha qoysaska shakhsiyaadkaas ay sidoo kale saameyn karto xanibaaddan.

 

"Siyaasaddan ayaa lagu dabaqi doonaa xubno kaalin firfircoon ka qaatay hanaan khiyaameyn ku dhisan oo lagu sameeyey hanaanka doorashada Soomaaliya ama ku guuldarreystay inay gutaan waajibaadkooda ah inay doorasho hufan ku fuliyaan waqtigeeda, ama beegsaday suxufiyiinta iyo xubnaha mucaaradka, ayaga oo handadaya, cabsi gelinaya, xiraya ama la beegsanaya rabshado kale,” ayuu yiri.

Blinken ma shaacin magcayada shakhsiyaadkan iyo goorta ay hirgaleyso siyaasadda lagu beegsaday.

"Hoggaamiyayaasha qaranka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya waa inay ka dhabeeyaan ballan-qaadkooda ah inay doorashada Golaha Shacabka dhameeyaan kahor 25-ka Febraayo, taasi oo dhabbaha u xaari karta hanaan dowladeed firfircoon oo ay Soomaaliya yeelato,” ayuu yiri Blinken.

"Dowladda Mareykanka waxay si buuxda u taageereysa shacabka Soomaaliya, waxaana naga go’an inaan kala shaqeyno sare u qaadidda dimoqraadiyadda iyo barwaaqada labadeena dal.”

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay in waddada ugu wanaagsan ee Soomaaliya ay ku joogteyn karto nabad ay tahay in si deg deg loo soo geba-gebeeyo hanaanka doorashooyinka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip