5 Sano Kadib: Qiimee Waxqabadka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo!

0
Tuesday February 08, 2022 - 15:27:32 in Wararka by Mogadishu Times
  • Visits: 1043
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5 Sano Kadib: Qiimee Waxqabadka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo!

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

      5 sano ayaa u go’day inta Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu qaab sharci ah iyo mid sharci darro ahba ku joogay Villada Somalia, in kasta oo wasiirkiisa maaliyadda uu qirtay in maaliyadda ay sagxadda gaartay, haddana waxaa muuqata inuu sidoo kale jiro farqi weyn oo u dhaxeeya xagga amniga, federaaleynta, dhaqaalaha iyo xataa arrimaha dibadda, marka la qiimeeyo halkii uu 2016-kii ugu yimid iyo halka uu maanta 2022-ka uga tagayo.

Haddaba,Goobjoog News ayaa sameysay isbar-bardhig ballaaran iyo qiimeyn lagu sameeyey muddo xileedkan Farmaajo (2017-2022) iyo midkii madaxweyne Xasan Sheekh (2012-2016), iyada oo aan dul istaagi doonno qodobbo muhiim u ah dowlad dhiska Soomaaliya, isla markaana lagu ogaan karo cidda wax qabatay labada mas’uul, oo ugu dambeyntii lagu cabbiri doono mid weliba meesha uu ugu yimid iyo halka uu wax uga tagay.

Amniga:

      September 10, 2012 markii madaxweyne Xasan Sheekh loo doortay madaxtinnimada, Al-shabaab waxay heysteen 80% koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, keliya waxaa xor aheyd caasimadda iyo magaalooyinka ku teedsan sida Balcad iyo Afgooye, si dowladnimada iyo amniga loo baahiyo inta uu Xasan Sheekh joogay xafiiska waxaa uu Shabaab ku qaaday saddex hawlgal oo kala ahaa: Shabeel oo xor looga dhigay Muqdisho illaa Jowhar, Hawgalka Gorgor oo lagu xoreeyey 10 magaalo sida Xuddur, Buulo-burde, Jalalaqsi, illaa Beledweyn, Ceelbuur iyo hawlgalka Badweynta Hindiya oo lagu qabtay 8 degmo oo u badan xeebta oo ay ku jireen Cadale, Marka illaa Baraawe.

      5-tii sano ee Farmaajo xafiiska joogay, waxaa isbeddelay istaraatiijiyadda dagaalka ee ciidanka iyo caqiidadooda. Kooxda Farmaajo waxaa ay xoogga saareen sidii ay u heli lahaayeen ciidan iyaga daacad u ah, iyada oo dib u habeyn loogu marmarsiyoonayo waxaa ay shaqada ka direen illaa 3 kun, heshiis-ka keliya ay galeen waa mid ay dhallinyaro qafaal ah ugu kaxeeyeen Eritrea, kuwaas oo qaarkood ku dhintay dagaallada sokeeye ee gudaha Itoobiya. Hoggaanka ciidanka oo aqoon iyo khibrad lagu xulan jiray waxaa laga dhigay dhallinyaro aan horay loo tijaabin, dhulna aqoon, waxayna xoogga saareen in ciidan-ka loo adeegsado u xoog-sheegadka beelaha, maamullada federaalka ah iyo shacabka, waxaa ay dowladdu ciidan ku afgambisay Baydhabo, Beledweyn, Guriceel iyo Dhuusamarreeb halka ay isku deyday Kismaayo, taasi waxay keentay in xoogga dalka iyo Al-shabaab ay 5-tii sano ee tagtay isku heystaan Shabeellada Hoose sida Afgooye, Bariirre iyo Jannaale, ayna go’doomaan, dhulna aan lagu tagi karin degmooyinkii uu xoreeyey maamulkii ka horreerey sida Baraawe, Baydhabo, Xuddur, Jowhar, Jalalaqsi, Buula-burte halka goobo kale ay ka baxeen gacanta dowladda sida Ceelbuur.

     Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh waxaa uu Al-shabaab siiyey fursad ay qeyb uga noqdaan nidaamka dowladda, waxaa isa soo dhiibay illaa70saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jireen Xasan Daahir, Zakariye iyo Atam. Dowladdan Farmaajo waxaa isku soo dhiibay oo keliya Abuu Mansuur Roobow, isna inta heshiiska looga baxay, 15 oo taageerayaashiisa ahna dishay ayuu iminka ku xanuunsanayaa xabsiyadeeda, taasi oo muujineysa istaraatiijiyadda kooxdan maamulka heysa.

Federaalka iyo Dib u heshiisiinta:

      Madaxweyne Xasan Sheekh 2012 kii, waxaa uu dalka u yimid dastuur ay ku qoran tahay inuu dalka federaal yahay balse aanu maamul dhisan jirin marka laga reebo Puntland iyo Somaliland oo 1991-dii madax-bannaani ku dhawaaqay, isaga oo go’aansaday in 4 sano gudaheed uu dalka ka hirgeliyo nidaam federaal ah, lagu kalsoon yahay oo shaqeeya, markii uu xilka wareejinayey waxaa uu sannad walba dhisay hal maamul sida Jubbaland(2013), Koofur Galbeed(2014), Galmudug(2015) iyo Hirshabelle(2016).

Dhanka dib u heshiisiinta: Xasan Sheekh waxaa uu dhismaha maamulladaas ku bixiyey waqti, iyo dhego-nuglaan, tusaale ahaan Jubbaland dowladda Xasan waxay adeegsatay dib u heshiisiinta IGAD illaa markii ay aqoonsatay bishii Augusto 2013-ka, heshiis ka dhacay magaalada Addis Ababa, Koofur Galbeed oo 3 maamul kala dhisatay waxaa uu madaxweyne Xasan ku tagay socdaallo, isaga oo heshiisiiyey 

44 beel oo degta, hal maamulna u dhisay, Galmudug oo sidoo kale 3 maamul ay ka jirtay

       Madaxweyne Xasan si uu u qanciyo 11-ka beel waxaa uu 5 jeer u safray Galmudug,halka Hirshabeelle oo is diiddaneyd, gaar ahaan reer Hiiraan oo cabasho qabay si beelahaasi iyo labada gobol loogu qanciyo hal maamul, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu gobolka tagay 6 jeer, isaga oo muddo joogay magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyn, lana kulmay dhammaan hoggaanka dhaqanka ee dhammaan beelaha, heshiisna la gaaray.

5-tii sano ee tagtay, Farmaajo iyo maamulkiisa waxaaa caddaatay iney kasoo horjeedaan federaal, oo ay rabaan dowlad dhexe oo lagu koobo awoodda, taasi oo horseeday in laga aamin baxo nidaamkooda, oo ay soo baxaan codad inta ka carooday dalbanaya nidaam confederal ah, waxaa kale oo ay muddadaas ku dhammeysteen weerarro ka dhan ah maamullada waxayna xiriirka u jareen, weliba cunnaqabateeyeen Puntland iyo Jubbaland halka ay xoog ciidan ku qabsadeen Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Galamudug, ciidamada todobaadkan lagula wareegay Beledweyn ayaa ah raadkii ugu dambeeyey, iyada oo horay sidaasi loogu sameeyey Guriceel, xoogna lagu dhisay maamullada hadda ka jira Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamarreeb. Farmaajo waxaa uu xafiiska ka tagayaa iyada oo baahi loo qabo in la isu doono maamullada federaalka ah, waxaa intaa dheer beelaha uu isku hubeeyey, iskuna diray oo iyadana qaadan doonta dib u heshiisiintooda waqti dheer.

Dhaqaalaha:

      Xilligii madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu yimid iyada oo dakhliga dowladda soo gala uu ka yaraa 40 milyan oo doollar, balse kalsoonida lagu qabay waxay keentay in canshuurta noqoto inta ugu badan ee miisaaniyadda, waxaa uuna sameeyey miisaaniyaddii ugu horreeysay burburkii kaddib, isaga oo ka qaaday $35 million ee 2012, waxaa uu uga tagay $246 million 2016, oo weliba ay la socoto dhammaan wixii xisaabxir ahaa, Madaxweyne Xasan markii uu yimid wuxuu GDP Soomaaliya ahaa 2012-kii 1.2% waxaa uu uga tagay 4.4%, shaqaalaha rayidka oo ka yaraa 1,000 waxaa ay gareen 4-tiisa sano 6,000, waxaa intaas dheeraa heshiiskii uu la galay bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta ee SMP, qeybaha horena ay xukuumadda ka gudubtay ayaa maanta lagu gaaray marxaladda go’aanka.

Maal-Gashiga iyo dowladdii Xasan Sheikh: Si sare loogu qaado dhaqaalaha dalka iyo wada-shaqeynta hey’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay dowladda Soomaaliya sameysay xilligii madaxweyne Xasan Sheekh waxay billowday qorshe wada shaqeyn hey’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka oo oggolaanaya iney kala saxiixdaan heshiisyada dheef-wadaagta ah (PPP).

      Dowladda Xasan Sheikh waxay albaabada u furtay shirkadaha maalgashadata ah si ay dalka maal-gashi ugu sameeyaan dadweynaha Soomaaliyeedna u helaan kobac dhaqaale iyo shaqo abuur, iyada oo taa laga duulayo ayay dowladda Soomaaliya waxay heshiis la saxiixatay shirkadda Favouri ee laga leeyahay dalka Turkiga taa oo dib u dhis ku sameysay Airportiga Muqdisho. iyo Shirkadda Albeyrak ee iyana maalgashiga ku sameysay Dekadda Muqdisho taasi oo kobcisay daqliga ka soo xaroon jiray dekedda, maanta dakhliga ugu weyn oo 60% ah miisaaniyadda dowladda uu ka yimaado dekedda, iyada oo 2014-kii, Soomaaliya ay dhoofisay 5 million oo xoolo ah iyo arrimo kale.

      5-tii sano ee uu Farmaajo xafiiska joogay inkasta uu miisaaniyadda gaarsiiyey $700 oo milyan oo doollar halkii ay ka aheyd $246 million haddana lacagtaas waa mid beesha caalamka laga helay, oo waxaa hoos u dhacay middii gudaha laga heli jiray, waxaa xusid mudan 4-tii sano ee ugu dambeysay lagama hayo xisaabxirka in ka badan hal bilyan iyo bar oo doollar meesha ay mareen, dakhli uruurinta korortay ayaa noqotay intii maamulkii hore canshuuri jiray oo la labo-jibbaaro halkii la ballaarin lahaa, taasina ay keentay sicir-barar iyo in ganacsatada ay shacabka ka jaraan lacagta ay qaadaan dowladda, Al-shabaab iyo Daacish, GDP halkii 2016-kii ahaa 4.4% hadda waa 2.4%

      Inta uu joogay Farmaajo, Musuqa halkii ay Soomaaliya ka joogtay 176(2016) waxaa ay gaartay 180(2021) oo ah heer aan waxba laga qaban karin, dadka ka hooseeya xarriiqda faqriga halkii 2016-kii ahaayeen 62% hadda waa 70%, hal qof laguma darin shaqaalaha rasmiga ah ee dowladda taasi oo niyadda ka dishay shaqo-abuurkii ay filayeen dhallinyarada Soomaaliyeed, kana dhigtay da’ yarta shaqo la’aanta ah 67%, mana jirin maalgelin shacabka loo sheegay taa beddelkeeda waxaa hanti-dhowrka qaranka uu baabi’iyey heshiisyo sharci darro ah oo ay maamulka Farmaajo la galeen shirkado kalluumeysi, isaga oo soo bandhigay musuqii ugu badnaa.

Arrimaha Dibadda:

      Inta uu joogay madaxweyne Xasan Sheekh, soo noqoshada xiriirka Mareykanka ee January 17, 2013 waa xigay Soomaaliya oo u furfurantay caalamka, isaga oo booqasho ku tagay Yurub, kana qeybgalay shirarka Mareykanka iyo madaxda Afrika, Shiinaha iyo madaxda Afrika, Japan iyo madaxda Afrika iyo xataa India iyo madaxda Afrika halka siyaasaddiisa arrimaha dibadda lagu yaqaannay walaalnimo iyo iskaashi (zero enemy) mana jirin dal uu colleystay halka xiriirka Turkiga uu gaaray heerkii ugu sarreysay.

       Khaliij-ka: Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu Khaliijka u arkayey dalal saxiibbo la ah Soomaaliya, iyaguna waxa ay Soomaaliya u fureen albaabbo badan. Marka laga soo tago xiriirka walaalnimo iyo inay sannad walba kabi jireen miisaaniyadda sida Sacuudiga iyo Imaaraadka, Gacanka waxaa uu ka   mid ahaa meelaha uu ku tiirsanaa ganacsiga Soomaaliya, waxaa sannadkii loo dhoofin jiray 5 Milyan oo xoolo ah.

Afrika: Soomaaliya waxay xiriir fiican la laheyd dalalka Afrika waxaa ayna Soomaaliya marti gelisay oo shir guddoomisay Shirka Midowga Afrika.

       Isku furnaanta Soomaaliya iyo dalalka geeska Afrika waxay keentay in Soomaaliya marti geliso shirka IGAD: Muqdisho waxaa ka dhacay shirka wasiirrada arrimaha dibadda IGAD iyo midka madaxweyneyaasha, waxaa Muqdisho soo booqday Madaxweynaha: Burundi, Djibout, Kenya, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Nabil Al carabi.

       5-tii sano ee uu Farmaajo joogay, Soomaaliya waxaa keliya ee ay isla socdeen keligood taliyeyaal sida Itoobiya, Eritera iyo Qatar, isaga oo colaadiyey dalal badan oo gobolka ah sida Kenya, Djibouti, Sacuudiga, Masar, Imaaraadka iyo dalal kale, waxayna taasi keentay kala aragti duwanaanshiyo xafiiska furinta ah, oo waxaa la arkay ra’isul wasaare uu magacaabay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aannadiisa qar iska tuurka ah, qaarkoodna ka raalligeliyey.

Maamulka Doorashada:

       Inkasta oo labada doorasho ay isku nooc, oo dadban ahaayeen hadana, madaxweyne Xasan Sheekh oo markii ugu horeysay loo dhiibay doorasho ceynkaa ah, meelna uguma dhicin heshiiskii siyaasadeed, waqtigiisa dastuuriga ah waxaa uu ku ekaa September 2016, laakin doorashada baarlamaanka waa uu dhameeyey labo bil kadib December 2016-kii halka February 8, 2017 la doortay madaxweynihii badali lahaa iyada oo dalku xasilan yahay.

       Farmaajo, muddo xileedkiisa waxaa uu dhamaaday sanad kahor, muddadaas Soomaaliya ma aheyn dal xasilan, saddex jeer waxaa uu ka kacay heshiisyo doorasho, labo jeer ayuu inqilaab isku dayey, mar uu 2 sano ku darsaday iyo mar uu ra’susl wasaare Rooble u diiday xafiiska, waxaa intaa dheer dagaallada Xamar dartii uga dhacay, barakac, xarig, xasuuq iyo weerar uu ka geystay Guriceel, Gedo, Baladweyn iyo meelo kale, waxaana hadda mugdi weyn ku jirta sida uu xilka ku wareejin doono isaga oo bed-qaba.

       Ugu dambeyntii, Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu ku guul-darreystay dhammaan nidaamkii dowladnimada, marka laga soo tago inuu ku fashilmay amni, federaaleyn, dhaqaale iyo arrimo dibad, ma dhisin hal hey’ad dastuuri ah, sida uu wasiirkiisa maaliyadda ee Beyle heegay wax walba waa sagxadda, taasi oo muhiim u ah marka la qiimeynayo haddii ay rajo ka gasho dib usoo noqosho dambe.

XIGASHO:-Goobjoog News




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip