Iidle Yare: Fannaanka caan baxay balse mar darbi jiifka ahaan jiray

0
Thursday February 03, 2022 - 17:28:06 in Wararka by
  • Visits: 1190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iidle Yare: Fannaanka caan baxay balse mar darbi jiifka ahaan jiray

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Hobolka Caan baxay ee Cabdiraxmaan Cabdillaahi Nuune, oo loo garan ogyahay (Iidle yare) ayaa sheegay inuu nolosha ka soo billaabay hoos, isagoo ku soo barbaaray Degmada Madiina ee gobolka Banaadir.

Hooyadiis oo aheyd qofka kaliya oo ay nolosha qoyskaasi ku tiirsaneyd ayaa ka shaqeyn jirtay Iskuul la dhaho Baarbe, kaasi oo ay ku gadi jirtay shaah, bajiye iyo waxayaalaha ay ardaydu cunaan marka ay u soo baxaan nusa saacaha iskuulka.

Iidle ayaa sheegay inuusan isaga waligii wax baran, wakhtigii uu yaraana uu caawin jiray hooyadii, madaama kaligii uu ahaa wiilka qoyska. Fannaan Iidle ayaa ka soo jeeda qooys dan yar ah, kuwaasi oo la daala dhacayay quutul daruuriga qooyska.

''Aniga wax ma baranin waayo hooyadey ayaan caawin jirtay, waxaad wax baran kartaa markii la deberi karo nolosha, lana gadi karo buugta iyo dharka iskuulka. Hooyo ayaana na biileysay, aabbe wuu xanuusanaa, wuxuuna ka tiirsanaan jiray dowladdii hore ee Soomaaliya", ayuu yidhi Iidle

Fannaan Iidle oo ku soo barbaaray nolol adag ayaa markii ay hooyadiis geeriyootay u tafa xeytay inuu qoyskiisii kafaalo qaado nolashooda, isagoo hardanka nolosha ka billaabay inuu aado magaalada Boosaaso. Intii uu ku jiray socdaalkiisii uu ka billaabay magaalada Muqdisho ayaa inta uusan gaadhin Boossaaso, wuxuu shaqo ka sii billaabay magaalada Gaalkacayo.

Qoyska Iidle Yare

XIGASHADA SAWIRKA,IIDLE YARE FACEBOOK Qoraalka sawirka, Qoyska Iidle Yare

''Hooyadey markii ay dhimatay waxaan go'aansaday inaan nolasha wax ka beddelo, aabe ayaa dhabarka iga dharbaaxay, oo idhahay dadkaaga alle ha kaaga dhigo aabe iyo hooyo, laakin markii aan Galkacayo gaadhay waxaan billaabay shaqo inaan raadiyo," ayuu yidhi.

Intii uu shaqada raadinayay waxaa uu maqaaxi ku taalla Gaalkacayo ka billaabay shaqo heer hoose ah isagoo ka noqday shaqaalaha nadaafadda, balse isala markiiba Biibito ayuu shaqo ka helay, taasi oo uu sheegay inuu ka qaadanayey lacag yar.

Fannaanka ayaa intaasi ay u sii dheereyd "in la garaaci jiray haddii uu bakeeri ka jabo".

Isagoo taas sharraxaya ayuu yidhi: "Habeenkii marka aan qaadanayo lacagta ayuu jilib iyo feedh ila dhicijiray ninka aan Biibitadiisa ka shaqeenayo".

Iidle oo gaadhay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in uusan horay ka helin shaqo, balse uu habeenkii seexan jiray kabadhada lagu gado jaadka, kuwaas oo uu ku hoyan jiray markii habeenkii laga rawaxo.

Qoyska Iidle Yare

XIGASHADA SAWIRKA,IIDLE YARE FACEBOOK Qoraalka sawirka, idle yare iyo wiilkiisa

Fannaan Cabdiraxmaan Cabdillaahi Nuune, oo loo garan ogyahay (Iidle yare)



 

Wuxuu cuni jiray raashiinka haraadiga ah ama hambada laga soo reebo hudheelada cunnada lagu kariyo. Cunnadaasi ayuu u yaqaannay (tigniko).

Muddo kaddib waxaa uu Iidle helay maqaaxi shaaha lagu kariyo, taasi oo uu ka shaqeyn jiray, lacagana uu ka heli jiray in muddo ah. Hase yeeshee wixii xiligaasi ka danbeeyey waxaa u hagaagtay nolasha oo waxa uu noqday fannaan, haddana caan ka ah fanka Soomaalida.

Waxa uu sheegay in waa uu ku shaqeyn jiray rafaad iyo lacag aad u yar balse hadda halki bandhig (show) uu ku shaqeeyo lacag $1,000 doolar ah.

Qoraalka Codka,

Wareysiga iidle yar iyo fanka


W/Q: Faatuma Taxadar Yuusuf

  • BBC Somali

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip