DEG DEG: Allaha U Naxariisto Xiddigii Turkiga Oo Shil Gaari Ku Geeriyooday Saaka

1
Tuesday January 11, 2022 - 11:01:07 in Wararka by
  • Visits: 2442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Allaha U Naxariisto Xiddigii Turkiga Oo Shil Gaari Ku Geeriyooday Saaka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xiddigii Turkiga Ahmet Yilmaz Calik ayaa shil gaari oo xun ku geeriyooday saaka, waxay da’diisu aheyd 27 sanno jir.

Ahmet Yilmaz Calik waxa uu gaari ku kaxeynayay wado weyn markii uu koontaroolka goostay, wuxuu galay shil weyn abaarihii 9ka subaxnimo ee saaka.

Advertisements

Waxaa la fahamsan yahay in gaariga uu is rogrogay, islamarkaana uu wadada ka baxay.

Gaadiidka gargaarka degdega ayaa u kala cararay shilka laakiin Calik waxa uu ku geeriyooda isla goobtii uu shilku ka dhacay.

Advertisements

Calik ayaa ahaa shaqsiga kaliya gaariga saarnaa waqtigii uu shilku dhacayay.

Daafacaan oo sideed kulan u saftay xulka Turkiga ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu caansan dalkiisa.

Wuxuu u ciyaarayay kooxda Konyaspor oo uu kaga soo biiray Galatasaray sannadkii 2020.

Screenshot 2022 01 11 041322

Konyaspor ayaa Twitter ku soo qortay: "Waxaan ka murugooneynaa geeriyada ku timid ciyaaryahankeenii Ahmet Calik, kaasoo ay aad u jeclaayeen taageerayaasha iyo dadka magaalada tan iyo markii uu yimid Konyaspor.

"Tacsi ayaan isu direynaa gaar ahaa qoska uu ka baxay ciyaaryahankeena Ahmet Calik.”

Wasiirka dhalinyada iyo isboortiga TurkigaMehmet Muharrem Kasapoglu ayaa isna yiri: "Waxaan la ii sheegtay in ciyaaryahankeenii qaranka Ahmet Calik oo u ciyaarayay kooxda Konyaspor inuu ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay magaalada Ankara wadada Nidge.

 

"Allaha u naxariisto Ahmet Calik, kaasoo sidoo kale u soo ciyaaray qarankeena.

"Waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisa, kooxda Konyaspor iyo dhamaan bulshada kubada cagta.”

Galatasaray iyo xulka qaranka Turkiga iyo kooxdii ugu horeysay ee uu Calik u dheelay Genclerbirligi ayaa iyagana dhambaalo tacsi ah soo dhigay baraha bulshada.

Allaha u naxariisto Ahmet Yilmaz Calik



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip