Mareykanka oo joojiyay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya

0
Tuesday January 04, 2022 - 13:13:37 in Wararka by
  • Visits: 133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo joojiyay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya

    Warbixin ay soo saartay hay'adda lagu magacaabo Airwars ayaa lagu sheegay in boqolkiiba 54 ay hoos u dhaceen weerarrada Maraykanka sannadkii ugu horreeyay ee madaxweyne Biden. Tirada weerarada duqeymaha ee uu Maraykanku ka geysan jiray Afgaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin ay soo saartay hay'adda lagu magacaabo Airwars ayaa lagu sheegay in boqolkiiba 54 ay hoos u dhaceen weerarrada Maraykanka sannadkii ugu horreeyay ee madaxweyne Biden. Tirada weerarada duqeymaha ee uu Maraykanku ka geysan jiray Afgaanistaan, Suuriya, Ciraaq, Soomaaliya iyo Yemen ayaa hoos u dhacay 439 sannadkii hore, marka loo eego 951 ee 2020, Airwars ayaa sidaas ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay dhawaan. Ilaa iyo hadda waa tiradii ugu hooseysay ee duqeymaha Mareykanka tan iyo sannadkii 2004. Madaxweyne Joe Biden ayaa isbeddel ballaaran ku sameeyay weerarada cirka ee uu Maraykanka kula dagaalamayo kooxaha xagjiriinta, kadib markii hay'addaha u doodda xuquuqda Aadanaha ay walaac ka muujiyeen khasaaraha dadka rayidka ah. Bishii August ee sannadkii hore ayaa ugu dambeysay duqayn uu Maraykanku ka geysto Soomaliya, waxayna ahayd markii uu duqeeyay saldhig Alshabaab ku lahaayeen tuulada Camaara ee Mudug ee koonfurta Mudug, halkaas oo ciiddamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ka wadeen guluf ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip