Askari ka tirsan ciidamada Kenya oo saaxiibtiis dilay, isagana istoogtay

0
Wednesday April 27, 2016 - 13:29:27 in Wararka by
  • Visits: 776
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari ka tirsan ciidamada Kenya oo saaxiibtiis dilay, isagana istoogtay

    Askari ka tirsan Ciidamada Milatariga Kenya ayaa shalay ku toogtay gabar ay saaxiibo ahaayeen Kinda State oo ka tirsan Magaalada Kitui.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari ka tirsan Ciidamada Milatariga Kenya ayaa shalay ku toogtay gabar ay saaxiibo ahaayeen Kinda State oo ka tirsan Magaalada Kitui.

Askarigaa oo ka tirsan ciidanka KDF ee dalka Kenya ayaa sababta uu u dilay saaxiibtiis waxaa lagu sheegay inay tahay arimo ku aadan maser.

Askari ayaa da’aadiisa ay ahayd 30 jir,fariisinkiisa ciidana waxa uu ahaa Mariakani, oo ka tirsan Mombasa ee dalka Kenya.

Gabadha uu askariga dilay ayaa ahayd 25 jir,kasoo jeeda Kyusyani oo ka tirsan Lower Yatta ee dalkaasi.

Ninkaan Askariga ahaa wuxuu tuhunsanaa in gabadha ay xiriir la leedahay nin kale, taasina ay tahay mida sababta u noqotay inuu dilo saaxiibtiis, isagana uu isdilo.

Qof deegaanka ah ayaa sheegay in Askariga habeen dhaweyd uu albaabka guriga u soo garaacay saaxiibtiis si uu ugala hadlo arintaasi, hayeeshe ay diiday inay ka furto, isaga oo careysana uu ka tagay.

" Askarigu waxaa uu soo galay dhismaha,habeenimo,waxaa uu garaacay albaabka gabadha,waa ay ka diiday in ay ka furto.Wuu iska baxay,laakiin waxa uu soo laabtay subaxii,iyada oo isu diyaarinaysay shaqada, kadibna halkaasi ayuu ku dilay, isagana wuu isdilay.” Ayuu yiri mid kamid ah dadka dariska ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip