Heshiiska Kenya iyo beesha Mareexaan oo warmurtiyeed laga soo saaray + Sawirro

0
Wednesday April 27, 2016 - 12:39:39 in Wararka by
  • Visits: 907
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heshiiska Kenya iyo beesha Mareexaan oo warmurtiyeed laga soo saaray + Sawirro

    Magaalada Nairobi waxaa lagu soo gabagabeeyay shir muddo saddex maalin ah u socday madax ka tirsan Dowladda Kenya iyo wufuud kala duwan oo ka socday beesha Mareexaan ee degta gobolka Gedo, waxaana heshiiskaasi laga soo saaray warmurtiyeed qeexaya wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Nairobi waxaa lagu soo gabagabeeyay shir muddo saddex maalin ah u socday madax ka tirsan Dowladda Kenya iyo wufuud kala duwan oo ka socday beesha Mareexaan ee degta gobolka Gedo, waxaana heshiiskaasi laga soo saaray warmurtiyeed qeexaya waxyaabihii laga wadahadlay ee ay labada dhinac ku heshiiyeen.
Dhinaca beesha Mareexaan xubnaha u matalayay waxaa ka mid ahaaC/Weli Sheekh Axmedoo horay Dowladda Soomaaliya Ra’iisal Wasare uga soo noqday,Cabdi Faarax Shirdoonoo ahaa Ra’iisal Wasaarihii ugu dambeeyay ee lagu bedelay Cumar C/rashiid, waxgarad, Isimo iyo odayaal dhaqameed ka soo jeeda beesha Mareexaan.

Dowladda Kenya waxaa uga qeyb galay Wasiirka arrimaha gudaha Joseph Nkaissery iyo madax kale oo u dhashay Soomaalida Kenya, waxaana lagu soo afjaray gebi ahaanba khilaaf in muddo ah ka dhex taagnaa labada dhinac.

Heshiiska dhex marayDowladda Kenya iyo beesha Mareexaanma jirto cid u mataleysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, bacdamaa kulanka uu u dhaxeeyay madaxda dalalka deriska ah xitaa safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi kama soo qeyb gelin.

Marka la eego ahmiyadda uu heshiiska u leeyahay labada dhinac ayaa muujinaya uun inuu meesha ka baxay khilaafkii beesha kala dhaxeeyay dowladda Kenya, hase yeeshee ma cadda weli ujeedada Dowladda Kenya ka leedahay heshiiska oo ah in beesha Mareexaan degaanadeeda uga soo duulin maleeshiyada Al-Shabaab.

heshiis

Dhinaca kale ma aha markii ugu horeysay oo Dowladaha deriska ah heshiisyo gaar ah la galaan beelaha degan gobolada xadka ay Soomaaliya la leeyihiin, iyadoo horay Wasiirkii arrimaha dibadda Itoobiya uu kulan gaar ah la yeeshay beesha Cayr isla markaana la galay heshiisyo noocaan oo kale ah.

3

12

4

567891011121314

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip