Mandella oo taallo looga magaalo ku taala dhulka reer Falastiin

0
Wednesday April 27, 2016 - 12:15:11 in Wararka by
  • Visits: 743
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mandella oo taallo looga magaalo ku taala dhulka reer Falastiin

    Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mandella oo geeriyooday ayaa taallo looga taagay magaalo ku taala dhulka reer Falastiin, taaladaasi oo dhererkeeda gaarayo Lix-Mitir ayaa laga taagay bartamaha magaalada Ramallah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mandella oo geeriyooday ayaa taallo looga taagay magaalo ku taala dhulka reer Falastiin, taaladaasi oo dhererkeeda gaarayo Lix-Mitir ayaa laga taagay bartamaha magaalada Ramallah.

Madaxweynaha Dowladda Falastiiniyiinta Maxamud Cabaas, madax ka tirsan xukuumadiisa iyo boqolaal dadweyne ah ayaa ka soo qeyb galay munaasabadda lagu taagayay taallada Nelson Mandella oo Talaadadii shalay ahayd si weyn loogu maamuusay.

Taallada Mandella oo laga keenay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika maalintii Khamiista ayaa waxaa ka hadlay madax ka tirsan Dowladda Falastiiniyiinta, aqoonyahano iyo dadweynihii goobtaasi isugu yimid.

mandella

Kharajka ku baxay taaladaan ayaa waxaa iska kaashaday Hay’ad lagu magacaabo Mandella Foundation iyo minipallity Johannesburg iyagoona ugu deeqday dadka Falastiiniyiinta in dhulkooda laga taago.

Guddoomiyaha magaalada Ramallah Musa Hadeed oo u waramayay wakaaladda wararka Anadolu ayaa sheegay in farrintaan ay tahay mid muujineysa xornimada qiimaha leh ee caalamka dhexdiisa astaanta u ah.

"Nelson Mandella wuxuu astaan u yahay nabadda bacdamaa uu halgan dheer u soo galay xornimada dalkiisa oo caalamka u noqotay astaan lagu daydo” ayuu yiri Musa Hadeed oo intaasi raaciyay in dadka reer Falastiin ay muhiim u tahay inay uga daydaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip