
Jaaliyadda Muddulood ee magaalada Aarhus Denmark oo kulan ay yeelatay ka soo saartay Baaq + Sawirro
Dooda u dhaxeysay ka qeyb-galayaasha shirka oo aad xiiso badneyd ayaa waxay inta badan u janjeertay waxa uu nidaamka Federaalka mustaqbalka u keeni karo aayo ka talinta Banaadir oo ah degaanka ay ka qeyb-galayaasha shirku heyb ahaan ka soo jeedaan.
Weliba waxaa aad loogu nuux-nuuxsaday oo la is-weydiiyey ujeeddada ka dambeysa in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka caga-jiido ama ay si toos ah uga hor timaado in maamul gaar ah loo sameeyo Banaadir oo xaqiiqdii ah magaalo degaan u ah dad soomaaliyeed oo gaaraya dhowr milyan.
Falanqeyn dheer ka dib ayaa waxaa la isla qaatay go’aan ah in baaq loo diro Dowlada Federaalka Soomaaliya. Waxaana baaqaas soo gudbiyey Gudoomiyaha Jaalliyada Daa’uud Xuseen Ciidangale oo yiri ”….weli waan xasuusanaa waaggii la riday Taliskii Milateriga in Raadiyo Muqdisho aad looga baahin jirey hees ay ereyadeedu ka mid ahaayeen:
”DULMI DOONOOW DULMI DIIDAAN ARAGNEE, DULMI DIIDOW DULMI DOON HA ISKU NOQON”
Dabcan ujeeddada laga leeyahay miraha heesta uma baahna fasiraad kale oo curiyaha erayada ayaa waxa uu tilmaan iyo tusaaleyn buuxda siinaayey awooddii waqtigaas la wareegtay Hogaanka Dalka. Haddaba waxaa Dowlada hadda jirta ee Federaalka ah iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la gudboon in ay qaataan dhambaalka ay heestaas ximbaarsan tahay oo ayna ku khamaarin masiirka siyaasadeed ee Dalka. Waxa kaliya ee xal waara noqon kara waa uun cadaalada oo la dhowro iyo in dhamaan degaanada uu ka kooban yahay Qaranka Soomaaliyeed ay u wada siman yihiin nidaamkan ku dhisan Federalism-ka. ayuu yiri Daa’uud Ciidangale.
”Banaadir ma aha baadi shalay la helay oo waxay qarni ka qarni degaan u tahay ummad dhan oo aan laheyn degaano kale ee marka Dowlada Federaalka waxaan si niyadsami ah kula talin laheyn in ay aad uga feejignaato arrimaha xasaasiyadaha abuuri kara ee Qaranka Soomaaliyeed dhaawac u keeni kara oo yuusan arrinku noqon in dad lagu qanciyo dhibaateynta dad kale” ayuu Gudoomiyuhu hadalkiisa ku soo gabagabeyey.






0 


Jaaliyadda Muddulood ee magaalada Aarhus Denmark oo kulan ay yeelatay ka soo saartay Baaq + Sawirro
Kulan balaaran oo ay ka soo qeyb galeen xubnaha Jaalliyada Mudulood ee ku dhaqan Caasimada labaad ee dalka Denmark ayaa taariikhdu markii ay aheyd 23-da Abriil 2016 ka dhacay Magaalada Aarhus.