WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 27-KA ABRIILE 2016-KA

0
Wednesday April 27, 2016 - 11:07:49 in Wararka by
  • Visits: 707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 27-KA ABRIILE 2016-KA

    XAASKA MADAXWEYNIHII HORE EE KENYA LUCY OO KU GEERIYOOTAY ISBITAL KU YAALA MAGAALADA LONDON Xaaskii Madaxweynihii Hore ee Kenya, Muwi Kibaki oo lagu magacaabi jiray, Lucy Kibaki ayaa ku geeriyootay Isbitaal magaalada London ee Caasimadda Britain k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XAASKA MADAXWEYNIHII HORE EE KENYA LUCY OO KU GEERIYOOTAY ISBITAL KU YAALA MAGAALADA LONDON Xaaskii Madaxweynihii Hore ee Kenya, Muwi Kibaki oo lagu magacaabi jiray, Lucy Kibaki ayaa ku geeriyootay Isbitaal magaalada London ee Caasimadda Britain ku yaalla, lama shaacinin weli xanuunka hayay ee ay u Geeriyootay.

Waxyaabahaas lagu xusuusto haweeneydan ayaa waxaa ka mid ahaa; mar ay dhar baaxday nin filimqaade ah Sannadkii 2005kii, markaasoo ay gashay xafiisyada Warbaahin gaarka loo leeyahay, iyada oo ka caraysan sida loo tabiyay sheeko iyada ku saabsanayd.

Lucy Kibaki ayaa ku geeriyootay 76jir, iyadoo dhalatay sanadkii 1940kii, laakiin laguma arag fagaarayaasha qaybihii ugu dambeeyay nolosheeda, waxayna intii ay ahayd Marwada koo waad ee Waddanka Kenya ay fagaarayaasha si weyn uga muuqan jirtay.

Saygeeda Madaxwaynihii hore ee Kenya, Muwai Kibaki ayaa xukunka hayay Sannadihii u dhexeeyay 2002kii illaa 2013kii, waxaana xilka kala wareegay madaxweyne Kenyattaha haatan xukunka waddankaas haya.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Saygeedii Kibaki oo ahaa madaxwaynihii hore ee Kenya, ayaa ku Ammaanay Lucy doorkii ay ku lahayd dagaalkii weynaa ee ay Kenya la gash ay caabuqa HIV iyo weliba Xanuunka uu keeno ee AIDSka, kaasoo si ba'an waxyeelo ugu geys tay Shacabka Kenya.

Ugu dambeyn, Lucy Kibaki ayaa fagaarayaasha oo lagu arko waxaa u dambeysay sanadkii 2010kii, markaasoo ay ka qaybgashay xaflad, iyada oo markaas u muuqatay inay si aad ah ula dhacsanayd Dastuurka cusub ee Dalka Kenya, sida uu ku Warramayo wargayska Daily Nation ee Kenya ka soo baxa magaalada Nairobi.

DOWLADDA FEDERALKA OO MAR KALE LOOGU BAAQAY INAYSAN SHARCIGA SAXAAFADDA KA DHIGANIN QALAB LAGU DHIBAATEEYO SUXUFIYIINTA.

Khabiirka madaxa bannaan ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Som alia, Bahame Tom Mularya Nyanduga ayaa mar kale ku celiyey baahida loo qabo in wax la ga qabto meelkadhaca lagu sameynayo Suxufiyiinta iyo Warbaahinta Somalia.

Khabiirka oo dhawaan booqasho hal isbuuc ah ku yimid Somalia waxa uu uga digay Dow ladda Federalka Somalia inaysan Sharciga Saxaafadda ka dhiganin Qalab ay ugu adeegsato in lagu waxyeeleeyo, laguna caburiyo Suxufiyiinta.

Waxa uu ku tirtirsiiyey in hubaal laga dhigo in la xushmeeyo Xuquuqda Xorriyadda Ra’yiga iyo Hadalka.

Khabiirka waxa kaloo uu Dowladda ugu baaqay in la dhiso Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Somalia iyo in si taxadar leh loo eego Sharuucda Ladagaalanka Argagixisadda, isla markaana uu Sharcigaasi ku xadgudbin Xuquuda Aadanaha ee Asaasiga ah.

Khabiirka madaxa bannaan ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, Bahame Tom Mularya Nyanduga waxa kale oo uu tilmaamay inuu Taliska Hawlgalka AMISOM kala hadlay doorkooda ku aadan Dhowrista Xuquuqda Aadanaha ee Somalia iyo in lala xisaabtamo Askarta geystay Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Taliska AMISOM si cad ugala hadlay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo falkii ay Ciiddanka AMISOM dhawaan ku dileen 4 qof oo rayid ah oo ku sugnaa Degaanka Buulomareer ee Gobalka Sh/hoose.

Khabiirka waxa uu soo dhaweeyey qorshaha QM iyo AMISOM ee ay bishan April 26da ilaa 27-da ku qabanayaan Kulan Hawleed looga hadlayo Dibueegista Fulinta Siyaasadda QM ee Arrim aha Xuquuqda Aadanaha

Dhinaca kale, Khabiirka madaxa bannaan ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aad anaha ee Somalia, Bahame Tom Mularya Nyanduga oo u dhashay dalka Tanzania, waxa xilkaasi u soo magacowday Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM bishii May ee sannadkii 2014kii, si u uDowladda Federalka Somalia uga taageero Horumarinta Awoodaha iyo Taageeradda Farsam adda ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha.

MAXKAMADDA CIIDANKA QALABKA SIDA OO KA HADASHAY ILAALINTA XUQUUQDA EEDEYSANAHA

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay in maxkamaddu ay markale todobaadyada soo socda u fadhiisan doonto dadwac ciqaabeedka loo heysto eedeysanaal la xiriirinayo qaraxi diyaaradda Daalo.

2

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida Gaashaanle dhexe Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in dhawaan maxkamadda ay markale dib u fureyso kiiska la xiriira dadka loo heysto falkii lagu qarxiyay diyaaradda Daalo Airline.

"Isbuucii la soo dhaafay waxa ay maxkamadda bilowday dhageysta dadka loo heystay kiiskaasi, waxaana maxkamadda ay amar ku bixisay in la keeno caddeymo dheeraad ah, is loo gaaro go’aan cadaaladeed, marka isbuucyada soo socda ayaa markale la bilaabayaa dhageysta kiiskaas”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda.

Gaashaanle dhexe Xasan Cali Shuute ayaa xusay xuquuqda maxkamadda ay siiso dadka lagu tuhmayo inay kiisas ku lug leeyihiin, waxana uu shaaciyay in maxkamadda ay markasta ilaalineyso xuquuqda eedeysanaha.

"Eedeysanaha waxa uu leeyahay xuquuq dastuuri ah, tan koowaad marka xoriyadda laga qaado oo la xiro, waxa uu xaq u leeyahay in uu qabsado qareen, haddii uusan awoodin waxaa u qabaneyso dowladda, eedeysanaha xuquuqda uu leeyahay waxaa ka mid ah in loo cadeeyo dambiga loo hesto, isna uu xaq u leeyahay in uu iska difaaco oo ay si isku mid ah uga hadlaan kiiska, isaga iyo qareenkiisa” ayuu hadalkiisa ku daray G/dhexe Xasan Cali Shuute.

MUWAADIN SOOMAALIYEED OO QIRTAY IN UU KU BIIRI RABAY KOOXDA DAACISH

Muwaadinkan Soomaaaliyeed oo lagu magacaabo Xamza Naaji Axmed ayaa qirtay in uu damacsanaa ku biirida Kooxda Daacish oo ku xoogan Dalalka Ciraaq iyo Syria.

Eedeysane Xamza ayaa noqday muwaadinkii 6aad oo Soomaali ah, kaasi oo lagu helay dambiga ah in uu ku qorsheenayay ku biirada Ururka Daacsh.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa u sheegay Garsoore Micheal Davis in qorshaha ku biir ada Daacish uu qaatay kadib markii uu daawday muuqaal ay ka muuqden Caruure iyo Haween lagu dhibaateynayay Dalka Syria.

Hay’addaha Sirdoonka Dalka Mareykanka ayaa sheegay in tobanaan ka mid ah Muw aadiniinta Soomaaliyeed ee Dalkaasi ku dhaqan in ay ka dhinac Dagaalamayaan Kooxda Daacish.

Ugu dambeyn, Sirdoonka Dalkaasi ayaa aaminsan 22 ka mid ah Dhalinyarada Gobolka Minnesota in ay u soo safreen Dalka Soomaaliya, islamarkaana ay ka mid noqdeen Dagaal yaha nada Xarakada Al Shabaab.

 

MADAXWEYNAHA OO KU BAAQAY IN HAB DIMUQRAADI AH LAGU SOO GEBAGEBEEYO NIDAAMKA DOORASHOOYINKA SOO SOCDA.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadal kaasi ka sheegay mar uu daraad ka qeyb galay Kulan ay Danjirayaasha ku yeesheen caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, wuxuuna xusay inay Dadka Soomaalida codbixinta aadi doonaan bisha August ee soo socoto.

"Dadka Soomaalida waxay bisha August aadi doonaan goobaha Codbixinta, iyadoo ay dha cayso Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Barlamaanka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxa uu intaasi ku daray in loo baahan yahay in Waddo Dimuqraadi ah loo maro si loo soo dhamaystiro Qaabka Doorashooyinka.

Madaxweynaha waxa uu carrabka ku dhuftay inaysan wax daryeel ah siin doonin Xisbiga ku guuleysta Doorashadda, waa sida uu hadalka u yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xillihawleedkiisa ka harsan tahay dhowr bilood waxa uu tilmaamay in dadka ku guuleysan doona Doorashadda soo socota noqon doonaan Dad Soomaali ah.

Madaxweynaha oo Talada dalka hayey tan iyo sannadkii 2012kii, waxa uu Toddobaadkii ho re sheegay inuu yahay Musharax mar kale u tartami doona Xilka Madaxweynenimadda Somalia.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay jiraan Musharixiin kale oo miisaan xooggan ku leh Masraxa Siyaasadda Somalia, kuwaasi oo u muuqda inay loodin doonaan Hanka Madaxweyne Xasan Sheekh ka qabo inuu mar Labaad muddo 4 sanno sii hayo Majaraha Madaxtinimadda Somalia.

Doorashadii Madaxtinimadda Somalia ee dhacday bishii September 10dii ee sannadkii 2012kii, waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh si dirqi ah Wareegii ugu dambeeyey kaga guuley stay Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Guddoomiye u yahay Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDP oo la aasaasay muddo haatan laga joogo 4sanno, iyadoo Xisbigaasi dada al ballaaran u galay Ololihii Doorashadda ee uu Madaxweynuhu ku guuleystay sannadkii 2012kii.

XILDHIBAAN AADAN IBRAAHIM DHAAYOW OO XALAY LAGU WEERARAY HOYGIISA MAGAALADA MUQDISHO

Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa xalay hoygiisa lagu weeraray bambooyinka nooca gacanta laga tuuro. Xildhibaanka wuxuu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Degmada Hodan, gaar ahaan dhinaca Carwadii Hore.

Warar is khilaafsan, ayaa ka soo baxaaya tirada bambooyinka ee lagu weeraray hoyga Xil dhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dhawr xabo oo bambo gacmeyd ihi lagu weeraray, halka wararka kalana ay sheegayaan in hal xabo oo qura lagu turay.

Nawaaxiga hoyga Xildhibaanka, ayaa waxaa laga maqlay rasaas, ma cadda in qaraxyada ka dib uu halkaasi ka dhacay iska horimaad iyo in kale.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu xaqiijiyay in afar ka mid ah ilaaladii Xildhibaanka ay ku dhaawacantay weerarka qaraxa/qaraxyada loo adeegsay, islamarkaana uu ka badbaaday Mudanaha Baarlamaanka Somaliya ka tirsan.

Afhayeenka, ayaa Warbaahinta u sheegay ragga weerarka gaystay inay la socdeen laba mooto bajaaj, isagoo intaa ku daray in laamaha ammaanka ay wadaan hawlgalo ka dhan ah raga asi.

Maalmihii ugu dambeeyay, ayaa waxaa soo hagaagaayay ammaanka Magaalada Muqdi sho, wuxuuna weerarka hoyga Xildhibaanku ku soo beegmayaa, xilli shalayy Degmada Dharki inley lagu dilay nin ganacsade ahaa.

SOMALILAND: GUDIGA DIIWAANGELINTA URURADA SIYAASADDA OO KA HADLAY DACWAD LOOSOO GUDBIYAY

Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasada iyo Ansixinta axsaabta Somali land C/risaaq Jaamac Cumar (Ina Ciyaalle), ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dacwad ay usoo gudbiyeen musharaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ka dhan ah gudoomiyaha xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Guddiga Diiwaanglinta Ururrada Siyaasadda, Cabdirisaaq Jaamac Cumar [Ciyaalle], ayaa sheegay in Dacwadaasi hortaallo, isla markaana ay la sugayeen inta dib loogu ansixinayo inay sii shaqeeyaan iyo in kale, taas oo daraad markii loo ansixiyey inay sii shaqeeya an ay warbaahintu wax ka waydiisay dacwadda hortaalla.

Sidoo kale, Ciyaalle ayaa Tilmaamay in Dacwadaasi si deggen oo Wanaagsan ku dham eyn doonaan, waxanu xusay inaanu doonayn in xisbiyada Qaranku burburaan.

"Dacwadaasi waa ay noo taalla, waxaanu sugeynay inta lana ansixinaayo si aanay hadhaw toole aanay uga imanin daba filiq, waxaana ay arntaasi ka mid tahay xilka la noo igmadey insha alleh waxaanu u dhameyn doona sida ugu wanaaga badan ee qaranka looga ilaalin lahaa in aan xisbi kale bur burin” ayuu yidhi gudoomiyaha gudida diwaangalinta ururada siyaasiga ah Cabdirisa aq Ciyaale

Garabka Musharax Jamaal Cali Xuseen, ayaa dacwad ka dhan ah gudoomiyahoodda Fay sal Cali Waraabe u gudbiyey guddidan, ka dib markii khilaaf soo kala dhexgalay labaddan masuul ee xisbiga ka wada tirsan.

Baarlamaanka Somaliland ayaa muddo laba sanno ah u kordhiyey guddida Diiwaangelinta Ururrada iyo Meelmarinta Asxaabta iyo Guddiga ladagaalanka Musuqmaasuq oo muddo xileedk ooddii dhamaaday.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa Golaha Wakiillada ka Codsaday in muddo laba Sannadood ah loo kordhiyo labada guddi kaddib markuu muddo xileedkoodii oo 5sano ahaa dhamaaday, waxa anay xildhibaanaddu cod ku meel mariyeen ansixinta labadan Guddi.

SHIR LOOGU HADLAAYO QAAB DHISMEEDKA CIIDANKA BOOLISKA OO SHALAY MUQDISHO KA FURMAY

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Shalay Magaalada Muqdisho ka furey shir looga hadlayo qaab dhismeedka ciidanka booliska.

Shirka waxaa ka qeyb galaya Taliyaha Ciidanka Booliska Somaaliyeed, Maxamed sheikh Xaamud, Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga gudaha, xubno ka socda Wasaradaha Amniga Dowlad Goboleedyada iyo Maamulada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan iyo khubaro dhanka sharciga ah.

Intuu socdo shirka ayaa loogu doodi doonaa kor u qaadidda wada shaqeynta u dhexeysa ciidanka Booliska Federaalka soomaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada loo dhisayo dhawaan.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay shirkan ay ka filayaan inay kasoo baxaan arrimo waxgal u ah tayeynta Booliska Soomaaliyeed. Heer Federaal iyo mid dowlad goboleed

Dhanka kale Wasiirka amniga Gudaha Xukuumada Soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in Shirkaan uu daba joogo shirkii magaalada Nairobi ka dhacay Bishii hore ee loo ga tashanayay sida uu noqonayo qaab dhismeedka Booliska heer Federaal iyo kuwa Gobolada, maadaama dalka ay ka dhismeen Dowlad Goboleedyo kuwa kalena la filayo in hadda la dhiso.

REIK MACHAR OO DIB UGU LAABTAY MAGAALADA JUBA

Reik Machar oo ahaa Hogaamiyihii mucaaradka Koofurta Sudan ayaa shalay dib ugu laa btay magaalada Jubba, kadib todobaad uu dib ugu dhacayay dib ugu laabashadiisa Juba, taasoo halis gelisay inuu bur buro heshiiskii nabada.

Mr Machar ayaa waxaa soo dhoweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada, markii uu ka deg ay garoonka diyaaradaha magaalada Jubba.

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda loo dhaariyo xilka Madaxweyne kuxigeenka Koofurta Sudan, taasoo ah mid dhaqan gelineysa heshiiskii nabadda ee la gaaray bishii Agosto ee sanadkii hore.

Heshiiska Nabadda ayaa qeyb ka ah in la soo dhiso dowlad midnimo qaran, taasoo soo afjareysa dagaalo sokeeye oo muddo labo sano ka socday dalkaas.

Dagaalka sokeeye ee Koofurta Sudan ayaa qarxay bishii December ee sanadkii 2013, xilli la isku dayay in la afgambiyo Madaxweyne Salva Kiir.

Reik Machar ayaa ka cararay Caasimada Juba sanadkii 2013, markii uu bilowday dagaa lada, waxaan lagu eedeeyay inuu ka mas’uul ahaa isku dayga afgambiga, hase ahaatee waa uu beeniyay.

Boorar ay ku xardhan yihiin sawirada Mr Reik Machar iyo Salva Kiir ayaa lagu dhajiyay wad ooyinka, taasoo qeyb ka ah dadaalada lagu soo afjarayo colaada Koofurta Sudan.

Kumanaan ruux ayaa ku dhimatay dagaalada sokeeye, halka dad lagu qiyaasay labo mily an ay ku barakaceen dagaalada u dhaxeeyay mucaaradka iyo dowladda.

DOWLADDA KENYA IYO MID KA MID AH BEELAHA SOOMAALIYEED OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS DHINACA AMMAANKA XUDUUDKA

Magaalladda Nairobi waxaa shalay lagu soo gebagebeeyey Kulan Khaas ah oo ay Dowlad da Kenya la lahaayeen Siyaasiyiin iyo Odayaal ka socday Beesha Marayxaan, oo looga hadlay Iskaashiga dhinaca Ammaanka ee Xuduudka Somalia iyo Kenya.

Internal Security Cabinet Secretary JosephWasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa sheegay inuu Heshiiskaasi wax ka tari doono Dhaqdhaqaaqa Ciiddanka Kenya ee ka hawlgala Goballadda Gedo iyo Jubbooyinka.

Shirkaasi Farsamo oo socday muddo 3 maalmood waxaa ka qeyb galay Saddex Ra’isul wasaarayaal hore, Xildhibaano, Wasiiro, Aqoonyahanno iyo Ganacsato ka soo jeeda Beesha Marayxaan.

Cabdi Shirdoon Saacid oo mar Ra’isulwasaare ka soo noqday Somalia ayaa ka mid ah Siy aasiyiintii ka qeyb gashay Shirkaasi, wuxuuna sheegay in Iskaashiga Dowladda Kenya iyo Bee sha Marayxaan uu fure u yahay sidii wax looga qaban lahaa Amni la’aanta, gaar ahaan Arga gixisadda.

Waxa uu xusay in Shirkaasi looga dan lahaa sidii labada dhinac uga shaqeyn lahaaye enAmmaanka, Nabadda iyo Horumarka labada dhinac ee Xuduudka.

Shirkaasi ayaa ku soo aaday iyadoo Dowladda Kenya horey ugu eedeysay Beesha Maray xaan inay ku lug lahaayeen weerarkii ay Alshabaab bartamihii bishii Janaayo ee sannadkan ku dil een Ciiddamo Kenyan oo ku sugnaa Xeradda Ceelcadde ee Gobalka Gedo.

MIDOWGA EUROPE OO DIFAACAY GO’AANTA AY KU DHIMEEN KHARAJKA AY SIIYAAN HAWLGALKA AMISOM.

Sidoo kale, Siyaasiyiinta Beesha Marayxaan ayaa rumeysan inay Dowladda iyo Ciiddanka Kenya la safan yihiin Maamulka Axmed Madoobe, iyadoo labada beelood uu ka dhexeeyo Xifaltan caynba cayn ah.

EU delegation Ambassador to Somalia Michele Cevvone during an interview in Mogadishu Somalia on Monday. Photo/Monicah MwangiDanjiraha Ururka Midowga Europe u jooga Somalia, Michele Chevvone ayaa difaacay go’aanka lagu jaray 20% Kharajkii la siin jirey Hawlgalka AMISOM, wuxuuna tilmaamay inay Ururka Midowga Afrika iyo AMISOM ku wargeliyeen qorsh ahaasi muddo haatan laga joogo in ka badan hal sanno.

Sannad kasta, Dowladaha EUda waxay sannad kasta Hawlgalka AMISOM ku taageeri jire en 200 million oo Dollar, inkastoo Kharajkaasi la dhimay 20% wixii ka bilowday bishii Janaayo ee sannadkan.

Danjiraha Ururka Midowga Europe u jooga Somalia, waxa uu tilmaamay inaan Kharajka la dhimay loo fasiri Karin inay EUda xagaldaacinayso Hadafka laga lahaa Hawlgalka AMISOM, isla markaana aan la dareemin kharajka laga jaray AMISOM.

"Iskaashigeenna weli waa wanaagsan yahay. Waxaana naga go’an inaan taageerno AMISOM iyo in lala dagaalamo Argagixisadda” ayuu yiri Danjiraha Ururka Midowga Europe u jo oga Somalia, Michele Chevvone.

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in Wadaxaajood ballaaran laga ye esho Dagaalka Alshabaab, wuxuuna ku booriyey Dowladaha taageera Hawlgalak AMISOM inay tageero ka geystaan Horumarinta Ciiddanka Somalia.

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo waxa uu carrabka ku dhuftay in dalka Somalia u baahan yahay in la dhiso Ciiddanka Qaranka si ay u gutaan waajibaadkooda.

"Waan og nahay inaan weli laga guuleysanin Alshabaab, waana taageersanahay Hawlg alka, balse waxaa jira Hawlgalo kale oo aan taageerno” ayuu yiri Danjiraha EUda u jooga Soma lia.

TRUMP IYO CLINTON OO GUULO GAARAY

Donald Trump ayaa sheegay in haatan uu isu haysto inuu helayba tigidhka musharaxnimada xilka madaxtinimada Mareykanka ee Xisbiga Jamhuuriga.

Waxa uu la hadlayay taageerayaashiisa kaddib markii warbaahinta Mareykanku ay sheegtay in uu ku guulaystay dhammaan shanta gobo lee waqooyi bari Mareykanka ee ay ka dhaceen codbixinta isreebreebka.

Dhanka isreebreebka Xisbiga Dimuqraadigana isla gobolladaasi ayey Hillary Clinton waxa ay ka guulaysatay ninka ay aadka isku hayaan ee Bernie Sanders, oo isna dhankiisa la sheegay in uu ku guulaystay Jasiiradda Rhode.

Mrs Clinton oo taageerayaasheeda kula hadlaysay Pennsylvania, ayaa waxa ay ku amaantay Mr Sanders sida tartankiisa uu u xooggan yahay, waxa ayna sheegtay xisbigu uu midaysan yahay.

DAACISH OO XERO CIIDAN KA FURATAY SOMALIA IYO TABABARADA KASOCDA..

Maleeshiyaadka Daacish (ISIS) ee Soomaaliya oo maalintii shalay ka Fulisay Gudaha Soomaaliya weerarkii ugu horeeyay ayaa soo bandhigay Xero lagu tababarayo Ciidamo Caruur u badan oo ay Qorteen si ay howlgalo joogta ah kaga bilaabaan Soomaaliya taasoo ah mid naxdin cusub ku ah shacabka oo niyada ku haya mar u in ay dhamaadaan dagaaladaan iska socda ee maadata lagu xasuuqay.

Daacishta Soomaaliya ka aasaasmeysa ayaa ah dagaalamayaal ka tirsanaa kooxda alshabaab kuwaas oo ka baxay kooxdaasi kadib khilaaf soo kala dhexgalay kadibna isku badalay daacishta Soomaaliya.

DAGAALLADA XADKA SOOMALIYA IYO ITOOBIYA

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaallada maalmahan ka dhacayey degaanno ka tirsan Gobolka Galguduud kuna teedsan xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wararkii ugu dambeeyey ee khasaaraha dagaalladan waxa ay sheegayeen in tobaneeyo qof ay ku geeriyoodeen, qaar badan oo dhaawac ahna la geeyey isbitaalada.

Dadka deegaanka gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo caruur ah lagu dilay dagaalada.

Si kastaba, xaaladda deegaanada dagaaladu ay ka dhaceen ayaa maanta degan, hase yeeshee ma jiraan heshiisyo rasmi ah oo laga gaaray dagaaladan.

CIIDAMADA DOWLADDA OO 8 ASKARI LAGA DILAY

Ugu yaraan siddeed ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa ku dhintay sagaal kalena way ku dhaawacmeen dagaal ay la galeen ururka AlShabaab.

Dagaalka ayaa bilowday 5tii subaxnimo shalay kadib markii maleeshiyo hubaysan oo ka tirsan AlShabaab ay weerareen saldhigga ciidamada dawladda ee Daynuunay oo 18km dhinaca bari ka xigta magaalada Baydhaba.

Saraakiil ka tirsan dawladda iyo goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in ciidamada dawladda ay weerarkaas iska caabiyeen.

Wasiir ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa VOA u sheegay in ciidanku ay heleen xog ku saabsanayd in weerar kusoo socdo.

Intii uu weerarkaasi socday ayaa la sheegay in ciidamo ka socda dawladda oo gurmad ahaan looga diray magaalada Baydhaba ay la kulmeen weerar kedis ah, ayaga oo maraya meel ku taala duleedka magaalada halkaasi oo la sheegay inuu ka dhacay khasaaraha nafeed badankiisa.

Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa VOA u sheegay inay aamisan yihiin in weerarka AlShabab uu daba socday hawlgal ay sameeyeen ciidamada dawladda maalintii Axaddii oo lagu dilay maleeshiyada AlShabaab, hawlgalkaasi oo ka dhacay agagaarka magaalada Buur Hakaba.

Kooxaha Manchester City iyo Real Madrid ayaa barbaro gool la’aan ah ku kala baxay kulankii lugta hore ee Etihad Stadium ka dhacay waxayna labada kooxood ku kala bixi doonaan kulanka lugta danbe ee Santiago Bernabue. Inkasta oo ay Real Madrid qaybtii danbe ee kulakan ay heshay fursado goolal cadaan ah loo fishay oo ay kala heleen Casemiro iyo pepe haddana goolhaye Joe Hart ayaa Sky Blues ka badbaadiyay in garoonkooda wax gool ah looga dhaliyo halka Navas uu dhamaadkii kualnkan badbaadiyay fursadii ugu halista badnayd ee City.KOOXAHA MANCHESTER CITY IYO REAL MADRID OO BARBARO GOOL LA’AAN AH KU GALAY ETIHAD STADIUM, GOOLHAYE JOE HART OO SKY BLUES BADBAADIYAY IYO LABADA KOOXOOD OO KU KALA BIXI DOONA KULANKA SANTIAGO BERNABUE

 

Manchester City ayaa Etihad Stadium ku soo dhawaysay Real Madrid kulanka lugta hore ee Champions Leaquega wareegiisa afar dhamaadka.Manchester City ayaa ku fikiraysay in ay ka faa’iidaysato jamaahiirteeda iyo garoonkeeda waxayna maanka ku haysay culayska ay Santiago Bernabue kaga horeeya ee kulanka lugta labaad.

Tababare Pellegrini ayaa ku soo shirtagay shax xoogan isaga oo difaaciisa ku soo wada bilaabay Sagna, Kompany, Otamendi iyo Clichy, wuxuuna labada burburiye ama dhexda danbe uu markale ku soo wada bilaabay Fernando iyo Fernandinho, waxaana dhexda hore kuwada jiray Navas, Silva iyo De Bruyn iyada oo uu Aguero hogaaminayay weerarka City.

Warka ugu wayn ee Real Madrid ayaa ahayd in Cristiano Ronaldo uu kulankan taam buuxa u noqon waayay inkasta oo hore Zidane u sheegay in xidiga ree Portugal uu boqolkiiba boqol taam ahaa kulankan.Benzema ayaa kulankan taam u noqday waxaana weerarka kula bilawday Lucas Vazguez. manuu jirin isbadalo kale oo uu Zidane sameeyay.

SHAXDII LABADA KOOXOOD EE KULAKANKAN:

Manchester City (4231): Hart; Sagna, Otamendi, Kompany, Clichy; Fernando, Fernandinho; Navas, Silva, De Bruyne; Aguero. Kaydka: Zabaleta, Sterling, Kolarov, Caballero, Delph, Mangala, Iheanacho.

Real Madrid (433): Navas; Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Vazquez, Benzema; Bale.

Kaydka: Varane, Rodriguez, Casilla, Kovacic, Jese, Isco, Danilo.

Kulankan ayay qaybtiisa hore ahayd mid ay labada kooxood si xoogan u difaacanayeen isla markaana ay taxadar wayn ka muujinayeen in ay weeraro buuxa isku qaadaan. Qaybta hore ee kulankan may jirin hal fursad oo halis ahayd taas oo muujinaysa sida wayn ee ay labada kooxood taxadarka umuujinayeen.

Inkasta oo ay Manchester City ahayd kooxda inta badan kubbada maamulaysay haddana waxay ku fashilantay in ay abuurto fursado goolal lagu dhalin karo si la mid ah weerarka Madrid oo waqtiga inta ugu badan ka baxsanaa xerada ganaaxa City iyo goobaha ku dhaw. Benzema ayaa hal mar oo kaliya fursad ku helay xerada ganaaxa laakiin markiina darbadiisa ayaa cirka martay.

Dhinaca kale Sergio Aguero ayaa ku dhibtoonayay in uu kubbada arko iyada oo difaaca Madrid ay ku guulaysteen qaybta hore in ay si buuxda u daboolaan halista Aguero. Manchester C ity ayaa mararka qaar abuuraysay fursado weerar deg deg ah ku imanayay laakiin marka ay ku soo dhawaadaan xerada ganaaxa Madrid ayay wax kastaaba burburayeen.Garsooraha ayaa qaybta hore bixiyay laba kaadh digniin ah oo kaliya oo uu kala siiyay Pepe iyo Silva laakiin Ramos ayaa nasiib ku lahaa in aanu kaadhka digniinta ah qaadan kadib markii uu qalad xun ku galay Fernandinho.

DAQIIQADII 39 aad Manchester City ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay kadib markii uu David Josué Silva uu awoodi waayay in uu dhamaysto qaybta hore ee kulakankan, wuxuuna u muuqday in uu soo gaadhay dhaawac muruqa ah taas oo shaki wayn galin karta ka qayb galkiisa kulanka lugta labaad, waxaana kaydka laga soo kiciyay da’yarka Kelechi Promise Iheanacho, wuxuuna Pellegrini shaxdiisa u badalay 442. Silva ayaa u muuqday in uu dhaawac ka soo gaadhay taakal uu dhinaca danbe kaga yimid Bale kaas oo kaadhka digniinta ah ku qaatay.

Kulankan ayaa noqday kulankiii afraad ee kaliya oo Champions Leaquega ka tirsan ee aan xili ciyaareedkan qaybta hore wax gool ah layska dhalin. Labada goolhaye ayaan wax shaqo ah qaban qaybta hore manuu jirin hal darbo oo ay labada kooxood goolka ku bartilmaameedsadeen. Qaybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay markiiba ciyaartu noqotay mid ka xamaasad badan qaybtii hore waxaana markiiba fursad fiican helay Serigo Aguero laakiin darbo uu ka sameeyay lugtiisa bidix ayaa birta goolka Navas dulmartay.

Zidane ayaa shaxdiisa isbadal ku sameeyay waxaana ciyaarta laga saaray Karim Benzema waxaana lagu soo badalay Jesé Rodríguez. Benzema oo dhaawac ka soo laabtay ayaan u muuqan in uu si buuxda taam u ahaa.Sidoo kale Bale ayaa fursad fiican helay laakiin cadaadis uu kala kulmay Otamendi ayuu ku dhex dhacay xerada ganaaxa City laakiin garsooraha ayaa sheegay in ayna waxba jirin.

DAQIIQADII 55 aad Real Madrid ayaa heshay fursad fiican kadib markii Sergi Ramos uu darbo fiican oo madaxa ah uu ku goolka City ku darbeeyay laakiin goolhaye Joe Hart ayaa si sahlan ku qabsaday kubbada,waxayna Real Madrid bilawday in ay kubbada la qaybsato Man City isla markaana ay fursad abuuris bilawdo.Darbada Sergio Ramos ayaa ahayd darbdii ugu horaysay ee bartilmaameed lagu sameeyay kulankan.

Real Madrid ayaa markan noqotay kooxda kubbad si buuxda u qabsatay waxayna bilawday in ay cadaadis saarto difaaca Manchester City laakiin Man City ayaa bilawday in ay difaacato isla markaana ay qorshaheeda weerar deg deg ah u badasho.

DAQIIQADII 71 aad fursadii ciyaarta ugu cajiibsanayd ayay Real Madrid heshay kadib markii uu Jese Rodruez helay fursad layaableh isaga oo kubbad karoos ahayd oo uu ka helay Carvajal madax ugu darbeeyay dhinaca goolka Man City laakiin darbadiisa uu sida fiican ugu garaacay Hart ayaa birta goolka ku dhacday. Alla maxay City markan sigatay!.

Gareth Bale iyo Luka Modric ayaa sidoo kale darbooyin nasiib kooda ku tijaabiyay laakiin darbooyinkooda ayaa bartilmaameedka seegay waxayna Real Madrid noqotay kooxda goolka furitaanka laga filan karo. Tababare Zidane ayaa markale surwaalka iska jeexay.

Tababare Pellegrini ayaa daqiiqadii 77 aad u adkaysan waayay halista kooxdiisa lagu abuurayay wuxuuna kaydka uga yeedhay Raheem Sterling wuxuuna ciyaarta ka saaray Navas oo qaybta danbe ciyaarta ku dhex muuqbeelay. Manchester City ayaa dhibaato badan kala kulmaysay weerarka Madrid oo ay dhexda Los Blancos si buuxda dabada uga soo ruuxaysay.

DAQIIQADII 80 AAD Markale Real Madrid ayaa ugu dhawaatay in ay ismari waaga jabiso kadib markii uu Casemiro darbo madax ah uu goolka City ku bartilmaameedsaday laakiin goolhaye Joe Hart ayaa awooday in uu lugtiisa ku badbaadiyo wax gool cadaan ah u muuqday.

Laakiin Pepe ayaa helay fursad cidkastaaba ay goolka Real Madrid u filatay kadib markii uu kubbad ku hor helay goolka City isaga oo waliba hali ku noqday Hart, balse ma rumaysan kartin in goolhaye Hart uu markale badbaadiyay wax gool cadaan ah u muuqday. Manchester City ayaa u muuqatay in ay dagaalka khadka dhexe ku guuldarasyatay taas oo Real Madrid siisay fursad ay ku samayso waxa ay doonto.

DAQIIQADII 90 aad Sergio Aguero ayaa kubbad halis ahayd u bixiyay Raheem Sterling laakiin xidigii hore Liverpool ayaa ku fashilmay in uu kubbad si fiican u maamulo waxaana markiiba fursada ka dilay Pepe.Markale De Bruyne ayaa soo jabsaday Carvajal laakiin ayaa doortay in uu kaadhka digniinta ah ku qaato isla markaana uu badbaadiyo fursad halis ah.

DHAMAADKII ciyaarta Kevin De Buryne ayaa ku dhaawaday in uu City u keeno goolka guusha kadib markii uu darbo laadka xorta ah uu ku tuuray goolka Real Madrid laakiin Navas ayaa markiisa bixiyay Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah .

NATIONLINK TELCOME

OGEYSIIS

QIIMO DHIMIS BALAARAN

BISHAARO , BISHAARO, BISHAARO

Shirkada isgaarsiinta Casriga caalamiga ah ee NATIONLINK waxay macaamiisheeda sharafta leh u sameysay Qiimo Dhimis Dal & dibad ah Muddo 2 bilood ah oo ka bilaabaneynsa 18 / 03/2016 waana adeega ku shubashada ah ( prepaid ka)

A. Wicitaanada Gudaha Dalka oo dhan ku shubo $1 kuna hadal 140 daqiiqo Habeen iyo Maalin

 

B. Wicitaanada Dibada : ku shubo $1 oo ku hadal 10 daqiiqo wadamada

·USA.

·CANADA

·CHINA.

·INDIA.

·AUSTRALIA.

·BANGLADESH.

·MALAYSIA.

·PAKISTAN.

·SOUTH AFRICA

·SWEDEN

NATIONLINK ISKUXIRAHA DADWEYNAHA

FAAHFAAHIN DHEERI AH, FADLAN WAC 100/222/333

TAHNIYAD DHALASHO FARXAD LEH.

Maxamed Shiikh Xasan,C/qaadir Shiikh Xasan,Muxudiin Shiikh Xasan,Farxiyo Shiikh Xasan Seygeeyda iyo Carruurteeda,C/Naasir Cali Cumar iyo Xaaskiisa Fowsiyo Shiikh Xasan iyo Carruurtooda Axmed C/Naasir Cali,Yusro C/Naasir Cali, Xasan C/Naasir Cali, C/raxmaan C/Naasir Cali, Yasmiin C/Naasir Cali,Axmed C/Qaadir Gaaboow iyo Xaaskiisa Sacdiyo Xasan Ismaan iyo Caruurtooda, C/Na jiib Axmed C/Qaadir,Nuur Axmed C/qaadir,Madiino Axmed C/qaadir,Deeqo Luul Axmed C/qaadir, C/ri saaq Axmed C/qaadir C/laahi Axmed C/qaadir iyo Maamulka Shaqaalaha Wargeyska Mogadishu Tim es Daily NewsPaper Dhammaan Dadkaasi waxaaya Hambal Dhalasho farxad leh u dirayaan.

DAAHIR QAASIN CARTE & FARTUUN SHIIKH XASAN OoGABAR ugu dhalatay Magaal adaMuqdisho gaar ahaan Dagmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho,Taariikhdu Markeey Aheyd 26 Abriil 2016 Waxana leenyihiin alle haka dhigo tii Dalkeeda Diinteeda Iyo Weliba Dad ke edaba An faca, Soona Bar-baarta Aamiin Aamiin Aamiin

 

 

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip