Turkiga oo sheegay inuu bilaabayo dhismaha 10-kun oo guri oo Muqdisho laga dhisaayo

0
Wednesday April 27, 2016 - 10:30:00 in Wararka by
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo sheegay inuu bilaabayo dhismaha 10-kun oo guri oo Muqdisho laga dhisaayo

    Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayso dhismaha 10-kun oo guri kuwaasi oo laga dhisi doono Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayso dhismaha 10-kun oo guri kuwaasi oo laga dhisi doono Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somaliya.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa 25-kii Bishii Janaayo ee sanadkii 2015-ka wuxuu balan qaaday in Muqdisho uu ka dhisi doono 10-kun oo guri oo dadka danyarta ah ay degi doonaan, xilligaasi uu balan qaadka sameynaayay wuxuu ku sugnaa Magaalada Muqdisho oo uu booqasho ku yimid.

 

turkiya

Ku xigeenka kaaliyaha Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Cali Kamal Aydin ayaa sheegay in si dhaqsi leh ay ku billaabi doonaan dhismaha guryahaasi doorashada August ee la filayo dalka inay ka dhacdo kadib.

Ka hor inta aysan bilaabin dhismaha Guryahan ayuu sheegay Dowladda Somaliya in looga baahan yahay in laga helo Damaanad qaad sharci ah oo ku aadan, maadaama Qarash badan uu ku baxaayo dhulka la iibinaayo iyo dhismaha la bilaabaayo.

Dowladda Turkiga ayuu sheegay inay si rasmi ah uga dhabanayso qorshaha ku aadan balan qaadkii Madaxweynaha dalkaasi uu u sameeyay shacabka Somaliyed, balse la sugaayo inta doorashada dalka ay ka dhaceyso.

Dad badan oo Somaliyed ayaa si weyn ugu farxay balan qaadkii uu u sameeyay Madaxweynaha dalka Turkiga Erdugan in Somaliya uu ka dhisaayo 10-kun oo guri, balse dadka waxa ay isweydiinayaan halka uu ku dambeeyo balan qaadkaasi.

XIGASHO:-DULQAADKA.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip