Faahfaahin ku saabsan xildhibaan ka badbaaday weerar ay ku soo qaadeen kooxo hubeysan

0
Wednesday April 27, 2016 - 10:09:32 in Wararka by
  • Visits: 703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faahfaahin ku saabsan xildhibaan ka badbaaday weerar ay ku soo qaadeen kooxo hubeysan

    Ilaa 4 Askari ayaa ku dhaawacmay kadib markii Kooxo hubeysan oo watay Laba Mooto oo nooca Bajaajka loo yaqaano ee saddexda lugood leh ay xalay bambaanooyin ku weerareen Hooyga Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka uu ka degan yahay Xaafad ka t

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilaa 4 Askari ayaa ku dhaawacmay kadib markii Kooxo hubeysan oo watay Laba Mooto oo nooca Bajaajka loo yaqaano ee saddexda lugood leh ay xalay bambaanooyin ku weerareen Hooyga Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka uu ka degan yahay Xaafad ka tirsan Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.
Saraakiil ka tirsan Booliska Degmada Hodan ayaa Warbahintai u xaqiijiyay in bambaanooyin xalay lagu weeraray Hooyga Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayoow.

Saraakiishan ayaa sidoo kale ayaa sheegay in Askarta dhaawacantay ay ka mid yihiin Ilaalada Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayoow oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaraxa kadib Rasaas Xoogan ayaa laga maqlayay nawaaxiga Hooyga Xildhibaanka.

Xildhibaan Dhaayoow waxba kama soo gaarin Weerarkaasi bambaanada ahaa.

Kooxaha Weerarka geystay oo saarnaan Mooto nuuca loo yaqaano Bajaajka ayaa isaga baxsaday goobta.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ee Dowladda Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa bilaabay howlgallo amaanka lagu xaqiijinayo, inkastoo aan la soo sheegin hadii ay jiraan Dad la soo qab qabtay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Bambaanooyinkan xalay lagu weeraray Hooyga Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayoow oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip