Reik Machar oo dib ugu laabtay magaalada Juba

0
Wednesday April 27, 2016 - 08:38:01 in Wararka by
  • Visits: 795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reik Machar oo dib ugu laabtay magaalada Juba

    Reik Machar oo ahaa Hogaamiyihii mucaaradka Koofurta Sudan ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Jubba, kadib todobaad uu dib ugu dhacayay dib ugu laabashadiisa Juba, taasoo halis gelisay inuu bur buro heshiiskii nabada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Reik Machar oo ahaa Hogaamiyihii mucaaradka Koofurta Sudan ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Jubba, kadib todobaad uu dib ugu dhacayay dib ugu laabashadiisa Juba, taasoo halis gelisay inuu bur buro heshiiskii nabada.

Mr Machar ayaa waxaa soo dhoweeyay xubno ka tirsan golaha wasiirada, markii uu ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Jubba.

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda loo dhaariyo xilka Madaxweyne kuxigeenka Koofurta Sudan, taasoo ah mid dhaqan gelineysa heshiiskii nabadda ee la gaaray bishii Agosto ee sanadkii hore.

Heshiiska Nabadda ayaa qeyb ka ah in la soo dhiso dowlad midnimo qaran, taasoo soo afjareysa dagaalo sokeeye oo muddo labo sano ka socday dalkaas.

Dagaalka sokeeye ee Koofurta Sudan ayaa qarxay bishii December ee sanadkii 2013, xilli la isku dayay in la afgambiyo Madaxweyne Salva Kiir.

Reik Machar ayaa ka cararay Caasimada Juba sanadkii 2013, markii uu bilowday dagaalada, waxaan lagu eedeeyay inuu ka mas’uul ahaa isku dayga afgambiga, hase ahaatee waa uu beeniyay.

boor

Boorar ay ku xardhan yihiin sawirada Mr Reik Machar iyo Salva Kiir ayaa lagu dhajiyay wadooyinka, taasoo qeyb ka ah dadaalada lagu soo afjarayo colaada Koofurta Sudan.

Kumanaan ruux ayaa ku dhimatay dagaalada sokeeye, halka dad lagu qiyaasay labo milyan ay ku barakaceen dagaalada u dhaxeeyay mucaaradka iyo dowladda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip