Ururka Al Shabaab oo dagaal looga saaray Deegaanka Daynuunaay, saacado ka dib markii ay qabsadeen

0
Tuesday April 26, 2016 - 12:35:53 in Wararka by
  • Visits: 784
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Al Shabaab oo dagaal looga saaray Deegaanka Daynuunaay, saacado ka dib markii ay qabsadeen

    Saacado yar ka dib, ayaa waxaa suurta-gashay in Xoogaga Ururka Al Shabaab dib looga saaro Deegaanka Daynuunaay, oo qiyaastii 26km u jirto Xarunta Gobolka Baay Ee Magaalada Baydhabo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacado yar ka dib, ayaa waxaa suurta-gashay in Xoogaga Ururka Al Shabaab dib looga saaro Deegaanka Daynuunaay, oo qiyaastii 26km u jirto Xarunta Gobolka Baay Ee Magaalada Baydhabo.

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa aroornimadii hore ee saakay weerar kedis ahaa ku soo qaaday Ciidankii Dowladda Somaliya, ee gacanta ku haayay Deegaanka Daynuunaay, waxaana u suurta-gashay inay kala wareegaan.

Ciidanka Dowladda Somaliya oo garabsanaaya Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed, isla-markaana gurmad ahaan uga soo amba baxay Magaalada Baydhabo, ayaa hujuum xoogan soo saaray Shabaabkii la wareegay Daynuunaay.

Dagaal muddo kooban socday ka dib waxaa mintidiinta lagu khasbay inay dib u baneeyaan Daynuunaay, waxaana hadda si buuxdo ugu sugan Ciidamada Militariga Somaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Wasiirka Hub Ka Dhigista & Dhaqancelinta Maleeshiyada Koonfur Galbeed, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), ayaa xilligan labada ciidan ku wehlinaaya Deegaanka Daynuunaay.

Abaan Duulaha Ciidanka Xoogga Ee qaybta 60-aad, Ismaaciil Khaliif Shire, ayaa waxaa uu ku faanay in dagaalka ay ku dileen 20 ka mid ah dagaal-yahanada mayalka adag ee Ururka Al Shabaab.

Abaan Duulaha, ayaan kala cadayn haddii uu jiro khasaaro dagaalka ka soo gaaray labada ciidan iyo haddii kalaba, marka laga soo taggo jabka ay ku gaarsiiyeen Xoogaga Al Qaacidada Somaliya.

Maxamed Ibraahim Isaaq (Aflow), Taliyaha Ciidanka Nabad Suggida Baydhabo, ayaa qiray inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo Ciidanka Militariga Somaliya ka soo gaaray dagaalkaasi, balse waxaa uu ka gaabsaday inta uu gaarsiisan yahay.

Ka hor intii aan mintidiinta laga eryin Deegaankaasi Daynuunaay, ayaa waxay horay u kaxeysteen gaari NOAH ahaa, oo sida la sheegay ay leeyihiin Ciidanka Militariga.

xigasho:-dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip