Sheekh Maxamed Idiris oo Maanta mar kale hor-imaanaya Maxkamadku taalla Dalka Mareykanka

0
Tuesday April 26, 2016 - 12:21:47 in Wararka by
  • Visits: 889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Maxamed Idiris oo Maanta mar kale hor-imaanaya Maxkamadku taalla Dalka Mareykanka

    Sh. Maxamed Idiris oo ka tirsan culumada Soomaalida ah ee ku nool Mareykanka ayaa waxaa u bilaabaysa maxkamadii u dambeysay, iyadoo lagu wado inay socoto laba maalmood oo xiriir ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sh. Maxamed Idiris oo ka tirsan culumada Soomaalida ah ee ku nool Mareykanka ayaa waxaa u bilaabaysa maxkamadii u dambeysay, iyadoo lagu wado inay socoto laba maalmood oo xiriir ah.

warbaahinta ayaa sheegay inuu ku rajo-weyn yahay in ALLE uu uga hiillin doono Maxkaamdda, wax wal-wal ahna uusan qabin, waxaana uu Sheekhu sheegay in loo haysto muslimnimadiisa, balse aanay jirin wax dambi ah oo uu galay.

"Walaalaha Muslimiinta, waxaan ka codsanaynaa inay ii soo duceeyaan oo ay i garab is-taagaan, ma jirto dambi aan galay, balse waxa la igu hayso waa inaan Muslim ahay oo keliya. Tan kale ma jirto wax walwal ah waana guuleysan doonaa haddii ALLE ogolaado,” ayuu yiri Sheekh Maxamed oo baraha Bulshadu ku xiriirto kala hadlayay shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Idiris oo la hadlay Dacwad-oogayaal Mareykan ah ayaa waaxay Sheekh Maxamed Idiris ku eedeeyeen inuu taageero kooxo Argagaxiso ah, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo la soo taago Sheekha Maxkamad.

"Maxkamadda waxaan filayaa inay laba maalmood oo xiriir ah socon doonto, balse ALLE waxaan ka rajeynayaa inaan ka guuleysan doono, waayo EEBBE ayaa inooga hiillinaya,” ayuu Sh. Maxamed Idiris ku qoray bartiisa Facebook-ga.

Ugu dambeyn, Sheekha Maxamed Idiris ayaa wuxuu degen magaalada Columbus, Ohio ee waddanka Mareykanka, isagoo aan ahayn Sheekhii ugu horreeyay oo lagu soo eedeeyay in uu taago kooxaha loogu yeero Argagaxisada.

xigasho;-hiiraan.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip