
AKHRISO: Qodobadii laga soo saaray shirkii lagu Xallinnayay Mooshinka Madaxweynaha Somalia
Qodobka 184-aad ee xeerka ciqaabta Soomaaliya ayaa qaba; Qof kastoo ku kaca fal toos ah oo dhulka dowladda Soomaaliyeed gebi ahaan ama qayb ka mid ah hoos-geeya sayaadadda dowlad kale oo shisheeye ah, ama geysta fal wax u dhima madax-bannaanida ama kala dira midnimada dowladda (Waa Khiyaamo Sare oo Qaran), waxaana lagu muteysanayaa ciqaab dil ah.
Haddaba; AKHRISO Qodobbadaxallinta Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha;
iyagoo la diyaariyey
SOOJEEDIN XALLINTA QODOBBADA KU XUSAN MOOSHINKA Qaybta 1aad: Xeer Lam.5 ee 28
Jan 2015: Maadaama Xeerkan uusan marin
habraaca ansixinta sharci‐dejinta iyo meel marinta dalka u degsan oo ay
hindiseyaasha sharci dalka ugu yeeshaan awood
fulineed, waxaan soo jeedineynaa in: 1. Sharcigan laburiyo; 2. Haddii Xukuumaddu ay la tahay in sii jiritaanka sharcigan uu muhiim u
yahay amniga guud ee qaranka,in ay soo mariso Habra aca sharci dejinta si loo
ansixiyo; 3. Haddii Xukuumadda ka maaranto
sida ku xusan faqradda 2ad in qa ybtan, in Wasaaradda Cadaaladda soo diyaariso
habraaca ka saar idda Faafinta Rasmiga ah Ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. HABRAACA FULINTA QAYBTAN WAXAA U XILSAARAN: Wasaaradda
Cadaaladda: Soo diyaarinta looga
saarayo Faafi nta Rasmiga inta lagu gudajiro
Kalfadhiga 7aad. Xafiiska
R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya: Soo gudbinta Hindise Sharciyeedka. • Guddiga Cadaaladda, Awqaafta iyo Arrimaha
Diinta: Dabagalka iyo korjoogteynta Wasaaradda Cadaaladda. Qaybta
2aad:Kala Soocidda Awoodaha Dowladda: 1. Awoodda
Fulinta: Si tuhunka meesha uga baxo,awoodaha hay’ adaha
dastuuriga ah ee dowladdana ku kala cadaadaan, waxaa laga ma maarmaan ah,in
Xukuumaddu si deg deg ah dib u eegis ku samey so Xeerka Nidaamka
Xukuumadda Lr 14 ee 3/6/1962, Sharci Lr. 1 ee
7/2/1965, Sharci Lr 4 ee 24/9/1967 iyo
isbeddelaaddii ka dambeeyey, kuna horkeento in ta lagu gudajiro Kalfadhiga 7aad
ee Golaha Shacabka; HABRAACA FULINTA QAYBTAN WAXAA U XILSAARAN: • Xafiiska
R/Wasaaraha: Diyaarinta Hindisaha iyo
usoo gudbinta Golaha Shacabka Guddi
Hoosaad u xil saaran dabagalka iyo ko rjoo gteynta arrinkan oo uu soo magacaabo
Guddoonka Golaha Shacabka. 2. AwooddaGarsoorka:Maadaama Garsoorku u baahan yahay dib u habayn waafaqasan
Dastuurka iyo inla sugo Madaxbanna anidiisa,kana dhawrsanaado faragelin uga
timaada laamaha kale ee dowladda,waxaa lagama maarmaan ah: A. In si deg deg ah loo ansixiyo
xubnaha Golaha Adeegga Gar soorka ee
horyaalan Golaha Shacabka; B. In si degdeg ah Golaha Shacabka u dhammeystiro Sharciga lagu dhi sayo
Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka iyo in la soo ded ejiyo magacaabista
xubnihiisa; c. In si deg deg ah loo dhammeystiro Sharciga lagu dhisayo Ma xkama dda
Dastuuriga ee hadda horyaala Guddiga Cadaaladda ee Golaha Shacabka iyo ansixinta
xubnaha Maxkamadda Dastu uriga ah; D.In si deg deg ah loo magacaabo Kormeere Garsooreed (Judici al Ins pector)
oo ilaaliya hufnaanta adeegga Garsoorka iyo go’aa nnada gars ooreyaalka,si
waafaqsan Qod.36 Faq.2aad ee Xee rka
Nidaamka Garsoorka Lr 3 ee 12/6/1962; e. In dibueegis lagu sameeyo Xeerka Nidaamka Garsoorka Lr.03 ee 12 Juun
1962 si loo waafajiyo Dastuurka Federaalka Soomaaliya. F. In dib‐u‐habeynta Laanta
Garsoorka iyo dib‐u‐eegis lagu nidaa min ayo meeleynta garsoorayaasha iyo
howlwadeennada laanta garsoorka oo si degdeg ah loo fuliyo si waafaqsan Qodobka 118 (5) ee
Dastuurka iyo Qodobka 5 (2) iyo (3) ee Sharciga lagu dhi say Guddiga Adeegga
Garsoorka oo Golaha Shacabku ansixiyey 30 Juun 2014. HABRAACA FULINTA QAYBTAN
WAXAA U XILSAARAN: Wasaaradda Cadaaladda: Soo
diyaarinta Hindise Sharciyeedka Dib‐u‐eegista Nidaamka Garsoorka ka qeybgelidda
marxaladaha ansix inta hindiseyaalka Maxkamadda Dastuurka Iyo QaraarkaXubnaha
Guddiga Madaxabannaan ee Adeegga Garsoorka. Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka: Ka qeybge lidda
marxaladaha ansixinta hindisaha sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxabannaan ee
Xuquuqul Insaanka iyo Qaraarka ansixinta Xubna ha Guddiga Madaxabannaan ee
Xuquuqul Insaanka. Xafiiska R/Wasaaraha: Isuduwidda iyo
howlgelinta Wasaaradaha kor ku xusan. Guddiga Cadaaladda, Awqaafta iyo
Arrimaha Diinta ee Golaha Shacbiga: Diyaarinta warbixinta
akhrinta 2aad,3aad iyo ansixinta ee
Hindisaha Sharciga lagu dhisayo Maxkamadda Dastuuriga diyaarinta Qaraarka
ansixinta Xubnaha Guddiga Maxkamadda Dastuur ka iyo Qaraarka ansixinta Xubnaha
Guddiga Madaxabannaan ee Adeegga
Garsoorka. FG:arrimahan waa
in lagu dhameystiraa inta lagu gudajiro Kalfadhiga 7aad Ee Golaha. Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka: Dhammeystiridda
warbixinta akhrinta 3aad ee Hindisaha
Sharciga lagu Dhisayo Guddiga Madaxabannaan Ee Xuquuqul Insaanka Diyaarin ta
Qaraarka ansixinta Xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka. FG: howlgalkan waa in la
fuliyaa inta lagu gudajiro Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka. Qaybta 3aad:Hay’adaha
Difaaca, Amniga iyo Nabadsugidda: 1. In Guddiga
Amniga Qaran loo dhiso si waafaqsaan Qod. 111H ee Dastuurka, degdegnaloo soo saaro Sharciga
lagu dhisayo mag acaabidda Guddiga; 2. In dib u eegis
dhab ah lagu sameeyo shuruucda ay ku
dhisan yihiin Ciidam ada Qalabka Sida,
oo ay ka mid yihiin Xoogga Dalka Sooma aliyeed, Ciidanka Booliska Qaranka,Ciidanka Asluubta
iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka si loo waafajiyo Dastuurka
Federaalka iyo baahidda iyo duruufaha
dalka hadda ku sugan yahay; 3. Dhammaan
Ciidamada Qalabka sida in lagu sameeyo tirakoob sax ah oo casriyeysan
(biometric), laguna maamulo daahfurnaan, dhawri sta iyo u kala dambeynta
darajooyinka iyo talinta sharciga, dhexdhexa andimo xagga siyaasadda, laguna
tababaro dhaqangelinta dastuurka ilaalinta iyo kaydinta hubka,sharciyadda
dalka iyo heshiisyada caalamiga oo ay qayb ka tah ay JFS, si waafqasan Qod.127 ee Dastuurka; 4. Dib u eegis dhab ah
lagu sameeyo magacaabista xilalka talisyada Cii adamada Qalabka Sida iyo
hoggaamadooda,si waafaqsan Sharuucda ay ku dhisan yihiin iyo Xeerka Nidaamka
Xukuumadda, laguna saleeyo aqo on iyo khibrad iyadoo magacaabista jagooyiinka sare sida
Taliyeyaasha Ciidamada iyo Ku xigeennadooda
la horgeeyo Golaha Xukuumadda, laguna
soo saaraa Faafinta Rasmiga ee Jamhuuriyadda; 5. In la dhiso
guddiyo kormeer rayad ah oo Hubiya xaaladaha dadka ku jira xabsiyada iyo dadka
ku xiran saldhigyada Booliska iyo hay’adaha amniga, iyo in ay ormeeraan dadka
rayadka ah ee ku sugan deegaan nada colaada ka jirta si waafqsan Qod. 126 (6)
Ee Dastuurka; 6. In la dejiyo nidaam
siyaasadeed ee amni iyo difaac ku wajahan sida ay Dowladdu dib ugu hanan lahayd
sugidda amniga iyo difaaca dalka iyo in dib u eegis lagu sameeyo heshiiska SOMA
2007 oo ay ciidamada AU ku joogaan dalka; 7. In si degdeg ah loo
dejiyo Sharci habeeya Ilaalada gaarka ah oo ay Is ka leeyihiin (Private Security) Shirkado Soomaali
iyo kuwo ajanabi ahba leh si xogtooda, howlgaladooda iyo xadgudubyada ay
galaanna lo oga warhayo; == Wasaaradda Gaashaandhiga: Soo diyaarinta dib‐u‐eegista Sharciga lagu dhisay
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ‐in tirakoob sax ah oo casriyeysan
(biometric) lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaiyeed – soo diyaarinta
dib‐u‐eegista heshiiska SOMA 2007 oo ay ciidamada AU ku joogaan dalka. Page 5 of 10 Wasaaradda Cadaaladda: soo
diyaarinta dib‐u‐eegista Sharciga lagu dhisay Ciidanka Asluubta ‐ in tirakoob
sax ah oo casriyeysan (biometric) lagu sameeyo Ciidanka Asluubta. Xafiiska R/Wasaaraha:isuduwiddaiyo howlgelinta Wasaaradaha kor ku xusan iyo soo gudbinta Hindise
Sharciyeedyada. Guddiga Arrimaha Gudaha,
Maamullada Gobollada iyo Amniga ee Golaha Shacabka: Dabagalka iyo korjoogteynta howlaha loo xilsaaray
Wasaaradda Amniga. Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka: dabagalka iyo
korjoogteynta Howlaha kor
ku xusan ee loo xilsaaray Wasaaradda Gaashaandhiga. Guddiga Cadaaladda, Awqaafta iyo
Arrimaha Diinta ee Baarlamaanka: Dabagalka iyo korjoogteynta howlaha kor ku xusan ee
loo xilsaaray Wasaaradda Cadaaladda. Qaybta 4aad: Hantida
Guurtada iyo Maguurtada Dowladda iyo Dadweynaha: 1. Hantida Guurtada: Arrimaha ku saabsan lacagta ay lahayd Dowladda ee
taallay Bankiga Federaalka ee New York, in Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga
Dhexe ay soo baaraan, una soo gudbiyaan Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Warbixin dhab ah oo ay ku tifaftiran yihiin
raadraaca lacagtaas iyo halka Ay ku dambeysay si Guddiga Maaliyadda tallooyiinkiisa
arrinkan ugu abbaaran ugu horgeeyo fadhiga guud ee Golaha Shacabka. 2. Hantida Maguurtada ee Dowladda: a. dhammaan hantida maguurtada ah ee
ku jiray milkiyadda dowladda dhexe ee ku lahayd
dhammaan gobollada dalka taniyo 1990 oo ay ka mid yihiin dhismooyin iyo dhulal,
Gegooyinka Dayuuradaha, Dekedaha, Cisbitaallada, Iskoollada, Xarumaha
Ciidamada, Warshadaha, Beeraha, Garoonnada Ciyaaraha,
Hoteellada, Rugaha Caafimaadka, Beeraha
Nasashada (jardiimooyin) iyo Xurumaha kale Oo ay ku jiraan, kuna koobneen kaalimaha shidaalka
oo ay dowladdu lahayd, oo si aan
sharciga waafaqsaneyn taniyo 31 Diseembar 1990 ka dib Lagu wareejiyay shakhsiyaad ama hay’ado waa in laga
Soo saaro sharci lagu Burinayo laguna soo celiyaa milkilyadda dowladda
dhexe, b. Sido kale dhismooyinka iyo
dhulalka milkiyadda dowladda oo lagu kireeyay, si aan waafaqsaneyn shuruucda dalka ama aan loo
tartamin waa in dib loogu noqdaa, laguna saleeyaa sharciga iyo
nidaamka lagu bixiyo qandaraasyada qaranka; Page 6Of 10 c. In hay’adaha Dowladda Federaalka
mid walba hantida milkiyadda maguurtada ah ee dowladda oo hay’ad ahaan iyo
xilahaan u hoos yimaada maguurtooyinka dowladdu ee ku tilmaaman
faqradda (a) iyo (b) in ay soo
tirakoobaan soona caddeyaan xaaladda milkiyadda ku sugan tahay, cidda lagu
wareejiyay ama laga kireeyey; 3. Hantida maguurtada gaarka ah: Ee muwaadiniinta iyo milkiyada maguurtada ay
lahaayeen hay’adaha leh Xasaanadda Diblomaasiga ah, dadka ajenebiga ee dalka
deggenaa oo wixii Ka dambeeyey 1990 si sharcidarro ah looga qaaday ama
looga haysto ama Looga qaaday qaraar dowladeed ama xukun maxkamadeed
oo aan waafa qsaneyn Shuruucda dalka, waxay noqonayaan wax kama jiraan, waxaana Loo dhisayaa guddi madaxbannaan oo awood u leh
isu‐celinta hantida Gaarka ah, si waafaqsan mabda’a guud ee Guddiyada
Madaxbannaan Ee ku xusan Qod. 112 ee Dastuurka. HABRAACA FULINTA QAYBTAN WAXAA U XILSAARAN: Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya: Inay Guddiga
Maaliyadda ee Golaha Shacbiga u soo gudbiyaan warbixin Dhab ah oo ay ku tifaftiran yihiin raadraaca iyo
halka ay ku dambeysay Lacagta Dowladda u tiilay Bankiga New York. Waasaaradaha Howlaha
Guud, Gaadiidka, Dekedaha, Caafimaad ka, Waxbarashada, Gaashaandhiga, Beeraha,
Ganacsiga iyo War shadaha, Dhallinyarada iyo Isboortiga, Warfaafinta iyo
Dalxiis ka, Batroolka Guddoomiyeyasha Maamul‐Gobolleedyada, Guddoomiyeyaasha
Gobollada iyo Degmooyinka: in Hay’ad
walba Ay soo tirakoobto milkiyada maguurtada ah ee ku tilmaaman Faqradda 2 (a) iyo (b) kor ku xusan oo ay
dowladda dhexe laheyd taniyo 1990 kana soo
warbixiso: o xaaladaha milkiyadu
ku sugan tahay; o Cidda siismo loogu wareejiyey ama laga gaday ama laga kireeyey
ama sharcidarro lagu heysto. Wasaaradaha: Beeraha, Howlaha Guud,
Arrimaha Dibadda, Guddoomiyeyasha Maamul‐Gobolleedyada, Guddoomiyeyaas ha Gobollada iyo
Degmooyinka: In hay’ad walba ay soo tirakoobto milkiyada maguurtada ah ee gaar ahaan ta loo
leeyahay kuna Page 7 Of 10 tilmaaman Faqradda 3 ee kor ku xusan kana soo
talabixiyaan tabta ugu haboon ee la isugu hanticelin karo. Xafiiska R/Wasaaraha – inuu soo diyaariyo
Hindise Sharciyeed wax kama jiraan ka dhigaya milkiyad kasta oo ka mid ah
maguurtada ku tilmaa man Faqradda 2 (a) iyo (b) kor ku xusan oo ay dowladda
dhexe laheyd tani yo 26/01/1991, oo aan si sharciga waafaqsaneyn lagu bixiyey, lagu
gaday ama lagu kireeyey iyo – isuduwidda iyo howlgelinta Wasaaradaha kor ku
xusan iyo soo gudbinta Hindise Sharci.– Hindise Sharci lagu dhisayo Guddi Madaxbannaan ee isucelinta hantida gaarka ah oo leh awood
fulin loona xilsaaro meelmarinta isu‐celinta maguurtada. Guddiga Xaqiiqo Raadinta, Dib‐u‐heshiisiintaiyo Hanti isu‐celintaee Golaha Shacabka oo kaashana Guddiyada kale ee Golaha Shacabka ayaa u xilsaaran dabaggalka iyo
korjoogteynta hay’adaha kor ku Xusan iyo ansixinta Hindise Sharciyeedka lagu soo
celinayo milkiyadda Dowladda Dhexe iyo Hindisaha lagu dhisayo Guddiga
Madaxabannaan Ee isu‐celinta hantida gaarka ah. Qaybta 5aad: Heshiisyada iyo Qandaraasyada: Si loo hirgeliyo loona sugo, daah furnaanta, iyo
sixidda maamulka gelidda heshiisyada iyo qandaraasyada loona waafajiyo
shuruucda dalka ee xeeriya Heshiisyada iyo qandaraasyada waxaa lagu heshiiyay
sida halkan hoose ku qoran: 1. Heshiisyada: a.In Guddiga
Qaranka ee iibka iyo Qandaraasyada kmgh uu warbixin tifafti ran u keeno Guddiga
Maaliyadda ee Golaha Shacabka heshiiska ay Xukuumadda la gashay Shirkadda Soma Oil and Gas lana soo raaciyo tallaabooyinka loo baahan yahay in
laga qaado iyo talooyinka uu ka soo jeediyey Guddiga Hubinta Hufnaanta ku
Dhaqanka Maaliyadda Xukuumadda "FGC”Financial
Governance Committee. b.In heshiiska
ay Xukuumadda la gashay Shirkadda Fishguard Ltd laga dhigo
wax kama jiraan sida uu ku soo taliyey Guddiga (FGC). c.In Heshiis
kasta oo kale oo aan loo marin si waafaqsan Sharciga Qaranka ee Qandaraasyada iyo iibka waa in dib loo waafajiyaa
Sharciga hadda jira. Page 8 Of 10 d. In dhamman
heshiisyada uu Guddiga Hubinta Hufnaanta ku Dhaqanka Maaliyadda Xukuumadda
(FGC) ku taliyay in la buriyo, ama dib u Gorgortan la geliyo ama sharciga la waafajiyo
iyagana in sida uu Guddiga Ku soo taliyey loo fuliyo, warbixintoodana Golaha loo keenaa. 2. Qandaraasyada: a. Sidoo kale dhamman qandaraasyada
oo Guddiga Hubinta Hufnaanta ku Dhaqanka Maaliyadda Xukuumadda (FGC) ku taliyay in
la buriyo ama dibu‐eegis ama dib‐ugorgortan la geliyo loo fuliyo sida guddigaas
ku soo taliyey; b. Qandaraasyada lala galay Shirkadaha FAVORI iyo ALBAYRAK oo Golaha Shacbiga ka
soo saaray qaraarro Baarlamaani ah, waa in Xukuumaddu inta lagu gudajiro
Kalfadhiga 7aad ay horkeento Golaha Shacbiga warbixin tifaftiran oo ku saabsan
wixii qandaraasyadan ka fulay Sharci waafajintooda. c. In qandaraas
kasta oo kale oo aan loo marin si waafafqsan "Sharciga Qar anka ee
Qandaraasyada iyo iibka” waa in Sharciga dib loo waafajiyaa; d. Golaha Shacabka waa in uu sida
ugu dhaqsaha badan u soo dhamaysti raan waxka‐beddelka Sharciga "Qaranka ee
Qandaraasyada iyo iibka” (pro curement law) si looga fogaado khaldaadkii hore u
dhacay oo kale. e. Taniyo inta laga ansixinaayo
Sharciga Qaranka Iibka iyo Qandaraasyada, Xukuumadda waa in ay ilaalisaa ku dhaqanka Sharciga
Qaranka ee Qandara asyada iyo iibka ee hadda jira. HABRAACA FULINTA QAYBTAN WAXAA U XILSAARAN: Guddiga kmg ee iibka iyo Qandaraasyada
iyoHanti‐Dhowrka Guud ee Qaranka: In sida
qeybtan kor ku xusan lagu go’aamiyey ay soo diyaariyaan inta lagu
gudajiro Kalfadhiga 7aad warbixin tifaftiran oo lagu fuliyey Heshiisyada Iyo Qandaraasyada la tirtiray,kuwa toosin lagu
sameyey oo Sharciga la soo Waafajiyey iyo kuwa gorgortan loogu noqday. Xafiiska R/Wasaaraha: Isuduwidda iyo howlgelinta hay’adaha kor ku xusan. Page 9 Of 10 Guddiga Maaliyadda
G/Shacabka: In uu si
degdeg ah u soo diyaariyaa Akhrinta 2aad iyo 3aad iyo ansixinta Hindise
Sharciyeedka Guddiga Qaranka ee iibka iyo Qandaraasyada Dabagalka, hubinta iyo
korjoogteynta hay’adaha kor ku xusan iyo fulinta Howlaha loo xilsaaray. Qaybta 6aad: La‐dagaalanka Musuqmaasuqa Hay’adaha Dowladda: 1. In si deg deg ah loo
dhiso Guddiga Ladagaalanka Musuqmaasuqa Si waafaqsan Qod
111C ee Dastuurka; 2. In si deg deg ah
lagu bixiyo qoondooyinka mushaarka u yaala Ciidamada Qalabka Sida oo aan wali la bixin, bil walbana
goorteeda la bixiyo; 3. Sidoo kale in mushaharooyinka Shaqaalaha Rayidka ah ee
Dowladda bil walba goorteeda la bixiyo ayadoo la raacayo sharciga qoondaynta
Miisaan iyadda. 4. Si looga hortago
musuqmaasuqa iyo ku takrifalka maaliyadda dowladda waa in dib‐uhabayn maamuleed
lagu sameeyo dhamman hay’adaha dowl adda ee qabta kuna takrifala
dakhlidowladeedka iyo hay’adaha wixii qoon de ahaan loo siiyey ugu dhaqma si
aan musuqmaasuq ka marnayn in tallabo Cad laga qaado. HABRAACA FULINTA QAYBTAN
WAXAA U XILSAARAN Wasaaradda Cadaaladda: Soo
diyaarinta Hindise Sharciyeedka lagu dhisayo Guddiga Madaxabann aan ee
Ladagaallanka Musuqmaasuqa Wasaaradda Maaliyadda: Nidaaminta bixinta Mushaarooyinka Ciidam ada Qalabka
Sida iyo Shaqaalaha Rayadka ah ee Dowladda oo bil walba goorteed la bixiyo. –
Nidaaminta ka hortaga takrifalka qabashada dakhliga Dowladda iyo musuqmaasuqidda Maaliyadda. Xafiiska R/Wasaaraha: isuduwidda iyo howlgelinta Wasaaradaha Kor ku xusan iyo soo gudbinta Hindise Sharciyeedka. Guddiga Cadaaladda: dabagalka iyo
korjoogteynta Wasaaradda Cad aaladda iyo hubinta diyaarinta Sharciga lagu
dhisayo Guddiga Madaxaban naan ee Ladagaalanka Musuqmaasuqa. Guddiga Maaliyadda: dabagalka iyo
korjoogteynta fulinta howlaha qe ybtan
loogu xilsaaray Wasaaradda Maaliyadda. Tell:+252‐612224442/+252‐615577472 E‐mail.speaker@parliament. gov.so
Website:
iyagoo sida ay xafiska ugu soo baxeen ah hoos ayey ku yaalaan:-
Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo gunaanadkii shirka ka hadlay ayaa sheegay in mooshinkan uu halkaas kaga dhan yahay, loogana baahan yahay xildhibaannada Soomaaliya inay ajiibaan qodobbada ku xusan qoraalkan.
Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa isagana ka sheegay shirka in xukuumad ahaan ay ka shaqeyn doonaa fulinta qodobbadan, ayna kala shaqeyn doonaan cid walba oo ay khuseyso.
Ugu dambeyn, Qodobadan kasoo baxay shirka xallinta mooshinkii madaxweynaha ayaa la hor-geyn doonaan golaha wasiirrada xukuumadda Somalia, iyadoo markaas kaddibna loo gudbin doono xildibaannada baarlamaanka si ay cod ugu qaadaan.
qeynta kale oo looga hadlayey qimaayo qaran oo ah sidaan hoose ku qoran:.........................................................
Micnaha Khiyaamo Sare ee Qaran:
Khiyaamo sare ee qaran waa arrin uu
si cad u qeexay qodobka 184aad ee Sharciga ciqaabta u degsan dalka, oo halkan
hoose ku minguursan: Falalka lid ku ah bedqabka dhulka,
ama madaxbannaanida ama midnimada Dawladda Soomaaliya waa: khiyaamo sare ee
Qaran. Qodobka
184 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qof
kasta oo ku kaca fal toos ah, oo dhulka Dawladda soomaaliyeed gebi ahaan ama
qayb ka mid ah hoos geeya sayaadadda dawlad kale oo shisheeye ah, ama geysta
fal wax u dhima madaxbannaanida ama kala dira midnimada dawladda (waa khiyaamo
saree qaran), waxaana lagu muteysanaya ciqaab dil ah. المادة
184 من قانون العقوبات الصومالي المادة
184 من قانون العقوبات الصومالي تنص على ما يلي: "كل من يرتكب فعل مباشر
لإخضاع أراضي الدولة أو جزء منه لسيادة دولة أجنبية، أو للحد من الاستقلال، أو بحل
وحدة الدولة، يجب أن يعاقب بالقتل " Acts
against the integrity, the independence or the unity of the Somali State: High
Treason Article
184 of the Somali Penal Code reads: "Whoever commits an act direct to
subject the territory of the State or a part of it to the sovereignty of
foreign State, or to diminish the independence, or to dissolve the unity of the
State shall be punished with death” Attentati contro l’integrita’,
l’indipendenza o l’unita’ dello Stato Somalo; alto tradimento: L’ articolo 184 del Codice Penale
Somalo dice:
AKHRISO: Qodobadii laga soo saaray shirkii lagu Xallinnayay Mooshinka Madaxweynaha Somalia
Waxaa maanta lagu soogabagabeeyay shirkii looga hadlayay xallinta qodobbada mooshinkii ay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ka keeneen madaxweynaha Somalia, iyadoo laga soo saaray warbixin ka kooban 10-bog oo la sheegay inay yihiin kuwii la