Al-Shabaab Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Kontrool Ku Yaalla Gobolka Galgaduud

0
Monday December 06, 2021 - 08:47:04 in Wararka by
  • Visits: 609
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Kontrool Ku Yaalla Gobolka Galgaduud

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wararka inaga soo gaaraya degmada Godinlabe ee gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay xalays aq-dhexe weerar ku gaadeen Demadaasi.

Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay xalay saq-barkii weerar ku ekeeyeen Kontoroolka Koofureed degmada Godinlabe ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo ay la wareegen gacan ku haynta guud degmada.

Goobjoogayaal ku sugan Magaalada ayaa inoo sheegay in ay arkeen xybno ka tisan Al-Shabaab oo qabsaday Kontoroolka Koofureed degmada Godinlabe, halkaasi oo muddo saacado ah ay maamulayeen.

Balse ugu dambeyn Al-Shabaab ayaa dib uga labtay Goobahii ay qabsadeen sida warar aynu halnay ay xaqiijinayaan sidoo kale lama soo warin wax khasaaro ah, waxaana dadka degaanku ay inoo sheegeen in aysan ogaan Karin haddii uu jiro khasaaro.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Degmada iyo kan Galmudug, oo ay kaga hadlayaan weerarkaas la sheegay in xalay uu ka dhacay Kontoroolka Koofureed degmada Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Dagaalamaayasha Al-Shabaab ayaa tiro dhowr jeer ah waxaa ay weeero kala duwan ku qaadeen degaanno ka tirsan Gobolkaasi, waxaana horay dagaallo culus kula galeen Gobolada Galgaduud iyo Mudug Ciidanka Dowladda iyo Galmudug oo isku dhinac ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip