HALKAAN KA WARARKA W.GEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 1-DA DICMBAR 2021-KA
Waxyaabihii ay ka wada-hadleen Farmaajo iyo Sheekh Tamim oo la shaaciyey
Madaxweynaha waqtigisia dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar ku jooga dalka Qatar ayaa Shalay la kulmay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani.
Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamim ayaa ka wada hadlay arri mo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka So omaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo la bada dhinacba faa’ido u leh sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia.
Madaxtooyada ayaa sheegtay in Farmaajo uga mahadceliyay Qadar fulinta Mashaariicda dhismaha jidadka isku xira Muqdisho, Afgooye, Balcad iyo Jawhar, dhismaha Xarumo muhiim u ah Dowladda iyo baahinta adeegyada aas-aasi ga ah ayaa tilmaamay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dalka iyo horumarkiisa.
Dhankiisa, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad ayaa ku bogaadiyey xiriirka labada dowladood, midnimada iyo wadajirka ay ugu taagan yihiin dib u kabashada dalka, isaga oo muujiyey dareen walaalnimo oo ku aaddan horumarka dalka iyo guulaha muuqda ee aynu xaqiijinnay sanadihii la soo dhaafay.
Kulankan waxaa Madaxweynaha ku weheliy ey Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrima ha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabd isaciid Muuse Cali iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xamsa Siciid Xamsa iyo Danjiraha Soomaaliya ee dalkan Qadar Cabdirisaaq Faa rax Cali Taano. Xigasho:Casimadda.Net
Xog: Rooble oo wada qorshe doorashada 38 kursi oo dheeri ah lagu keenayo Muqdisho
Xukuumadda ra’iisul wasaare Maxamed Xus een Rooble ayaa qorsheyneysa in Muqdisho loo soo wareejiyo doorashada golaha shacabka ee magaalooyinka Beledweyne iyo Garbahaarey, sida aysheegtay in ay og aatay Caasima da Online.
Ilo-wareedyo lagu kal soon yahay ayaa Caasi mada Online ay sheegtay in uu u sheegay in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaal uu ra’iisul wasaaraha uu madaxweyne Fa rmaajo ugu gacan gelinayo maamulka kuraas dheeri ah oo ka tirsan baarlamanka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa horey si dadban ugu maamulayey kuraasta taalla Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo ay madax ka yihiin laba nin oo ka mid ah xulafadiisa, wuxuuna goor hore xaqiijiyey in kuraas dhowr ah loo boobay xubno uu wato.
Magaalada Beldweyne ayaa waxaa la qo rsheeyey in lagu doorto 22 kursi oo ka mid ah gol aha shacabka, halka Garbahaarey loo qorshee yey 16 kursi.
Hase yeeshee, in doorasho lagu qabto laba dan magaalo ayaa waxaa hortaagan caqabad xooggan, maadaama labada madaxweyne ee Jubaland iyo HirShabelle Axmed Madoobe iyo Cali Guudaalwe ay diidan yihiin qabaa’ilka dega labadaas magaalo.
Dadka degan labada magaalo ma diidana in doorasho lagu qabto, hase yeeshee labada mad axweyne goboleed ayaan heli karin awood bu uxda oo ay ku maamulaan doorashada halkaas, sidaas darteedna guddiyada doorashada oo ay magacaabeen ayaan diyaar u aheyn inay halk aas tagaan kuna qabtaan doorasho.
Ayada oo arrintaas qiil laga dhigayo, ayaa Rooble iyo guddiga doorashada heer federal wa xay qorsheynayaan inay ku dhowaaqaan inaan halkaas lagu qabin karin doorasho.
Balse arrintan yaabka leh ayaa ah; in intii doo rashada loo wareejin lahaa caasimad gobo leedyada labada maamul ee Kismaayo iyo Jow har, in Rooble iyo guddiga doorashada ay qor sheynayaan in la keeno Muqdisho, taasi oo si toos ah maamulka doorashada ugu gacan gelin eysa Vill Somalia.
Xogta ay sheegtay in ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in sababta Rooble uusan u dooneyn in doorashada la geeyo Kismaayo ay tahay in Farmaajo uu weyn doono maamulka 16-ka kursi ee Garbahaarey. Balse ma cadda sab abta uu tan Beledweyne u dooneyn in la geeyo Jowhar, maadaama Farmaajo iyo Cali Guudla awe aysan isku xumeyn.
Dhinaca kale, siyaasiyiinta iyo odayaasha be esha Xawaadle ayaa diidan qorshaha Rooble, waxayna ku adkeysanayaan iney doorashadu ka dhacdo magaalada Beledweyne, oo aysan wax dhib ah ka jirin. Waxaa sidaas oo kale qaba siy aasiyiinta iyo odayaasha beesha Mareexaan.
Qorshaha Rooble iyo guddiga doorashada ay aa wajahaya hal caqabad oo ah beesha caal amka, maadaama uu ka horimanayo heshiisyadii 17-ka September 2020 iyo 27-ka May 2021 ee doorashada.
Waxaa hadda socda qorshe lagu cadaadin ayo beesha caalamka inay arrintan aqbasho, balse ma cadda inay ogolaan doonto.
Beesha caalamka ayaa horey walaac uga mu ujisay boobka doorashada ee ka socda qaar ka mid ah caasimad goboleedyada, oo lagu eedeey ey Villa Somalia, waxaana in kuraas kale loo gac an geliyo madaxtooyada ay u muuqataa mid aan la aqbali karin.
Rooble ayaa Axaddii kulan la yeeshay xubn aha Midowga Murashaxiinta oo saluugsan qaa bka doorashada golaha shacabka ay u socoto iyo boobka lagu hayo kuraasta, balse sida muu qata Rooble wuxuu 100% isku dhiibay Farmaajo, wayna adag tahay in dib loo soo celiyo.
XIGASHO:CAASIMADDA.NET
Midowga Musharaxiinta mucaaradka oo qaadacay doorashada dalka ka socota
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray shirar maalmihii la soo dhaafay u socday oo looga hadlayay geeddi socodka doorashooyinka dalka, ayaa caddeeyay in waxa socda aan lagu tilmaami karin doorasho oo ay tahay boob qaawan oo dalka u horseedi karta qalalaase siyaasadeed, xasillooni darro iyo nabadgelyo la’aan.
Sidoo kale qoraalka Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in aan lagu fiirsan karin sida ay wax u socdaan, isla markaana aysan raali ka noqon karin boob ay sheegeen inuu ku socdo doorashada.
Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu cadeeyey in mas’uuliyadda wixii ka dhasha boobka doorasha da ay qaadi doonaan madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
"Golaha Midowga Murashaxiinta kulan uga fur may magaalada Muqdisho intii u dhexaysay 25-30/11/2021 ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, ga ar ahaan geeddi-socod ka doorashooyinkii la fil ayey in ay dalka ka qab soomaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Golaha ayaa soo saaray todoba qodob oo ay ku soo koobeen qaladaadka uga dhex muuqda doorashada socota, kuwaas oo kala ah:
1- In laga tegey odayaashii dhaqanka ee xaqa u lahaa in ay soo xulaan ergooyinka dooranaya xildhibaanada.
2- In aysan jirin ergo la xulay, la diiwaan geli yey, la tababaray, guddiga doorashooyinka ee heer Federaalna (FIET) ay hubiyeen.
3- In ergooyin laga dhigay shaqaalihii rayidka ahaa, ciidanka dawladda iyo dad aan mararka qaar ku hayb ahayn qabaa’ilka kursiga lahaa.
4- In loo diiday diiwaan gelinta tartanka kur siga xildhibaanno kuraasta hore ugu fadhiyey, iyo kuwo kale oo xaqu lahaa, halka la diiwaan gel iyey xubno aan soo buuxinin shuruudihii diiwaan gelinta.
5- In ay luntay madaxbannaanidii, iyo dhe xdhexaadnimadii guddiyada doorashada heer dawlad goboleed, kuwaasoo toos uga amar qaa danaya Madaxweynaha dawlad-goboleedka, hal ka guddiga doorashada ee heer federaal ka amar qaataan madaxda federaalka.
6- In guddiyada labada heer aysan kala amar qaadanaynin, Guddiga Xallinta Khilaafaadka uu gabay hawshii loo xilsaaray, isagoo diiday qabashada cabashooyinka, kuwii loo gudbiyeyna aanan u cadaalad falin.
7- In aysan jirin korjoogtayn iyo tebin toos ah ee warbaahineed si loo hubiyo in si daahfuran u dhaco tartanku.
"Haddaba, haddii ay meesha ka baxeen dha mmaan shuruudihii hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada, waxay doorashadi la sugayey isku bedeshay boob qaawan oo dalka u horseedi kara khilaaf siyaasadeed, xasillooni darri, iyo burbur ku yimaada dawladnimada,” ayaa lagu yiri qora alka.
Sidoo kale golaha ayaa war-saxaafadeedkaan ku cadeeyey lix qodob oo ay sheegeen in sha cabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay u cadeynayaan.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:
Waare: Villa Soomaaliya waxay iskuday aysaa in ay burburiso xasiloonida Puntland
Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa Puntland uga digay haga rd aamo uu sheegay in ay la damacsan yihiin mad axda dowladda federalka Soomaaliya, isagoo she egay in laga faaidaysanayo khilaafka arrimaha ciiddanka.
Madaxweyne Waare ayaa wareysi dheer oo uu bixiyay, wuxuu ku sheegay in madaxda Villa Sooma aliya ay ku jiraan dagaal federal diid ah, oo cidda kaliya ee hartay ay tahay Puntland.
‘Ma idin la tahay haddii taladu Xamar taallo, in dekeda Garacad dhismi lah ayd oo Markab kusoo xiran lahaa. Nin kii ii dhagax dhig ka weyay, makula tahay inuu kaa yeelayo dhismaheeda?,’ ayuu yiri madaxweyne Waare oo wareysi gaar ah bixiyay.
Waare, wuxuu sidoo kale sheegay in villa Soo maaliya ay dagaal kula jiro musharraxnimadama daxweyne Deni, ayna qaadayso tallaabo kaste oo lagu burburinayo xasiloonida Puntland.
Wuxuu sheegay in dowladda federalka iskudayayso in ay kala furfurto Puntland arrimaheeda gudaha , iy adoo ka faaidaysanaysa khilaafka ka dhextaagan madaxweyne Deni iyo hay’adda PSF.
Waare, wuxuu kula taliyay ciiddanka PSF in ay joojiyaan amar diida ayna u hoggaansamaan awa amiirta madaxweyne Deni kasoo baxa.
Boqor Buur madow oo dhalleecayn kala kulmay hadal uu kasii daayay warbaahinta
Dhaleecayn weyn ayaa ka dhalatay hadal uu warbaahinta kasii daayay boqor Cismaan Aw-max amuud Maxamed (Buur madow) oo katirsanmadax dha qameed ka So ma liland, kaasoo ma almahan ku su gan magaalada Muqdisho.
Boqor Buur madow ayaa meel madal ah uu ka ha dlayay ka sheegay in Soomaaliya ay ka jirto labo do wladdood oo kala ah Al-Shabaab iyo Dowladda Federaalka.
Wuxuu sheegay in shaqsiyaad isaga ku qabiil ah ay xukumaan Kooxda Al-Shabaab. Wuxuu sidoo ka le naxariis u rajeeyay hoggaamiyihii hore ee kooxda Axmed Gudane, markii duqayn lagu dilay 2014.
Masuuliyiin xilal kasoo qabtay Soomaaliya iyo ma amulada dalka , ayaa hadalka Buur madow ku tilma amay ku digasho iyo in uu damqinayo bulshada ay dhibaatooyinka kala duwan u geysatay Alshbaab.
Dadka arrintaas ka hadlay waxaa kamid ah wa siirkii hore ee amniga Galmudug, Axmed Mocalin Fiqi oo ku eedeeyay boqor Buur madow in ereyadii uu ku hadlay ay yihiin kuwa aan xakamaysnayn oo u ekayd digasho aan geedna loogusoo gamban.
"Boqor Buurmadow haddii uu ka samafalay dad kii Laascaanood sida aan wanaagsanayn looga soo tarxiilay, waxaa looga fadhiyaa in uu diyaariyo mag dhowgii dadkii kumanaanka ahaa ee Godane iyo xarakadiisu ay laayeen”, ayuu yiri, Wasiirkii hore ee amniga Galmudug.
Fiqi ayaa ugu baaqay boqor Buur madow inuu ra ali galin degdeg ah ka bixiyo hadalka uu sheegay, isagoo tilmaamay in aanay isku qalmin sida weyn ee loosoo dhoweeyay iyo boogaha uu damqiyay.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad ayaa isna kamid ah dadka ka ha dlay arrintaan, wuxuuna ugu baaqay in arrintaan uu raalli galin ka bixiyo boqorka ay xog-ogaalnimo darro u geysay.
Cismaan AW-Maxamuud Maxamed [Buurmado ow], ayay si weyn odayaasha dhaqanka beelaha Koofure, u soo dhaweeyeen, waxaana caasimadda loogu sameeyay munaasabada kala duwan oo lagusoo dhoweynayay.
Maamulka G/Banaadir Oo Sheegay Inay Gudbiy een Dacwad Ka Dhan Boqor Buurmadow
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay gudbiyeen dacwad ka dhan Cismaan Aw Maxa muud Maxamed "Boqor Buurmadow si loo soo xiro.
Guddoomiye Ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray inay gudbiyeen dacwad ay ku codsanayaan in lagu soo xiro Buurmadoow.
"Gefkii ka soo yeeray Buur madow ee uu cadowga Alshabaab ku taageeray uguna aqoonsaday "Dowlad” reerkiisu maamulo” ayuu yiri Cali Yare.
ilaa iyo hadda ma kala cadda halka uu dac wadda ka furay Cali Yare.
Boqor Buurmadoow oo maalmahan booqasho ku marayay Muqdisho ayaa la arkayay isaga oo jeedinayo hadal uu ku sheegayo in ‘Shababka’ ay madax ka yihiin beeshiisa isla markaana ku tilma amay ‘dowlad aanan lagu tartamin’
Dadka ka hadlay arrintan waxaa kamid ah wasi irkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad oo ugu baaqay Boqor Buurmadow in uu raaligelin ka bixiyo hadalka.
Boqor Buurmadow oo raali-gelin iyo fasir aad ka bixiyey hadalkii muranka dhaliyey
Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo shi jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caas imadda Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii uu dha waan sheegay ee muranka badan dhaliyey.
Boqor Buurmadow ayaa sheegay in fasiraad qal dan laga bixiyey hadalka uu sheegay kaasoo uu ku sheegay inuu ahaa hadal uu ka jeediyey kulan Bee leed isla markaasna wuxuu xusay inuu hadalkaas ahaa mid kaftan ah.
” Hadalkii aan dhawaan ka sheegay shirkii Beel eedka ahaa waxaa loo dhigay meel aan biyo dhic iisa aheyn waana la siyaasadeeyey” ayuu yiri Boqor Buurmadow.
Wuxuu sheegay inuusan taageersaneyn cid ka sta oo dhiigga dadka Soomaaliyeed daadisay haddii ay ahaan laheyd qaab diimeed iyo qaab kalaba.
” Waxaan joogay oo ka hadlayey waxay aheyd Qado Beeleed, madax dhaqanka marka ay isku yim aadaan way kaftamaan, kasftan Beeleed buu ahaa, wixii ehel ahaa ee dhibaato loogu geystay mid mabda’, mid diimeed, fikir cid aaminsan tahay oo aan aniga aamisaneyn lagu geystay, Qarax loogu sameeyey, la dhibay aad iyo aad ayaan uga xumahay, hadalkeyga ma uusan aheyn dhiiragelin aan ku taageerayo fikirka xagjirka ah mana u aqaan mid saxan” ayuu yiri.
Boqorka ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatadii hadalkii uu sheegay loogu geystay wasiiro iyo siyaasiyiin kasoo jeedo Beeshiisa ee ka qeybgalay soo dhaweyntiisa.
” Waxaan ka xumahay in dadkii dhibaatada ay u geysteen Al-Shabaab looga dhigay inaan taageer sanahay dhibka ku dhacay, waxaan caddeynayaa in aanan raali ka aheyn, aniga Shabaab Dowlad uma aqaano” ayuu raaciyey hadalkiisa.
Ugu dambeyntii Boqor Buurmadow ayaa she egay inuusan is adkeeneyn sida siyaasiyiinta qaar balse uu raali gelin buuxda siinayo shacabka Soo maaliyeed ee dhibsaday hadalkii dhawaan kasoo yeeray. Raali gelinta Boqo Buurmadow ayaa kusoo aadeyso xilli uu dhaleeceyn badan kala kul may qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo dadka Soom aaliyeed.
Suldaan Mahdi "Laba arrinba waa lagu qoo nsaday Boqor Buurmadow”
Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq ayaa ka hadlay hadalhaynta ka dhalatay jooggitaanka Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed (Boqor Buur madow) ee Gobolada Koonfurta iyo hadaladii uu ka jeediyay kulamo dhowr ahaa, oo Caasimadda Mu qdisho uu kaga qaybgalay.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Somaliland ayaa 14-kii bishan soo gaaray Magaalada Muqdisho, isagoona mar uga sii gudbay Magaalada Baydhabo.
Boqor Buurmadow ayaa socdaalkiisa Gobolada Koonfurta ku sheegay mid uun qayb ka ah safar uu sheegay inuu ku marayay Geeska Afrika, uguna kuurgelayay xaaladda gobolka.
Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq ayaa shee gaya in Boqor Buurmadow lagu qoonsaday hadalo uu dhawaan ka sheegay Magaalada Muqdisho.
"Horta soo dhaweynta ninkan odayga ah ee lagu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho, soo dhaw eyn isaga shakhsiyadiisa la soo dhaweeyay ma ahayn ee waxay ahayd mid lagu soo dhaweynayay, loona muujiyayna dadkaasi walaalaha ah ee Reer Waqooyiga ama Somaliland. Waxay ahayd mid kals ooni iyo boogo dhayid loogu sameynayay dadkaasi walaalaha aan nahay ee Somaliland. Dadka Soo maaliyeed meel kastoo ay jooggaan waa inay sidaas u fahmaan, soo dhaweyntaasi waxa ay aha yd farriin loo diraayay walaalahayna Somaliland, oo walaaltinimo, wada dhalasho, dhaqan iyo wanaa gba uu naga dhaxeeyo.” Ayuu yiri Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq.
Isagoo ka hadlayay waxyaabaha lagu qoonsaday Boqor Buurmadow ayuu yiri "Odayga waxaan is leeyahay laba hadalba waa lagu qoonsaday. Midda koobaad hadalkii uu ka jeediyay gogoshii Beesha Habagadir ay u dhigtay, oo uu ka sheegay codka Beelaha Direed, beec ma’aha ama iib ma’aha, oo uu kala jeeday in codkooda meel ay ayagu raali ka yihiin inay ku bixin doonaan. Siyaasad ahaan dad badan ayaa laga yaabaa inay taasi u arkaan in ay dhibaato iyo culeysba ku tahay.”
Suldaan Mahdi oo Universaltv la hadlay ayaa yiri "Qodobka labaad ee lagu qoonsaday odayga wa xaan is leeyahay waa xasuuqii ay Dowladdii Dhexe u gaysatay dadka degga Gobolada Waqooyi. Taasi waxaan is leeyahay wax dhib ah kuma jiro in la she ego oo dadku ka hadlaan waxay ku jirran yihiin, ma xaa yeelay waxay dhali kartaa in la is daweeyo oo la is qanciyo.”
Suldaan Mahdi ayaa tilmaamay in iyadoo hada ladaasi laga duulayo ay dadka qaarkii Boqor Buurmadow ku qabsadeen hadalkiisii uu ku shee gay in Shabaabku yihiin awoodda labaad ee dalka ka jirta.
"Ayadoo arrimahaas oo dhan lagu gambanayo ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu yiri Axmed Cabdi Godane iyo nimankan dhallinyarada ah madaxdo odu waa Dir, waana awoodda labaad ee dalka ka jirto. Marka siduu u soo hadalqaadi karaa ayaa Habeen hore oo dhan meelaha la buun buuninayay.” Ayuu yiri Suldaan Mahdi Suldaan Cabdirisaaq.
Suldaanka ayaa intaasi ku daray "Boqor Buurmadow wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay Somaliland iyo gooni isu taageeda, waxaan is leeyahay odaygu inuu Somaliland ku laabtuu rabaa. Marka kaarkaasi waa kaarkii laabashadiisa, laakiin Somaliya iyo Somalilandba waxay u baahan yihiin Shalay in lees qanciyo oo lees cafiyo oo la walaaloobo, la isku yimaado, lana is afgarto, waana hubaal inaysan Somaliya iyo Somaliland kala maarmin, iskaba daayee Afrika oo dhan ayaanba kala maarmin.”
Boqor Buurmadow ayaa Isniintii Dorraad sheegay inuu goor dhow dib ugu laaban doono Somaliland, wax walaac ahna aanu ka qabin dhinaca xukuu madda ka arrimisa.
Faysal Cali Waraabe "Boqor Buurmadow wuxuu isku xilqaamay sidii Soomaaliya doorasho uga dhici lahayd"
Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali War aabe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in boqor Buurmadaw lagu dacweeyo in uu ka ha dlay guddoomiyihii hore ee Alshabaab Axmed Cabdi Godane.
Faysal ayaa sheegay in Boqor Buurmadow isku xilqaamay sidii uu gacan uga gaysan lahaa in doorasho fiicani Soomaaliya ka dhacdo, iyo sidii uu xaal marin u siin lahaa dadkii laga tarx iilay Somaliland isagoo ka gudbay xuduudaha Somaliland, lakin taa badalkeeda ay eedi ka raacday.
"Boqor Buurmadaw wuu is xilqaamay sidii So maaliya doorasho uga dhici lahayd, iyo dadkii ka yimid Laascaanood ee sida deg dega ah loo tar xiilayna xaal buu ka bixiyay" ayuu yidhi Faysal.
lakin hada waxan maqla yaa ninkii is xilqaamay ee uga soo kicitimay Im aaraatka oo laga yaabo in dad badan oo reer Somaliland ahi anay arrintaa ku waafaqsanayn, in uu kuwii uu usoo gurmaday ay Shalay aflag aadaynayaan, hadad leedihiin xaal ha laga bixiyo Ina Godane idinka waxa idinla jooga kuwii gac maha dhiiga ku lahaa".
Boqor aw Cismaan aw Maxamuud Buurma dow oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waj ahaya eedo la xidhiidha in uu calool jileec u muuj iyay hogaamiyihii hore ee ururka Alshabaab Axm ed Cabdi Godane.
Maareeye oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii Cali Yare
Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo shir jaraa’id qabtay ayaa aad u dhaliilay aba abulka guddoomiye ku xigeenka dhanka amiga iyo siyaasada gobolka Banaadir Cali Yare Cali ee ka dhanka ah Boqor Cusmaan Aw Maxmuud Buurmadow, "Boqorkani waa mid nabadeed, ma ahan nin looga shakisan yahay waxyaabaha aad ku jaa’ifeyneysaan,” ayuu yiri Maareeye.
Waxa uu sheegay in wax laga taban karo ha dalladii Boqorka ka soo yeeray, balse ay aad u ga xumaadeen qa abka loo fasiray hadalkiisa, "Waxaad moodaa dadka qaar oo uu ka mid yahay guddoomiyaha amniga gobolka, in hab siyaasadeysan, qorshey san, ab aabulan oo fan-gareysan ay howshaan u wataan,” ayuu yiri.
Xildhibaan Maareeye ayaa sheegay in Boqor Buurmadow uu Shalay raali gelin ka bixiyey had alladii la dhibsaday, balse aad u moodo in laga shaqeynayo in la baabi’iyo oo arrimo siyaas adeed looga faa’iideysto xumeynta xiriirka beel aha Muqdisho iyo kuwa waqooyi.
"Waxaan ka digeynaa in tacadi dambe shar afta Boqorkeena loo geysto, siyaasadaha jira iyo doorashooyinka dano laga leeyahay yaan la idinku qaldin, dhaqanka iyo siyaasiyiinta Muqdi sho, gaar ahaan kuwii aan Habeen hore ka dareenay in ay hab kooxeed u abaabulan yihiin nagama qab ato waxa ay noo geysteen,” ayuu yiri Maareeye.
Sidoo kale waxa uu intaas ku sii daray in siy aasiyiintii weeraray Boqor Buurmadow ay u badnaayeen hal beel, "Wanaag ayaan u heynaa walaalaheen iyo dowladda aan ka tirsanahay, waan amaaneynaa sidii walaalaheena reer Muqd isho ay u soo dhaqeeyeen Boqorka,” ayuu yiri.Maareeye oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, "La akiin ninka xun ee magaca dowladda ku qar aabanaya waa in umadda laga qabto.”
Guddoomiye Cali Yare oo aad uga hadlayey arr inta Boqor Buurmadow ayaa ku goodiyey in la xiri doono Boqor Buurmadow, isagoo ku eede ynaya in Shabaab oo cadaw ku ah dadka Soom aaliyeed uu dowlad ku tilmaamay.
Saddex arrin oo jahwareer ku noqon doo na damaca Siciid Deni ee Villa Somalia
Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu weli iibinayaa inuu yahay fursadda ugu weyn ee Farmaajo ka saari karta Villa Somalia. Ololihiisa ayaa ku bilowday dhowr Senator oo ka kala yimid Pun tland iyo Jubbaland, laakiin isaga iyo kooxdiisa ololaha waxay iska indha tirayaan caqabadaha miiska saaran ee u diidi doonta inay Villada u gudbaan.
Waxaa jira tixanayaal u baa han in maalinba qeyb la furo oo daciif ka dhagaya sheega shada Deni ee ah inuu qaadan karo xukunka Soomaaliya.
Waxaan warbixintaan ku eegeynaa sed dex arrin oo u baahan in aysan iska indha tirin kooxda ololaha ee Saciid Deni.
1 – Dagaalkii uu ku qaaday xidigaha siya asadeed ee Puntland:
Saciid Deni wuxuu u baahan yahay inuu marka hore kasoo gudbo dagaalka hal doorka siy aasadeed ee Puntland inta uusan fooda saarin Farmaajo iyo mucaaradka Muqdisho kasoo jeedo intaba.
Deni wuxuu dagaal qaawan ku qaaday Was iirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, wuxuu kuraastoodii boobay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Cabdi Saciid Muuse, wasiiru dowlaha Xukuumadda Soomaaliya Max amuud Xayir Ibraahim, Rugcadaaga wey Cabdirisaaq Cusmaan Jurule iyo Cumar Cabdi rashiid Cali Sharma’arke.
Wuxuu albaabada ka xirtay Cabdiweli Max amed Cali Gaas oo ahaa ninkii xilka ku war eejiyey, Faroole inkastoo uu isaga kursi siiyey haddana taladii waa ka reebay.
Wuxuu hadda u la bisan yahay oo la shee gayaa in laga celcelinayo kuraasta ay u sharaxan yihiin wasiirka kalluumeysiga ee Soomaaliya Cab dullaahi Bidhaan Warsame iyo guddoomiyaha Gobolka Mudug Sanayare.
Dhammaan xubnahaan, Puntland ka sokow waxay xoog ku leeyihiin siyaasadda Xamar taa lla. Shacabkii deegaanada Puntland waxaa ka qaatay Asad Diyaano, halka isaga iyo Ciidanka PSF ay madaxa isugula jiraan xilligaan.
Dhammaan xubnahaan kor ku xusan waa jidg ooyada koowaad ee Saciid Deni, uma badna inuu xallin karo ama uu jiidi karo marka Muqdi sho lasoo aado.
Qofkii ugu dambeeyey ee Reer Puntland ah ee madaxweyne ka noqda Soomaaliya wuxuu ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana la xa suustaa inuu kusoo baxay talo ay dadka dee gaanka iyo siyaasiyiintooda u dhammaayeen, laa kiin Deni taladaas mideysan ma hayo Shalay
2 – Baraaruga dhaqanka Puntland
Saciid Cabdullaahi Deni waxaa lagu eedeynayaa inuu rabo inuu boobo kuraasta Golaha Shacabka ee taalla deegaanada Puntland, isaga iyo dhaq anka Puntland ayaa mar hore kala tagay.
Wararka ka imaanaya Puntland waxay sheeg ayaan inuu dhaqanka baraarug qabo oo ay adag tahay inay aqbalaan in kuraastooda lagu takri-falo.Haddii uu Deni isku dayo inuu dhaqanka xo ogo waxaa ka dhallan kara natiijo aan fiicneyn ayey leeyihiin siyaasiyiinta reer Puntland. Waxaa jira talooyin ay soo jeedinayaan saaxiibadiis oo ah inuu iska xaliyo dhaqanka inta uusan bilaabin doorashada Golaha Shacabka, laakiin uma badna inay suuragal noqon karto, maadaama uu jiro baraarug culus, ayna dhaqanka tabasho ba dan ka qabaan sidii uu ula macaamilay seddaxdii sano ee uu xafiiska joogay.
3-Xamar waxaa taalla dood ah Saciid Deni waxaa dhaama Farmaajo
Reer Muqdisho waxay waayahaan aad u ha dal hayaan natiijada ka imaan karta doorashada kursiga madaxweynaha.
Madaxweyne Farmaajo oo misaan culus ku leh kuraasta ka imaaneysa Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo reer Woqooyiga, waxaa loo arkaa musharaxa koowaad, waxaana la is waydiinayaa musharixiinta imaan kara kaalmaha labaad iyo seddaxaad.
Saciid Deni oo kooxdiisu sheegto inay Imaar aadku wataan ayaa kamid ah doodaha miiska saaran, laakiin waxaa Xamar ku xooggan inaan marnaba Deni lagu badali karin Farmaajo, waana caqabad weyn haddii ay aragtidaan sii faafto.
In Dadka reer Muqdisho oo la ogyahay halka iyaga iyo Farmaajo kala gaareen inay Shalay ka fakarayaan Farmaajo ayaa dhaamma Deni ma ahan dood sahlan, waana caqabad weyn oo hortaagan damaca Saciid Cabdullaahi Deni.
Seddexdaas arriimood waxay kamid yihiin tixa naha diidaya in Saciid Cabdullaahi Deni u tal laabo xukunka Villa Somalia.
Guddiga Doorashada Somaliland Oo Shaaciyey Qabashada Doorashada 16 Kursi
Guddiga Doorashooyinka Gobolada Woqooyi ee Somaliland ayaa oo saaray Liiska 16 kursi oo Doo rashadooda dhawaan la qaban doono.
Odayaasha Dhaqanka ayaa lagu war galiyay in ay soo xaadiraan xarunta doorashada maalinimada berri ah, si ay u qaataan tababarka.
Kursi Si Adag Loogu Loolamay Oo Doorashadiisa Ka Dhacaday Magaalada Baydhabo
Guddiga maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qabtay Tartanka kursiga sumadiisa ay tahay Hop#193 oo ay ku tartameen musha raxiinta kala ah:
1-Musharax Xildhibaan mudane, Cabdulaahi Aadan Axmed (Black) iyo Musharax Xildhibaan mudane, Cabdiqaadir Maxamed Cali (Baashi)
Mudane Cabdulaahi Aadan Black
ayaa helay codad dhan 66 cod, halka musharaxii la tartamayey Cabdiqaadir Maxamed Cali Baashi uu helay 31 cod.
Codadka xumaaday waa 3 cod
Natiijada hordhaca ah waxaa kuso baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#193 Xildhibaan Cabdilaahi Aadan Axmed (Black)…
Somaliland oo shaacisay eedeymo yaab leh oo uu u xiran yahay weriye Coldoon
Xafiiska Xeer Ilaalinta Somaliland ayaa soo ba ndhigay eedeymo uu sheegay in markale loo xiray Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo sidoo kale ah Samafale ka shaqeeya arrimaha bini-aada ntimada.
Coldoon ayaa xabsiga loo taxaabay taariikhdu markay aheyd 23/08/2021, waxaana kamid ah eedeymaha loo haysto Dacaayad Qaran Dumisnimo ah, Faafinta Warar Been Ab uur ah iyo Aflagaadeyn Siya asiyiinta Golaha Sharci Dej inta Somaliland.
Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Coldoon uu ku kacay Ce ebayn ka dhan ah Iskuulada Abaarso, Jaamacada Barwaaqo iyo ardeyda dhigata, kuwaasi oo uu sheegay in lagu dhigto wax ka baxsan dhaqanka su uban iyo shareecada Islaamka, sida lagu sheegay qoraalka.
Inta badan cadeymaha loo cuskanayo eedeym aha Coldoon ayaa waxaa laga soo min-guuriyay qoraaladiisi uu ku qori jiray bartiisa Facebook.
"Waxaa fZafisay dacaayaado qaran dumisnimo ah adigoo sheegay in Abaarso iyo Jaamacada Barw aaqo la keenay bulshada aduunka ugu guracan ee sameeya waxa uu bila’aadanku daaye xayawaa nkuna ka xishoodo oo ah in uu Labku Labka u tago, Dhadiguna dhadiga u tago, arrintaas oo dacaayad aad u shaki galinaysa waxbarashada Somaliland.”
Waxaa xusid mudan in Markhaatiyada ku xusan waraaqda uu soo saaray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ay qeyb ka yihiin dhibanayaasha, midaasi oo ayaduna noqotay mid la yaab leh, maadama Dhibane uu noqon karin Markhaati.
"Waxaa Maxkamadda ka codsanaynaa inay noo mudeyso, noona cayinto goorta iyo wakhtiga la dhageysan doono dacwadan, soona saarto talaabo oyinka kale ee la xidhiidha dacwadan,” ayaa ugu dambeyntiina lagu qoraalka.
Hoos ka aqriso waraaqda kasoo baxday Xeer ilaalinta
Wareegto wasiir oo kasoo baxday wasaarada is gaadhsiinta iyo tiknoolajiyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in shirkadaha is gaadhsiinta ay mamnuuc ka tahay in ay mobilada macaamiisha ku diraan xayaysiis aanu macmiilku ogolaan wixii ka danbeeya kowda bisha Jeenawari ee 2022.
"In shirkadaha isgaadhsiintu xaq u leeyihiin gaadhsiinta iyo la socodsiinta macaamiishooda fariimaha is gaadhsiineed, iyo adeegyada ay iyagu bixinayaan oo kaliya" ayaa lagu yidhi wareegtada.
Hoos ka akhriso wareegtada oo faah faahsan:-
Golaha Wakiilada Puntland oo u yeeray dham maan hoggaanka ciidamada kala duwan ee ma amulkaas
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa dacwad ka gudbiyey saraakiisha ciidamada kala duwan ee maamulkaas kadib markii ay ku eedeeyeen inay ilaalin waayeen xasaanadooda kadib kulan ay Shalay ku yeesheen M/Garoowe.
Xildhibaanada dsacwadda gudbiyey oo uu ugu horreeyey Xildhibaan Xaraf ayaa waxay sheegeyn inay xayiraad kala kulmeyn ciidamada Puntland iyagoo ku jira shaqo ay sheegeyn inay u qabanayeen dadka ay ku matalaan Baarlamaanka.
Guddooniyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jabriil ayaa sheegay in inta lagu guda jiro kal-fadhiga 16-aad ay Golaha Wakiilada horkeeni doonaan dhammaan Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Puntland si wax looga weydiiyo ilaalinta xasaanadda Xildhibaannada.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray inay soo noq noqatay arrimaha ku saabsan xayiraada ay Ciidamada mararka qaar ku hayaan Xildhibanada Baarlamaanka Puntland.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in qof walba uu xor u yahay fikirkiisa iyo dhaq-dhaqaaqiisa intaba.
Cabashadaan kasoo yeertay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa ka dambeeysay kadib markii dhowr jeer Shaqooyin iyo howlo kale oo u gaar ahaa laga hor-istaagay Xubno kamid ah Baarlamaanka Puntland.
Sidoo kale dacwadda ayaa kusoo aadeyso xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo hoggaanka ciidamada PSF.
Maxaa ka jira in Shiinaha uu Uganda kala wareegayo Garoonka Entebbe
Dowladda Uganda ayaa beenisay wararka sheegaya in Shiinuhu kala wareegayo Garoonka Diyaaradaha Entebbe, oo ku yaala duleedka Magaalada Kampala. Garoonka Entebbe waa isha ugu weyn ee dhaqaale, ee ay dowladda dalkaasi leedahay, waxaana tallaabada uu Shiinuhu kula wareegayo lagu sheegay, haddii aanay dib u bixin lacagtii deynta ahayd, ee horaan Xukuumadda Beijing ugu maalgelisay ballaaranta lagu sameeyay dhismaha garoonkaasi.
Warbaahinta Uganda ayaa ku warantay in deyntaasi ay gaareyso laba boqol oo milyan oo dollarka Mareykanka ah. Warbaahinta ayaa sidoo Xukuumadda Kampala ka soo xigatay in Shiinuhu diiday in dib looga wada hadlo qaabka lagu bixinayo deyntaasi. Heshiiskii labada geesoodka ee labada dhinac ayaa dhigayay inaanay Hay’adda Duulista Hawada Uganda isticmaali karin lacagaha ka soo xarooda garoonkan, illaa ay fasax ka hesho Shiinaha, sida ku cad heshiiskan oo ay gaareen sanadkii 2015, markaas oo Bankiga Ganacsiga Shiinaha uu Uganda siiyay lacagta dib loogu habeeyay garoonkaasi.
Afhayeenka Hay’adda Duulista Hawada Uganda, Vianney Luggya ayaa war aan sax ahayn ku tilmaamay in Uganda ay waayi doonto Garoonka Entebbe.
"Run maaha in Dowladda Uganda ay waayi doonto Garoonka Diyaaradaha Entebbe, mana ahan markii ugu horeysay ee wararka noocaan ah la faafiyo. Dowladda Uganda waxay diyaar u tahay in ay iska bixiso deyntaasi, iyadoo haysato muddo toddobo sano ah. Intaasi ka dibna waxa ay bixin doontaa lacagta dul saarka ee eedeyntaasi la xiriirta.” Ayuu yiri Afhayeenka oo VOA la hadlay.
Qodobada heshiiska waxaa ku cad in Bankiga Ganacsiga Shiinaha uu xaq u leedahay inuu ogaado, lana socdo lacagaha bil kasta ka soo xarooda garoonkaasi, taasoo loo maleynayo inay Uganda jebisay.
Safaaradda Shiinaha ee Uganda ayaa Axaddii soo saartay war qoraala oo lagu sheegay in heshiiska deynta ee labada dal uu ahaa mid cad, oo aan lahayn qodobo qarsoodiya, kuna saleysan qaab cadaalad u ah labada dhinac.
Sanadkii 2018, Hanti Dhowraha Guud ee Uganda, John Muwanga ayaa walaac ka muujiyay in dowladdu ogolaatay dhowr shuruudood oo adag, taasoo uu sheegay inay halis ku tahay madaxbannaanida Uganda.
Amaahda guud ee Shiinuhu ku leedahay dowladda dalkaasi ayaa gaareysa hal dhibic lix bilyan oo dollar ($1.6B), oo Kampala u adeegsatay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee dalkaasi.
Faah Faahin Laga Helay Qaabka Ay U Bur-Burtay Diyaarad Ay Leeyihiin Militariga UK
Baraha bulshada ayaa lasoo dhigay muuqaal hadal heyn badan dhaliyay oo u muuqda in laga soo duubay qaabka ay u burburtay diyaarad nooceedu yahay F-35 oo ay leeyihiin militariga UK, kaddib markii ay ka duushay markabka diyaaradaha xambaara ee HMS Queen Elizabeth.
Waxaa muuqaalka laga arki karaa duuliye ka booday diyaaradda oo qiimaheedu yahay £100 milyan oo gini, xilli ay kusii dhaceysay badda.
Mar sii horreysay oo bishan gudaheeda ah ayay burburtay diyaarad F-35 ah oo ay leedahay UK kaddib markii ay ka duushay markabka oo howlgallo duullimaadyo ah ka fulinayay badda Mediterranean-ka.
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Britain ayaa sheegtay in aan weli la gaarin xilligii ay ka hadli lahayd dhacdadaas, waxaana hadda socda dadaallo lagu doonayo in diyaaraddaas lagu soo helo.
C/casiis Lafta Gareen oo saddex arimood u tegaya magaalada KISMAAYO
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Gal beed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Max amed (Lafta Gareen) ayaa Shalay kusii jeeda mag aallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jub bada Hoose ee koonfurta dalka.
Ilo ku dhow madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa innoo xaqiijiyey in madaxweyne Lafta Gareen saacadaha soo socda uu gaari doono Kismaayo, si uu wada-hadallo ula yeesho dhiggiisa dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Qaban qaabada soo dhowenta madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa haatan laga dareemayaa Kismaayo, iyada oo aad loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi.
Labada dhinac ayaa ka wada-hadlaya xaalada ha soo kordhay, gaar ahaan arrimaha doorashada G/S ee haatan ka socota gudaha dalka, taas oo K Galbeed ay ku billowday ilaa 11 xildhibaan halka Ju bbaland ay haatan guda-geli doonto doorashada.
Sidoo kale waxa ay labada hoggaamiye kulank ooda diiradda ku saari doonaan ammaanka iyo aba araha ka jira deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Kulanka ay leeyihiin labada mas’uul ayaa kusoo aadayo, iyada oo si aad ah la’isugu hayo doorasha da baarlamaanka oo ay cabasho weyn ka keeneen xubnaha mucaaradka. Axmed Madoobe ayaa horay u tegay magaalada Garoowe, isaga oo maalmo bad an lasoo qaatay dhiggiisa Puntland, madaxweyne Saciid C/hi Maxamed (Deni) oo si gaar ah uga arri nsadeen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar aha ab doorashada Soomaaliya.
Si kastaba, maamul goboleedyada dalka ayaa haatan isha lagu wada hayaa, maadaama ay ka bila abatay doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo muhiim u ah mida madaxw eynaha.
Xigasho:-caasimadda.net
Ciidamada Itoobiya oo horumar ka samey naya dagaalka
Ciidamada Difaaca Itoobiya ayaa u muuqdo kuwo maalmihii ugu da mbeysay horumar ka same ynayay dagaalka ay kula jiraan kooxaha fallaagada. Ra’iisal Wasaaraha da lka Itoobiya, Abiy Ahm ed ayaa hoggaaminaya ciidamada dalkiisa ee daga al ka kaga jira dhinaca Gobolka Canfarta. Ciid amada ayaana la shee gaya in deegaano hor leh ka qabsanayaan kooxahaasi.
Afhayeenka Xukuumadda Addis Ababa, gaba dha lagu magacaabo Billene Aster Seyoum ayaa Shalay sheegtay in fallaagada laga saaray marinkii gargaarka loo marin jiray dadka Tigrayga oo ku yaala Gobolka Canfarta.
Waxay sheegtay in TPLF ay qaadi doonto masu uliyadda, haddii uu hakad ku yimaado gargaarkii la gaarsiin jiray dadka gargaarka bani’aadanimo u ba ahan ee ku sugan Gobolka Tigrayga, bacdamaa ay isku dayayaan inay dib u soo caabiyaan Ciidamada Qaranka. Hubinti la’aan ku timaada marinkan ayay sheegtay inay dib u dhac ku keeni karto gargaarkii loo sii marin jiray dadka Tigrayga.
Iyadoo la hadleysay Warbaahinta ayaa waxay sheegtay in TPLF ay in muddo ahba ku taameysay, sidii ay gargaarka uga jari laheyd dadka reer Tigray, waana xilli TPLF ay horaan sheegtay in Dowladda Federaalka ay tahay midda gargaarka hortaagan.
Qoraal Xalay ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasa are Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in qasdiga Ra ’iisal Wasaaruhu yahay, sidii uu ciidamada jiidda hore ku sugan ugu sii hoggaamin lahaa goobaha ay gabbaadka ka dhiganayaan kooxahaasi dagaalka kala soo horjeeda xukuumadiisa. TPLF oo billihii ugu dambeysay ku sii siqeysay Caasimadda Addis Ababa ayaa waxaad hadda mo oddaa in culeyska uu dhankeeda u wareegay, wa ana tan iyo markii Abiy Ahmed uu toddobaadkii ho re iclaamiyay in uu hoggaamin doono Ciidamada Difaaca Qaranka ee furimaha hore ee dagaalka ku sugan.
Madaxda Soomaalida Keny oo ka hadlay geerida dhaqtar Boolisku Gaari jiirsiiyeen
Waxaa magaalada Wajeer ka taagan hadal heyn ka dhalatay geeri ku timid dhakhtar Itoobiy aan, dhakhaatiirta ka howlgasha halkaas ayaa wa xay sameeyeen banaanbax la sheegay in caddaalad loogu raa dinayo dhakhtar qalliinka qaabil sanaa oo ka howlgali jiray cisbi taalka Wajeer.
Qaar kamid ah madaxda Soomaalida ee Kenya ayaa tacsiyeeyasay geeri ku timid dhakhtar qalliinka qaabilsanaa oo ku dhintay gudaha magaalada Wa jeer.
Barasaabka Wajeer Axmed Cali Mukhtaar ayaa sheegay in Dr. Zinaye M Zaleke uu ku dhacay gaari ay leeyihiin booliska oo si xowli ah ku socday isla markaana uu ku geeriyooday isla goobtii uu ku jiiray.
"Dr.Zinaye wuxuu kasoo jeeday Itoobiya, wuxuu ahaa nin deggan oo geeridiisa ay taabatay dad ba dan maadama uu sanado badan ka howlgalayay cis bitaalka guud ee Wajeer, waxaan uga mahad cel ineynaa shaqadiisa wanaagsaneyd uu inoo soo qab tay” ayuu yiri Axmed Cali oo qoraal soo dhigay Bo gga Facebook.
Madaxweynaha lubnaan oo kulan la qaatay Amiirka dalka Qatar
Madaxweynaha dalka Lubnaan Michel Aoun ay aa wadahadal kula yeeshay magaalada Doha Amiirka Qatar Sheikh Tam im bin Hamad Al-Thani
Tamim ayaa u diri doona wasiirkiisa arrimaha dibad da Mohammed bin Ab dulrahman Al-Thani Beirut si uu ugala hadlo sidii ta ageero loogu fidin lahaa Beirut, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Lubnaan.
Qatar "waxay diyaar u tahay inay Lubnaan ka caawiso dhinac walba si ay uga gudubto xaaladaha adag ee sida xun u saameeyay nolol maalmeedka Lubnaan,” ayuu yiri hogaamiyaha Qatar.
oun ayaa dhankiisa sheegay in taageerada Qa tar ay siiso Lubnaan ay tahay mid ku dayasho mu dan, wuxuuna soo dhaweeyay dadaalka Qatar ay ugu jirto maalgelinta mashaariicda horumarineed ee Lubnaan.
Nin tooreey ku dilay Nin kale Magaalada Harge ysa
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Har geysa ayaa waxaa ay sheegayaan in Nin kamid ah dadka kunool halkaasi uu Shalay Nin kale ku dilay Tooreey xilli ay ku wada sugnaayeen Aaga Suuqa Waaheen. labada Nin ayaa waxaa goobjooga yaal sheeg een inay ahaayeen kuwo Magaalada Har geysa si muruq maal ah uga wada Shaqeysan jiray Gaari gacan, hayeeshee dilka uu yimid kadib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ninka dhin tay tooreeyda qoorta laga geliyay, isla markaana isla goobta labada Nin ay ku da gaalameen uu ku dhintay.
Ciidamada Boo liskaSomaliland ayaa tegay goobta falka uu ka dhac ay, iyaga oo xiray Ninkii tooreyda ku dilay Ninka kale, iyaga oo saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay baaritaan ku sameeynayaan waxa sababay dagaalkooda. Magaalada Hargeysa ayaa waxa a aad ugu badan dadka ku hubeysan tooreyda ee u badan kuwa xamaalatada ah, waxaana dhowr jeer dhacay falal noocaan oo kale ah.
Ra’iisal Wasaarihii Hore Lesotho Thomas Thabane Oo Lagu Helay Dambi Ah Inuu Dilay Xaaskiisa
Ra’iisal wasaarihii hore ee Lesotho Thomas Tha bane ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu dilay xaaskiisa Lipolelo Thabane sanadkii 2017.
Xaaskiisa hadda, Maesaiah, ayaa sannadkii hore lagu soo oogay dambiyo la mid ah.
Waxaa lagu eedeeyay labadooda in ay shaq aaleysiinayeen dad wax ku dhuftay, xaaskii hore ee ra’iisul wasaaraha balse La baduba way diideen inay wax lug ah ku leeyihiin.
Mr Thabane ayaa xilka ka da gay bishii May 2020 ka dib bi lo cadaadis ah oo saarnaa kadib markii lagu tuhmay inuu ka dambeeyay dilka xaaskiisii.
Arintan ayaa dad badan ka yaabisay, waxayna dhalisay muran siyaasadeed oo ka taagan dalka yar ee aan bad lahayn oo gabi ahaanba uu ku hare ereysan yahay Koonfur Afrika.
Eedeymahan ayaa waxaa laga akhriyay qolka guddiga ee maxkamadda sare ee caasimadda, Mas eru, halkii laga akhrin lahaa qolka weyn ee maxka madda, taasoo ah dhaqan caadi ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.
Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay Lipo lelo Thabane 14-kii June 2017 – labo maalmood ka hor inta aan Mr Thabane loo dhaarin xilka ra’iisul wasaaraha.
Markii ay gurigeeda ku soo laabatay, ayaa wa xaa lagu soo weeraray, dhowr xabadood oo meel fog laga soo ridey, waxaana ay ku geeriyootay meel wado ah dhinaceeda ah iyadoo 58 sano jir ah.
Xilligaas, Lipolelo waxa ay kala maqnaayeen Mr Thabane oo ay kala tageen ninkeeda tan iyo sana dkii 2012-kii xilligaas oo uu khilaaf soo kala dhex galay.
Hase yeeshee MR Thabane ayaa u soo waree gay xaaska dambe oo iyadana loo haysto inay ku lug lahayd dilka xaaskii hore waxayna is guursa deen kadib labo bilood markii la diley xaaskii hore ee ra’iisul wasaaraha.
Uganda iyo Congo oo si wadajir ah u qaaday weerarro ka dhan ah Daacish
Dalalka Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa Talaada Shalay ah si wadajir ah duqaymo cirka iyo madaafiicda ah uga fuliyay bariga Congo, kuwaas oo lala beegsaday malayshiyaadka taabacsan Daacish ee loo yaqaan Allied Democratic Forces (ADF), sida ay xaqiijiyeen labada dal.
Afhayeenka ciidamada Uganda Flavia Byekwaso ayaa sheegtay in wali aysan faahfaahin ka bixin karin weeraradaasi, balse ay diyaarinayaan soo gudbinta macluumaadka la xiriiraa duqeymahan.
"Sida la shaaciyay, howlgalka wadajirka ah ee lala beegsaday ayay ciidamada Uganda Shalay ku bilowdeen duqeymo cirka ah iyo rasaas ka timid Uganda oo lagu beegsaday fariisimaha argagixisada ADF ee DRC,” ayuu ku yiri farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka afhayeenka xukuumadda Congo Patrick Muyaya.
Daacish ayaa sheegtay in xubno ka tirsan oo jooga guda dala lkaas ay ka dambeeyeen weerarkii Kampala ee 16-kii November lagu dilay toddobo qof oo ay ku jiraan saddexdii is qarxiyay, ayna ku dhaawacmeen tobaneeyo kale.
Mid ka mid ah madax dhaqameedka iyo qof kale oo deegaanka ah ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo subaxnimadii Talaadada ka dhacay dhulka Watalinga, ee waqooyiga gobolka Kivu, ee xuduudka bari ee Congo.
Julien Ngandayabo oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa tiri "Argagax dhab ah ayaa ka jira halkan, gaar ahaan guriga dhexdiisa, sababtoo ah nalooma soo sheegin xaaladdan.” "Dhib badan ayaan kala kulanay ADF, kuwaas oo xasuuqay qoysaskeena, waxaan sugeynaa in tani xal tahay.” yay sii raacisay.
Isniintii, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa diiday inay oggolaato hawlgallo wadajir ah oo ay Uganda la sameyso si ay u baacsato ADF, iyadoo ku adkaysatay inay wadaagayaan oo keliya xogta.
HALKAAN KA WARARKA W.GEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 1-DA DICMBAR 2021-KA
....