Ciidamada Amisom oo feejignaan sare ay ku jirto ayaa Suxufiyiinta u diiday in muuqaal laga duubo diyaarada gudaheeda waxa ku jiro si loo ogaado diyaarada waxa ay siday.
Askarta Amisom ee ku sugan goobta diyaarada ay ku dhacday, ayaa Suxufiyiinta u ogolaaday sheeda sare inay ka duubtaan diyaarada oo aysan gelin gudaheeda, taasina waxa ay keentay in diyaarada dusha laga duubo.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya diyaaradan inay sido hub loo wado ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, inkastoo Amisom aysan xaqiijin jiritaanka arintaasi.
Diyaaradan oo xalay fiidkii ku dhacday deegaanka Carbiska, ayaa muddo saacad ah waxa ay ku wareeganaysa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, laakiin lugaha ay diyaarado ku dagato ayaa u bixi waaye, taasi oo kaliftay inay aado diyaarada dhanka Carbiska, kadibna halkaasi ay ku dhacdo.
XIGASHO:-DHACDO.COM
Ciidamada Amisom oo Suxufiyiinta u diiday in la duubo Diyaarada Carbiska ku dhacday waxa gudaheeda ku jira (Daawo Sawirada)
Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa saaka ku jarmaaday halkii ay ku dhacday Diyaarada Tri-StarAir Cargo oo xalay fiidkii ku dhacday deegaanka Carbiska ee Gobolka Shabeellaha hoose.