Farxiya Ismaaciil oo saygeeda ku dishay Magaalada Qardho

0
Tuesday November 23, 2021 - 09:52:42 in Wararka by
  • Visits: 267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farxiya Ismaaciil oo saygeeda ku dishay Magaalada Qardho

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Haweeney ayaa la sheegay in saygeeda ay ku dishay Magaalada Qardho, ka dib khilaaf ka dhashay maseer, sida la sheegay soo kala dhexgalay.

Farxiya Ismaaciil Maxamed ayaa dilka saygeeda u adeegsatay toorey, sida ay xaqiijiyeen hay’adaha ammaanka.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in dhacdadaasi ay ka dhacday xaafadda Kaambo, laguna guuleystay in gacanta lagu soo dhigo haweeneydii falkaasi gaysatay.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Aweys Cali Nuur ayaa Isniintii u geeriyooday tooreydii ay xaaskiisa ku dhufatay.

Aweys iyo Farxiya ayaa isku dhalay afar carruur ah. Dhacdadan oo argagax-gelisay dadka deegaanka ayaa noqotay midda ay ugu hadalhaynta badan yihiin.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip