Halkee fariisin ka dhigteen ciidamada Ahlu-Sunna kadib ka bixitaankoodii Guriceel?

0
Wednesday October 27, 2021 - 19:00:28 in Wararka by
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkee fariisin ka dhigteen ciidamada Ahlu-Sunna kadib ka bixitaankoodii Guriceel?

    Ciidamada Ahlu-Suna ayaa saaka ka baxay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo afartii maalmood ee lasoo dhaafay ay kula dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah. Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidanka Ahlu-Suna aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Ahlu-Suna ayaa saaka ka baxay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo afartii maalmood ee lasoo dhaafay ay kula dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah. Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidanka Ahlu-Suna ayaa waxay hadda ku sugan yihiin deegaanka Bohol oo dhanka waqooyi galbeed 35-KM uga beegan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Ahlu-Suna ayaa deegaankaas fariisin uga dhigtay si ay u bilowdaan wada-hadalo dhexmara hogaanka ururka iyo maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Qoor-Qoor, oo kal hore natiijo la'aan kusoo dhamaaday, sida laga helayo ilo xogagaal ah oo ka agdhow hogaanka Ahlu-Suna. Sidoo kale xiriir aan la sameeynay mas'uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dhanka maamulka ayaa iyaguna sheegay in uusan jirrin wax wadahadal ah, balse ay jiraan ganacsato qaab qabiil magaalada uga saartay ciidankii u dagaalamayey Ahlu-Suna. Ganacsade Xaashi Carabeey ayey dad deegaanka Balicad ku sugan xaqiijiyeen in uu la socday ciidanka Ahlu-Suna, waxaana lagu soo waramaya in uu garwadeen ka yahay wada-hadalada iyo dadaalada lagu xalinayo xiisada uu ka dhashay dagaalka Guriceel. XIGASHO CAASIMADA ONLINE




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip