=Nasashada Jimcaha.Q-270=Siyaasiyiinta Qaar War Saxaafadeed, uma baahno ee amay UL u baahan yihiin?

1
Friday September 17, 2021 - 23:27:33 in Wararka by
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    =Nasashada Jimcaha.Q-270=Siyaasiyiinta Qaar War Saxaafadeed, uma baahno ee amay UL u baahan yihiin?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

1. Haddii, Adiga oo aan Kastuumo wadan aad xirto Zip-ka Surwaalkaaga ee uu kaa qabto meeshii aad qarineysay.( F.S: 1aad).
    (Maxaa Musharixiin badan iyaga oo aan sameeysan difaac hoose, uu Zip Siyaasadeed uga dhagay Xiniinyaha)
 
2. Nin ayaa Saaxiibtiis ku yiri: Haddii aad ogolaato in aan is guursano, waxaan Ballan qaadaa in aan Caasimadaha Aduunka oo dhan, Mid ba aad Habeen seexato. weey ka ogolaatay, Kadibna Sariirtaan ayuu u soo iibiyay. ( F.S: 2aad)
 
(Iska hubi, Safaarada laguu magacaabi doono, Haddaad u Codeeyntiisa taageerto kadib, yaan kursi kaligii ah oo Magaalo ku sawirka tahay, laguugu Fadhiisin)


 
3. Nin muddu 4 Sanno ah ku maqnaay London, ayaa Xamar ku soo noqaday, Xaaskiisii iyo Caruurtiisii ayaa soo dhaweeyay. Habeenkii ayuu Isku dayay in uu waajibkii Sariirta uu guto, Nassiib daro Odaygii Howshii 4 Sanno laga sugayay waa qaba waayay. waxa uu yiri: Sidaan iskuma ogeyn ee waxaan u maleeynaa in Talaalkii Covid 19 ey wax iga soo gaareen. waana la iska seexday.
 
Subaxii Islaanta oo Lo’ u xirneed, ayaa Sac u joogay u waday, Cid Deriskaa oo Dibi u xirnaa. Dibigii ayaa Sicii boodi waayay.
 
Isalaantii oo yaaban ayaa Dibigii ku tiri: Yaa yaa, Adiguna ma Londanaad ka timid. ( F.S: 3aad)
( Xildhibaanadda Afar Sanno la sugayay, ee Hadda ……. )
4. Saaxiibkeey ayaan shalay Gurigiisa ugu tagay, waxa uu fadhiyay Qolka Nasashada, waxaa hor yiil Gasac Coffee, Sokor iyo Koob faaruq ah. waxaan ku iri: aawday xaaskaagii? .waxa uu yiri: Kushiinka ayey ku soo daahday, Biyo kulul oo aan Coffee ku qasto ayeey ii soo Diyaarinee. Beryahaan ayaan Xaafadda ka maqnaa, kuuma sheegine Xaas kale ayaan la guursaday. waan istaagay horaana isaga baxay. ( F.S: 4aad)
 
Maxaan ka cabsaday?
 
5. Nin Bukaan ah ayaa u tagay Dhakhtar indhaha daweeyo. Si uu u cabiro Aragiisa oo Ookiyaalo loogu Qoro, Dhakhtarkii ayaa Tusiyay Xaruuf Sabuuradda ku qoran, Bukaankii ayaa yiri: uma jeedo. Xuruuftii ayuu waaweyneeyay, haddana waxa uu yiri: waxba uma jeedo. waxa uu yiri: Horta Sabuuradda ma u jeedaa, waxa uu yiri: Maya, waxa uu yiri: walba ma u jeedaa Darbiga. waxa uu yiri: Maya.
 
Dhakhtarkii ayaa yiri: Adigu Ookiyaalo uma baahnid ee waxaad u baahantahay Ul iyo Qof ku hor kaco. ( F.S: 5aad)
 
(Siyaasiyiinta Qaar War Saxaafadeed, uma baahno ee amay Ul u baahan yihiin?).
 
6. Cabdi war mooge, ayaa isaga oo wadada maraayo, Dhagax Xabadka looga dhuftay. Inta Gadaal fiiriyay ayuu yiri: yaa igu dhuftay Dhagaxa?.
 
(Aakhiru Samaanka, Marka Doqontu Badato, Dadweynahu iyaga oo u jeedo Cidda Hore dhagaxa ku dhufatay ayeey gadaal fiitiyaan iyaga oo ku leh: Horta yaa Dhagaxa nagu Dhuftay?)

 
Qore: Yahya Amir

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip